Aqalka Cad: Ergada Trump waxay wada-hadalladii Putin ku tilmaameen kuwo “muhiim ah oo dhab ah”
Aqalka Cad ayaa wada-hadalladii ay Moscow kula yeesheen Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ergeyda sare ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ku tilmaamay kuwo “muhiim ah oo dhab ah”, kuwaas oo looga gol lahaa sidii loo soo afjari lahaa dagaalka.
Sida uu sheegay Aqalka Cad, Steve Witkoff iyo Jared Kushner ayaa Moscow kula hadlay Mr. Putin, iyagoo ka wada hadlay “qorshayaal gaar ah oo ku saabsan tallaabooyinka xiga”. Faahfaahinta qorshahaasi weli lama shaacin.
Hore, kaaliyaha Putin, Yuri Ushakov, ayaa saddexda saacadood ee wada-hadalladii uu la yeeshay Steve Witkoff iyo Jared Kushner ku tilmaamay kuwo “furan oo daacad ah”.
Mr. Ushakov ayaa sheegay in Putin uu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in meesha laga saaro dhammaan sababihii waaweynaa ee salka u ahaa colaadda. Hadalladan ayaa muujinaya in Putin uusan ka tanaasulin dalabyadiisa ugu sarreeya.
Mr. Ushakov ayaa sidoo kale sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen suurtagalnimada ah in Ruushka iyo Mareykanka ay hirgeliyaan mashaariic waaweyn oo wadajir ah.
Mr. Witkoff iyo Mr. Kushner ayaa hadda ku sii jeeda Kyiv, halkaas oo ay Axadda maanta ah wada-hadallo kula yeelan doonaan Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky. Aqalka Cad ayaa muujiyay rajada ah in wada-hadallada labada ergey ee Mareykanka ay la yeelanayaan Ukraine ay “u noqdaan kuwo wax-ku-ool ah” sida kulankoodii Moscow.
Tani waa safarkii ugu horreeyay ee ay ergeyda sare ee Mr. Trump ku tagaan Kyiv. Horay ayay dhowr jeer ugu safreen Ruushka.
Warar dheeraad ah:


