TOOS, Trump oo ku dhawaaqay in Ukraine iyo Ruushku isku raaceen in aan la weerarin xarumaha tamarta iyo sababaha keenya arrintaan

Trump ayaa hadalkaan sheegay xilli dunida laga dareemayo qiimaha saliidda oo sare u kacay

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Meleeshiyaad hubeysan oo dad rayid ah laayay iyo faahfaahin ka soo baxaysa

    .

    Xigashada Sawirka, ADO MUSA

    Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerarro ay rag hubeysan ka geysteen gobolka Plateau ee bartamaha waqooyi ee Nigeria, sida ay sheegayaan wararka ka imanaya deegaankaas.

    Axaddii, kooxo hubeysan ayaa weerarro ka fuliyay deegaannada Mangu iyo Riyom, halkaas oo dad safar ku jiray lagu dilay.

    Sagaal ka mid ah dadka la dilay ayaa ahaa rakaab u socday magaalada Jos, kuwaas oo rag hubeysan ay rasaas ku fureen tuulada Dungus.

    Lix qof oo kale ayaa lagu dilay deegaannada Mangu iyo Riyom, sida uu BBC u sheegay hoggaamiyaha dhalinyarada Riyom, Dalyop Solomon Montrey.

    Wuxuu sheegay in kooxaha hubeysan ay habeenkii weerareen waddada weyn ee Abuja, iyagoo markii hore dilay darawalkii gaari iyo dad kale, kadibna tirada dhimashadu ay gaartay sagaal.

    Gobolka Plateau ayaa muddo dheer la daalaa dhacayay isku dhacyo qowmiyadeed iyo kuwo diimeed, iyo sidoo kale amni-darro, kuwaas oo sababay dhimasho iyo burbur hantiyeed.

  2. War deg deg ah, Weli halkaad nagala socotaan waa BBCSomali, waxaan halkaan idinkugu soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeyay ee dunida,iyadoo si gaar ah xaaladda dalka Yemen wararka la xiriira aan xoogga u saari doonno maadama xiisaddu sii xoogeysanayso.

  3. War deg deg ah, Shiinaha oo markiisa farriin diray iyo halista dunidu wajahayso

    Shiinaha

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Shiinaha ayaa cambaareeyay waxa uu ugu yeeray “sheekooyinka cabsi-gelinta” ee ku saabsan maamulka iyo horumarinta garaadka macmalka ah AI, isagoo ka digay in dalalku ay galaan iska horimaad iyo tartan xaasidnimo ku dhisan.

    Hadalkan ayaa yimid kadib markii madaxa shirkadda Anthropic, Dario Amodei, uu ku baaqay in la yareeyo xawaaraha horumarinta AI, balse si aan loo oggolaan in Shiinuhu kaga hormaro Mareykanka tartanka tiknoolajiyaddan.

    Toddobaadkan, khubaro iyo madax ka tirsan shaybaarada waaweyn ee AI-ga Mareykanka ayaa si aad ah uga digay khataraha ay tiknoolajiyaddu keeni karto. Qaar waxay xitaa sheegeen in AI ay mustaqbalka halis gelin karto jiritaanka aadanaha.

    Hase yeeshee, Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in mudnaanta koowaad ee Mareykanku tahay in Mareykanku Shiinaha kaga hormaro horumarinta AI-ga.

  4. War deg deg ah, Taalibaan oo si adag uga jawaabtay warar laga faafiyay

    Taliban

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Taliban ayaa beenisay wararka sheegaya in Al-Qaacida ay Afghanistan ka sameysatay xarumo tababar, iyagoo ku tilmaamay wararkaas olole dacaayadeed oo ka dhan ah dowladdooda.

    Afhayeenka Taliban, Zabihullah Mujahid, ayaa 13-kii September u sheegay telefishanka Tolo News in wararka ku saabsan joogitaanka Al-Qaacida ee Afghanistan ay qayb ka yihiin “olole taban oo ka dhan ah dowladda Taliban-ka.”

    Mujahid wuxuu sheegay in eedeymaha noocan ah ay ka imaan karaan kooxo dhinac u janjeera iyo hay’adaha sirdoonka, kuwaas oo uu sheegay inay doonayaan inay kordhiyaan xiisadda iyo amni-darrada gobolka.

    Wuxuu sidoo kale sheegay in aysan Afghanistan ku sugnayn wax kooxo shisheeye ah, oo ay Al-Qaacida ku jirto, isla markaana Taliban aysan oggolaanayn in dhulka Afghanistan loo adeegsado weerarro ka dhan ah dalal kale.

    Hase yeeshee, war uu 12-kii September daabacay wargeyska Mareykanka ee Washington Post, oo soo xigtay saraakiil sirdoon oo Mareykan iyo reer Galbeed ah iyo hay’ad Qaramada Midoobay ah oo la socota kooxaha argagixisada, ayaa sheegay in Al-Qaacida ay dib uga sameysatay Afghanistan xarumo tababar.

