TOOS, Trump oo digniintii u dambaysay u diray Iiraan iyo Imaaraatka oo ka digay halis kadib weerarkii warshadda Nukliyeerka

Iiraan dhankeeda waxa ay ku adkaysanaysaa in la aqbalo shuruudaha ay soo bandhigtay

Kooban

Tebin toos ah

  1. Markii xildhibaan Gavin uu kooxda Trump kala hadlay aqoonsiga Somaliland iyo wixii uu kala kulmay

    Gavin

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Gavin

    Sir Gavin Williamson, oo ka mid ah Mudaneyaasha Barlamaanka Ingiriiska, ayaa sheegay in madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka Donald Trump uu qorshaynayo inuu dal madax bannaan u aqoonsado Jahmuuriyadda iskeeda madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

    Xildhibaan Sir Gavin Williamson, oo hore u soo noqday Xoghayaha Difaaca ee UK, kana mid ah xildhibaannada u ololeeya aqoonsiga Somaliland ayaa u sheegay Wargeyska The Independent inuu wada wada hadallo la yeeshay mas'uuliyiin ka dhow dhow madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump, kuwaas oo kala hadlay aqoonsi rasmi ah oo ay hesho Somaliland.

    Xildhibaan Sir Gavin Williamson, waxa uu intaas ku daray inuu kalsooni ku qabo in Madaxweynaha Mareykanka ee la doortay uu ku kalsoonyahay inuu ka dhabayn doono aqoonsiga Somaliland, marka uu xilka la wareego bisha Janaayo ee sanadka soo socda ee 2025-ka "Waa in ay oggolaadaan oo nagu raacaan, inkastoo marka uu xafiiska la wareego Madaxweyne Donald Trump ay u badan tahay in ay qaadan doonto wakhti ka badan inta aanu rajaynayo." Ayuu yidhi Xildhibaan Sir Gavin Williamson oo la hadlayey Wargeyska Wargeyska The Independent, waxaanu intaasi sii raaciyey, "laakiin waxa aanu yeelannay kulamo wanaagsan dadka siyaasaddiisa hormuudka u ah, waanu isfahannay".

  2. Dibedbaxyada Kenya oo bilowday iyo dhowr iskuul oo xiran

    .

    Xigashada Sawirka, NMG

    Qoraalka sawirka, .

    Waxaa qeybo kamid ah dalka Kenya ka bilowday mudaaharaadyo looga soo horjeedo qiimaha shidaalka ee kordhay.

    Dad badan oo ku nool Kenya ayaa maanta caqabado kala kulmay inay tegaan goobahooda shaqo ee kala duwan, kadib markii ay maanta shaqo joojin sameeyeen darawallada gawaarida dadweynaha iyo mootooyinka.

    Darawalladan ayaa shaqa joojintan ku dalbanaya in la dhimo qiimaha shidaalka dalka ee kordhay.

    Dad badan ayaa la arkayay ayagoo waddooyinka lugeynaya, maadaama aanay jirin wax gaadiid ah oo ay raacaan.

    Qiimaha shidaalka ee kordhay ayaa la sheegay inuu uga sii daray qiimaha maciishadda.

    Shaqo joojinta ayaa bilaabatay dhowr maalmood ka dib markii shirkadaha gaadiidka dadweynaha ay ku dhawaaqeen koror boqolkiiba 50 ah.

    Iskuullada ayaa badankood xiran maanta, gaar ahaan deegaannada magaalada Nairobi ee caasimadda dalka.

  3. Maxay yihiin doomaha Iiraan ee laf dhuun gashay ku noqday Mareykanka?

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhawaan sheegay in ciidanka badda ee Iiraan "gabi ahaanba la burburiyay", oo ay ka soo hadheen kaliya "doonyo yaryar oo ay ku rakiban yihiin qoryaha darandooriga u dhaca".

