TOOS, Iiraan oo Britain uga digtay weerar ay geystaan diyaaradaha B-1 iyo London oo kala baxday diblomaasiyiinteeda

Ilaalada Kacaanka ayaa ka digtay in saldhig kasta oo loo adeegsado in lagu weeraro dhulka Iiraan uu noqon doono “bartilmaameed sharci ah”, kaddib markii Axios ay soo warisay in diyaarad wax duqaysa oo nooca B-1 ah ay ka duushay saldhig ku yaalla Boqortooyada Ingiriiska si ay u garaacdo bartilmaameedyo ku yaalla Iiraan.

Tebin toos ah

  1. Dalalka Carabta oo Cambaareeyay Gelitaanka Wasiir Israa’iili ah Masaajidka Al-Aqsa

    Wasiirka ayaa galay masjidka barakeysan Al-aqsa Ben Gvir

    Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock

    Qoraalka sawirka, Wasiirka ayaa galay masjidka barakeysan Al-aqsa Ben Gvir

    Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga, Isutagga Imaaraadka Carabta, Urdun, Masar, Qatar, Turkiga, Pakistan, iyo Indonesia ayaa soo saaray bayaan ay si adag ugu cambaareeyeen gelitaanka Itamar Ben Gvir, Wasiirka Amniga Qaranka Israa’iil, iyo boqolaal dada deegaanka Israa’iili ah gudaha xarunta Masjidka Al-Aqsa.

    Bayaanka oo la soo saaray fiidnimadii Khamiista ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay tahay xadgudub cad oo ka dhan ah xaaladda taariikhiga ah iyo tan sharci ee Masjidka Al-Aqsa, isla markaana ay tahay fal kicin ah oo aan la aqbali karin, kaas oo horseedi kara sii xumaanshaha xiisadda gobolka.

    Siddeeda dal ayaa sidoo kale adkeeyay:

    • In la ixtiraamo masuuliyadda Urdun ee ilaalinta goobaha barakeysan ee Islaamka iyo Masiixiyadda ee magaalada Qudus.
    • In laga hortago isku day kasta oo lagu beddelayo xaaladda taariikhiga ah iyo tan sharci ee Masjidka Al-Aqsa.
    • In la joojiyo tallaabooyinka hal dhinac ah iyo falalka kicinta ah ee khatar gelin kara amniga iyo xasilloonida gobolka.
    • In la dhowro sharciga caalamiga ah iyo qaraarrada Qaramada Midoobay ee la xiriira magaalada Qudus.

    Bayaankan ayaa la soo saaray kadib markii Itamar Ben Gvir uu boqolaal Israa’iiliyiin ah la galay xarunta Masjidka Al-Aqsa, tallaabadaas oo si weyn u cambaareeyeen Falastiiniyiinta, Urdun, iyo dalal badan oo Carbeed iyo Islaami ah.

  2. Waa maxay sababta Mojtaba Khamenei loogu arkaynin masraxa dadweynaha Iraan?

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, .

    Mojtaba Khamenei maqal iyo muuqa midna laguma haayo. Dadweynaha Iiraan waay yaaban yihiin. Waxaa ka soo wareegatay in ka badan 4 bilood tan iyo markii loo magacaabay hogaamiyaha cusub ee diinta ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ka dib geerida aabihii laakiin ilaa hadda hogaamiyaha cusub ma uusan ka soo muuqan telefishinka, warbaahinta, mana uusan ka qaybgalin wax shir dadweyne ah.

    Waxaa la faafiyay warqado lagu xiriirinayo magaciisa, laakiin cidina ma garanayso meesha uu joogo. Qofna codkiisa ma maqlin, qofna sawirkiisa ma arag, qofna qoraal gacantiisa ku qoran ma arkin.

    Hadda dadku waxay bilaabeen inay maqnaanshihiisa u barbar dhigaan "qarsoonida" Nebiyada iyo qarsoonida Imamkii 12aad ee Shiicada.

    Mudada dheer ee uu u maqnaa ayaa keentay in la faafiyo warar badan oo ku saabsan hogaamiyaha. Xitaa Donald Trump ayaa yiri waxaa dhici karta inuu horey u dhintay. Gudaha Iran, kaliya Madaxweyne Masoud Pezeshkian ayaa sheegay inuu arkay. Saraakiisha dowladda ayaa sheegay in hogaamiyaha cusub ee diinta uu diiday inuu muuqdo sababo la xiriira amniga.

    Waxa ugu dambeeyay ee warbaahintu fiiro gaar ah u yeelatay waa dadaalka dad ay ka mid yihiin Mohammad Mehdi Mirbagheri, oo ah hogaamiyaha xisbiga Paydari, oo sheegaya in maqnaanshaha Mojtaba Khamenei uu caadi ku yahay nidaamka Shiicada. Waxaa loo yaqaanaa "Ghaiba" ama qarsooni.

  3. Ingiriiska oo cambaareeyay weerar ay gaysteen Xuutiyiintu

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriiska ayaa si adag u cambaareysay weerarrada ay Xuuthiyiinta ay Iiraan-taageerto ku qaadeen maraakiibta Sacuudiga, kuwaas oo sababay koror weyn oo ku yimid qiimaha saliidda.

    Wasaaraddu waxay sheegtay in falalkan “aan laga fiirsan” ay khatar gelinayaan nolosha dadka, deegaanka iyo xasilloonida gobolka, islamarkaana ay yihiin xadgudub weyn oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah.

    Ingiriiskuna wuxuu muujiyay garab istaag uu la garab taagan yahay Sacuudi Carabiya, wuxuuna ugu baaqay Xuuthiyiinta in ay joojiyaan weerarrada.

  4. Cabbaas Araqchi oo ka degay Kyrgyzstan

    Iyadoo uu taagan yahay khilaafka u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka, Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan Abbas Araqchi ayaa u safray Kyrgyzstan isaga iyo wafdi la socday si ay uga qayb galaan shir ay leeyihiin wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Shanghai.

    Diyaaradda Mr. Araqchi ayaa ku degtay magaalada Chulpan-Ata ee Kyrgyzstan fiidnimadii Khamiista

    Cabbaas Araqchi

    Xigashada Sawirka, s_a_araghchi

  5. Iiraan oo digniin u dirtay Britain

    Ilaalada Kacaanka ayaa ka digtay in saldhig kasta oo loo adeegsado in lagu weeraro dhulka Iiraan uu noqon doono “bartilmaameed sharci ah”, kaddib markii Axios ay soo warisay in diyaarad wax duqaysa oo nooca B-1 ah ay ka duushay saldhig ku yaalla Boqortooyada Ingiriiska si ay u garaacdo bartilmaameedyo ku yaalla Iiraan.

    Dhanka kale, London ayaa xaqiijisay in ay ka daadgureysay diblomaasiyiintii iyo shaqaalihii ugu dambeeyay ee ku sugnaa Iiraan, sababo la xidhiidha xaaladda amni ee sii xumaanaysa.