War deg deg ah, Trump: "Waa markeennii aan Iiraan ku duqeyn lahayn"

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa mar kale Arbacadii Aqalka Cad ka sheegay inuu Iiraan ku qaadi doono weerar culus.
Isagoo ka hadlayey weerarkii gantaallada ee ay Iiraan habeenkii Talaadada ku qaaday saldhig ciidan oo Maraykan leeyahay oo ku yaalla Urdun, ayuu mar kale ku dhawaaqay in "weerar culus uu Iiraan sugayo."
Trump ayaa su'aalo ay weriyeyaashu weydiiyeen kaga jawaabay in Washington ay eegi doonto in mustaqbalka heshiis la gaadhi karo iyo in kale, balse wuxuu yidhi: "Si adag u duqeyn doonnaa, maxaa yeelay hadda waa markeennii aan iyaga ku duqeyn lahayn."
Donald Trump wuxuu sheegay in Iiraan ay "ogtahay in weerarkan uu soo socdo," isagoo intaas ku daray in masuuliyiinta Iiraan ayka "codsanayaan in aan la fulin." weeraradaas
Waxa kale oo uu sheegay in dhammaan gantaalladii lagu soo riday bartilmaameedyada Maraykanka la qabtay oo la fashiliyey.
Trump ayaa sidoo kale sheegay in loo gudbiyey warbixin faahfaahsan oo ku saabsan weerarkii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu qaaday maraakiibta shidaalka ee ku sugnaa xeebaha Masar.
Saacado ka hor, Madaxweynaha Maraykanka ayaa wareysi uu siiyey Fox News ku sheegay inuu Iiraan ku qaadi doono weerar aad u culus.














