Sacuudiga oo xukun dil ah ku fuliyay muwaadiniin Itoobiyaan ah
Xigashada Sawirka, Getty Images
Digniin: Waxyaabaha ku jira warkan ayaa laga yaabaa inay saameyn ku yeeshaan dareenkaaga.
Sacudi Carabiya ayaa gobolka Casir ku dishay shan qof oo kale oo u dhashay Itoobiya.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in muwaadiniintan la dilay maalintii Axadda.
Wasaaraddu waxay soo saartay bayaan ay ku qoran yihiin magacyada muwaadiniinta lagu xukumay dilka.
BBC-da ma aysan shaacin magacyada dadka la dilay, maadaama aan la ogeyn in qoysaskoodu ay heleen ogeysiis rasmi ah.
Horaantii bishii Nofeembar, Sacuudi Carabiya waxay sidoo kale dishay laba Itoobiyaan, halka bishii Oktoobarna ay dishay afar kale.
Sida lagu sheegay bayaanka, muwaadiniintan waxaa la xiray iyagoo lagu eedeeyay inay daroogo ama xashiish ka tahriibinayeen xadka.
Xukunnadan dilka ee ugu dambeeyay ayaa kordhiyay tirada muwaadiniinta dhowaan lagu fuliyay ama lagu xukumay dil.
Wasaaraddu waxay bayaankeeda ku sheegtay in baaritaannada lagu ogaaday in Itoobiyaankaasi ay galeen falal dambiyeed.
Waxay sidoo kale sheegtay in xukunnada dilka loo fuliyay "si looga ilaaliyo muwaadiniinta iyo dadka deggan dalka waxyeellada ay daroogadu leedahay."
Sacuudi Carabiya ayaa sii wadday fulinta xukunnada dilka inkastoo bilihii la soo dhaafay ay ururrada xuquuqda aadanaha iyo hay'ado kale oo kala duwan walaac ka muujiyeen qoysaska dadka la xukumay.
War deg deg ah, Cabaas Araqchi oo la hadlay Sacuudiga iyo Cummaan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Caraqchi, ayaa wada-hadallo telefoon oo kala duwan la yeeshay wasiirrada arrimaha dibadda ee Cumaan iyo Sacuudiga.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa bayaan ku sheegtay in xaaladda marinka Badda ee Hormuz, iyo dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu yareynayo xiisadaha laguna xaqiijinayo xasilloonida gobolka, ay ka mid ahaayeen qodobbadii looga hadlay wada-hadalladaas.
Dhawaan, Iiraan iyo Cumaan waxay yeesheen wada-hadallo adag oo socday laba maalmood, kuwaas oo ku soo beegmay joojinta weerarradii milatari ee Mareykanka. Mas'uuliyiinta labada dhinac ayaa ku tilmaamay wada-hadallada kuwo waxtar leh, balse Kazem Gharibabadi ayaa shalay sheegay in Iiraan aysan aqbalin soo jeedintii Cumaan ee lagu soo bandhigay wada-hadallada.
Dhanka kale, wada-hadallada u dhexeeyay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan iyo mas'uuliyiinta Sacuudiga ayaa dhacay inkastoo Sacuudi Carabiya ay shalay ku dhawaaqday inay qabatay oo soo ridday dhowr diyaaradood oo aan duuliye lahayn kuwaas oo laga soo diray Ciraaq kuna sii jeeday dalkaas. Maalmihii u dambeeyay, xiisadda u dhexeysa Sacuudi Carabiya iyo kooxda Xuutiyiinta ee ay Iiraan taageerto ayaa mar kale sii korortay.
Gabar nin ay is jeclaayeen ka jartay xubinta taranka
Xigashada Sawirka, Getty Images
Dhacdadan naxdinta leh ayaa weli hadal heyn badan dhalinaysa, kadib markii haweeney 25 jir ah ay si buuxda u goysay xubinta taranka saaxiibkeed oo isna 25 jir ahaa, xilli uu hurdayay qol hoteel oo ay ka wada kireysteen magaalada Kano ee dalka Nigeria.
Sida uu sheegay Booliska Gobolka Kano, dhacdadan ayaa ka dhacday deegaanka Badawa ee magaalada Kano. Labada qof ee is jeclaa waxay asal ahaan ka soo jeedaan Gobolka Jigawa.
Afhayeenka Taliska Booliska Gobolka Kano, CSP Cabdullaahi Haruna Kiyawa, ayaa sheegay in inkastoo ay hore ula kulmeen dambiyo noocan oo kale ah, tani ay tahay markii ugu horreysay ee haweeney ay si buuxda u goyso xubinta taranka ninka.
"Waxay noo sheegtay in markii ay falka geysanaysay uu hurday, isla markaana uu cabay wax hurdo u keenay, taasoo siisay fursad ay ku goyso. Kadibna waxay u jiidday musqusha oo dhiiggii ayay ka dhaqday, markaas ayay dadka kale ogaadeen in wax ay dhacayaan," ayuu yiri Kiyawa.
CSP Cabdullaahi Haruna Kiyawa ayaa sidoo kale BBC-da u sheegay in ninka dhalinyarada ahi uu nool yahay, isla markaana uu ku jiro isbitaal isagoo helaya daaweyn.
Roobab mahiigaan ah oo waxyeello ka geystay Itoobiya
Xigashada Sawirka, Kibrom Kidanemariam
Wiil 12 jir ah ayaa geeriyooday, in ka badan 10,000 oo qofna waa ay barakaceen kadib markii roobab culus, baraf iyo dabeylo xooggan ay ku dhufteen qaybo ka mid ah gobolka Tigray ee Itoobiya, sida uu BBC-da u sheegay mas'uul degmo.
Habtom Zenebe, oo ah ku-xigeenka maamulaha degmada ay dhibaatadu saameysay ee ku taalla Aagga Dhexe ee Tigray, ayaa sheegay in cimiladan daran ay sababtay burbur baahsan oo soo gaaray guryaha, xoolaha iyo dhul-beereedka.
"Waxaan la kulannay roob baraf wata aad u culus oo aan hore loo arag," ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray in duufaantu ay saameysay shan aag maamul iyo toddoba degmo oo ku yaalla aaggaas.
Duufaantu waxay ku dhufatay deegaanka Talaadadii la soo dhaafay, waxaana Habtom sheegay in dhagaxyadii barafka ay weli muuqdaan inkastoo dhowr maalmood ay ka soo wareegeen.
Wuxuu sheegay in wiilka uu adhiga lo'da raacinayay markii ay qaadeen daadad degdeg ah oo ka dhashay roobka xooggan.
"Gurigaba ma uusan gaarin markii roobkii iyo daadadkii ay haleeleen," ayuu yiri Habtom.
Mas'uulkan ayaa sheegay in khasaaraha ugu weyn laga diiwaangeliyay degmada Red Tikhili, inkastoo qaybo kale oo ka tirsan Aagga Dhexe ee Tigray ay sidoo kale saameeyeen. Wuxuu intaa ku daray in aan ilaa hadda la soo sheegin dhimasho kale.
Sida uu sheegay maamulka degmada, waxaa dhintay 201 neef oo xoolo ah, oo ay ku jiraan lo' iyo ari. Sidoo kale, 12 guri ayaa gebi ahaanba burburay, halka 625 guri oo kale ay waxyeello soo gaartay.
Duufaantu waxay sidoo kale sababtay khasaare weyn oo dhinaca beeraha ah. Qiyaastii 1,060 hektar oo dalag ah ayaa waxyeello soo gaartay, kuwaas oo intooda badan la beeray xilligii roobabka Abriil, isla markaana weli ku jiray marxaladda koritaanka.
Habtom wuxuu intaa ku daray in degmada ay soo martay 46 maalmood oo xiriir ah oo aan wax roob ahi ka da'in ka hor duufaanta, isla markaana saadaasha hawadu ay muujisay in roobabka xilliyeedku ay dib u dhici doonaan isla markaana aanay si joogto ah u di'i doonin.
Saraakiisha degmada ayaa sheegay in 2,134 qoys, oo u dhiganta qiyaastii 10,556 qof, ay barakaceen. Intooda badan waxay la deggan yihiin eheladooda iyo deriskooda, halka qaar kalena ay ku jiraan hoy ku meel gaar ah.
Habtom wuxuu sheegay in beeraleyda ay dhibaatadu saameysay ay ku sugan yihiin "xaalad aad u adag", isaga oo ka digay in xaaladdu sii xumaan karto haddii gargaar degdeg ah aan si dhaqso leh loo gaarsiin.
"Ilaa hadda wax gargaar ah lama helin," ayuu yiri. "Laakiin mas'uuliyiin ka socday degmada, gobolka iyo aagga ayaa booqday goobta, waxaana rajaynaynaa in gargaar uu xigi doono."
Hay'adda saadaasha hawada ee Itoobiya ayaa ka digtay in isbeddellada aan caadiga ahayn ee cimiladu ay saameyn karaan qaybo badan oo dalka ah, oo ay ku jirto Tigray. Qaar ka mid ah deegaannada ayaa halis ugu jira abaar, halka kuwo kalena ay wajihi karaan daadad iyo dhul-go' sababo la xiriira roobab ka badan heerkii caadiga ahaa.
Beerka xoolaha oo la cuno ma daweyn karaa cudurada beerka ee ku dhaca bini'aadamka?
Inta badan dadka waxay maqlaan talo ah: "cun beer si dhiiggaagu u fiicnaado," waxaana si gaar ah loogu sheegaa haweenka uurka leh ama dadka daciifka ah.
Taasi waa sababta ay dad badani u jecel yihiin cunista beerka ari ama digaag, balse su'aashu waxay tahay: ma run baa arrintaas? Ma caawin kartaa cunista beerka digaag ama ari in ay yarayso dhaawaca ee bini'aadamka?
Arrintan la xiriirta, Machadka Qaranka ee Caafimaadka ee Maraykanka (NIH) wuxuu sheegay in fitamiinno, bir (iron), borotiin iyo nafaqooyin kale oo badan laga helo beerka digaagga iyo ariga, sidoo kale waxaa laga helaa beerka lo'da iyo doofaarka.
Dhanka kale, fitamiin A badan looma tixgeliyo mid u wanaagsan haweenka uurka leh.
Hay'adda Caafimaadka Qaranka ee UK (NHS) ayaa sheegtay in haweenka uurka leh ay ka fogaadaan cunista beer badan, sababtoo ah heerarka sare ee fitamiin A ee ku jira waxay waxyeello u geysan karaan uurjiifka.
Israa'iil oo sheegtay in diyaarad aan duuliye lahayn ay ku qabatay meel u dhow xadka Urdun
Xigashada Sawirka, Getty Images
Ciidanka Israa'iil ayaa Talaadadii ku dhawaaqay inuu qabtay diyaarad aan duuliye lahayn oo laga helay meel u dhow xadka Urdun, isla markaana uu baarayo halka laga soo duuliyay.
Qoraal ay soo saareen ciidamada Israa'iil ayaa lagu yiri:
"Waqti kooban ka hor, Ciidanka Cirka ee Israa'iil ayaa qabtay diyaarad aan duuliye lahayn oo ku sugneyd aagga xadka Urdun."
Qoraalka ayaa intaas ku daray: "Diyaaradda ma aysan gelin hawada Israa'iil. Meesha laga soo duuliyay weli waa la baarayaa."
Urdun ayaa marar badan bartilmaameed noqotay tan iyo markii ay dib u billowdeen colaadaha u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka horraantii bishan.
Israa'iil kama aysan qaybgelin wajiga cusub ee dagaallada.
Sidoo kale, ciidamada Israa'iil ayaa subaxnimadii Talaadada sheegay in seeriga digniinta laga maqlay deegaanka Kissufim, oo ku dhow Marinka Qasa, uu ka dhashay "aqoonsi khaldan."
Kooxda iska-caabbinta islaamiga ee ciraaq oo beenisay eedeymaha Sacuudiga
Kooxda Iska-caabbinta Islaamiga ee Ciraaq ayaa soo saartay bayaan ay ku beeninayso sheegashada Wasaaradda Difaaca Sacuudiga ee ku saabsan weerar lagu qaaday xarunta sifaynta shidaalka ee Abqaiq.
Kooxdan oo ka kooban dhowr maleeshiyo oo Shiico ah isla markaana ay Iiraan taageerto ayaa bayaankeedii Isniintii ku tilmaantay weerarrada ay fuliyeen Xuuthiyiinta Yaman inay yihiin jawaab ka dhalatay go'doominta uu Sacuudigu ku hayo Yemen.
Iska-caabbinta Islaamiga ah ayaa sidoo kale uga digtay Sacuudiga inuu qaado tallaabooyin aargoosi ah.
Sida aan hore u baahinay, ka dib markii Sacuudigu Isniintii sheegay inuu hawada ku burburiyey diyaarado aan duuliye lahayn oo laga soo diray Ciraaq kuna sii jeeday Sacuudiga, Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq, Cali Zeydi, ayaa amar ku bixiyey in dhacdadaas baaritaan lagu sameeyo.
Fiidnimadii Isniinta, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Ciraaq aysan oggolaan doonin in dhulkeeda loo adeegsado weerarro lagu qaado dalalka deriska ah.
Horey, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga ayaa ugu baaqday dowladda Ciraaq inay qaaddo dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si looga hortago in dhulka Ciraaq loo isticmaalo saldhig looga soo abaabulo weerarro ka dhan ah Sacuudiga.
Wasaaradda Difaaca Sacuudiga ayaa hore u sheegtay in bartilmaameedka weerarka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn uu ahaa xarumo shidaal oo ku yaalla Gobolka Bari iyo magaalada Riyaad.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Difaaca Sacuudiga ayaa sheegay in weerarkaasi ay ka dambeeyeen, sida uu hadalka u dhigay, "maleeshiyaad argagixiso oo ay Iiraan taageerto."
War ka soo kordhay weerar lagu qaaday Sacuudiga iyo sawirro dayax-gameedka oo muujiyey Qiiq
Xigashada Sawirka, COPERNICUS SENTINEL-2/Reuters
Xuutiyiinta Yemen ayaa saacado ka hor sheegay inay weerar ay
u adeegsadeen diyaarado aan duuliye lahayn ku qaadeen xarumo muhiim u ah soo saarista ishidaalka
ee bariga Sacuudi Carabiya.
Sawirro dayax-gacmeed ayaa hadda muujinaya qiiq ka kacaya
xarunta shidaalka ee Abqaiq ee Sacuudi Carabiya.
Tani waa markii ugu horreysay ee la soo sheego weerar ay
Xuutiyiinta, oo xulafo la ah Iiraan, ku qaadeen xarunta Abqaiq.
Abqaiq waa mid ka mid ah xarumaha ugu waaweyn adduunka ee
lagu sifeeyo saliidda cayriin, hab lagu diyaariyo saliidda si loogu kaydiyo
haamaha waaweyn loogana dhigo mid ammaan u ah gaadiidka iyo dhoofinta.
Xaruntan waxaa si gaar ah loogu talagalay inay diyaariso
saliidda loo gudbiyo tuubbada West–East Pipeline ee Sacuudi Carabiya, taas oo u
oggolaanaysa dalka inuu saliiddiisa uu ka dhoofiyo Badda Cas iyo Kanaalka Suweys, isagoo
aan u baahnayn inuu mariyo Marinka Hormuz.
Iiraan weli wax hadal ah kama aysan soo saarin dhacdadan.
Dhanka kale, Wasaaradda Difaaca Sacuudi Carabiya ayaa
sheegtay in weerarrada lagu qaaday xarumaheeda ay fuliyeen maleeshiyaad Ciraaqi
ah oo xiriir la leh Iiraan, waxayna caddeysay inay xaq u leedahay inay ka
jawaabto weerarradaas.
Iiraan oo faahfaahin dheeraada ka bixisay waxa uu siday markab ay leeyihiin oo Ukriane weerartay
Safiirka Iiraan u fadhiya Ruushka, Kazem Jalali, ayaa
sheegay in markabka Iiraan ee “Anna”, oo bartilmaameed u noqday weerar ay
diyaarado aan duuliye lahayn oo Ukraine ka
fuliyeen Badda Caspian maalintii Sabtida, uu ahaa “markab rayid ah oo gebi
ahaanba aan sidin wax saanad militari ah,” isagoo beeniyay eedeymaha loo
jeediyay.
Ukraine ayaa Sabtidii
ku dhawaaqday inay weerartay bartilmaameedyo dhowr ah oo xiriir la leh Ruushka
oo ku yaalla Badda Caspian, kuwaas oo ay ku jiraan “maraakiib sida saanad
militari oo la xiriiriyey Iiraan.”
“Markabka Anna wuu jiraa, waana la arki karaa, taasoo
caddeyn u ah in sheegashada laga sameeyay waxa uu siday aysan sax ahayn.” Jalali
ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee IRNA:
Safiirka Iiraan ee Ruushka ayaa sheegay in weerarku ka
dhacay “biyaha dhuleed ee Ruushka”, isagoo xusay in markabka Anna uu
taagnaa meel qiyaastii shan kiiloomitir u jirta afka Webiga Volga xilligii ay
diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine weerarka fuliyeen, isagoo sugayay
inuu sii wato safarkiisa marka duufaantu degto.
“Ruushka, oo ah dal saaxiib la ah Iiraan, waxaa laga filayaa
inuu jawaab adag ka bixiyo weerarradan dembiga ah.”ayuu yiri Jalali.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa
isaguna maanta sheegay in weerarka Ukraine ku qaaday markab ganacsi oo ku
sugnaa Badda Caspian uusan noqon doonin mid jawaab la’aan ku dhammaada.
Trump oo hadda shaaciyey war cusub oo ku saabsan Iiraan
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in
Maraykanku uu Iiraan kula jiro wada-hadallo “aad u qoto dheer”, balse uu amri
doono tallaabo militari oo “aad u xooggan” haddii wada-hadalladu
guuldareystaan.
Trump ayaa u sheegay warbaahinta Axios in uu hakiyay
weerarradii ka dhanka ahaa Iiraan kadib codsi uga yimid dalal
dhexdhexaadinayay, si fursad loo siiyo wada-hadallada.
“Waxaan Iiraan kula jirnaa wada-hadallo aad u qoto dheer.
Haddii ay miro dhalin waayaan, waxaan dib u bilaabi doonnaa hawlgallo militari
oo aad u culus.”ayuu yiri Trump.
Mar la weydiiyay inta waqti ee uu diyaar u yahay inuu siiyo
dadaallada diblomaasiyadeed, Trump wuxuu ku jawaabay:
“Ma aha waqti badan. Ama si degdeg ah ayaa lagu dhammeeyaa,
ama gebi ahaanba lama dhammeeyo.”
Isagoo ka hadlayay sababta uu u aqbalay codsigii dalalka
dhexdhexaadinayay ee ahaa in weerarrada la hakiyo, Madaxweynaha Maraykanka ayaa
yiri:
“Wax dhibaato ah nama soo gaarsiin.”
Isagoo ka hadlayay booqashada Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil,
Benjamin Netanyahu, ee Washington, Trump wuxuu yiri:
“Waxaan kala hadli doonaa Bibi (Benjamin Netanyahu) xaqiiqda
ah in haddii aanan anigu madaxweyne ahaan lahayn, Iiraan ay hadda yeelan lahayd
hub nukliyeer ah, Israa’iilna la burburin lahaa.”
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa maanta
sheegay in aysan hadda jirin wax wada-hadallo ah oo u socda Iiraan iyo
Maraykanka, isla markaana Tehran aysan u oggolaan doonin Maraykanka inuu
go’aamiyo waqtiga dagaalka iyo nabadda.
Xog ku saabsan tirada ciidamada Maraykanka ee ku dhintay kuna dhaawacmay dagaalka Iiraan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Ugu yaraan 624
askari oo ka tirsan ciidamada Maraykanka ayaa la dhaawacay tan iyo markii
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu amray weerarro ka dhan ah Iiraan bishii
Febraayo, sida lagu sheegay xogtii ugu dambeysay ee Pentagon-ka ee la
cusboonaysiiyay 25-ka Luulyo.
Dadka la
dhaawacay waxaa ka mid ah 417 askari oo loo tiriyay hawlgalka Operation Epic
Fury, halka 207 kale loo tiriyay qaybta loo yaqaan “Hawlgallada Dibadda”.
Toddobaadkii
hore, Pentagon-ka ayaa dib u eegis ku sameeyay tirada dadka ku dhaawacmay iyo
kuwa ku dhintay dagaalka, iyadoo magacyada afar askari oo ku dhintay howlgalka Operation Epic Fury laga saaray laguna daray
tirada dhimashada ee qaybta Overseas Operations.
Nidaamka
Pentagon-ka ee fallanqaysa dhaawacyada
difaaca, tirada dhimashada ee Operation
Epic Fury oo ah magaca loo bixiyay
weerarkii ugu horreeyay waxaa lagu qoray
ilaa Talaadadii inay ahayd 18 dhimasho 482 qof oo dhaawacmay.
Mar ka mid ah dib
u eegista, afar ka mid ah magacyadaas ayaa laga saaray, waxaana Khamiistii
tirada dhimashada la dhigay 14 qof.
Afarta askari ee
dhintay ayaa hadda lagu daray qaybta Overseas Operations, taas oo sheegaysa
inay diiwaangeliso “khasaaraha ka bilowda 7-da Luulyo 2026.” Afartaas ayaa ah
dadka keliya ee ku qoran qaybtaas inay dhinteen.
Milateriga Sudan oo shaaciyey guul ay gaareen
Xigashada Sawirka, Reuters
Ciidanka
Suudaan ayaa sheegay inay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta waddo weyn oo
muhiim ah oo isku xirta Khartuum iyo caasimadda gobolka Waqooyiga Kordofan ee
go’doonsan El Cubayd kaddib laba maalmood oo dagaallo culus ay halkaas ka socdeen.
