Dad caraysan oo gubay isbitaal uu ku jiray maydka qof looga shakiyay inuu ku dhacay Ebola

Xigashada Sawirka, Reuters
Dad careysan ayaa dab qabadsiiyay isbitaal ku yaalla bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, kadib geerida bukaan looga shakiyay inuu qabay cudurka Ebola.
BBC-da ayaa fahamsan in qaraabada bukaanka ay xoog ku galeen xarunta caafimaadka oo ku dhow magaalada Bunia, kadib markii shaqaalaha caafimaadku ay diideen in lala baxo meydka bukaanka.
Intii uu qalalaasuhu socday, lix bukaan ayaa baxsaday, kuwaas oo saddex kamid ah si rasmi ah looga xaqiijiyay inay qabaan Ebola.
Shaqaalaha caafimaadka ee Isbitaalka Rwampara ayaa hadda ku jira ilaalin militari, iyadoo boolisku isku dayayaan inay dib u soo celiyaan kala dambeynta.
Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in cudurka dillaacay uu dilay in ka badan boqol iyo konton (150) qof, halka in ka badan lix boqol (600) oo kiis oo looga shakisan yahay lasoo sheegay.
(Hore, kooxda fallaagada ah ee M23 ayaa xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee Ebola ee gobolka South Kivu, taas oo sare u qaaday cabsi laga qabo faafitaanka fayraska ee meelaha ay colaadaha hubeysan ka jiraan.)
SII AKHRI WARBIXINO KALE

















