TOOS, Taliska Guud ee Khaatam al-Anbiya: "Go'doominta dekedaha badda waxay muujinaysaa in dagaalku sii ballaarto"

Taliska Guud ee Khaatam al-Anbiya, oo mas'uul ka ah maamulka hawlgallada dagaalka ee Iiraan, ayaa soo saaray bayaan uu kaga digayo in haddii Maraykanku mar kale go'doomin dhinaca badda ee uu ku hayo dekedaha Iiraan, Tehran ay u fasiri doonto arrintaas inay tahay ballaarinta dagaalka.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Beerka xoolaha oo la cuno ma daweyn karaa cudurada beerka ee ku dhaca bini'aadamka?

    Inta badan dadka waxay maqlaan talo ah: "cun beer si dhiiggaagu u fiicnaado," waxaana si gaar ah loogu sheegaa haweenka uurka leh ama dadka daciifka ah.

    Taasi waa sababta ay dad badani u jecel yihiin cunista beerka ari ama digaag, balse su'aashu waxay tahay: ma run baa arrintaas? Ma caawin kartaa cunista beerka digaag ama ari in ay yarayso dhaawaca ee bini'aadamka?

    Arrintan la xiriirta, Machadka Qaranka ee Caafimaadka ee Maraykanka (NIH) wuxuu sheegay in fitamiinno, bir (iron), borotiin iyo nafaqooyin kale oo badan laga helo beerka digaagga iyo ariga, sidoo kale waxaa laga helaa beerka lo'da iyo doofaarka.

    Dhanka kale, fitamiin A badan looma tixgeliyo mid u wanaagsan haweenka uurka leh.

    Hay'adda Caafimaadka Qaranka ee UK (NHS) ayaa sheegtay in haweenka uurka leh ay ka fogaadaan cunista beer badan, sababtoo ah heerarka sare ee fitamiin A ee ku jira waxay waxyeello u geysan karaan uurjiifka.

  2. Israa'iil oo sheegtay in diyaarad aan duuliye lahayn ay ku qabatay meel u dhow xadka Urdun

    Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ciidanka Israa'iil ayaa Talaadadii ku dhawaaqay inuu qabtay diyaarad aan duuliye lahayn oo laga helay meel u dhow xadka Urdun, isla markaana uu baarayo halka laga soo duuliyay.

    Qoraal ay soo saareen ciidamada Israa'iil ayaa lagu yiri:

    "Waqti kooban ka hor, Ciidanka Cirka ee Israa'iil ayaa qabtay diyaarad aan duuliye lahayn oo ku sugneyd aagga xadka Urdun."

    Qoraalka ayaa intaas ku daray: "Diyaaradda ma aysan gelin hawada Israa'iil. Meesha laga soo duuliyay weli waa la baarayaa."

    Urdun ayaa marar badan bartilmaameed noqotay tan iyo markii ay dib u billowdeen colaadaha u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka horraantii bishan.

    Israa'iil kama aysan qaybgelin wajiga cusub ee dagaallada.

    Sidoo kale, ciidamada Israa'iil ayaa subaxnimadii Talaadada sheegay in seeriga digniinta laga maqlay deegaanka Kissufim, oo ku dhow Marinka Qasa, uu ka dhashay "aqoonsi khaldan."

    Warar dheeraad ah:

  3. Kooxda Iska-caabbinta Islaamiga ee Ciraaq oo Beenisay Eedeymaha Sacuudiga

    Kooxda Iska-caabbinta Islaamiga ee Ciraaq ayaa soo saartay bayaan ay ku beeninayso sheegashada Wasaaradda Difaaca Sacuudiga ee ku saabsan weerar lagu qaaday xarunta sifaynta shidaalka ee Abqaiq.

    Kooxdan oo ka kooban dhowr maleeshiyo oo Shiico ah isla markaana ay Iiraan taageerto ayaa bayaankeedii Isniintii ku tilmaantay weerarrada ay fuliyeen Xuuthiyiinta Yaman inay yihiin jawaab ka dhalatay go'doominta uu Sacuudigu ku hayo Yemen.

    Iska-caabbinta Islaamiga ah ayaa sidoo kale uga digtay Sacuudiga inuu qaado tallaabooyin aargoosi ah.

    Sida aan hore u baahinay, ka dib markii Sacuudigu Isniintii sheegay inuu hawada ku burburiyey diyaarado aan duuliye lahayn oo laga soo diray Ciraaq kuna sii jeeday Sacuudiga, Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq, Cali Zeydi, ayaa amar ku bixiyey in dhacdadaas baaritaan lagu sameeyo.

