TOOS , Xamaas oo sheegtay in isku daygii Israa’iil ay ku doonaysay inay ku disho wiilka Khalil al-Hayya uu fashilmay

Xamaas ayaa sheegtay in isku day ay Israa’iil ku doonaysay inay disho Cizzudiin al-Hayya, oo ah wiilka Khalil al-Hayya, oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha kooxda, uu fashilmay

Kooban

Tebin toos ah

  1. Kooxaha jihaad-doonka caalamka sida al-Shabaab ma fashilmeen, mise istaraatijiyaddooda oo keliya ayay beddeleen?

    Alshabaab

    Bariis, baasto, sonkor, saliidda cuntada lagu karsado iyo digir ma aha waxyaabaha aad filayso in lagu arko dacaayadaha kooxaha jihaad doonka ah. Hase yeeshee, agabkan ayaa ka mid ahaa raashin ay garabka Al-Qaacida ee Soomaaliya, Al-Shabaab, sheegtay in hay'ad samafal oo ay leeyihiin ay bishii Agoosto u qaybisay boqollaal qoys oo dhibaatooyin nololeed haystaan.

    Kooxdu waxay gargaarkaas ku baahisay baraha ay bulshada ku wada xiriirto iyo idaacaddeeda.

    Al-Shabaab, oo maamusha qaybo badan oo ka mid ah miyiga koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, ayaa sannadka 2026 si weyn u soo bandhigaysay waxa ay ku tilmaamayso hawlaheeda samafalka.

    "Alle ha ka abaalmariyo," ayay tiri haweeney deegaanka ah oo ka dhex muuqatay mid ka mid ah muuqaallada Al-Shabaab.

    Tallaabooyinkan ayaa qayb ka ah dadaalka kooxda ay ku doonayso inay ku kasbato taageerada bulshada deegaanka, isla markaana ay isu muujiso inaysan ahayn oo keliya koox jihaad doon ah.

  2. Imaaraadka Carabta oo loo fasaxay filimada anshax xumada

    .

    Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa go'aansatay in hadda wixii ka billowda filimada loogu talo galay dadka waaweyn aan la xakameyn doonin, markii shaleemooyinka laga sii deynayana shuruud looga dhigi doono oo kaliya in da'da dadka la fiiriyo, qof walba oo 21 jir ah ama ka weynna loo fasixi doono.

    Wasaaradda Dhaqanka, Dhallinyarada iyo Shuruucda Warbaahinta ayaa sheegtay in ilaalinta da'da ee ku asteysan 21 la hirgeliyay laga billaabo 19-kii bsihii December, taasoo ka dhigan in dadka da'daas leh ay daawan garaan filimada aan oo aan waxba laga jarin.

    Bayaanka kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu qeexay in filimada caalamiga ah laga daari doono shaleemooyinka, hase ahaatee aad loo adkeyn doono sharciga da'da, sida uu qoray wargeyska dowladda Imaaraadka.

  3. War deg deg ah, "Guriga qiyaamaha" maxaa keenay arrinkaan yaase ka dambeeya?

    .

    Iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha iyo colaadaha ballaaran ee ka jira meel badan oo adduunka ah ayay shirkadaha dhismaha guryaha waxay bilaabeen inay horumariyaan qorshe ku habboon in la helo aag looga dhuuman karo khatarta ku xeeran.

    Guryahan ayaa loogu talogalay inay dadku helaan guryo ammaan ah oo ay muddo dheer ku noolaadaan, ugana nabad galaan khataraha oo dhan, taas oo ku kacaysa adduun lacag oo malaayiin doolar dhan.

    Warbixintaan oo BBC-du horey u baahisay, iyadoo dhameystiran hoos ka sii akhri.

  4. War deg deg ah, Diyaarado Mareykanku leeyahay oo baallaha isku dhuftay xilli ay duulayeen

    Diyaarad

    Shilkan ayaa dhacay abbaare 5:10 galabnimo waqtiga maxalliga ah ee Jimcihii, xilli labada diyaaradood ay ku sii jeedeen dhabaha ay diyaaraduhu ka duulaan.

