TOOS, Ciidamada Maraykanka oo duqaymo dhanka cirka ah ka fuliyey koonfurta Iiraan, sid uu sheegay taliska dhexe ee Maraykanka

Bayaanka Taliska dhexe ee ciidamada Maraykanka ayaa lagu sheegay in la bartilmaameedsaday goobaha gantaallada ee Iran iyo doomo isku dayayay inay miinooyin dhigaan

Kooban

  • Iiraan oo shaacisay war cusub oo ku saabsan hoggaamiyihii sare e Iran ee la dilay Ali Khamenei
  • Qadar oo beenisay warar laga faafiyey oo ay been ku tilmaamtay
  • Pakistan oo war weyn soo saartay, jawaab adag siisay Trump
  • Maraykanka oo war ka soo saaray wadahadallada ka dib duqaynta ciidamadiisa ee Iiraan
  • Madaxweynaha Iiraan oo 90 cisho ka dib war cusub shaaciyey

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Iiraan oo ka jawaabtay duqeymahii cusbaa ee Maraykanka

    iran

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Habeen kadib markii Taliska Ciidamada Badda ee Mareykanka ee Bariga Dhexe (CENTCOM) uu ku dhawaaqay weerar lagu qaaday dhowr goobood oo Iran ku leedahay gantaallada iyo doomaha dheereeya meel u dhow xeebta Bandar Abbas iyo marinka Hormus, isagoo ku tilmaamay “weerar difaac ah,” Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iraan ayaa soo saartay bayaan ku sheegaysa tallaabadaas “xadgudub weyn oo ka dhan ah xabbad-joojinta” iyo “sabab Iran uga sii shakiso Mareykanka.”

    Bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ee Talaadadii, ayaa lagu yidhi: “Fulinta falalkan gardarrada ah, xilli isla markaas ay socdeen dadaallo diblomaasiyadeed oo Pakistan dhex dhexaadinaysay, waxay mar kale muujisay taxaddar la’aanta iyo ballan-qaad la’aanta maamulka Mareykanka ee ku wajahan shacabka Iran, dadka gobolka, iyo bulshada caalamka. Waxa kale oo ay caddeysay in mowqifka mabda’a leh ee shacabka Iran ee dhinacyada dagaalka, shacabka, iyo diblomaasiyadda, oo ku dhisan shaki weyn oo ay ka qabaan nidaamka Mareykanka, uu yahay mid ku saleysan faham qoto dheer oo ku saabsan dabeecadda aargoosiga iyo falalka dambiyada ah ee uu u geysto shacabka Iran.”

    Habeenkii Isniinta, kadib markii dadka ku nool Bandar Abbas ay sheegeen inay maqleen qaraxyo ka dhacay xeebta Gacanka Faaris, CENTCOM ayaa bayaan soo saartay iyadoo sheegtay inay weerarro cusub ka fulisay koonfurta Iran, kuwaas oo lala beegsaday goobaha gantaallada Iran iyo doomaha la sheegay inay “isku dayayeen inay miinooyin dhigaan.”

    Bayaan kasoo baxay Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa lagu sheegay in weerarradaas lagu fuliyay qaab “is-difaac ah” isla markaana looga gol lahaa “ilaalinta ciidamada Mareykanka ee khataraha kaga imaanaya ciidamada Iran.”

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ayaa tallaabooyinkan ku tilmaantay “xadgudub cad oo ka dhan ah Qodobka 2-aad, Farqaddiisa 4-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay, iyo sidoo kale xabbad-joojintii 19-ka Farvardin 1405,” waxayna sheegtay in Mareykanku mas’uul ka yahay dhammaan cawaaqibta ka dhalata.

    Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC) ayaa Talaadadii kaga jawaabay weerarradan iyagoo sheegay: “Iyadoo Mareykanku sii wada faragelinta iyo dhaqamada gardarrada ah ee gobolka, wuxuu galay hawada Iran ee gobolka Gacanka Faaris. Cutubyada difaaca ee IRGC, si ay u difaacaan madaxbannaanida dhuleed ee dalkeenna, waxay kaddib kormeer sirdoon oo taxaddar leh aqoonsadeen oo soo rideen diyaarad nooca MQ-9 ah.”