Ciidamada (RSF) ayaa gacanta ku hayay waddadan
dhererkeedu yahay 350 kiiloomitir tan iyo Abriil 2023, markii uu
bilowday dagaalka sokeeye.
Afhayeen u
hadlay ciidanka ayaa sheegay in magaalooyinka iyo tuulooyinka ku teedsan
waddadaas sidoo kale laga xoreeyay askarta RSF ee dib u gurayshao sameeey.
Qaramada
Midoobay ayaa ka digaysay musiibo bani’aadamnimo oo ka dhalan karta El Obeid,
halkaas oo ku dhowaad 500,000 oo qof oo go’doon ku jira ay la kulmayeen
weerarro xooggan oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay ka geysanayaan RSF.
Hay’adda
Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa qiyaastay in ilaa 400,000 oo qof lagu
dilay, halka in ka badan 14 milyan oo qof ay ku barakaceen tan iyo
markii uu dagaalku billowday.
Daraasad "xal waara" u heshay bidaarta
Xigashada Sawirka, Getty Images
Burooyinka yaryar ee maqaarka dadka ayaa suurta gal ah in uu leeyahay fursad lagu daweyn karo bidaarta, sida lagasoo xigtay daraasad toddobaadkan lagu daabacay joornaalka Nature.
Ku dhawaad toban sano, saynisyahano ka tirsan Jaamacadda California, Irvine waxay baranayeen burooyinka maqaarka si ay u fahmaan sababta ay ugasoo baxaan timaha dhaadheer. daraasadda cusub waxay muujineysaa in burooyinka noocan oo kale ah ay ka kooban yihiin unugyo gaar ah oo kor u qaada koritaanka timaha.
“Waxaan timaha burooyinka ka dul baxa ka helnay tixraac,” ayuu yiri Maksim Plikus oo ah madaxa daraasadda isla markaana ah barfasoore ka ah jaamacadda California, Irvine kana dhiga samaysanka unugyada bayoolajiga.
Dadku sida caadiga ah waxay lumiyaan inta u dhaxaysa 50 iyo 100 xabbo oo timo ah maalintii, ka dibna unugyada gunta tinta ayaa soo saara kuwo cusub. Laakiin shakhsiyaadka leh bidaarta ama ay hadda kusoo socoto - waxa ay dhakhaatiirtu u yaqaanaan ‘alopecia’ ama ‘alopecia androgenic’ oo ah unugyada asliga ah ayaa jiifa, sidaas darteed ayeysan timo cusub usoo baxeyn.
Sida lagu helay Tijaabooyin loo adeegsaday jiir, Plikus iyo kooxdiisa cilmi-baaristu waxay muujiyeen in nooc ‘molecule ah’ oo loo yaqaan ‘osteopontin’, oo si gaar ah ugu badan burooyinka maqaarka ee timaha leh, uu kicin karo unugyada tarma ee timaha, kuwaas oo markii hore hurday.Halkan ka sii akhriso sheekada
Madaxweynaha FIFA oo iska difaacay dhaleecayn loo jeediyey, Muxuuse sheegay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA, Gianni
Infantino, ayaa difaacay hab-dhaqankiisa kadib dhaleeceyn loo jeediyay arrimo
kala duwan oo la xiriira Koobkii Adduunka ee dhowaan la soo gabagabeeyay.
Qoraal ka koobnaa 15 bog oo uu ku baahiyay baraha bulshada,
Infantino wuxuu ku sheegay in dadka dhaliilay tartankii ay wada martigeliyeen Maraykanka,
Canada iyo Mexico ay iska indha tireen
farxadda iyo midnimada ay malaayiin taageerayaal ahi ku wada riyaaqeen intii uu
socday koobku.
Hoggaamintiisa FIFA iyo xiriirka dhow ee uu la leeyahay
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa si weyn loo dhaliilay. Waxaa si
gaar ah loogu eedeeyay kadib markii faragelin toos ah oo uu sameeyay Trump ay
keentay in la hakiyo ganaaxii lagu soo rogay ciyaaryahanka Maraykanka Folarin
Balogun, kaas oo casaan loo taagay intii uu socday mid ka mid ah kulamadii ciyaaraha.
Dhaliilaha kale ee loo jeediyay tartanka waxaa ka mid ahaa
xayiraadaha safarka ee Maraykanku ku soo rogay qaar ka mid ah kooxaha iyo
mas’uuliyiinta, qiimaha sare ee tigidhada, iyo eedeymo sheegaya in
garsoorayaashu ay u muujiyeen dabacsanaan xulka Argentina.
Netenyahu oo u ambabaxay Maraykanka ka dib warar ay horey u shaaciyeen warbaahinta Israa’iil
Xigashada Sawirka, Getty Images
Saacado kaddib markii warbaahinta Israa’iil ay sheegtay in
safarkii Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ee Washington dib loo dhigay
“sababo aan la shaacin,” ayuu ugu dambayn u ambabaxay caasimadda Maraykanka.
Sida ay qortay warbaahinta Israa’iil, diyaaradda Netanyahu
ayaa markii hore loo qorsheeyay inay kacdo 11:00 subaxnimo waqtiga maxalliga
ah. Hase yeeshee, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa markii dambe xaqiijiyay in
safarka dib loo dhigay, iyadoo aan la sheegin sababta keentay dib u dhaca.
Warbaahinta Israa’iil ayaa, iyadoo soo xiganaysa Xafiiska
Ra’iisul Wasaaraha, sheegtay in Netanyahu uu u duulay Washington wax yar ka hor
1:00 duhurnimo, ku dhowaad laba saacadood kaddib waqtigii markii hore loo
qorsheeyay.
Warbaahintu waxay sidoo kale, iyadoo soo xiganaysa mareegaha
la socda duulimaadyada, sheegtay in diyaaradda Netanyahu ay ka duushay
Saldhigga Cirka ee Navatim. Waxa kale oo ay qortay in Xafiiska Ra’iisul
Wasaaraha uusan weli shaacin sababta uu uga duulay saldhiggaas halkii uu ka
isticmaali lahaa Garoonka Diyaaradaha Ben Gurion ee Tel Aviv.
Qaar ka mid ah warbaahinta Iiraan ayaa, iyagoo ka hadlaya
dib u dhaca safarka Netanyahu, ku xiray arrinta weerar loo adeegsaday diyaarado
aan duuliye lahayn . Arrintan ayaa timid kaddib markii ciidamada Israa’iil ay
hore u sheegeen inay hawada sare ee Urdun, meel u dhow xadka labada dal, ku
qabteen laba diyaaradood oo aan duuliye lahayn.
Netanyahu ayaa wax yar ka hor safarkiisa Washington ku qoray
bartiisa X in arrinta Iiraan ay noqon doonto mawduuca ugu muhiimsan ee uu kala
hadli doono Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump.
Raysal Wasaarihii hore ee Israa’iil oo sheegay tallaabo ka dhana Qadar oo uu qaadayo haddii la doorto
Xigashada Sawirka, Getty Images
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Israa’iil, Naftali Bennett, ayaa
sheegay in haddii uu mar kale noqdo ra’iisul wasaare, uu “isla markiiba” Qatar
ku dhawaaqi doono dal “cadow” ah.
Bennett ayaa qoraal uu ku baahiyay barta X ku tilmaamay
dowladda Qatar inay tahay “mid rabshado wada” iyo “kansar naceybka Yuhuudda ah”,
isagoo ku eedeeyay inay “faraha la gashay dalalka reer Galbeedka, xitaa
xafiiska ra’iisul wasaaraha Israa’iil.”
Wuxuu sidoo kale ku andacooday in intii uu ahaa ra’iisul
wasaare uu arkay xog muujinaysa in Qatar ay gargaar dhaqaale siinaysay Ilaalada
Kacaanka Iiraan.
Siyaasigan garabka midig ee adag, oo ka mid ah
hoggaamiyeyaasha ugu waaweyn mucaaradka Israa’iil, ayaa ku eedeeyay Qatar inay
doonayso “burburka Israa’iil.”
Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Qatar inay ka hirgelisay
“xarumo hurin iyo kicin” jaamacadaha Maraykanka iyo iyadoo adeegsanaysa
shabakadda telefishinka Al Jazeera, isla markaana ay balaayiin doollar oo
gargaar ah siisay Xamaas.
Dowladda Qatar weli kama aysan jawaabin hadallada siyaasigan
Israa’iiliga ah. Si kastaba ha ahaatee, labada dal ayaa muddo dheer waxaa u
dhexeeyay xiisado iyo khilaafyo siyaasadeed.
Qiimaha saliidda ayaa si weyn hoos ugu dhacay, iyadoo rajo
laga muujinayo in hakad ku yimid weerarradii u dhexeeyay Maraykanka iyo Iiraan
uu gacan ka geysan karo in xal laga gaaro colaadda.
Saliidda ceeriin ee Brent crude, oo ah halbeegga caalamiga
ah ee qiimaha saliidda, ayaa hoos u dhacday in ka badan 9%, iyadoo gaartay wax
ka yar $88 halkii foosto. Tani waxay si weyn uga duwan tahay toddobaadkii hore,
markaas oo qiimaheedu kor u dhaafay $100 halkii foosto.
Hoos u dhaca qiimaha ayaa yimid kaddib markii safiirka
Maraykanka u fadhiya Qaramada Midoobay uu sheegay in weerarrada ka dhanka ah
Iiraan la hakiyay habeenkii labaad oo xiriir ah, si "wada-hadallada loo
siiyo fursad."
Afhayeen u hadlay ciidamada Iiraan ayaa Axaddii sheegay in
Tehran ay sidoo kale hakisay weerarradii ay ku tilmaantay "aargoosiga"
ee ay ka wadday gobolka.
Bilowgii colaadda Iiraan ayaa sababay in qiimaha saliiddu si
weyn u kaco, maadaama dagaalku horseeday in si wax ku ool ah loo xiro Marinka
Hormuz, oo ah marin muhiim u ah maraakiibta ganacsiga. Marinkan ayaa caadi
ahaan laga dhoofiyaa qiyaastii 20% saliidda dunida iyo gaaska dabiiciga ah ee
dareeraha ah (LNG).
Mas’uuliyiinta gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya ayaa
ansixiyay miisaaniyad ka badan 400 milyan oo doollar, iyadoo xiisadda kala
dhexeysa dowladda federaalka ay sii kordhayso.
Hoggaanka Tigray ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka ee
Addis Ababa inay jartay maalgelintii gobolka isla markaana xaddiday adeegyada
dadweynaha, arrintaas oo ay sheegeen inay jebinayso heshiiskii nabadeed ee soo
afjaray dagaalkii sokeeye ee labada sano socday sannadkii 2022.
Madaxweynaha maamulka Tigray, Debretsion Gebremichael, ayaa
ka digay in Tigray ay isu diyaarinayso inay isdifaacdo haddii khilaafka aan
lagu xallin karin si nabad ah.
Sida ku cad xogta shirkadda sirdoonka badda ee Kepler,
siddeed markab oo ganacsi ayaa maray Marinka Hormuz maalinimadii Axadda ee shalay.
Maraakiibtaasi waxay ka koobnaayeen shan markab oo nooca shidaalka qaada, laba markab oo nooca xamuulka badan
qaada, iyo hal markab oo konteenarro qaada. Mid ka mid ah maraakiibtaas, oo ah
markab shidaalka qaada oo sita calanka Iiraan laguna magacaabo Niki, ayaa
ka mid ah kaas oo ay cunaqabateynta
Maraykanka saaran tahay.
Saddex ka mid ah siddeedda markab ayaa maray waddada ay
Iiraan u qoondeysay maraakiibta, taas oo ku taalla waqooyiga Marinka Hormuz.
Tirada maraakiibta maray Axaddii ayaa ka badnayd shantii
markab ee ganacsi ee maray marinka maalintii Sabtidii.
War deg deg ah, Iiraan oo u yeertay Safiirka Faransiiska u fadhiya Tehraan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa ku dhawaaqday in loo yeeray safiirka Faransiiska ee Tehran
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa sheegay in hay'addu ay u yeertay safiirka Faransiiska ee Tehran shalay. Ismail Baghaei oo sharraxaya tallaabadan ayaa yiri: "Faransiiska wuxuu farageliyay arrimaha gudaha isagoo ku andacoonaya safaarad iyo isagoo marmarsiiyo ka dhiganaya xiriir uu la leeyahay bulshada rayidka ah waana inuu raaligelin bixiyaa."
Toddobaadkii hore, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Faransiiska ayaa ku eedeeyay ciidamada amniga Iiraan inay ku xadgudbeen xasaanadda diblomaasiyadeed ee laba shaqaale oo ka tirsan safaaraddooda Tehran iyagoo adeegsanaya "cabsigelin daran." Jean-Noël Baro ayaa ku qoray X-Net in labada qof "la xiray oo la wareystay dhowr saacadood iyadoon wax sabab ah loo helin, mid ka mid ahna la weeraray." Dhacdadan ka dib, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Faransiisku waxay u yeertay ergeyga Iiraan.