    Maamulka Duulista Hawada ee Maraykanka ee Faa, ayaa xaqiijiyay dhacdadan. Shirkadda American Airlines ayaa sheegtay in garabka mid ka mid ah diyaaradaha uu ku dhacay garabka diyaaradda kale, balse aanu jirin qof wax ku noqday.

    Faa, ayaa sheegtay inay baaritaan ku samayn doonto dhacdada.

    American Airlines ayaa intaas ku dartay in labada diyaaradood dib loogu celiyay halkii ay rakaabka ka qaadi lahaayeen, isla markaana shaqada laga joojiyay si kooxaha farsamadu u baaraan.

    Faa, waxay sheegtay in garabka diyaaradda Flight 638 uu ku dhacay garabka diyaaradda Flight 2152, xilli ay ku sii jeedeen dhabaha ay diyaaraduhu ka haadaan.

    Dhacdadan ayaa ka dhacday isla garoonkii ay bishii Janaayo 2025 isku dhaceen diyaarad rakaab ahayd iyo helikobtar milatari oo Maraykanka laga leeyahay, shilkaas oo ay ku dhinteen 67 qof.

  5. War deg deg ah, Xuutiyiinta oo si joogta ah gantaallo ugu weerara Sacuudiga

    Dagaalka Yemen iyo Sacuudiga

    Isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa Sabtidii sheegay inuu soo riday gantaal nooca cruise-ka ah oo lagu bartilmaameedsaday caasimadda dalkaas ee Riyad.

    Warkan ayaa soo baxay kaddib markii warbaahinta Xuutiyiinta ay baahisay warar ku saabsan weerarro ay Sacuudigu ka geysteen Yemen.

    Afhayeenka isbahaysiga, Turki al-Maliki, ayaa bartiisa bulshada ee X ku qoray in nidaamka difaaca cirka uu qabtay oo burburiyay gantaal ay Xuutiyiintu ku soo rideen gobolka Riyad.

    Dhanka kale, warbaahin xiriir la leh Xuutiyiinta ayaa horay u sheegtay in siddeed guri iyo saddex dukaan ay waxyeello ka soo gaartay weerar ay ciidamada Sacuudigu ka geysteen xaafadda la deggan yahay ee Bir Abu Shamlah, degmada Tahrir ee magaalada Sanca, isla markaana ay ku dhaawacmeen 13 qof.

  6. War deg deg ah, Degdeg: Xamaas oo ku dhawaaqday inuu fashilmay weerar lagu dili rabay wiilka Khalil al-Hayya

    Gaza

    Xamaas ayaa sheegtay in uu fashilmay isku day ay Israa’iil ku doonaysay inay ku disho Cizzudiin al-Hayya, oo ah wiilka Khalil al-Hayya, oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha kooxda.

    Bassem Naim, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas, ayaa sheegay in ciidanka Israa’iil ay waaberigii hore weerar ku qaadeen Cizzudiin al-Hayya iyo qoyskiisa, xilli ay ku sugnaayeen Marinka Gaza.

    Mr Naim ayaa sheegay in dhowr qof ay ku dhaawacmeen weerarka, balse aanu jirin qof ku dhintay.

    Cizzudiin ayaa ah wiilka keliya ee u nool Khalil al-Hayya. Afartiisa carruur ah ee kale ayaa waxaa dilay ciidamada Israa’iil.

    Hammam, oo mataan la ahaa Cizzudiin al-Hayya, ayaa lagu dilay duqeyn ay Israa’iil sannadkii 2025 ka fulisay dalka Qadar, taas oo lagu bartilmaameedsaday hoggaamiyeyaal ka tirsan Xamaas.

    Milatariga Israa’iil ayaan weli ka hadlin warkan.