    IRGC sidoo kale waxay sheegtay, iyada oo aan sheegin waqtiga iyo goobta saxda ah, in rasaas lagu furay diyaarad nooca RQ-4 ah iyo mid F-35 ah, taas oo “ku qasabtay inay cararaan.

  2. War deg deg ah, Saamayn ka dhalatay durba duqeyntii cusbayd ee Maraykanka ka fuliyay Iraan

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, Saxafi BBC, Somali
    gaaska

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qiimaha shidaalka ayaa kor u kacay ku dhowaad 4% Talaadadii kadib markii ciidamada milatariga Mareykanka ay weerarro ka fuliyeen Iran.

    Weerarradan ayaa sii kordhiyay hubanti la’aanta ku saabsan in heshiis si dhakhso ah loo gaadhi doono si loo soo afjaro dagaalka dibna loogu furo isu socodka maraakiibta ee marinka Hormus.

    Talaadadii, Brent wuxuu kordhay $3.44, ama 3.6%, isagoo gaadhay $99.58 halkii foosto, halka shidaalka U.S. West Texas Intermediate (WTI) uu hoos u dhacay $2.71, ama 2.8%, isagoo ku xirmay $93.89 halkii foosto.

    “Weli waxaan sugaynaa faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan heshiis suurtagal ah,” ayuu yidhi Giovanni Staunovo oo ka tirsan UBS. Sare u kacaan waxaa tabisay wakaalada wararka ee Reuters.

    Sii akhri arrimaha la xiriira qormadan

  3. War deg deg ah, Iraan oo sheegtay markii ugu horeysay halka loosoo marinayo lacagaha ka xaniban

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, Saxafi BBC, Somali
    Qalibaf

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Axmad Bakhshiish Ardestaani, oo ah xubin ka tirsan Guddiga Ammaanka Qaranka iyo Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee baarlamaanka, ayaa hadal uu jeediyay ku xusay lacagaha Iran ee la xannibay.

    Wuxuu yidhi: “Hal sheeko ayaa ah in Iran ay sheegtay inay ahayd 25 bilyan oo doolar, balse Mareykanku wuxuu sheegay in kaliya 12 bilyan oo doolar ay yaalleen Qatar.”

    Xildhibaanku wuxuu sii raaciyay: “Maalmo ka hor, lacagtan waxaa la rabay in Iran la soo geliyo iyada oo loo soo marinayo Ruushka, balse Mareykanku wuxuu sameeyay caqabad, haddana lacagtu waxay ku dhowdahay 12 bilyan oo doolar oo ku jirta Qatar. Tani waa waxa aan ilaa hadda ogahay.”

    Sida ay sheegayaan warbixinno rasmi ah, wafdiga Iran ee uu hoggaaminayay Mohammad Baqer Qalibaf ayaa booqday Qatar iyagoo ujeeddadoodu ahayd inay ka wada xaajoodaan qaar ka mid ah hantida Iran ee la xannibay sababo la xidhiidha cunaqabateynta Mareykanka.

    Ilaa hadda lama daabicin warbixin rasmi ah oo ku saabsan natiijada safarkan, balse warbaahintu waxay shalay sheegtay in isfaham laga gaaray arrintan.

    Sii akhri arrimaha la xiriira qormadan

  4. CENTCOM oo beenisay wararka sheegaya in ay dib u bilaabeen galbinta maraakiibta ganacsiga

    CENTCOM

    Xigashada Sawirka, CENTCOM

    Taliska Dhexe ee Milliteriga Maraykanka ee CENTCOM, ayaa beeniyey warar ay baahiyeen Warbaahinta dalkaasi oo sheegayey inay galbinayaan Maraakiibta Ganacsiga ee mara Marinka Hormuz.