    Si kastaba ha ahaatee, doonyahan yaryar ee dheereeya oo khubaro reer galbeed ah qaar kood u bixiyeen "doonyaha kaneecada" ayaa weli loo arkaa in ay yihiin awood wax ku ool ah.

    Doonyaha noocan ah ayaa bilowgii ka caawinayay Iiraan inay carqalad weyn ku keento marinka badda ee ugu muhiimsan caalamka, kaasi oo ah Marinka Hormuz.

    Sida ay qabaan khubaradu, maamulka Tehraan wuxuu higsanayaa in uu cadaadis saaro dhaqaalaha caalamka isaga oo carqaladaynaya ganacsiga caalamiga ah iyo shixnadaha tamarta si uu Washington ugu khasbo in ay soo afjarto dagaalka ay kula jirto Iiraan.

    Haddaba, waa maxay "doonyaha kaneecada", sidee se u noqon karaan kuwo saamayn weyn leh?

  4. Daawo: Xili labo diyaaradood oo dagaal ay isku dhaceen iyagoo hawada ku jira

    Laba diyaaradood oo dagaal ayaa isku dhacay hawada sare intii lagu jiray bandhig cirka ah oo ka socday dalka Mareykanka, gaar ahaan gobolka Idaho.

    Diyaaradaha oo ahaa nooca EA-18G Growler ee ciidamada badda Mareykanka ayaa isku dhacay xilli ay sameynayeen bandhig hawada ah oo lagu magacaabo “Gunfighter Skies Air Show.”

    Afarta duuliye ee saarnaa labada diyaaradood ayaa si nabad ah uga booday diyaaradaha iyagoo adeegsanaya baarashuudyo, waxaana la sheegay inay xaaladdoodu wanaagsan tahay. Shilka kadib waxaa cirka isku shareeray dab iyo qiiq weyn, halka goobta bandhigga si degdeg ah loo xiray.

    Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in baaritaan lagu sameynayo sababta keentay shilka diyaaradahaas.

    Muuqalka hoos ka daawo.

    Qoraalka Muuqaalka, Daawo: Xili labo diyaaradood oo dagaal ay isku dhaceen iyagoo hawada ku jira
  5. Faa'idada Somaliland ugu jirta aqoonsiga Israa'iil

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Jimcihii ay bisha Disembar 26ka 2025-kii ahayd ayaa lagu baraarugay ictiraafkii ugu horreeyey ee Somalland ay ka heshay dal awood iyo miisaan kuleh fagaarayaasha caalamka.

    Waxaa baraha bulshada ka soo muuqday ra'iisul wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, oo saxiixaya sharci uu dalkiisu ku aqoonsanayo Somaliland. Waxaa kale oo isla xilligaas Khadka ku jiray madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo dhoollo-caddaynaya.

    Wixii intaas ka dambeeyey waxaa iska soo daba dhacayey diidmada iyo aqoonsigaas, mana jirin dal taageero u muujiyey, marka laga reebo Taiwan oo iyada qudheeda sheegata in ay ka go'day Shiinaha, sidaa darteed Israa'iil waxay noqonaysaa dalkii ugu horreeyey ee dal madax banaan u aqoonsada Somaliland.

    Somaliland iyo Israa'iil si furan oo toos ah uma aysan soo bandhigin waxa uu midba kan kale ka doonayo ee xiriirkan iyo aqoonsigan uu ku helayo. Dadka wax indha indheeya waxay aad isha ugu hayaan laba qodob oo Israa'iil dan u ah. Midi waa in ay saldhig ku yeelato badda cas si ay isaga ilaaliso khaatarta kaga imaanaysa Xuutiyiinta. Qodobka labaad oo ah mid aysan Somaliland ilaa hadda ogolaan ah, hase yeeshee jaamacadda carabtu ay sheegtay inuu ku jiro qorshaha Israa'iil ayaa ah in ay hesho dhul la dejiyo falastiiniyiinta ka dib marka la soo musaafuriyo.

    Dhanka Somaliland kama aysan hadlin waxa danta u ah ee ay ku helayaan heshiiskan marka laga reebo in ay Israa'iil aqoonsatay.

  6. Xuska 18 May iyo qodobo maanta la filayo

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland ayaa maanta u dabaal dageysa xuska 18-ka May.

    Magaalooyinka waaweyn sida Hargeysa, Burco iyo kuwo kale durbaba waxaa ka bilowday dabaaldegyo.

    Safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiisan doona dal shisheeye ayaa maanta waraaqihiisa diblomaasiyadeed u gudbin doona Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, sida laga soo xigtay Xafiiska Madaxweynaha.

    Warkan waxaa sidoo kale qoray warbaahinta Israa’iil ee The Times of Israa’iil.

    Somaliland ayaa bartamihii bishii Febraayo Maxamed Xaaji u magacaawday safiirkeedi u fadhin doona Israa’iil.

    Israa'iil dhankeeda waxay bartamihii bishii April magacawday safiirkeedi ugu horreeyay ee Somaliland.

    Michael Lotem ayaa loo magacaabay safiir ma-degane ah oo qaabilsan Somaliland, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Israa'iil.

    Madaxweyne Cirro ayaa khudbad jeedin doona maanta, kaas oo la filayo inuu kaga hadlo waxyaabo badan.

    Waxaa kamid ah oo wararka qaar ay sheegayaan, inuu ku dhawaaqi doonbo guuddi ka shqeyn doona aqoonsi raadinta.

    Xildhibaan Sir Gavin Williamson, oo ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska isla markaana muddo u ololeynayay aqoonsiga Somaliland ayaa lagu soo warramayaa inuu ku sugan yahay Somaliland.

    Halkan kala socda wixii soo kordha.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  7. War deg deg ah, Amnesty International oo ka hadashay sannadkii ugu badnaa xukunada dilka, kadib 40 sano

    Ururka Amnesty International ayaa sheegtay in tirada xukunnada dilka ah ee dunida laga fuliyay sannadkii hore ay ahayd tii ugu badnayd muddo ka badan afartan sano.

    Kooxda xuquuqda aadanaha u dooda waxay sheegtay in kororkaasi uu si weyn uga yimid dhanka Iran.

    WARBIXINO KALE

  8. War deg deg ah, Kadib weerarkii Imaaraatka, Sacuudiga oo lagu weeraray diyaarado

    Wasiirka difaaca Sacuudi Carabiya ayaa sheegay saddex diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) oo kasoo kacay saldhig ku yaala Ciraaq ay ka hortageen ayna burburiyeen.

    Afhayeenka wasaaradda Major General Turki al-Maliki ayaa sheegay inay wasaaraddu qaaday talaabadaasi iyada oo xaq u leh inay ka jawaabto.

    Waxaa uu shilkan kusoo beegmayaa iyada oo diyaarad aan duuliye lahayn lagu beegsaday warshad tamarta nukliyeerka ee Abu Dhabi, taasi oo Imaaraatku si adag u cambaareeyay.

    WARBIXINO KALE

  9. Maxay yihiin doonyaha yaryar ee Iiraan ee dhuunta u galay Maraakiibta Maraykanka?

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhawaan sheegay in ciidanka badda ee Iiraan "gabi ahaanba la burburiyay", oo ay ka soo hadheen kaliya "doonyo yaryar oo ay ku rakiban yihiin qoryaha darandooriga u dhaca".

    Si kastaba ha ahaatee, doonyahan yaryar ee dheereeya oo khubaro reer galbeed ah qaar kood u bixiyeen "doonyaha kaneecada" ayaa weli loo arkaa in ay yihiin awood wax ku ool ah.

    Doonyaha noocan ah ayaa bilowgii ka caawinayay Iiraan inay carqalad weyn ku keento marinka badda ee ugu muhiimsan caalamka, kaasi oo ah Marinka Hormuz.

    WARBIXINO KALE

  10. War deg deg ah, Sida drones-ka Iiraan ay u beddeleen awoodda dagaalka

    Diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee Shahed 136

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee Shahed 136

    Intii uu socday dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Isra'iil oo dhinac ah iyo dhanka kale Iiraan ayaa khabiir ka faalooda arrimaha milatariga oo la ydhaahdo Akram Khareef waxa uu daabacay buuggiisa Markhaatiga Dahsoon, kaas oo uu ku sharaxayo asalka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan. Wuxuu sidoo kale iftiiminayaa istaraatiijiyadda ay Iiraan u adeegsatay inay kaga hortagto cunaqabataynta Mareykanka islamarkaana ay ku xoojiso awooddeeda milatari ee caalamka.

    Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan ayaa si joogto ah laga arkaa hawlgallada Hezbollah ee xadka Isra'iil. Sidoo kale waxaa adeegsada Xuutiyiinta dalka Yemen. Bishii Sebteembar 2022, dunida ayaa la yaabtay wararka sheegaya in Iiraan ay siisay Ruushka tiknoolajiyadda diyaaradaha drones-ka.

    Sidee ayay waddan muddo 40 sano ah ku jiray cunaqabatayn ugu suurtagashay in uu gaadho dhammaan arrimahaas?

    WARBIXINO KALE

  11. Sacuudiga oo cambaareeyay weerarka drone-ta ee warshadda Nukliyeerka UAE

    Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa lagu cambaarayay weerarka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee maanta lagu qaaday warshadda nukliyeerka korontada Imaaraatka Carabta.

    Qayb kamid ah warshada Barakah nuclear power ayaa dab ka kacay, kadib weerarkaasi drone-ta.

    Goor sii horay ayaa Isutagga Imaaraatka Carabta ay ugu yeereen weerarka mid argagixiso, oo xiisad ka dhalinayso gobolka.

    WARBIXINO KALE

  12. War deg deg ah, Somaliland oo cambaaraysay weerar lagu qaaday Nukliyeerka Imaaraatka Carabta

    Calanka Somaliland

    Xigashada Sawirka, Baraha Bulshada

    Qoraalka sawirka, Calanka Somaliland

    Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa lagu cambaareeyay weerar loo adeegsaday diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee Drone.

    Somaliland ayaa ku tilmaantay weerarkaasi ‘’mid khatar ku ah nabadda, xasiloonida gobolka iyo madaxbannaanida dalka Imaaraatka Carbta’’

    Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa garab istaag loogu muujiyay UAE iyo shacbkeeda.

    UAE iyo Sacuudi Carabiya ayaa goor sii horaysay cambaareeyay weerarka drone-ta loo adeegsaday ee lagu qaaday warshadda nukliyeerka korontada Imaaraatka carabta.

    WARBIXINO KALE

  13. War deg deg ah, Trump: Iran wax u hari doona ma jiraan haddii aysan degdeg talaabo u qaadin

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa barta X ee horay loo oran jiray Twitter kusoo qoray iyada oo aan sharaxaad la socon, in Iiraan aan waxba looga tagi doonin oo haddii ‘’aysan degdeg talaabo u qaadin, aysan jirin wax u hari doona’’.

    Hadda, Wasiirka Arrimaha dibadda Pakistan oo ah dalka dhexdhexaadinaya labada dal ee Maraykanka iyo Iiraan ayaa kula kulmay Tehran Baqer Qalibaf iyo Masoud Pezhikian.

    Afhayeenka guddiga siyaasadda dibadda iyo amniga qaranka ee baarlamanka Iiraan ayaa yiri maanta: ‘’Maraykanka waa inuu aqbalaa midkood shuruudaha jamhuuriyadda iiraan oo uu isu dhibaa diblomaasiyiintayada ama Iiraan waxa ay wada xoojoodka ka galaysaa boos xoog uuna isu dhiibaa gantaaladayada’’.

    Waxa uu sheegay Iiraan ‘’kama laabanayso mid kamid ah shuruudaheeda.