    Fiidnimadii Isniinta, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Ciraaq aysan oggolaan doonin in dhulkeeda loo adeegsado weerarro lagu qaado dalalka deriska ah.

    Horey, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga ayaa ugu baaqday dowladda Ciraaq inay qaaddo dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si looga hortago in dhulka Ciraaq loo isticmaalo saldhig looga soo abaabulo weerarro ka dhan ah Sacuudiga.

    Wasaaradda Difaaca Sacuudiga ayaa hore u sheegtay in bartilmaameedka weerarka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn uu ahaa xarumo shidaal oo ku yaalla Gobolka Bari iyo magaalada Riyaad.

    Afhayeen u hadlay Wasaaradda Difaaca Sacuudiga ayaa sheegay in weerarkaasi ay ka dambeeyeen, sida uu hadalka u dhigay, "maleeshiyaad argagixiso oo ay Iiraan taageerto."

  4. War ka soo kordhay weerar lagu qaaday Sacuudiga iyo sawirro dayax-gameedka oo muujiyey Qiiq

    Xarunta la weeraray ayaa ah mid ka mida kuwa ugu weyn adduunka ee lagu sifeeyo saliidda

    Xigashada Sawirka, COPERNICUS SENTINEL-2/Reuters

    Xuutiyiinta Yemen ayaa saacado ka hor sheegay inay weerar ay u adeegsadeen diyaarado aan duuliye lahayn ku qaadeen xarumo muhiim u ah soo saarista ishidaalka ee bariga Sacuudi Carabiya.

    Sawirro dayax-gacmeed ayaa hadda muujinaya qiiq ka kacaya xarunta shidaalka ee Abqaiq ee Sacuudi Carabiya.

    Tani waa markii ugu horreysay ee la soo sheego weerar ay Xuutiyiinta, oo xulafo la ah Iiraan, ku qaadeen xarunta Abqaiq.

    Abqaiq waa mid ka mid ah xarumaha ugu waaweyn adduunka ee lagu sifeeyo saliidda cayriin, hab lagu diyaariyo saliidda si loogu kaydiyo haamaha waaweyn loogana dhigo mid ammaan u ah gaadiidka iyo dhoofinta.

    Xaruntan waxaa si gaar ah loogu talagalay inay diyaariso saliidda loo gudbiyo tuubbada West–East Pipeline ee Sacuudi Carabiya, taas oo u oggolaanaysa dalka inuu saliiddiisa uu ka dhoofiyo Badda Cas iyo Kanaalka Suweys, isagoo aan u baahnayn inuu mariyo Marinka Hormuz.

    Iiraan weli wax hadal ah kama aysan soo saarin dhacdadan.

    Dhanka kale, Wasaaradda Difaaca Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in weerarrada lagu qaaday xarumaheeda ay fuliyeen maleeshiyaad Ciraaqi ah oo xiriir la leh Iiraan, waxayna caddeysay inay xaq u leedahay inay ka jawaabto weerarradaas.

  5. Iiraan oo faahfaahin dheeraada ka bixisay waxa uu siday markab ay leeyihiin oo Ukriane weerartay

    Safiirka Iiraan u fadhiya Ruushka, Kazem Jalali, ayaa sheegay in markabka Iiraan ee “Anna”, oo bartilmaameed u noqday weerar ay diyaarado aan duuliye lahayn oo Ukraine ka fuliyeen Badda Caspian maalintii Sabtida, uu ahaa “markab rayid ah oo gebi ahaanba aan sidin wax saanad militari ah,” isagoo beeniyay eedeymaha loo jeediyay.

    Ukraine ayaa Sabtidii ku dhawaaqday inay weerartay bartilmaameedyo dhowr ah oo xiriir la leh Ruushka oo ku yaalla Badda Caspian, kuwaas oo ay ku jiraan “maraakiib sida saanad militari oo la xiriiriyey Iiraan.”

    “Markabka Anna wuu jiraa, waana la arki karaa, taasoo caddeyn u ah in sheegashada laga sameeyay waxa uu siday aysan sax ahayn.” Jalali ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee IRNA:

    Safiirka Iiraan ee Ruushka ayaa sheegay in weerarku ka dhacay “biyaha dhuleed ee Ruushka”, isagoo xusay in markabka Anna uu taagnaa meel qiyaastii shan kiiloomitir u jirta afka Webiga Volga xilligii ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine weerarka fuliyeen, isagoo sugayay inuu sii wato safarkiisa marka duufaantu degto.

    “Ruushka, oo ah dal saaxiib la ah Iiraan, waxaa laga filayaa inuu jawaab adag ka bixiyo weerarradan dembiga ah.”ayuu yiri Jalali.

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa isaguna maanta sheegay in weerarka Ukraine ku qaaday markab ganacsi oo ku sugnaa Badda Caspian uusan noqon doonin mid jawaab la’aan ku dhammaada.

  6. Trump oo hadda shaaciyey war cusub oo ku saabsan Iiraan

    Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in Maraykanku uu Iiraan kula jiro wada-hadallo “aad u qoto dheer”, balse uu amri doono tallaabo militari oo “aad u xooggan” haddii wada-hadalladu guuldareystaan.

    Trump ayaa u sheegay warbaahinta Axios in uu hakiyay weerarradii ka dhanka ahaa Iiraan kadib codsi uga yimid dalal dhexdhexaadinayay, si fursad loo siiyo wada-hadallada.

    “Waxaan Iiraan kula jirnaa wada-hadallo aad u qoto dheer. Haddii ay miro dhalin waayaan, waxaan dib u bilaabi doonnaa hawlgallo militari oo aad u culus.”ayuu yiri Trump.

    Mar la weydiiyay inta waqti ee uu diyaar u yahay inuu siiyo dadaallada diblomaasiyadeed, Trump wuxuu ku jawaabay:

    “Ma aha waqti badan. Ama si degdeg ah ayaa lagu dhammeeyaa, ama gebi ahaanba lama dhammeeyo.”

    Isagoo ka hadlayay sababta uu u aqbalay codsigii dalalka dhexdhexaadinayay ee ahaa in weerarrada la hakiyo, Madaxweynaha Maraykanka ayaa yiri:

    “Wax dhibaato ah nama soo gaarsiin.”

    Isagoo ka hadlayay booqashada Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ee Washington, Trump wuxuu yiri:

    “Waxaan kala hadli doonaa Bibi (Benjamin Netanyahu) xaqiiqda ah in haddii aanan anigu madaxweyne ahaan lahayn, Iiraan ay hadda yeelan lahayd hub nukliyeer ah, Israa’iilna la burburin lahaa.”

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa maanta sheegay in aysan hadda jirin wax wada-hadallo ah oo u socda Iiraan iyo Maraykanka, isla markaana Tehran aysan u oggolaan doonin Maraykanka inuu go’aamiyo waqtiga dagaalka iyo nabadda.

  7. Xog ku saabsan tirada ciidamada Maraykanka ee ku dhintay kuna dhaawacmay dagaalka Iiraan

    Dagaalka Maraykanka iyo Iiraan ayaa bilowday bishii Febraayo ee sanadkan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ugu yaraan 624 askari oo ka tirsan ciidamada Maraykanka ayaa la dhaawacay tan iyo markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu amray weerarro ka dhan ah Iiraan bishii Febraayo, sida lagu sheegay xogtii ugu dambeysay ee Pentagon-ka ee la cusboonaysiiyay 25-ka Luulyo.

    Dadka la dhaawacay waxaa ka mid ah 417 askari oo loo tiriyay hawlgalka Operation Epic Fury, halka 207 kale loo tiriyay qaybta loo yaqaan “Hawlgallada Dibadda”.

    Maraykanka iyo Iiraan ayaa bishii Abriil ku heshiiyay xabbad-joojin, waxayna bishii Juun saxiixeen heshiis is-afgarad hase yeeshee weerarro labada dhinac ah ayaa sii socday intii u dhexeysay.

    Toddobaadkii hore, Pentagon-ka ayaa dib u eegis ku sameeyay tirada dadka ku dhaawacmay iyo kuwa ku dhintay dagaalka, iyadoo magacyada afar askari oo ku dhintay howlgalka Operation Epic Fury laga saaray laguna daray tirada dhimashada ee qaybta Overseas Operations.

    Nidaamka Pentagon-ka ee fallanqaysa dhaawacyada difaaca, tirada dhimashada ee Operation Epic Fury oo ah magaca loo bixiyay weerarkii ugu horreeyay waxaa lagu qoray ilaa Talaadadii inay ahayd 18 dhimasho 482 qof oo dhaawacmay.

    Mar ka mid ah dib u eegista, afar ka mid ah magacyadaas ayaa laga saaray, waxaana Khamiistii tirada dhimashada la dhigay 14 qof.

    Afarta askari ee dhintay ayaa hadda lagu daray qaybta Overseas Operations, taas oo sheegaysa inay diiwaangeliso “khasaaraha ka bilowda 7-da Luulyo 2026.” Afartaas ayaa ah dadka keliya ee ku qoran qaybtaas inay dhinteen.

  8. Milateriga Sudan oo shaaciyey guul ay gaareen

    Ciidanka Suudaan ayaa sheegay inay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta waddo weyn oo muhiim ah

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Ciidanka Suudaan ayaa sheegay inay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta waddo weyn oo muhiim ah oo isku xirta Khartuum iyo caasimadda gobolka Waqooyiga Kordofan ee go’doonsan El Cubayd kaddib laba maalmood oo dagaallo culus ay halkaas ka socdeen.

    Ciidamada (RSF) ayaa gacanta ku hayay waddadan dhererkeedu yahay 350 kiiloomitir tan iyo Abriil 2023, markii uu bilowday dagaalka sokeeye.

    Afhayeen u hadlay ciidanka ayaa sheegay in magaalooyinka iyo tuulooyinka ku teedsan waddadaas sidoo kale laga xoreeyay askarta RSF ee dib u gurayshao sameeey.

    Qaramada Midoobay ayaa ka digaysay musiibo bani’aadamnimo oo ka dhalan karta El Obeid, halkaas oo ku dhowaad 500,000 oo qof oo go’doon ku jira ay la kulmayeen weerarro xooggan oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay ka geysanayaan RSF.

    Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa qiyaastay in ilaa 400,000 oo qof lagu dilay, halka in ka badan 14 milyan oo qof ay ku barakaceen tan iyo markii uu dagaalku billowday.

  9. Daraasad "xal waara" u heshay bidaarta

    Daraasada ayaa muujisana "xal waara" oo loo helay bidaarta

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Burooyinka yaryar ee maqaarka dadka ayaa suurta gal ah in uu leeyahay fursad lagu daweyn karo bidaarta, sida lagasoo xigtay daraasad toddobaadkan lagu daabacay joornaalka Nature.

    Ku dhawaad toban sano, saynisyahano ka tirsan Jaamacadda California, Irvine waxay baranayeen burooyinka maqaarka si ay u fahmaan sababta ay ugasoo baxaan timaha dhaadheer. daraasadda cusub waxay muujineysaa in burooyinka noocan oo kale ah ay ka kooban yihiin unugyo gaar ah oo kor u qaada koritaanka timaha.

    “Waxaan timaha burooyinka ka dul baxa ka helnay tixraac,” ayuu yiri Maksim Plikus oo ah madaxa daraasadda isla markaana ah barfasoore ka ah jaamacadda California, Irvine kana dhiga samaysanka unugyada bayoolajiga.

    Dadku sida caadiga ah waxay lumiyaan inta u dhaxaysa 50 iyo 100 xabbo oo timo ah maalintii, ka dibna unugyada gunta tinta ayaa soo saara kuwo cusub. Laakiin shakhsiyaadka leh bidaarta ama ay hadda kusoo socoto - waxa ay dhakhaatiirtu u yaqaanaan ‘alopecia’ ama ‘alopecia androgenic’ oo ah unugyada asliga ah ayaa jiifa, sidaas darteed ayeysan timo cusub usoo baxeyn.

    Sida lagu helay Tijaabooyin loo adeegsaday jiir, Plikus iyo kooxdiisa cilmi-baaristu waxay muujiyeen in nooc ‘molecule ah’ oo loo yaqaan ‘osteopontin’, oo si gaar ah ugu badan burooyinka maqaarka ee timaha leh, uu kicin karo unugyada tarma ee timaha, kuwaas oo markii hore hurday.Halkan ka sii akhriso sheekada

  10. Madaxweynaha FIFA oo iska difaacay dhaleecayn loo jeediyey, Muxuuse sheegay

    Madaxweynaha FIFA wuxuu sheegay in dadka dhaliilay tartankii ay iska indha tireen farxadda iyo midnimada ay malaayiin taageerayaal ahi ku wada riyaaqeen intii uu socday koobku.

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweynaha xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA, Gianni Infantino, ayaa difaacay hab-dhaqankiisa kadib dhaleeceyn loo jeediyay arrimo kala duwan oo la xiriira Koobkii Adduunka ee dhowaan la soo gabagabeeyay.

    Qoraal ka koobnaa 15 bog oo uu ku baahiyay baraha bulshada, Infantino wuxuu ku sheegay in dadka dhaliilay tartankii ay wada martigeliyeen Maraykanka, Canada iyo Mexico ay iska indha tireen farxadda iyo midnimada ay malaayiin taageerayaal ahi ku wada riyaaqeen intii uu socday koobku.

    Hoggaamintiisa FIFA iyo xiriirka dhow ee uu la leeyahay Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa si weyn loo dhaliilay. Waxaa si gaar ah loogu eedeeyay kadib markii faragelin toos ah oo uu sameeyay Trump ay keentay in la hakiyo ganaaxii lagu soo rogay ciyaaryahanka Maraykanka Folarin Balogun, kaas oo casaan loo taagay intii uu socday mid ka mid ah kulamadii ciyaaraha.

    Dhaliilaha kale ee loo jeediyay tartanka waxaa ka mid ahaa xayiraadaha safarka ee Maraykanku ku soo rogay qaar ka mid ah kooxaha iyo mas’uuliyiinta, qiimaha sare ee tigidhada, iyo eedeymo sheegaya in garsoorayaashu ay u muujiyeen dabacsanaan xulka Argentina.

  11. Netenyahu oo u ambabaxay Maraykanka ka dib warar ay horey u shaaciyeen warbaahinta Israa’iil

    Saacado kaddib markii warbaahinta Israa’iil ay sheegtay in safarkii Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ee Washington dib loo dhigay “sababo aan la shaacin,” ayuu ugu dambayn u ambabaxay caasimadda Maraykanka.

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Saacado kaddib markii warbaahinta Israa’iil ay sheegtay in safarkii Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ee Washington dib loo dhigay “sababo aan la shaacin,” ayuu ugu dambayn u ambabaxay caasimadda Maraykanka.

    Sida ay qortay warbaahinta Israa’iil, diyaaradda Netanyahu ayaa markii hore loo qorsheeyay inay kacdo 11:00 subaxnimo waqtiga maxalliga ah. Hase yeeshee, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa markii dambe xaqiijiyay in safarka dib loo dhigay, iyadoo aan la sheegin sababta keentay dib u dhaca.

    Warbaahinta Israa’iil ayaa, iyadoo soo xiganaysa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, sheegtay in Netanyahu uu u duulay Washington wax yar ka hor 1:00 duhurnimo, ku dhowaad laba saacadood kaddib waqtigii markii hore loo qorsheeyay.

    Warbaahintu waxay sidoo kale, iyadoo soo xiganaysa mareegaha la socda duulimaadyada, sheegtay in diyaaradda Netanyahu ay ka duushay Saldhigga Cirka ee Navatim. Waxa kale oo ay qortay in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha uusan weli shaacin sababta uu uga duulay saldhiggaas halkii uu ka isticmaali lahaa Garoonka Diyaaradaha Ben Gurion ee Tel Aviv.

    Qaar ka mid ah warbaahinta Iiraan ayaa, iyagoo ka hadlaya dib u dhaca safarka Netanyahu, ku xiray arrinta weerar loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn . Arrintan ayaa timid kaddib markii ciidamada Israa’iil ay hore u sheegeen inay hawada sare ee Urdun, meel u dhow xadka labada dal, ku qabteen laba diyaaradood oo aan duuliye lahayn.

    Netanyahu ayaa wax yar ka hor safarkiisa Washington ku qoray bartiisa X in arrinta Iiraan ay noqon doonto mawduuca ugu muhiimsan ee uu kala hadli doono Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump.

  12. Raysal Wasaarihii hore ee Israa’iil oo sheegay tallaabo ka dhana Qadar oo uu qaadayo haddii la doorto

    Ra’iisul Wasaarihii hore ee Israa’iil, Naftali Bennett, ayaa sheegay in haddii uu mar kale noqdo ra’iisul wasaare, uu “isla markiiba” Qatar ku dhawaaqi doono dal “cadow” ah.

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ra’iisul Wasaarihii hore ee Israa’iil, Naftali Bennett, ayaa sheegay in haddii uu mar kale noqdo ra’iisul wasaare, uu “isla markiiba” Qatar ku dhawaaqi doono dal “cadow” ah.