    Farriin ay hay’addu soo dhigtay barta X ayaa waxa ay ku sheegtay in wararka dhawaanahan warbaahinta laga qoray ee ku saabsan in dib loo bilaabay galbinta ama caawinta maraakiibta ganacsiga marka ay maraan marin biyoodka Hormuz ee ciidamada Maraykanku ay yihiin kuwo aan sax ahayn.

    Farriinta ayaa sida kale lagu daray, "Mashruuci Azadi dib uma bilaaban, ciidamada Maraykankuna hadda ma galbinayaan maraakiibta ganacsiga ee Marinka Hormuz."

    Maraykanku wuxuu soo bandhigay "Mashruuca Xoriyadda" ka dib markii uu isku dayay inuu jebiyo ismari waaga marin-biyoodka Hormuz.

    Qorshahan ayaa la hakiyay maalin kadib markii la bilaabay.

    Sii akhri arrimaha la xiriira qormadan

  5. Trump oo shir aan caadi ahayn ku qabanaya Camp David

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa lagu soo waramayaa in Arbacada uu shir aan caadi ahayn kula yeesho golaha wasiirada, Camp David.

    Fox News ayaa xaqiijisay in dhamaan xubnaha golaha wasiirada oo uu ku jiro agaasimaha sirdoonka qaranka Tulsi Gabbard ee xilka ka degaya ay ka soo qayb gali doonaan kulanka.

    Kulanka ayaa imaanaya iyadoo maamulka Mareykanka uu ka fiirsanayo tallaabooyinka xiga ee wada xaajoodyada muhiimka ah ee lagu doonayo in heshiis ballaaran lala gaaro Iran.

    Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegaysa in wadahadalladan ay ku socdaan shuruudo xabbad-joojin ah oo jilicsan.

    Sii akhri arrimaha la xiriira qormadan

  6. Congo oo dagaal adag kula jirta Ebola

    Guddoomiyaha milatariga ah ee gobolka Ituri ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo – kaa oo xudun u ah cudurka Ebola ee hadda dilaacay, ayaa halganka lagu xakameynayo fayraska la barbar dhigay sida dagaal aysan dhaqaale u hayan.

    Johnny Luboya Nkashama ayaa ugu baaqay saraakiisha caafimaadka in ay xoojiyaan dadaallada, waa sida uu hadalka u dhigaye, looga hortagayo in Ituri ay masiibo u dhul dhacdo.

    Hadalkiisaan ayaa imaanaya iyada oo madaxa guud ee Ururka Caafimaadka Adduunka, Tedros Adhanom, lagu waday inuu yimaado DR-C si uu dib ugu eego jawaabta laga bixiyay cudurka dillaacay.

    Sii akhri arrimaha la xiriira qormadan

  7. Ra'iisul wasaare xilkii laga qaaday oo saaxiibkiis uu u baneeyay kursigii gudoomiyaha baarlmaanka

    .

    Xigashada Sawirka, .

    Baarlamaanka Senegal ayaa u doortay ra’iisul wasaarihii xilka laga qaaday Ousmane Sonko inuu noqdo afhayeen cusub, taasoo siinaysa awood cusub oo uu kula tartami karo madaxweynaha.

    Gudoomiyihii hore ayaa xilka ka degay Axadii si uu fursad u siiyo xulafadiisa. Sonko waxaa si lama filaan ah xilka uga qaaday madaxweyne Bassirou Diomaye Faye todobaadkii hore.

    Xiriirka labada nin ayaa sii xumaanayay muddo bilo ah, iyadoo Sonko uu si bareer ah u dhaliilay madaxweynaha sida uu u maareeyay dhibaatooyinka deynta Senegal.

  8. Iran oo sheegtay in ay ka aargudaneyso Maraykanka

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sheegay in ay xaq u leeyihiin in ay ka falceliyaan ​​jebinta xabad joojinta, kadib markii Mareykanka uu dib u cusbooneeysiiyay duqeymaha cirka ee goobaha gantaalada iyo doomaha miinooyinka dhiga ee Iran.

    Waxa ay sidoo kale sheegeen in cutubyadooda difaaca cirka ay soo rideen diyaarad Drone ah oo uu leeyahay Mareykanka, iyo diyaarad dagaal oo gudaha u gashay hawada Iran.

    Maraykanku kama uusan hadlin laba dhacdo. Hadaladii ugu dambeeyay ee loo maleynayo in ay ka yimaadeen hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Mojtaba Khamenei ayaa ka digay in wadamada khaliijku aysan gabaad nabdoon u sii ahaan doonin saldhigyada Mareykanka.

    Dalka Qatar, saraakiisha Iran ayaa sii wada inay ka wadahadlaan heshiis suurtagal ah oo ay la galaan Maraykanka.

    Sii akhri arrimaha la xiriira qormadan

  9. Nin saaxiibkiis sumeeyay oo dil toogasho lagu fuliyay Shiinaha

    .

    Xigashada Sawirka, Shanghai First Intermediate People's Court

    Mas’uuliyiinta Shiinaha ayaa dil toogasho ah ku fuliyay nin dilay saaxiibkiis oo ah maalqabeenka ciyaaraha, Lin Qi.

    Sannadkii 2020, Xu Yao oo xanaaqsan ayaa Lin sumeeyay isaga oo ka xumaa in uu iska indha tiray ka dib markii uu ka caawiyay inuu heshiis la galo Netflix, warbaahinta maxalliga ah ayaa werisay.

    Shirkadda Lin ee Yoozoo ayaa waxay heshay xuquuqda u badalista buugga filim, kaa oo laga diyaarayaymusasalka mala-awaalka sayniska Shiinaha ee taxanaha 3-da Dhibaato ee Jirkaka ee Netflix ay qaadatay.

    Xu ayaa la xukumay 2024-kii, waxaana dilkiisa, oo la sheegay inuu dhacay 21-kii Maarso, lagu xaqiijiyay shirkadiisa bayaan ay Talaadadii soo saartay, isagoo intaas ku daray "caddaalad ugu dambeyntii waa la fuliyay".

    "Waxaan aad ugu barooranaynaa Lin, waxaana tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoyskiisa," ayaa lagu yiri bayaanka.

    Sii akhri arrimaha la xiriira qormadan

  10. Markab shidaal ayaa la sheegay in uu dab ku qabsaday meel ku dhow xeebaha Cumaan

    Markab

    Xigashada Sawirka, Anadolu

    Hay’adda United Kingdom Maritime Trade Operations, UKMTO, ayaa sheegtay in markab shidaal sida uu soo tabiyay uu qarax dibadda kaga dhacay dhinaca bidix ee markabka, meel u dhow xadka biyaha Cumaan.

    UKMTO waxay sheegtay in markabku ku sugnaa meel 60 mayl-badeed u jirta caasimadda Cumaan ee Muscat.

    Hay’addu waxay intaas ku dartay in markabka iyo shaqaalihiisu badqabaan, balse qaar ka mid ah shidaalka kaydka markabka uu ku daatay badda.

    Sii akhri arrimaha la xiriira qormadan

  11. Duulimaadyada oo dib u bilowday gobolka Isfahan ee Iran

    Abuzar Ziaei oo ah Agaasimaha Guud ee Garoomada Diyaaradaha ee Gobolka Isfahan ayaa ku dhawaaqay in ay dib u bilaabeen Duulimaadyadii Garoonka Diyaaradaha ee Shahid Beheshti ee Isfahan.

    Gegida diyaaradaha ayaa xirneed 84 maalmood kadib markii uu bilowday dagaalka Mareykanka iyo Israel ay kula jiraan Iran.

    Zaei ayaa sheegay in duulimaadkii ugu horeeyay ee Ahvaz-Isfahan iyo dagistiiba ay dhacday maanta oo Talaado ah (June 25).

    Dabcan shaqada garoonku waa mid saacado xadidan ah, duulimaadyaduna waxay hadda shaqaynayaan qorrax ka soo baxa ilaa qorrax dhaca.

    Duulimaadyadii shisheeye ee ka iman jiray Iran, oo hakad ku jiray tan iyo markii uu dagaalka billowday 29-kii March ee sannadkii hore, ayaa dib u billowday horraantii bishan May.

    Qiyaastii laba toddobaad ka hor, gegida dayuuradaha ee Imam Khomeini ee Tehran ayaa ku dhawaaqay in 13 diyaaradood oo gudaha ah ay u duuli doonaan 20 goobood.

    Maraykanka iyo Israa’iil ayaa intii uu dagaalku socday waxa ay beegsadeen tiro garoomo diyaaradeed iyo diyaarado ah oo ku yaalla dalka Iran.

  12. Ninkii ku orday madaxweynaha Kenya oo sababay isbadal lagu sameeyo dad ka shaqeeya madaxtooyada

    .

    Xigashada Sawirka, YouTube

    Taliyaha booliska Kenya ayaa amar ku bixiyay in si weyn la isugu shaandheeyo kooxda ilaalada madaxweyne William Ruto ka dib markii nin ka baxsaday kooxda ilaalada uu ku dhagay madaxweynaha xilli uu Ruto taageerayaashiisa kula hadlayay munaasabad mahad celin ah oo ka dhacday bariga dalkaasi Axadii.

    Muuqaalo si weyn ugu faafay online ka, ayaa nin sita wax u eg buug waxa uu fuulay masraxa kadibna gacanta bidix u saaray Ruto.

    Si degdeg ah ayaa ilaaladu ay ninka dhulka ugu tuureen duashana ka fuuleen.

    Ma jirto cid wax ku noqotay balse taliyaha booliiska Gen Douglas Kanja ayaa ku tilmaamay wax aan la aqbali karin wax kasta oo liddi ku ah amniga oo saameynaysa madaxweynaha isagoo ku tilmaamay arrin "walaaca qaran ah".

    Madax cusub ayaa loo magacaabay Qaybta Galboolka ee Madaxtooyada, halka qaar kale oo sarsare laga qaaday xilkii ama la galiyay fasax.

    Kanja ayaa sidoo kale sheegay in cid kasta oo ka qeyb galeysa munaasabadaha guud ee ay imaanayaan madaxweynaha ama madaxda kale ee qaranka ay waajib ku tahay in ay ku adkeystaan ​​hanaanka amniga, isaga oo intaa ku daray in “isku day kasta oo amniga lagu waxyeeleynayo la geyn doono sharciga si buuxda”.

    Ruto ayaa u muuqday mid aan ka walwalin dhacdadaas isagoo isla markiiba yiri: "Iska daa ninkaas dhalinyarada ah, wax dhib ah ma qabo ninkaas dhalinyarada ah." Ninkan ayaan magaciisa la sheegin.

    Booliiska ayaa sameeyay koox gaar ah oo baara sida uu ninkani ugu suurtagashay in uu ka gudbo dhowr lakab oo amni.

    Sii akhri arrimaha la xiriira qormadan

  13. Mojtaba Khamenei: Dalalka gobolku mar dambe gabaad uma noqon doonaan saldhigyada Maraykanka

    Khamenei

    Xigashada Sawirka, AP

    Mojtaba Khamenei, hogaamiyaha jamhuuriyada islaamiga ah ee Iran ayaa fariin uu soo diray oo laga sii daayay taleefishinka dowladda ku sheegay in waddamada gobolka aysan mar dambe gaashaan u noqon doonin saldhigyada Mareykanka.

    Mojtaba Khamenei oo aan ka soo muuqan fagaare tan iyo markii uu xafiiska la wareegay bishii Maarso ayaa farriin ku saabsan munaasabadda Xajka ku yiri: "Waxa la hubo ayaa ah in gacanta saacaddu aysan dib u laaban doonin, oo quruumaha iyo dhulalka gobolka aysan mar dambe gaashaan u noqon doonin saldhigyada Mareykanka".

    Waxa uu sidoo kale yiri: "Marka laga soo tago in aysan haysan gabaad ammaan ah oo ay sharta ka sameeyaan iyo in ay saldhigyo ciidan ka sameystaan ​​gobolka, Mareykanka ayaa maalinba maalinta ka dambeysa ka sii baxaya meeqaamkiisii ​​hore".

    Qayb kale oo ka mid ah farriintiisa ku saabsan Israa'iil, Mr. Khamenei wuxuu yiri: "Maamulka Sahyuuniyadda gariiraya iyo burada kansarka leh ee Israa'iil waxay ku soo wajahan yihiin heerkii ugu dambeeyay ee noloshooda nasiibdarrada ah".

    Isaga oo dib u xasuusanaya hadalkii aabbihii 10 sano ka hor, waxa uu intaa ku daray in Israa'iil "aysan arki doonin taariikhda 25 sano ka dib".

    Sii akhri arrimaha la xiriira qormadan

  14. Sanadka 2026 iyo kaalinta uu ku jiro uu Baasaboorka Soomaliya

    .

    Xigashada Sawirka, Henley Passport Index

    Qoraalka sawirka, .

    Tusmada Baasaboorka Henley (Henley Passport Index) waxay isbarbardhigtaa helitaanka safar-fiiso-la'aan ah ee 199 baasaboor oo kala duwan, kuwaas oo loo safri karo 227 meelood oo caalamka ah.

    Haddii aan fiiso loo baahnayn, baasaboorkaasi wuxuu helayaa dhibco qiimaheedu yahay 1. Sidoo kale waa sidaas haddii aad heli karto fiiso markaad timaaddo (Visa on Arrival), oggolaansho ah ama booqde (visitor's permit), ama oggolaansho safar elektaroonik ah (ETA) markaad gelayso meesha loo socdo.

    Haddii fiiso loo baahdo, ama haddii qofka haysta baasaboorka uu khasab ku yahay inuu helo fiiso elektaroonik ah (e-Visa) oo ay dowladdu ansixisay ka hor inta uusan bixin, markaas waxaa la siinayaa dhibco qiimaheedu yahay 0. Tani sidoo kale waxay khusaysaa haddii loo baahdo oggolaansho dowladeed oo horudhac ah si loo helo fiiso markaad timaaddo.

    Tusmada Baasaboorka Henley sanad walba iyada oo adeegsanaysa habraacaas waxay daabacdaa warbixinno ku saabsan baasaboorada dunida iyo meelaha lagu kala tegi karo iyo hadba siday u kala sareeyaan.

    Tusmeyntanina waa tan qiimeynta asalka ah uguna awoodda badan ee lagu kala sarreeyo dhammaan baasaboorrada caalamka, iyadoo lagu saleynayo tirada meelaha ay gaari karaan dadka haysta baasaboorradaas iyagoo aan horay u qaadan fiiso.

  15. Maxay yihiin Heshiisyada Abraham ee Trump ku caadinayo dalal carbeed iyo kuwa Muslim ah ?

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, .

    Heshiisyada Abraham (Abraham Accords) waa heshiisyo lagu caadiyeeyay xiriirka Israa’iil iyo dalal qaar. Imaaraadka Carabta (UAE) iyo Baxrayn ayaa saxiixay intii lagu jiray muddadii ugu horreysay ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump sanadkii 2020, taas oo jebisay tabo muddo dheer jirtay, isla markaana ka dhigtay dalalkii ugu horreeyay ee Carbeed ee Israa’iil si rasmi ah u aqoonsada ku dhowaad rubuc qarni gudihiis. Marooko iyo Suudaan ayaa iyaguna raacay.

    Jared Kushner, oo ah wiilka uu sodoga u yahay Trump, ayaa gacan ka geystay dhexdhexaadinta heshiisyadan.

    Mas’uuliyiinta Falastiin waxay sheegeen inay dareemeen khiyaano kaga timid walaalahooda Carbeed kadib markii ay heshiisyo la galeen Israa’iil iyaga oo aan marka hore ka dalban horumar ku saabsan dhismaha dowlad Falastiini ah.

    Washington muddo dheer waxay rajeynaysay in horumarka dhinacyada ganacsiga, is-dhaafsiga iyo maalgashiga uu horseedi doono in heshiisyadan lagu ballaariyo dalal kale oo Carbeed, gaar ahaan Saudi Arabia oo ah awoodda ugu weyn ee gobolka isla markaana ah kan ugu hodansan.

