Iiraan oo diidday soo-jeedinta Cumaan ee ku saabsan maamulidda Marinka Hormuz

Cumaan waxay soo jeedisay heshiis cusub oo heer gobol ah oo lagu xallinayo khilaafka ka taagan marinka istaraatiijiga ah, kaas oo qiyaastii shan meelood meel (20%) shidaalka caalamka iyo gaaska dabiiciga ah ee la dareereeyay (LNG) ay mari jireen ka hor intii aysan Maraykanka iyo Israa'iil weerarin Iiraan bishii Febraayo.

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Trump: "Waa markeennii aan Iiraan ku duqeyn lahayn"

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa mar kale Arbacadii Aqalka Cad ka sheegay inuu Iiraan ku qaadi doono weerar culus.

    Isagoo ka hadlayey weerarkii gantaallada ee ay Iiraan habeenkii Talaadada ku qaaday saldhig ciidan oo Maraykan leeyahay oo ku yaalla Urdun, ayuu mar kale ku dhawaaqay in "weerar culus uu Iiraan sugayo."

    Trump ayaa su'aalo ay weriyeyaashu weydiiyeen kaga jawaabay in Washington ay eegi doonto in mustaqbalka heshiis la gaadhi karo iyo in kale, balse wuxuu yidhi: "Si adag u duqeyn doonnaa, maxaa yeelay hadda waa markeennii aan iyaga ku duqeyn lahayn."

    Donald Trump wuxuu sheegay in Iiraan ay "ogtahay in weerarkan uu soo socdo," isagoo intaas ku daray in masuuliyiinta Iiraan ayka "codsanayaan in aan la fulin." weeraradaas

    Waxa kale oo uu sheegay in dhammaan gantaalladii lagu soo riday bartilmaameedyada Maraykanka la qabtay oo la fashiliyey.

    Trump ayaa sidoo kale sheegay in loo gudbiyey warbixin faahfaahsan oo ku saabsan weerarkii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu qaaday maraakiibta shidaalka ee ku sugnaa xeebaha Masar.

    Saacado ka hor, Madaxweynaha Maraykanka ayaa wareysi uu siiyey Fox News ku sheegay inuu Iiraan ku qaadi doono weerar aad u culus.

  2. War deg deg ah, Iiraan oo xidhay tuhmanayaal lagu eedeeyay dilka laba xubnood oo ka tirsan ciidamada Basij

    Ciidanka Iiraan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Wakaaladda wararka ee Mizan, oo xidhiidh la leh garsoorka Iran, ayaa sheegtay in ciidamada sirdoonka Iran ay xidheen tuhmanayaal lagu eedeeyay dilka laba xubnood oo ka tirsanaa ururka Basij ee magaalada Mashhad.

    Xassan Hemmatifar, dacwad-oogaha magaalada Mashhad, ayaa sheegay in saraakiisha sirdoonka, iyagoo kaashanaya baadhayaasha booliiska, ay aqoonsadeen kadibna xidheen tuhmanayaasha. Wuxuu intaa ku daray in baadhitaannada arrintan la xidhiidha ay weli socdaan.

    Warbixintu ma sheegin tirada saxda ah ee dadka la xidhay.

    Ku dhowaad labaatan maalmood ka hor, Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa ku dhawaaqay in laba xubnood oo Basij ah lagu toogtay laguna dilay iyagoo roondo ka waday duleedka magaalada Mashhad.

  3. War deg deg ah, Doolarku oo hoos dhacay iyo qiimaha shidaalka oo kacay kadib weerarradii Ciraaq

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, BBC Somali
    Doolar iyo Shidaal

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Doolarka Maraykanka ayaa wax yar hoos u dhacay Arbacadii, hase yeeshee wuxuu ku sii jiray heerarkii uu maalmihii u danbeeyay uu kaga jiray lacagaha waaweyn ee caalamka.

    Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo maalgashadayaashu sugayaan go’aanka Bangiga Dhexe ee Maraykanka ee ku saabsan dulsaarka, halka qaar ka mid ah falanqeeyayaashuna ay suuragalnimada kordhinta dulsaarka weli meesha ka saarin.

    Dhanka kale, qiimaha shidaalka ayaa sare u kacay kadib markii colaadihii Bariga Dhexe ay dib u soo cusboonaadeen, isla markaana Maraykanka iyo Sacuudigu ay si wadajir ah weerarro ugu qaadeen kooxo ay Iiraan taageerto oo ku sugan Ciraaq.

    Si kastaba ha ahaatee, isbeddellada suuqa sarifka lacagaha ayaa ahaa kuwo kooban, maadaama maalgashadayaashu ay ka fogaadeen macaamillo waaweyn iyagoo sugaya go’aanka Guddiga Suuqa Furan ee Bangiga Dhexe ee Maraykanka.

    Suuqyadu waxay hadda qiimaynayaan in ay jirto fursad dhan 36% oo ah in dulsaarka la kordhiyo.

    Tusmada cabbirta qiimaha doolarka ee lagu barbar dhigo lix lacagood oo waaweyn ayaa hoos u dhacday 0.04%, iyadoo gaartay 101.38.

    Kyle Chapman, oo ah falanqeeye ku takhasusay suuqyada lacagaha ee shirkadda Bollinger Group ee magaalada London, ayaa sheegay in ay “aad u adag tahay” in la saadaaliyo natiijada kulanka maanta ee Bangiga Dhexe ee Maraykanka.

    Wuxuuna intaas ku daray in waxa ugu macquulsan ay tahay in dulsaarka aan wax laga beddelin, balse hadallada bangigu ay muujin doonaan mowqif adag oo ku aaddan siyaasadda lacagta.

    Lacagta Yuuro ayaa kor u kacday 0.03%, iyadoo gaadhay $1.138875. Lacagta Istarliinka ee Ingiriiska ayaanay wax weyn iska beddelin, waxayna taagnayd $1.32925, inkastoo ay weli ku dhowdahay heerkii ugu hooseeyay ee ay gaartay tan iyo 1-dii Luulyo.

    Sidoo kale, doolarka Kanada ayaa 0.2% ku xoogaystay marka loo eego doolarka Maraykanka.

  4. Tomahawk, Patriot and THAAD: saddexda hub ee muhiimka ah ee ka dhamaanaya Maraykanka

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ka hadlayay Shir-madaxeedka Difaaca iyo Hal-abuurka ee Pennsylvania horraantii bishan—isagoo ay goobjoog ka ahaayeen madaxda sare ee qaar ka mid ah shirkadaha difaaca ee ugu waaweyn Mareykanka—wuxuu maskaxda ku hayay hal farriin: soo-saara hub badan, si degdeg ahna u sameeya.

    Munaasabaddan, Trump wuxuu ku boorriyay shirkadaha difaaca Mareykanka inay u baahan yihiin "xawaare dheeraad ah."

    Xilligii Trump uu hadalkan jeedinayay, waxaa sidoo kale goobjoog ahaa Xoghayaha Difaaca Mareykanka (oo loo yaqaan Xoghayaha Dagaalka) Pat Hegseth.

    Maamulka Trump ayaa dhacdadani ku tilmaamay inay qayb ka tahay istiraatiijiyad lagu soo nooleynayo warshadaha Mareykanka, laguna xoojinayo awoodda dagaal ee dalka.

    Si kastaba ha ahaatee, intii lagu guda jiray xafladdaas laguma shaacin inta laga isticmaalay iyo inta ka hartay kaydka ballaaran ee hubka Mareykanka ee adag in la soo saaro, intii lagu guda jiray hawlgalladii milateri ee ku aaddanaa Iran—sida hawlgalkii 'Epic Fury' horraantii sanadkan iyo weerarradii xigay—kuwaas oo socday muddo ku dhow 40 maalmood.Halkan ka akhri warbixintan oo faahfaahsan

  5. Trump oo markale ku hanjabey in uu si daran u weerari doono Iiraan

    .