    Bennett ayaa qoraal uu ku baahiyay barta X ku tilmaamay dowladda Qatar inay tahay “mid rabshado wada” iyo “kansar naceybka Yuhuudda ah”, isagoo ku eedeeyay inay “faraha la gashay dalalka reer Galbeedka, xitaa xafiiska ra’iisul wasaaraha Israa’iil.”

    Wuxuu sidoo kale ku andacooday in intii uu ahaa ra’iisul wasaare uu arkay xog muujinaysa in Qatar ay gargaar dhaqaale siinaysay Ilaalada Kacaanka Iiraan.

    Siyaasigan garabka midig ee adag, oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu waaweyn mucaaradka Israa’iil, ayaa ku eedeeyay Qatar inay doonayso “burburka Israa’iil.”

    Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Qatar inay ka hirgelisay “xarumo hurin iyo kicin” jaamacadaha Maraykanka iyo iyadoo adeegsanaysa shabakadda telefishinka Al Jazeera, isla markaana ay balaayiin doollar oo gargaar ah siisay Xamaas.

    Dowladda Qatar weli kama aysan jawaabin hadallada siyaasigan Israa’iiliga ah. Si kastaba ha ahaatee, labada dal ayaa muddo dheer waxaa u dhexeeyay xiisado iyo khilaafyo siyaasadeed.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  13. War ka soo kordhay qiimaha saliidda Calaamka

    Qiimaha saliidda caalamka oo hoos u dhacay ka dib hakinta duqaymaha Maraykanka iyo Iiran

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qiimaha saliidda ayaa si weyn hoos ugu dhacay, iyadoo rajo laga muujinayo in hakad ku yimid weerarradii u dhexeeyay Maraykanka iyo Iiraan uu gacan ka geysan karo in xal laga gaaro colaadda.

    Saliidda ceeriin ee Brent crude, oo ah halbeegga caalamiga ah ee qiimaha saliidda, ayaa hoos u dhacday in ka badan 9%, iyadoo gaartay wax ka yar $88 halkii foosto. Tani waxay si weyn uga duwan tahay toddobaadkii hore, markaas oo qiimaheedu kor u dhaafay $100 halkii foosto.

    Hoos u dhaca qiimaha ayaa yimid kaddib markii safiirka Maraykanka u fadhiya Qaramada Midoobay uu sheegay in weerarrada ka dhanka ah Iiraan la hakiyay habeenkii labaad oo xiriir ah, si "wada-hadallada loo siiyo fursad."

    Afhayeen u hadlay ciidamada Iiraan ayaa Axaddii sheegay in Tehran ay sidoo kale hakisay weerarradii ay ku tilmaantay "aargoosiga" ee ay ka wadday gobolka.

    Bilowgii colaadda Iiraan ayaa sababay in qiimaha saliiddu si weyn u kaco, maadaama dagaalku horseeday in si wax ku ool ah loo xiro Marinka Hormuz, oo ah marin muhiim u ah maraakiibta ganacsiga. Marinkan ayaa caadi ahaan laga dhoofiyaa qiyaastii 20% saliidda dunida iyo gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah (LNG).

  14. Masuuliyiinta gobolka Tigray oo qaaday tallaabo cusub

    Mas’uuliyiinta gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya ayaa ansixiyay miisaaniyad ka badan 400 milyan oo doollar, iyadoo xiisadda kala dhexeysa dowladda federaalka ay sii kordhayso.

    Hoggaanka Tigray ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka ee Addis Ababa inay jartay maalgelintii gobolka isla markaana xaddiday adeegyada dadweynaha, arrintaas oo ay sheegeen inay jebinayso heshiiskii nabadeed ee soo afjaray dagaalkii sokeeye ee labada sano socday sannadkii 2022.

    Madaxweynaha maamulka Tigray, Debretsion Gebremichael, ayaa ka digay in Tigray ay isu diyaarinayso inay isdifaacdo haddii khilaafka aan lagu xallin karin si nabad ah.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhin karto

  15. Siddeed markab oo ganacsi ayaa Axaddii maray Marinka Hormuz

    Sida ku cad xogta shirkadda sirdoonka badda ee Kepler, siddeed markab oo ganacsi ayaa maray Marinka Hormuz maalinimadii Axadda ee shalay.

    Maraakiibtaasi waxay ka koobnaayeen shan markab oo nooca shidaalka qaada, laba markab oo nooca xamuulka badan qaada, iyo hal markab oo konteenarro qaada. Mid ka mid ah maraakiibtaas, oo ah markab shidaalka qaada oo sita calanka Iiraan laguna magacaabo Niki, ayaa ka mid ah kaas oo ay cunaqabateynta Maraykanka saaran tahay.

    Saddex ka mid ah siddeedda markab ayaa maray waddada ay Iiraan u qoondeysay maraakiibta, taas oo ku taalla waqooyiga Marinka Hormuz.

    Tirada maraakiibta maray Axaddii ayaa ka badnayd shantii markab ee ganacsi ee maray marinka maalintii Sabtidii.

  16. War deg deg ah, Iiraan oo u yeertay Safiirka Faransiiska u fadhiya Tehraan

    ismaaiil

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa ku dhawaaqday in loo yeeray safiirka Faransiiska ee Tehran Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa sheegay in hay'addu ay u yeertay safiirka Faransiiska ee Tehran shalay. Ismail Baghaei oo sharraxaya tallaabadan ayaa yiri: "Faransiiska wuxuu farageliyay arrimaha gudaha isagoo ku andacoonaya safaarad iyo isagoo marmarsiiyo ka dhiganaya xiriir uu la leeyahay bulshada rayidka ah waana inuu raaligelin bixiyaa."

    Toddobaadkii hore, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Faransiiska ayaa ku eedeeyay ciidamada amniga Iiraan inay ku xadgudbeen xasaanadda diblomaasiyadeed ee laba shaqaale oo ka tirsan safaaraddooda Tehran iyagoo adeegsanaya "cabsigelin daran." Jean-Noël Baro ayaa ku qoray X-Net in labada qof "la xiray oo la wareystay dhowr saacadood iyadoon wax sabab ah loo helin, mid ka mid ahna la weeraray." Dhacdadan ka dib, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Faransiisku waxay u yeertay ergeyga Iiraan.

  17. War deg deg ah, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo farriin u diray waddamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya

    ASTAAN

    Xigashada Sawirka, SOCIAL MEDIA

    Golaha Mustaqbalka oo dalbaday in la dhiso Gole dhexe oo maamula muddada Kala-guurka, sida lagu sheegay warqad ku qorneyd Af-ingiriisi, taas oo loo diray madaxda ka qeyb-qaadanaya hawl-galka nabad sugidda Soomaaliya.

    Golaha Mustaqbalka ayaa warqad furan u diray madaxda waddamada ciidamada kaga joogaan Hawlgalka AUSSOM, iyagoo ugu baaqay in taageerada ammaan ee Soomaaliya lagu xiro shuruud ah in marka hore la helo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.

    Golaha ayaa sidoo kale tilmaamay in muddo-xileedkii Madaxweynaha iyo Baarlamaanku ku ekaa May iyo April sanadkaan2026, taasina ay dhallisay jahawareer siyaasadeed.

    Ugu dambayntii, waxay soo jeediyeen in la dhiso Gole Kala-guur ah si loo badbaadiyo sharciga iyo kalsoonida ciidamada qaranka.

    Sii akhri:

  18. Maxay yihiin ciidamdaa PSF ee Puntland sheegtay in aysan ka jirin deegnnadeeda?

    Sida uu horay noogu sheegay Korneel Cabdiwaaxid Maxamuud Xasan oo ahaan jiray madaxii hore ee ciidammada Daraawiishta Puntland, ciidamadan PSF ayaa ka tirsanaan jiray kuwa horey la isugu oran jiray PIS oo la aasaasay xilligii Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxaana markii ugu horreysay agaasime ka soo noqday Maxamed Aadan Bidaar.

    Ciidamadani markii hore waxay isugu jiri jireen milatari iyo sirdoon loogu talagalay la dagaallanka argagaixisada balse markii dambe waa la kala saaray oo milatariga ayaa ku haray PSF, halka sirdoonkuna uu noqday mid ka baxsan.

    "Ujeeddada loo aasaasay wuxuu ahaa la dagaalanka argagixisada maadaama argagixisadu ay wakhtigaasi Sebteembar 2001-dii wixii ka dambeeyay ay argagixisadu soo xoogeysatay, taliskanna muhiim uu u ahaa Geeska Afrika, Mareykankuna ay aad u daneynayeen." ayuu yiri Korneel Cabdiwaaxid oo sharraxaya ujeeddada loo aasaasay ciidamadan.

    Dhawaan ayey ahayd markii iska hor imaad dagaal ah uu deegaanka Laag ku dhex maray ciidamada PSF iyo kuwa Puntland, markaas oo BBC-du xiriir la sameysay labada dhinac, iyada si ay isugu daydo in ay wax ka ogaato waxa uu salka ku hayo isku dhacaan cusub.

    Sarkaal ka tirsan ciidamada PSF, Cabdikhaaliq Awil, ahna xogahaya guud ee ciidankaan ayaa BBC-da u sheegay in ciidamo ka tirsan PSF oo watay siddeed gaari ay aroornimadii Isniinta, iyagoo ku jira "hawlgal amni oo caadi ah", lagu hor istaagay deegaanka Laag oo qiyaastii 30 kiiloomitir u jira magaalada Boosaaso, waxa uuna intaas ku daray in PSF a tirsan tahay Ciidanka Xoogga Dalka. Halka dhanka Puntland ay iska diideyn in ay nala hadlaan, balse war qoraal ah oo ay dhawaan soo saartay ayey ku sheegtay in "aysan jirin ka jirin deegannadeeda".

    Sii akhri:

  19. War deg deg ah, Maxay salka ku haysaa eedda Puntland u jeedisay Galmudug?

    Bilowgii toddobaadkan war qoraal oo kasoo baxay maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in 'maamulk Puntland uu ugu baaqayo caalamka iyo maamulka Galmudug "inaan garoomada iyo dekada maamulkaas aan loo adeegsan saanad ciidan iyo waxyaabo lagu bartilmaameedsanayo maamulka Puntland", sidoo kale warka qoraalka ayaa lagu sheegay in Puntland aysan ka jirin ciidan lagu magacaabo PSF (Puntland Security Force).

    warqaddaan ayaa timid iyada dhawaan ay dhacay isku dhacyo u dhexeeyey ciidamada Puntland iyo PSF, kaas oo ka dhacay duleedka magaalada Boosaaso ee Gobolka Beri.

    Maamulka Galmudug ayaa dhankiisa beeniyay eedeyntan uga timid maamulka Puntland. Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Galmudug, Cabdiraxmaan Axmed Xayle ayaa BBC-da u sheegay in Galmudug iyo Puntland wada shaqeyn iyo wanaag badan uu ka dhaxeeyo isla markaana aysan Galmudug aheyn meel looga soo duulo Puntland, "Puntland waxa ay u baahan tahay in ay xallisato khilaafka iyo arrimaha dhexdeyda ah".

    Maamulka Puntland ayaa dhawr jeer dowladda dhexe federaalka ku eedeyey in ay ciidamo geeneyso maamulka Puntland.

    Sii akhri:

  20. War deg deg ah, Maxaa ka ognahay Illaa iyo hadda Togaashada ka dhacday Seattle Maraykanka?

    BOOLIIS

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Haddii aad hadda nagu soo biirtay, Seattle, Washitong Maaykanka waxaa ka dhacday Toogasho ay ku dhinteyn 3 qof halka ay ku dhaawacmeyn 5 qof oo ay caruur ku jiraan.

    Hal qof oo looga shakisan yahay weerarka ayaa booliisku gacanta ku hayaan, kaddib rasaas lagu furay xarunta Seattle Center.

    Waa kuwan wararkii ugu dambeeyey:

    • Rasaasta ayaa ka dhacday xafladda cunnada ee sannadlaha ah ee Bite of Seattle abbaarihii 6:00 fiidnimo waqtiga Maraykanka, iyadoo booliisku sheegeen inay jiraan "dhowr qof oo rasaastu haleeshay."
    • Goobjoogayaal ayaa sheegay inay maqleen rasaas isdabo jog ah oo si degdeg ah loo riday ka hor intaysan goobta ka cararin oo ay gabaad raadsan. Qaar waxay dhacdada ku tilmaameen "qalalaase buuxa" iyo "fowdo."
    • Duqa magaalada, Katie Wilson, ayaa sheegtay in hal qof oo looga shakisan yahay weerarka uu hadda ku jiro gacanta booliiska. Inkastoo ay markii hore sheegtay in laba qof la xiray, haddana faahfaahin dheeraad ah kama bixin.
    • Booliisku waxay weli wadaan baaritaanka, waxaana dadweynaha looga digay inay ka fogaadaan agagaarka Seattle Center.
    • Mas'uuliyiinta magaalada Seattle iyo gobolka Washington ayaa cambaareeyay weerarka, iyagoo ku tilmaamay "fal rabshado macno darro ah."

    Nala soco si aan idiinku soo gudbinno wixii warar ah ee kusoo kordha.