    Laakiin Riyadh waxay ku adkaysatay in aanay jiri karin caadiyeyn xiriir la leh Israa’iil ilaa laga helo waddo cad oo lagu gaaro dhismaha dowlad Falastiini ah, taas oo ay diiddan tahay xukuumadda garabka midig ee ugu adag taariikhda Israa’iil.

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu filayo in heshiisyada Abraham la ballaariyo dhawaan, isla markaana uu rajeynayo in Saudi Arabia ay ku biirto heshiiskan caadiyeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee Israa’iil iyo qaar ka mid ah dalalka Carbeed.

  16. Madaxweynaha Iiraan oo 90 cisho ka dib war cusub shaaciyey

    Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, ayaa amar ku bixiyay in dib loo soo celiyo gelitaanka internet-ka caalamiga ah, ku dhowaad sagaashan maalmood kadib markii la jaray bilowgii dagaalka Maraykanka iyo Israa’iil ee dalka ka dhacay.

    Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in arrintan la fulin doono maanta oo Talaada ah.

    Inta badan sanadkan, shacabka Iran waxay heli jireen oo keliya mareegaha gudaha dalka, taasoo markii hore la xiriirtay dibadbaxyada dowladda ka dhanka ah, kadibna ay sii xaddideen duqeymaha.

    Wasiir ayaa sheegay in amarka Madaxweyne Pezeshkian uu yahay “tallaabo lagu soo celinayo xuquuqda dadka,” hase yeeshee warbaahinta adag ee muxaafidka ah ayaa su’aal gelisay in si degdeg ah dib loogu soo celin karo internet-ka caalamiga ah.

    Xitaa ka hor dagaalka bishii Janaayo, gelitaanka internet-ka caalamiga ah ayaa si aad ah loo xaddidi jiray, mana muuqato calaamad muujinaysa in tani si buuxda isu beddeli doonto amarka madaxweynaha.

  17. Pakistan oo war weyn soo saartay, jawaab adag siisay Trump

    Wasiirka Difaaca Pakistan ayaa diiday suurtagalnimada in dalkiisu caadiyeeyo xiriirka Israa’iil si uu ugu biiro hindisaha Abraham Accords ee Madaxweyne Trump. Pakistan ayaa ka mid ahayd lix dal oo Muslim ah oo lagu sheegay in “si khasab ah” looga doonayo inay arrintan qayb ka noqdaan heshiis ballaaran oo lagu soo afjarayo dagaalka Iran.

    Khawaja Asif ayaa sheegay in Pakistan aysan ku biiri doonin wax heshiis ah oo ka hor imanaya “caqiiqada aasaasiga ah” ee dalka, isla markaana wuxuu sheegay in balanta Israa’iil aan “la aamini karin.”

    Abraham Accords ayaa ahaa hannaan uu Maraykanku dhexdhexaadiyay oo lagu sameeyay xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah oo dhex maray Israa’iil iyo afar dal oo Muslim ah , kuwaas oo kala ah Bahrain, Morocco, Sudan, iyo Imaaraadka Carabta, intii lagu jiray muddo xileedkiisii ugu horreysay ee Madaxweyne Trump. Siyaasaddan ayey si weyn u dhaleeceeyeen qaar ka mid ah dowladaha Carabta, iyagoo ku tilmaamay inay iska indhatirayso xaaladda dhulka Falastiin ee la haysto.

  18. Qadar oo beenisay warar laga faafiyey oo ay been ku tilmaamtay

    Majid Mohammed Ansari, oo ah afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar, ayaa bartiisa X ku qoray: “Wararka sheegaya in Qatar ay Iran u bandhigtay $12 bilyan si loo dammaanad qaado heshiiska gabi ahaanba waa been.”

    Wuxuu intaas ku daray in wararkaas “ay faafinayaan dhinacyo isku dayaya inay burburiyaan heshiiskan isla markaana wiiqaan dadaallada diblomaasiyadeed ee socda ee lagu dhimayo xiisadda laguna xoojinayo xasilloonida gobolka.”

    Mr. Ansari ayaa bartiisa X ku qoray: “Doorka diblomaasiyadeed ee Qatar, oo lala kaashanayo saaxiibbada gobolka, waa mid si wanaagsan loo yaqaan isla markaana si cad loo diiwaangeliyey. Sheekooyinkan ma aha wax kale oo aan ahayn isku-dayo quus ah oo lagu dhaawacayo sumcadda Qatar ee ah dhexdhexaadiye lagu kalsoon yahay oo nabadeed oo caalamka ka dhex shaqeeya.”

    Shalay, wafdi Iiraaniyiin ah oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Mohammad Baqer Qalibaf ayaa booqasho lama filaan ah ku tagay Qatar. Waxaa sidoo kale la socday Wasiirka Arrimaha Dibadda Abbas Araqchi.

  19. Iiraan oo shaacisay war cusub oo ku saabsan hoggaamiyihii sare e Iran ee la dilay Ali Khamenei

    .

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, .

    Mohsen Mahmoudi, oo ah madaxa Golaha Isku-duwidda Propaganda Islaamiga ah ee Gobolka Tehran, ayaa wariyeyaasha u sheegay in ururku uu qorsheynayo qabanqaabada aaska Ali Khamenei, hoggaamiyihii hore ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah, isla markaana uu aaminsan yahay in ay noqon doonto “xaflad caalami ah oo lagu qori doono taariikhda dunida Islaamka iyo Iran.”

    Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan hadda aragnaa dalal kale, sida Ciraaq, oo isdiiwaangelinaya isla markaana muujinaya diyaar-garowgooda ka qeybgalka munaasabaddan. Waxaa hubaal ah in madaxda dalalka Islaamka iyo kuwa aan Islaamka ahayn, iyo sidoo kale hoggaamiyeyaasha Jabhadda Iska-caabbinta, ay muujin doonaan rabitaankooda ka qeybgalka aaskan taariikhiga ah.”

    Mr. Mahmoudi ayaa sheegay in hay’ado iyo ururro kala duwan ay iska kaashanayaan qorsheynta iyo qabanqaabada munaasabaddan, hase yeeshee wuxuu yiri: “Waqtigan xaadirka ah lama cayimin waqti gaar ah oo arrintan la qabanayo.”

    Ali Khamenei ayaa lagu dilay saacadihii ugu horreeyay ee weerarradii Maraykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iiraan qiyaastii saddex bilood ka hor, intii lagu guda jiray duqeymihii cuslaa ee lagu bartilmaameedsaday xaruntiisa shaqada iyo hoygiisa.

  20. Maraykanka oo war ka soo saaray wadahadallada ka dib duqaynta ciidamadiisa ee Iiraan

    .

    Xigashada Sawirka, ulia Demaree Nikhinson / POOL / AFP via Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Inkastoo weerarradii uu Maraykanku ku qaaday nidaamyada gantaallada Iran iyo doomaha ku sugan Gacanka Faaris ay sii wiiqeen xabbad-joojintii jilicsaneyd, xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Marco Rubio ayaa maanta talaadaa sheegay in heshiis lala gaaro Iran uu weli suurtagal yahay.

    “Waxaa maanta Qatar ka dhacay wada-hadallo, waana inaan aragnaa haddii wax horumar ah la sameyn karo. Waxaan u maleynayaa in waqti badan lagu bixin doono habeynta ereyada iyo eraybixinta loo adeegsanayo dukumentiyada, sidaas darteed waxay qaadan doontaa dhowr maalmood,” ayuu wariyeyaasha ugu sheegay magaalada Jaipur intii uu booqashada rasmi ah ku joogay Hindiya.

    “Madaxweynuhu wuxuu muujiyay diyaar u ahaanshihiisa arrintan,” ayuu Mr. Rubio ku daray. “Ama wuxuu sameyn doonaa heshiis wanaagsan ama gebi ahaanba wax heshiis ah ma jiri doono.”