Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay arrinta garsoore Cumar Cartan
Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray garsooraha Soomaaliyeed, Cumar Cartan ee loo diiday inuu ka qeyb galo Koobka Adduunka ee sanadkan.
Waxay wasaaraddu sheegtay inay si weyn uga xun tahay wax ay ku sheegtay duruufihii sababay in garsooraha Soomaaliyeed ee caalamiga ah, Cumar Cartan, uu ka baaqdo ka qeybgalka tartanka kubadda cagta ee caalamiga ah ee hadda ka socda Dalalka Mareykanka, Canada, iyo Mexico.
“Kadib markii la ogaaday in Garsoore Cumar Cartan uu la kulmay caqabado la xiriira ogolaanshaha gelida dalka Mareykanka (Entry Denied), Wasaaraddu iyadoo kaashaneysa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxay sameysay dadaallo diblomaasiyadeed iyo wada-xaajood ballaaran oo lala yeeshay Dowladda Mareykanka iyo hay'adda FIFA si xal degdeg ah loogu helo arrintan. Nasiib darro, inkastoo dadaalladaas xooggan la sameeyay, ma suuragelin in xal laga gaaro”, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkaas.
Waxay intaas ku dartay in garsoore Cumar Cartan uu tusaale muuqda u yahay kartida, adkeysiga, iyo dadaalka dhallinyarada Soomaaliyeed.
“Guulihiisa caalamiga ahaa waxay sharaf iyo sumcad u yihiin shacabka Soomaaliyeed, waxayna caddeynaysaa in caqabadaha iyo duruufaha adag ee dalka ka jira aysan hor istaagin in dhalinyarada Soomaaliyeed ay gaaraan heerar sare oo caalami ah. Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska waxay mar kale xaqiijineysaa taageeradeeda buuxda ee Garsoore Cumar Cartan, waxayna sii wadi doontaa taageerada horumarintiisa xirfadeed iyo ka qeybgalka fursadaha caalamiga ah ee mustaqbalka”, ayaa lagu yiri.
Halkan hoose ka akhri war-saxaafadeedka oo dhameystiran

Xigashada Sawirka, Wasaaradda sports-ka