    Xigashada Sawirka, EPA

    Fox News ayaa baahisay in Madaxweyne Donald Trump uu sheegay in Maraykanku uu "si aad u xooggan" u duqayn doono Iiraan, kadib markii dalkaasi gantaallo ku weerareen saldhigyada ciidamada Maraykanka ee ku yaalla Urdun.

    Fox News waxay Trump ka soo xigatay: "Si adag ayaan u garaaci doonnaa. Waxay ka shallayn doonaan go'aankooda."

    Warbaahintu waxay intaa ku dartay in madaxweynaha Maraykanku uu adeegsaday hadallo adag si uu u muujiyo hanjabaaddiisa, isagoo yiri: "Waxaan garaaci doonnaa ka hor inta aysan wax kale samayn."

    Fox News ayaa sidoo kale, iyada oo Trump soo xiganaysa, in ay dhaceen weerarro cirka ah oo ay si wadajir ah u fuliyeen Maraykanka iyo Sacuudiga, kuwaas oo lagu beegsanayo maleeshiyaad ay Iiraan taageerto oo ku sugnaa gudaha Ciraaq.

    Hadalladan loo aanaynayo Trump ayaa yimid xilli xafiiska madaxweynaha Ciraaq uu cambaareeyay weerarrada Maraykanka iyo Sacuudiga, kuna tilmaamay "xadgudub cad oo ka dhan ah madaxbannaanida Ciraaq."

  6. Maxay dadka jirka dhisa qaarkooda da'yaraan ugu dhintaan?

    Horraantii bishan, Mileson Araujo ayaa soo dhigay sawir isagoo ku sugan goobta jimicsiga (gym-ka) sida uu caadada u ahayd. Sawirka ayaa muujinayay jirkiisa, kaas oo ka dhigay ciyaaryahan xirfadle ah oo ku takhasusay dhismaha jirka iyo qof saameyn ku leh dhanka faya-qabka, isagoo leh tobanaan kun oo taageerayaal ah.

    Wuxuu xirnaa funaanad garan casaan ah, wuxuuna soo bandhigayay gacmihiisa waaweyn oo xooggan, isagoo u ekaa geesi wayn.

    Saacado yar ka dib, ninkan u dhashay dalka Brazil oo 35 jir ahaa ayaa geeriyooday ka dib markii uu xanuunsaday isagoo ku sugan gurigiisa oo ku yaalla gobolka Bahia, ee waqooyi-bari Brazil.

    Inkastoo aan weli la xaqiijin sababta rasmiga ah ee dhimashada Araujo, haddana wuxuu ka mid yahay jirdhisayaasha badan oo dhismaha jirka ku caan baxay oo si lama filaan ah u dhintay.

  7. Kooxda caanka ah BTS oo ka soo horjeestay bandhigga caanka ah Grammy

    .

    Xigashada Sawirka, Amy Sussman / Getty Images

    Kooxda caanka ah ee musigga Pop-ka ee ka dhisan dalka Kuuriyada Koonfureed ee BTS ayaa ku dhowaaqday inaysan heesahooda u tartami doonin Abaalmarinta Grammy ee sannadka 2027.

    Warkan ayaa ku soo baxay qoraal isku mid ah oo dhammaan toddobada xubnood ee kooxdu ay si wada jir ah ugu daabaceen bahaooda Instagram-ka.

    "Waxaan go'aansannay in aannaan sannadkan ka qaybgalin Abaalmarinta Grammys," ayaa lagu yiri tarjumaadda warsaxaafadeedkooda. "Waxaan rajaynaynaa in musigga loo dhageysto oo loo jeclaado sida uu yahay, halkii loo qaybin lahaa gobol ama luqad."

    Kooxda ayaa si weyn looga filayay inay ku tartamaan qaar ka mid ah qaybaha ugu waaweyn ee Grammys, oo uu ka mid yahay Albamka Sannadka, ka dib markii albamkooda cusub ee Arirang uu noqday mid ka mid ah kuwa ugu iibka badan sannadka.

    Heesta qaybta ka ah ee Swim, oo noqotay heesta ugu dhegaysiga badan ee dalka Mareykanka, ayaa iyana loo saadaalinayay inay u tartanto Heesta Sannadka.

  8. Ghana oo badi xaalad koronta la'aan ah wejahaysa

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Cilad weyn ayaa ku timid shabakadda korontada ee dalka Ghana ayaa sababtay mugdi ballaadhan oo saameeyay inta badan dalkaas, iyadoo ay koronto la’aan noqdeen caasimadda Accra, magaalada ganacsiga ee Kumasi, iyo inta badan gobollada waqooyiga.

    Shirkadda dawladda u qaabilsan qaybinta korontada ayaa sheegtay in tiro ka mid ah koronto dhaliyayaashii gobolkan ku yaalla Afrikada Galbeed a ay khasab ku noqotay inay shaqada joojiyaan saacadihii hore ee subaxnimadii Arbacada.

    "Injineerada iyo hawl-wadeennada shabakaddu waxay si joogto ah u shaqaynayaan si korontada loo soo celiyo, sida ugu dhakhsaha badan uguna habboon iyadoo la dhawrayo ammaan iyo bedqabka" ayay tiri Shirkadda Korontada ee Ghana (GRIDCo)

    Ghana waxay sannado badan la tacaalaysay koronto la’aan joogto ah — oo loo yaqaan "dumsor", oo macnaheedu yahay "dami oo shid" afka Akan-ka — inkasta oo xaaladdu ay ka wanaagsan tahay sidii hore.

    Koronto la’aanta Arbacadii ayaa keentay in guryo, ganacsiyo, iyo adeegyada aasaasiga ah ay koronto la’aan la dhibtoodaan ilaa dhawr gobol oo dalkaas ka mid ah.

  9. Shan askari oo Kenyaan ah oo lagu dilay weerar ka dhacay Mandheera

    Shan askari oo ka tirsan ciidammada amniga Kenya ayaa lagu dilay dagaal dhexmaray iyaga iyo kooxda Al-Shabaab. Dagaalkani wuxuu ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee gobolka Mandheera, oo ku dhow xadka Soomaaliya, xilli ay ciidammadu ku jireen kormeer subaxnimadii Talaadada.

    Ciidamada Kenya ayaa bilaabay hawlgal ay ku fashilinayaan kooxdaas oo weerarka soo qaaday. Qarax nooca waddada la dhigo ah, kaas oo lagu dhuftay gaadhi gaashaaman oo ciidanka gurmadka ah, kaas oo burburay.

    Kooxda Al-Shabaab ayaa sannado badan dagaal kula dawlada geeska, waxayna weerarro joogto ah ka geystaan deegaannada xadka ku dhow sida Mandheera iyo Garissa, iyaga oo bartilmaameedsada ciidammada iyo dadka rayidka ah.

  10. Maraykanka iyo Sucuudiga oo weeraray koox Iran taageerto oo Ciraaq ka dhisan

    Maraykanka iyo Sacuudi Carabiya ayaa weeraro ka geystay Ciraaq ay ku beegsadeen maleeshiyaad ay Iran taageerto, taas oo muujinaysa sii kordhinta suurtagalka ah ee colaadda Bariga Dhexe.

    Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka (Centcom) ayaa sheegay in weerarada lagu beegsaday "kooxo argagixiso ah oo Iran ku xiran, kuwaas oo Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC) ay ku amreen inay weeraraan ciidamada Maraykanka iyo kaabayaasha tamarta ee Sacuudi Carabiya".

    Hadafka Mobilization Forces (PMF) ee Ciraaq, oo ah koox awood badan oo ay u badan yihiin maleeshiyaadka Shiicada ah ee ay Iran taageerto, ayaa sheegay in ugu yaraan 20 ka mid ah xubnahooda ay ku dhinteen weerarada wadajirka ah ee US iyo Sacuudiga ay ku qaadeen fariisimadooda.

    Arrintan ayaa timid saacado ka dib markii Centcom ay sheegtay inay Iran gantaallo ku tuurtay ciidamada Maraykanka ee Bariga Dhexe.

  11. Koonfur Afrika oo wajahaysa shaqaale yaraan ka dib markii ay ka qaxeen muhaajiriinta

    Koofur Afrika

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Koonfur Afrika waxay wajahaysaa yaraanta shaqaalaha kadib markii in ka badan 160,000 oo muhaajiriin ah ay dalka ka baxeen, sababo la xiriira weerarro lagu beegsaday iyo mudaaharaadyo looga soo horjeeday arrimaha la xiriira socdaalka.

    Xaaladdan ayaa bilowday inay saameyn ku yeelato waaxaha sida beeraha, dhismaha, shaqada guryaha, iyo warshadaha wax-soo-saarka, halkaas oo loo-shaqeeyayaashu ay la tacaalayaan yaraanta shaqaale beddeli kara kuwii dalka ka tegay.

    Beeraleyda iyo milkiilayaasha warshadaha ayaa sheegay in bixitaanka shaqaalaha ajaanibta ah ee xirfadda leh uu halis gelinayo wax-soo-saarkooda, halka ururrada shaqaaluhuna ay ku eedeeyeen qaar ka mid ah shirkadaha inay door bidaan shaqaalaha ajaanibta ah maaddaama mushaharkoodu uu ka hooseeyo kan muwaadiniinta.

    Hadda, dowladda dalka ayaa raadinaysa sidii ay isu dheellitiri lahayd baahida loo qabo in shaqooyin loo abuuro muwaadiniinta iyo baahida ay qabaan waaxaha kale ee ku tiirsan shaqaalaha ajaanibta ah.

    Dad badan oo dalka ka baxay ayaa sheegay inay sidaas u sameeyeen cabsi ay ka qabeen weerarrada lagu beegsanayo ajaanibta iyo tallaabooyinka adag ee ay ciidamada ammaanku ka qaadayeen dadka aan haysan dukumentiyada sharciyeysan ee degganaanshaha.

    Warar dheeraad ah:

  12. Al-Shabaab oo looga shakisan yahay inay saraakiil ku dileen gudaha Kenya

    Mandera

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Shan sarkaal oo ka tirsan ciidamada ammaanka Kenya ayaa la dilay maalintii Talaadada kadib markii kooxda roondada ay saarnaayeen ay weerar ku qaadeen maleeshiyaad looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, gudaha degmada Mandera, oo ku dhow xadka Kenya iyo Soomaaliya, sida ay booliisku sheegeen.

    Saraakiishu waxay roondo ka wadeen deegaanka Biyo-xireenka Wantey markii ay la kulmeen maleeshiyaadka looga shakisan yahay al-Shabaab, wax yar kadib duhurnimadii. Sida ku xusan warbixin booliis, saraakiisha ayaa lagu dilay israsaasayn dhex martay iyaga iyo xubno ka tirsan kooxda xagjirka ah ee al-Shabaab oo saldhiggeedu yahay Soomaaliya.

    "Koox roondo ah oo ka tirsan SOG Alungu ayaa la kulantay maleeshiyaad Al-Shabaab ah deegaanka guud ee Biyo-xireenka Wantey, qiyaastii lix kiiloomitir dhinaca koonfur-bari uga beegan saldhigga. Intii uu socday iska horimaadka, saraakiisha hoos ku xusan ayaa si daran u dhaawacmay," ayaa lagu yiri warbixinta.

    Booliisku waxay sheegeen in koox gurmad ah oo loo diray goobta ay markii dambe haleeleen walax qarax oo waddada lagu aasay (IED), taas oo burburisay gaari gaashaaman. Si kastaba ha ahaatee, lama soo sheegin khasaare naf oo dheeraad ah.

    Saraakiisha la dilay waxaa ka mid ahaa afar askari oo ka tirsan Booliiska Maamulka iyo hal askari oo ka tirsanaa Kaydka Booliiska Qaranka.

