Dhakhtar Itoobiyaan ah ayaa kaga badbaaday kansar kaddib markii walaalkiis uu ugu deeqay kilidiisa

Xigashada Sawirka, Dr Horace Tedison
Waxaa jira Itoobiyan badan oo u safra dibadda si ay u raadsadaan adeegyo caafimaad oo kala duwan.
Inkasta oo Itoobiya ay leedahay xarumo caafimaad oo heer sare ah iyo dakhaatiir badan oo ku takhasusay xanuuno kala duwan, haddana weli waxaa jira adeegyo caafimaad oo badan oo aan dalka laga heli karin.
Arrinaas darteed, muwaadiniin badan ayaa u safra dalal shisheeye. Safarka dibadda ee lagu raadsado caafimaadka waxaa lagu tilmaamaa mid daal badan, qaali ah, isla markaana leh caqabado badan, sida ay sheegeen dadkii adeegyadaas darteed dalka uga baxay.
"Waxaan is iri noloshaada halkan ayay ku dhammaan doontaa"
Dr. Horaa Teedisoo waa dhakhtar ku takhasusay cudurrada guud. Laba sano ka hor, isaga oo si caadi ah shaqadiisa u wata, ayuu ogaaday in uu qabo kansarka kilyaha. Kansarkan kilyaha waxaa keena fayraska Hebatatis B.
Markii uu ogaaday in uu qabo xanuunkaas, Dr. Horaa wuxuu fahmay in marxaladda cudurku ay ahayd mid daran oo leh calaamado degdeg ah. Wuxuu sheegay in inkasta oo fayrasku horey ugu jiray jirkiisa, hadana waligiis ma dareemin wax dhibaato ah. "Si lama filaan ah ayuu iigu dhacay," ayuu yiri.
"Waxaan isku dayay in aan naftayda ku qanciyo aqoontayda, haddana markaad ogaato in aad adigu xanuunsan tahay, waxaad la kulmeysaa cabsi, niyad-jab, wareer, iyo su'aalo ku saabsan waxa xiga", ayuu yiri isagoo intaas ku daray in markii uu ogaaday in kansar uu qabo uu dareemay naxdintii ugu daran.
"Markii aan ogaaday in uu kansar yahay, waxa igu dhacay fikir ah in kansarka kilyaha fursadiisa badbaado ay yar yahay, waxaan is iri, goormee ayaan dhimanayaa ama nolosheydu halkan ayay ku dhammaan doontaa," ayuu yiri.
Cabsida iyo welwelka uu ka qaaday darnaanta kansarka, wuxuu sheegay in uu ka baqay in xitaa daaweyn dibadda ah aysan waxba tari doonin.
Maadaama daaweynta dibadda ay qaali tahay isla markaana uusan haysan diyaargarow ku filan, wuxuu go'aansaday in uu inta uu nool yahay la joogo qoyskiisa iyo carruurtiisa.

Xigashada Sawirka, Dr Horace Tedison
Dhakhtar daweynaya isagiiba bukaan noqday
Waa sidee xaalka marka dhakhtarkii dadweynaha la tacaalayay uu isagii xanuunsado? Dr. Horaa ayaa ka warramay taas.
"Markaad dhakhtar tahay oo aad bukaan kale daweynayso, waa shaqo sida shaqooyinka kale. Laakiin marka adiga lagugu soo noqdo, miisaanka dareenka ayaa aad u cuslaada,"
"Marka aad qabto cudur culus sida kansarka, fursadda dhimashada ayaa ka badan tan badbaadada".
Wuxuu xusay in fayraska Hebatatis B uu si baahsan uga dhex jiro bulshada, isagoo sheegay in 10-kii qof mid ka mid ah uu qabo cudurka, taas oo ka dhigan in tiro ka badan 10 milyan oo Itoobiyaan ah ay qabaan cudurkaas.
Dadka ogaada cudurka goor hore waa tiro yar. Marka xanuunka gaaro heer kansarka kilyaha way adag tahay in qofku bogsoodo.
Bil ayey igu qaadatay in aan dibadda aado
Taageero dhaqaale oo ay siiyeen saaxiibbadiis, ardaydayda iyo bulshada ayaa u suuragelisay in Dr. Horaa uu u safro Hindiya. Safarkaasna ma ahayn mid fudud.
"Hal bil ayay igu qaadatay. Bishaas xaaladdaydu aad bay u sii xumaatay, ilaa heer aan dhiig matago oo miyir beelo. Sidoo kale waxaa igu dhacday hurdo la'aan iyo in aanan kala saari waayo dadka," ayuu yiri. Magaalada Chennai ee Hindiya ayaa lagu sameeyay qalliinka Dr. Hora.
BBC-da waxay weydiisay Dr. Horaa waxa keenay in safarkiisa uu bil qaato, wuxuu ku jawaabay
"Safarka ka hor waxaa jiray hawlo badan oo gudaha dalka ah sida helidda qofka ku deeqaya kilidiisa, baaritaanno lagu sameynayo qofkaas, sameynta dukumentiyada sharciga ah iyo waxyaabo kale"
Wuxuu sheegay Dr. Horaa in uu nasiib leeyahay maadama uu helay dad badan oo gacan siiyay, sababtuna ay tahay in aan ahay dhakhtar.

Xigashada Sawirka, Dr Horace Tedison
"Walaalkay ayaa Kilidiisa igu badbaadiyay"
Markii hore, walaalkiis weyn ayaa raacay si uu kilidiisa ugu deeqo, balse da' iyo xaalad caafimaad darteed kuma habboonaan. Markaas kaddib, walaalkiis ka yar ayaa la keenay.
"Kaddib 35 maalmood oo aan ku jiray qeybta daryeelka degdegga, waxaa la iigu sameeyay qalliin aniga oo kili ka helay walaalkay iga yar," ayuu yiri.
Wuxuu sheegay in isaga iyo walaalkiisba ay hadda xaalad wanaagsan ku sugan yihiin. Wuxuu qaataa dawooyin joogto ah, lixdii biloodna wuxuu u safraa Hindiya si baaritaan loogu sameeyo.

Xigashada Sawirka, Mrs. Lalise Truth
Maxay tahay sababta Itoobiyaan badan dibadda ugu raadsadaan daaweyn?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
BBC-da waxay weydisay Dr. Horaa sababta keentay in dibadda loogu qaado daaweyn? Wuxuu ku jawaabay, "Daaweynta kilyaha lagu beddelo dalka kama jirto. Sidoo kale dalka kama jirto daaweynta qaar ka mid ah noocyada kansarka" ayuu yiri Dr. Horaa oo intaas ku daray "arrinta ma ahan oo kaliya helitaan la'aan, balse waxay la xiriirtaa qeybaha daryeelka oo aan ku filneyn, khubaro, qalab, ogaansho oo sax ah iyo daryeelka kadddib qalliimada waaweyn.
Wasaaradda Caafimaadka Itoobiya ayaa sheegtay in muwaadiniinta ay dibadda u doontaan daaweynta cudurrada sida wadnaha, kansarka, lafaha, beddelka xubnaha jirka, iyo bacriminta.
Dalalka ay u safraan waxaa ka mid ah Hindiya, Turkiga, Jarmalka, Thailand, Maraykanka iyo Koonfur Afrika.
Dr. Horaa wuxuu sheegay in kharashka iyo caqabadaha sharci ay yihiin dhibaatooyin waaweyn.
Itoobiya hadda waxay diyaarisay qorshe istaraatiiji ah oo lagu doonayo in dalka laga dhigo xarun dalxiiska caafimaad sanadaha soo socda.
Ujeeddadu waa in adeegyo tayo sare leh laga helo gudaha dalka, si loo yareeyo kharashka iyo safarrada dibadda.
Wuxuu sheegay in lacagtii uu isaga ku bixiyay Hindiya lagu daaweyn karay ugu yaraan 10 bukaan oo kale haddii adeeggaas uu dalka ka jiri lahaa.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in sanad walba ku dhawaad 100,000 oo Itoobiyaan ah ay dibadda ugu safraan daaweyn, iyagoo bixiya ilaa 700 milyan oo doolar.
Qorshahan cusub wuxuu hiigsanayaa in tiradaas la dhimo kala bar, kharashkana hoos loo dhigo, isla markaana dalka uu helo dakhli gaaraya 500 oo milyan oo doolar sanadkii.
Qorshuhu wuxuu tilmaamayaa in Itoobiya ay haysato fursado waaweyn sida diyaaradda Itoobiya, cimilada dalka, goob istiraatiijiga ah, kobaca isgaarsiinta, hoteellada iyo dalxiiska.
Arrimahan oo dhan ayaa ka dhigaya Itoobiya dal leh mustaqbal ballaaran oo ku aaddan dalxiiska caafimaadka.













