Boqolkiiba intee uga dhiman Iran inay sameysato Bam Niyukleer ah?

Iran keydka uranium-ka la hodmiyay ayaa noqday qodobka ugu weyn ee khilaafka u dhexeeya Tehran iyo Washington ee ku saabsan dhammaadka dagaalka, balse mustaqbalka iyo halka uu yaallo kaydkan ayaa weli ah sir adag oo aan si fudud loo ogaan karin.
Muranku wuxuu ku saabsan yahay boqolaal kiilo oo uranium ah oo Iran ay sanadihii la soo dhaafay gaarsiisay heer 60% beekhaamintiisa.
Inkastoo heerkan uusan weli ku filnayn in si toos ah loogu soo saaro hub nukliyeer ah, haddana farsamo ahaan wuxuu aad ugu dhow yahay 90% oo loo baahan yahay si loo sameeyo bam nukliyeer ah.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in kaydkan la burburinayo "gudaha ama dibadda Iran," balse mas'uuliyiinta Iran waxay si joogto ah u diideen dalabkan.
Trump ayaa sidoo kale dhawaan sheegay in Maraykanku uu heli karo uranium-ka la hodmiyay ee Iran xitaa iyada oo aan heshiis la gaarin, haddii uu doonayo.
Wuxuu yiri:"Hadda waan heli karnaa haddii aan rabno uma maleynayo inay na joojin karaan haddii aan rabno, balse hadda uma arko baahi taas."
Wuxuu intaas ku daray in kaydkan uu "hoos dhulka ku aasan yahay."Ku dhowaad sanad kadib weerarradii Maraykanka iyo Israa'iil ay ku qaadeen xarumaha nukliyeerka ee Fordow, Natanz, iyo Isfahan intii lagu jiray dagaal 12 maalmood socday, ma jiro hay'ad madaxbannaan oo si hubaal ah u sheegi karta inta uranium ah ee weli harsan, xaaladdeeda, iyo halka ay ku kaydsan tahay.
Burburinta xarumaha Nukliyeerka ee ay sabab u tahay weerarada militari, hakinta gelitaanka kormeerayaasha IAEA, iyo hadalo iska soo horjeeda oo ka soo baxay saraakiisha Iran iyo Mareykanka ayaa sawir jahawareer ah ka bixiyay halka uu ku dambeyn doono kaydkaas.
Qiyaasaha qaar ayaa sheegaya in kaydka qaar la raray kahor weerarrada, halka qaar kalena ay muujinayaan in qaar ka mid ah laga yaabo in lagu hoos duugAY burburka xarumaha burburay.
Maxay Iran u leedahay kaydka noocaas ah iyo halkee laga yaabaa inay ku yaallaan?
Maxay Iran u haysataa 60% uranium-ka labeekhaamiyay?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sida ku cad heshiiskii nukliyeerka ee 2015 ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran , Tehran waxay oggolaatay inay xaddiddo hodminta uranium-ka ilaa 3.67%, taas oo ah heerka loo baahan yahay si loo soo saaro shidaalka warshadaha tamarta nukliyeerka.
Kadib markii Mareykanka ay ka baxday heshiiskaas intii lagu jiray xilligii koowaad ee madaxweynenimada Donald Trump sannadkii 2018, iyo markii Iran ay jebisay qodobbadii heshiiska, Tehran waxay marka hore kordhisay heerka hodminta uranium-ka ilaa 4.5%, ka dibna 20%.
Saddex sano kadib, Iran waxay gaartay heerka 60%,Isbeddelkan wuxuu dhacay bishii April 202.
Kadib qarax iyo koronto-go' ka dhacay xarunta nukliyeerka ee Natanz, oo Iran ku eedaysay Israa'iil inay ka dambeysay fal burburin ah, mas'uuliyiinta Tehran waxay ku dhawaaqeen inay bilaabayaan hodminta uranium-ka ee heerka 60%.
Hay'adda quwadda atoomikada ayaa markaas sheegtay in Iran ay ahayd waddanka keliya ee aan haysan hub nukliyeer ah ee gaaray heerkan hodminta.
Mas'uuliyiinta Iran waxay sheegeen in tallaabadan ay jawaab u tahay cadaadiska Maraykanka iyo weerarrada Israa'iil, iyagoo ku adkaystay in Tehran ay xaq u leedahay inay go'aamiso heerka hodminta ee ay uga baahan tahay barnaamijkeeda nukliyeerka.
Hase yeeshee, dalalka reer galbeedka ayaa sheegay in kaydka uranium-ka ee la hodmiyay ilaa 60% uu ka badan yahay baahiyaha rayidka ee caadiga ah, isla markaana uu Iran u dhoweynayo heerka hodminta ee loo isticmaali karo samaynta hub nukliyeer ah.
Waa maxay sababta xarumaha ku yaalla dhulka hoostiisa ay xudun ugu tahay wadahadalada

Tilmaantii ugu horreysay waxay ka timid hay'adda quwadda atoomikada lafteeda, taas oo sheegtay in laga bilaabo Dicembar 2024, Tehran ay u asteysay goob ku taalla Isfahan, marka laga reebo Fordow, si loogu isticmaalo waxa ay ugu yeertay "nidaam kormeer oo la xoojiyay".
Sidaas darteed, ka hor weerarradii Juun 2025, Isfahan ma ahayn oo keliya xarun loogu talagalay beddelidda uranium-ka iyo soo saarista shidaalka nukliyeerka, balse waxay sidoo kale noqotay goob muhiim ah oo lagu kaydiyo walxaha xasaasiga ah.
Muhiimadda goobtan ayaa sii korortay markii IAEA ay warbixin ay soo saartay Febraayo 2026 ku sheegtay inay aragtay dhaqdhaqaaq joogto ah oo gaadiid ah agagaarka albaabka laga galo dhismaha dhulka hoostiisa iyo shabakadda tunnel-yada ee Isfahan.
Warbixintaas waxaa ku jira, in tani ay tahay isla goobta lagu kaydin jiray uranium hexafluoride oo la hodmiyay heerarka 20% iyo 60%, kaas oo ka yimid afarta xarumood ee Iran si rasmi ah u shaacisay.
Si kastaba ha ahaatee, maadaama la hakiyay gelitaanka kormeerayaasha kadib dagaalkii June, lama xaqiijin karin in dhammaan walxahaasi ay weli halkaas yaallaan.
Hase yeeshee, hay'addu waxay qiyaastay, iyadoo ku salaynaysa xog ay ku tilmaantay mid lagu kalsoonaan karo, in qayb weyn oo kaydkaas ka mid ahi ay ku jirto dhismaha dhulka hoostiisa ee Isfahan.
Bishii March 2026, Agaasimaha Guud ee hay'adda quwada atoomikada ee Qaramada midoobey, Rafael Grossi, ayaa sheegay in ay u badan tahay in in ka badan 200 kiiloogaraam oo uranium la hodmiyay lana gaarsiiyay heerka 60% ay weli ku jiraan Isfahan.
Wareysi uu siiyay AP bishii April, Grossi wuxuu sheegay in inta badan walxahaasi ay halkaas ku sugan yihiin, balse hay'addu aysan haysan marin ay ku xaqiijiso arrintaas.
Sabab kale oo Isfahan diiradda loogu saarayo ayaa ah xaaladda xaruntaasi kadib weerarradii Maraykanka ee dhacay dhammaadkii dagaalkii 12-ka maalmood socday.
Sida ay sheegtay CNN, si ka duwan xarumaha Fordow iyo Natanz, halkaas oo loo adeegsaday bambooyin awood u leh inay galaan dhulka hoostiisa, qayb weyn oo ka mid ah shabakadda dhulka hoostiisa ee Isfahan waxaa lagu weeraray gantaallada Tomahawk, mana jirin burbur weyn oo laga diiwaangeliyay qaybaha ugu qoto dheer ee xarunta.
Farqigan ayaa sababay in falanqeeyayaal qaar ay soo jeediyaan in qayb ka mid ah kaydka uranium-ka laga yaabo inay weli ku badbaadeen gudaha xarumaha dhulka hoostiisa ah.










