TOOS, "Walax" la soo tuuray oo ku dhacay markab shidaal qaada oo marayay Gacanka Hormuz meel u dhow xeebaha Cumaan.

Taliska Hawlgallada Badda ee Boqortooyada Midowday (UKMTO) ayaa sheegtay in markab shidaal qaada uu wakaaladda u sheegay in lagu dhuftay “gantaal ama walax aan la aqoonsan”, taasina ay keentay inuu istaago xili uu marayay Gacanka Hormuz.

Tebin toos ah

  1. Netanyahu oo hambalyo u diray Trump

    Netanyahu

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Netanyahu

    Raysal Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka Scott Bessent, kaddib cunaqabateyntii ugu dambeysay ee lagu soo rogay dalka Iran.

    Cunaqabateyntan ayaa qayb ka ah ololaha Mareykanka ee lagu sii adkeynayo cadaadiska dhaqaale ee Tehran.

    Netanyahu ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa X isagoo yiri:

    “Hambalyo Madaxweyne Donald Trump iyo Scott Bessent. Waxaan idinkugu hambalyeynayaa cunaqabateyntii ugu dambeysay ee ka dhanka ah taliska Iran.”

    Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil wuxuu intaas sii raaciyay:

    “Waxaad si sax ah culays weyn u saaraysaan kalitalisnimadaas naxariis darrada ah iyo kuwa ku taageera sii wadidda gardarradeeda.

    Maraykanka ayaa ku dhawaaqay cunaqabatayn dhaqaale oo cusub oo ballaaran oo ka dhan ah Iran, isagoo sidoo kale uga digay dalalka iyo shirkadaha taageera ama ganacsi la sameeya Iran.

    Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka, Scott Bessent, ayaa tallaabadan ku tilmaamay “weerarkii dhaqaale ee ugu weynaa abid”. Wuxuu sheegay in Maraykanku doonayo inuu jaro xiriirrada dhaqaale ee Iran, isla markaana cid kasta oo dhaqaale ahaan la shaqaysa Iran ay la kulmi karto go'doon.

    Cunaqabatayntu waxay bartilmaameedsanaysaa shan qaybood oo ay ka mid yihiin hantida dijitaalka ah, tiknoolajiyadda, dahabka, duulista iyo maraakiibta. Ku dhawaad 60 shirkadood, shaqsiyaad iyo maraakiib ayaa sidoo kale lagu soo rogay cunaqabatayn.

    Bessent wuxuu sheegay in Maraykanku doonayo inuu xannibo ilaha dhaqaale ee Iran, gaar ahaan kuwa ay isticmaalaan Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran.

    Dhanka kale, Iran waxay ku hanjabtay inay joojin doonto dhammaan dhoofinta shidaalka ee gobolka haddii dagaalku sii socdo. Iran sidoo kale waxay maraakiibta uga digtay inay maraan Marinka Hormuz iyaga oo aan oggolaansho ka haysan.

    Marinka Hormuz waa marin muhiim ah oo caadi ahaan maraan qiyaastii shan meelood meel shidaalka iyo gaaska adduunka, sidaas darteed khilaafku wuxuu sababi karaa in qiimaha shidaalka caalamka uu sii kordho.

    Sidoo kale akhri

  2. Kulan wacan akhyaarta, ku soo dhowaadatebinteenna tooska ah ee maanta. Halkan waxaad kala socon doontaan wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Soomaaliduba.