    Warbixintu waxay sheegtay in Al-Qaacida iyo kooxaha xiriirka la leh ay saddexdii sano ee la soo dhaafay Afghanistan ka sameysteen ugu yaraan siddeed xarumood oo tababar, iyagoo ka faa’iideysanaya firaaqii amni ee ka dhashay markii Taliban 2021 dib ugu soo laabteen xukunka iyo ciidamada Mareykanka ay dalka ka baxeen.

    Labada dhinac ayaa sidaas darteed bixiyay warar is-khilaafsan, mana jirto xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan tirada iyo goobaha xarumaha la sheegay.

  5. War deg deg ah, Iran maxey ka tiri Xuutiyiinta iyo dagaalka Yemen ka socda?

    Yemen

    Xigashada Sawirka, LightRocket via Getty Images

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Ismaaciil Baghai, ayaa sheegay in Iran aysan wax faragelin ah ku lahayn wada-hadallada la xiriira Yemen.

    Baghai oo maanta ka hadlay shirkiisa toddobaadlaha ah ee warbaahinta ayaa sheegay in “dhibaatooyinka Yemen ay leeyihiin xididdo soo jireen ah”, isagoo intaas ku daray in Iran ay diyaar u tahay inay ka qayb qaadato wada-hadallo lagu xallinayo khilaafaadka dalkaas.

    Dhanka kale, Kuuriyada Koonfureed ayaa cambaareysay weerarrada lagu qaaday xarumaha rayidka iyo kuwa dhaqaalaha ee koonfurta Sacuudiga.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in weerarrada Xuutiyiinta ee lagu beegsanayo dadka rayidka ah iyo xarumaha rayidka, iyo sidoo kale tallaabooyinka khatar gelinaya xorriyadda iyo badqabka maraakiibta, aan lagu marmarsiyoon karin xaalad kasta.

    Dagaalka Yemen ayaa bishii la soo dhaafay sii xoogeystay, iyadoo Xuutiyiinta Iran xulafada la ah ay la wareegeen gacan ku haynta Marinka Bab al-Mandab, oo ay horay u hayeen ciidamada dowladda Yemen ee taageerada ka hela Sacuudiga.

  6. War deg deg ah, Nin Muslimiinat shiicada iyo Sunniga muhiim u ahaa oo la dilay iyo faahfaahin ka soo baxaysa

    Xiriirka dadweynaha ee Ciidamada Qudus ee Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sheegay in Mawlawi Yuusuf Gargij lagu dilay magaalada Zaahidaan ee gobolka Sistan iyo Baluchestan.

    Bayaan ka soo baxay Taliska Qudus ayaa lagu sheegay in Gargij ay rag aan la aqoon ku dileen afaafka hore ee gurigiisa.

    Ciidamada Qudus ayaa Gargij ku tilmaamay shakhsi door weyn ku lahaa isku soo dhawaanshaha Shiicada iyo Sunniga ee gobolka Sistan iyo Baluchestan, waxayna dilkiisa ku tilmaameen “fal argagixiso”.

    Ilaa hadda lama shaacin faahfaahin dheeraad ah, mana jirto koox sheegatay mas’uuliyadda dilka.

    Mawlawi Yuusuf Gargij ayaa ahaa imaamka Masjidka Muxammad Rasuulullaah ee Zaahidaan.

  7. War deg deg ah, Trump oo ku shaaciyay war cusub oo Ruushka iyo Ukraine ku saabsan

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Ukraine iyo Ruushka ay isku raaceen in aysan weerarro ku qaadin xarumaha tamarta ee labada dal.

    Trump ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku yiri: “Ukraine waxay oggolaatay in aysan bartilmaameedsan xarumaha tamarta ee Ruushka. Ruushkuna sidaas oo kale ayuu oggolaaday.”

    Trump ayaa shalay sidoo kale sheegay in kororka qiimaha naaftada uu ka dhashay dagaalka Ukraine, ee uusan ka dhalan dagaalka Iran. Wuxuu Ukraine ugu baaqay inay joojiso weerarrada ay ku qaaddo xarumaha shidaalka ee Ruushka.

    Ciidamada Ukraine ayaa shalay sheegay inay habeenkii ka horreeyay weerareen laba warshadood oo shidaal sifaysa oo Ruushka ku yaalla, mid koonfurta dalka iyo mid kale oo qiyaastii 900 kiiloomitir bari kaga beegan Moscow.

    Weerarrada Ukraine ee xarumaha shidaalka Ruushka ayaa sababay yaraansho shidaal oo laga soo sheegay qaybo badan oo dalkaas ah.

    Dhanka kale, xaaladda ka taagan Bab al-Mandab iyo Badda Cas, iyo amni-darrada ka jirta Marinka Hormuz, ayaa kordhisay walaaca laga qabo in sahayda shidaalka adduunka ay carqalad gasho.