    Degmada Mandera, oo ku taalla xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya, ayaa marar badan noqotay bartilmaameed weerarro xuduudda ka gudba oo loo aaneeyo maleeshiyaadka al-Shabaab.

    Weerarkan ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan weerarrada gaadmada ah iyo qaraxyada miinooyinka waddooyinka lagu aaso ee lagu beegsanayo ciidamada ammaanka gobolka waqooyi-bari ee Kenya, halkaas oo ciidamada ammaanku ay weli kula dagaallamayaan dagaalyahannada al-Shabaab ee ka howlgala agagaarka xadka.

  13. Iran oo diidday soo-jeedinta Cumaan ee ku saabsan maamulidda Marinka Hormuz

    Hormuz

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Tehraan ayaa diidday soo jeedintii Cumaan ee ku saabsanayd in si wadajir ah oo heer gobol ah loo maamulo Marinka Hormuz, sida uu sarkaal sare oo Iiraan u dhashay u sheegay Reuters Arbacadii. Tani waxay meesha ka saartay rajadii laga qabay in xal laga gaaro ismariwaaga hakiyay ganacsiga Khaliijka muddo bilooyin ah.

    Cumaan waxay soo jeedisay heshiis cusub oo heer gobol ah oo lagu xallinayo khilaafka ka taagan marinka istaraatiijiga ah, kaas oo qiyaastii shan meelood meel (20%) shidaalka caalamka iyo gaaska dabiiciga ah ee la dareereeyay (LNG) ay mari jireen ka hor intii aysan Maraykanka iyo Israa'iil weerarin Iiraan bishii Febraayo.

    Si kastaba ha ahaatee, Tehraan ayaa diidday soo jeedintii Cumaan ee ahayd in si wadajir ah oo heer gobol ah loo maamulo Marinka Hormuz, iyadoo sheegtay in qorshahaasi aanu lahayn wax fursad ah oo uu ku guulaysan karo.

    Sarkaalka ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in Maraykanka iyo Sacuudiga ay isku dayayaan inay ku cadaadiyaan Cumaan sidii ay u hirgelin lahayd waxa uu ku tilmaamay "qorshayaal aan macquul ahayn" oo la xiriira marinka istaraatiijiga ah. Wuxuu intaas ku daray in Iiraan ay ku adkaysanayso in dhammaan marinka ay maraakiibtu ku soo galaan Marinka Hormuz iyo qayb ka mid ah marinka ay kaga baxaan ay noqdaan kuwo ay Iiraan gacanta ku hayso.

    Sarkaalku wuxuu sheegay in nidaam maamulka wadajirka ah ee 50-50 ah ee u dhexeeya Iiraan iyo Cumaan aanu dan u ahayn Iiraan, inkasta oo Tehraan ay Cumaan u aragto deris muhiim ah oo qiimo weyn leh.

    Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa Arbacadii sheegay in ciidamadoodu ay beegsadeen saddex markab oo shidaal sida oo ku sugnaa Marinka Hormuz, islamarkaana ay ku qasbeen inay istaagaan kaddib markii ay iska dhega tireen digniinno lagu siiyay iyagoo maraya waddo ay ku tilmaameen mid "aan ammaan ahayn oo sharci-darro ah."

    Warar dheeraad ah:

  14. Faa'iidooyinka laga helo cunidda calooleyda

    Calooleyda

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Calooleyda ayaa inta badan la jar jaraa, waxay dadka inta badan isticmaalaan midda ariga iyo idaha.

    Bulshooyinka qaar ee adduunka ayaa muddo dheer u adeegsanayay calooleyda. Waxaana laga helaa maqaayadaha ku yaalla Asia, Afrika, qeybo kamid ah Amerika iyo Yurub.

    Waana laga helaa faa’iidooyin badan oo caafimaad marka loo barbardhigo hilibka kale ee caadiga ah.

    Waxaa la cabaa fuudka calooleyda, dadka qaar waxy shiilaan calooleyda oo ay dhadhan u yeelaan.

    Caafimaad ahaan, calooleyda waxaa laga helaa faa’iido badan oo isugu jiro borotiin iyo nafaqooyin kale oo muhiim u ah caafimaadka.

  15. Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada hadlay arrimo uu ka mid yahay socdaalka

    Somalia

    Xigashada Sawirka, SONNA

    Qoraalka sawirka, Soomaaliya oo kulan laba geesood ah oo dhinaca shirka ah la yeelatay Kenya intii uu socday shirka Golaha Fulinta ee Midowga Afrika

    Intii lagu guda jiray shirkii 49-aad ee Golaha Fulinta ee Midowga Afrika, Cabdisalaam Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay Musalia W. Mudavadi oo ka tirsan Kenya, ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Arrimaha Qurbo-joogta, sida ay shaaciyeen labada dowladood.

    Labada wasiir ayaa ka wada hadlay horumarradii ugu dambeeyay ee la xiriira arrimaha socdaalka, waxayna ku heshiiyeen inay xoojiyaan iskaashiga ku saabsan adeegyada qunsuliyadaha iyo fududeynta isu-socodka dadka.

    Labada dhinacba waxay dib u xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ku saabsan arrimaha muhiimka u ah xasilloonida gobolka.

    Warar dheeraad ah:

  16. Daawo: Waqtigii dhulgariirka xooggan uu ku dhuftay Japan

    Qoraalka Muuqaalka, Waqtigii uu dhulgariirkii xoogganaa ku dhuftay Japan

    Dhulgariir xooggan ayaa ku dhuftay jasiiradda Kyushu ee dalka Japan 28-kii Luulyo, taasoo keentay in in ka badan 150,000 oo qof ay ka barakacaan guryahooda.

    Dhulgariirka ayaa sababay koronto la'aan, waxyeello soo gaartay waddooyinka, burbur qayb ka mid ah derbiga qalcadda, iyo burburka buundo dadka lugaynaya loogu talagalay.

    In ka badan 40,000 oo qoys ayaa koronto la'aan ah, waxaana la la'yahay dhowr qof ka dib markii ay soo duntay tuubbada qiiqa ee warshad waraaqaha lagu sameeyo oo ku taal gobolka Kumamoto; sida ay sheegeen booliiska oo ay soo xigatay idaacadda qaranka Japan ee NHK.

    Lifaaqa kore ka daawo:

  17. Shukulaatada madow ma caawisaa dhimista miisaanka?

    Sgukulaato

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Waxa laga yaabaa i naan inta badan aad u xiisaynno cuntooyinka aan caafimaadka lahayn, gaar ahaan haddii aan leenahay cudurka macaan. Tusaale ahaan, aan soo qaadanno shukulaatada.

    Faa'iidooyinka shukulaatada madow ayaa si weyn loo shaaciyay muddo dheer. Ma laga yaabaa in shukulaatada caanaha lagu beddelo, midda ay ku jiraa kookaha badan ayna noqoto mid qancisay rabitaankeena shukulaatada ee u wanaagsan caafimaadkeena?

    Waxay ka kooban tahay qaybo ka faa'iido badan shukulaatada caanaha, laakiin ma aha cunto caafimaad leh.

    Ludlam-Raine waxay leedahay, "Wali waa cunto ay tahay in marmar la cuno, waxaana ku badan kara kalooriinta iyo dufanka oo badan, markaa uma arko in ay ahay cunto caafimaad leh, laakiin waa doorasho caafimaad leh marka loo eego shukulaatada caanaha."

  18. Trump oo Aqalka Cad ku casuumay "geesi" qabsaday baraha bulshada

    Xeebta

    Xigashada Sawirka, SOCIAL

    Wiil da'yar oo badbaadiyay wiil ay qaadayeen hirar xooggan oo ka dhacay xeebta Santa Cruz, California, ayaa lagu casuumi doonaa Aqalka Cad si loogu maamuuso geesinimadiisa, sida uu Talaadadii sheegay Madaxweyne Donald Trump.

    Hawlgalkii samatabbixinta ee cajiibka ahaa, kaas oo ka dhacay Xeebta Seabright dhammaadkii usbuucii hore, ayaa laga duubay muuqaal. Muuqaalka ayaa muujinayay waardiyaha xeebta oo 16 jir ah isagoo si adag u haya wiilka, isla markaana madaxiisa ka ilaalinaya inuu biyaha hoos u galo, iyadoo hirar waaweyn ay si isdaba joog ah ugu dhacayeen. Ugu dambayn, isaga iyo waardiye kale oo xeebta joogay waxay ku guuleysteen inay wiilka si nabad ah ugu soo saaraan dhulka qallalan.

    “Waxaan Aqalka Cad ku casuumi doonnaa wiilkan geesiga ah iyo qoyskiisa, waxaana laga yaabaa inuu la yimaado wiilka uu badbaadiyey, si aan u guddoonsiinno Abaalmarinta Sare ee Rayidka. Aad buu geesi u yahay, wuuna mudan yahay!” ayuu Trump ku qoray baraha bulshada.

    Wiilka Madaxweyne Trump, Eric Trump, ayaa isaguna sheegay in waardiyaha xeebta la guddoonsiin doono abaalmarinta ugu sarreysa ee rayidka.

    Warar dheeraad ah:

  19. Iiraan: Waxaan joojinnay saddex markab oo shidaal qaada

    Ciidanka Badda ee Ilaalada Kacaanka ayaa bayaan ku sheegay inay joojiyeen saddex markab oo shidaal qaada.

    Bayaanka oo la sii daayay Arbacadii ayaa lagu yiri: “Saacado ka hor, saddex markab oo xadgudub sameeyay, kuwaas oo sii waday inay ku socdaan jiho aan ammaan ahayn isla markaana sharci-darro ah inkastoo digniino loo jeediyay, ayaa la beegsaday lana joojiyay.”

    Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan maraakiibtan weli lama sii deyn.

    Shalay, wakaaladda Reuters ayaa, iyadoo soo xiganaysa mas'uuliyiin heer gobol ah, sheegtay in Cumaan ay Iran u gudbisay soo-jeedin cusub oo lagu dhisayo hannaan wadajir ah oo heer gobol ah oo loogu talagalay maamulka Marinka Hormuz. Sida lagu sheegay warbixinta, soo-jeedintu waxay ku jiri doontaa ururinta khidmadaha ikhtiyaariga ah ee laga qaadayo waddamada ka qaybgalaya.

    Ilo xog-ogaal ah oo gobolka ka tirsan, oo codsaday inaan magaciisa la shaacin, ayaa Reuters u sheegay in qorshaha Cumaan uu haysto taageero heer gobol.

    Warar dheeraad ah:

  20. Ma £50,000 ayaad ka dooran lahayd fursad aad ku heli karto £1m?

    Waxaad haysataa laba doorasho: inaad isla markiiba hesho £50,000, ama inaad bakhtiyaa nasiib gasho si aad u hesho 50% fursad aad ku guulaysan karto £1 milyan.

    Adigu kee baad dooran lahayd?

    Sida lagu ogaaday sahan ay samaysay YouGov oo ay ka qaybqaateen kumannaan qof, dadka intooda badan waxay doorteen inay qaataan £50,000 ee la hubo. Dumarku waxay codkooda ku taageereen lacagta la hubo boqolkiiba 82%.

    Sahankan ayaa dhaliyay dood ku saabsan sababta dadka reer Britain ay ugu muuqdaan kuwo ka taxaddar badan qaadashada khatarta marka loo eego dadka ku nool Maraykanka.

    Haddaba maxaa ka dhigaya natiijooyinkan kuwo sidaas u cad? Maxayse yihiin arrimaha dhaqaale iyo kuwa nafsiyeed ee saamaynta ku leh go'aankan?