Markabka dagaalka Abraham Lincoln oo ka ambabaxay Thailand
Markabka diyaaradaha ee Abraham Lincoln ayaa Axaddii ka ambabaxay Thailand ka dib markii uu shan maalmood hakad ku jiray.
Markabkan waxaa loo diray Gacanka Faaris markii uu bilowday dagaalkii Mareykanka iyo Israa'iil ay la galeen Iiraan.
Dan Keeler, oo ah taliyaha USS Abraham Lincoln, ayaa uga mahadceliyay Thailand "soo dhawaynta ay u fidisay" bayaan uu soo saaray.
Hawlgallada maraakiibta ciidamada badda ee Mareykanka waxay caadi ahaan socdaan lix ilaa sagaal bilood, laakiin muddadan waxaa laga yaabaa in la kordhiyo waqtiyada dagaalka.
Markabkan ku shaqeeya nukliyeerka, oo ay saaran yihiin shaqaale gaaraya shan kun, ayaa ka qayb qaatay dagaalkii lala galay Iiraan iyo xayiraadda ciidamada badda iyo hawlgallada militariga Mareykanka.
Abraham Lincoln ayaa Arbacadii gaaray Thailand, isagoo ay weheliyaan dhowr markab oo kale oo ciidamada badda Mareykanka ah. Thailand waa xulafada kaliya ee heshiiska difaaca Mareykanka ee dhul-weynaha Koonfur-bari Aasiya. Mas'uuliyiinta Thailand ayaa sheegay in safarku uu socon doono shan maalmood.
Warar dheeraad ah:


