Mahadhada laga dhaxlay dagaalladii ka dhacay Muqdisho

Dagaalyahannada maxaakiimta Islaamka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Yuusuf Cali waa dukaanle aysan weli maskaxdiisu ka bixin xusuusta waqtigii uu carruurta ahaa, xiligaas uu ka qeybgalay dagaaladii ka dhacay wadooyinka Muqdisho.

Hadda waa 34 jir, waxa uu ka qeybqaatay kacdoonkii Islaamiyiinta ee qarxay ku dhowaad 20 sano ka hor. Inkastoo muuqaalka magaalada Muqdisho uu isbaddelay, haddana waxaa jira adeegyo aad u yar oo loo qoondeeyay dadka weli la ildaran dhaawacyada maskaxeed ee ka soo gaaray dagaalka.

Digniin: Warbixintan waxaa ku jira sharraxaad ay dhibsan karaan akhristayaasha.

Markii uu Yuusuf 14 jirka ahaa, waxaa talada dalka la wareegay Maxaakimtii Islaamka, iyagoo xasillooni ku soo dabaalay waddan ay ragaadiyeen dagaallo beeleedyo tan iyo markii uu burburay xukunkii madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ee sannadkii 1991.

Xukunka Midowgii Maxaakiimta wuxuu noqday maamulkii ugu horeeyay oo Islaam ku shaqeeya ee ka hirgala qaaradda Afrika kaddib weerarradii Al-qaacida ee 11 Sebtembar.

Washington waxaa loo arkay cadaw, iyagoo ku eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin Al-qaacida. Garabkooda militari waxaa loo yaqaanay Al-shabaab.

Bishii Diseembar sanadkii 2006-dii, kumannaan askari oo Itoobiyaan ah ayaa soo galay Soomaaliya iyagoo taageero ka helaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka, si ay u afgembiyaan maxaakiimta oo lix bilood ka hor talada dalka qabtay.

Duullaanka Itoobiya wuxuu ahaa mid si weyn looga soo horjeeday Soomaaliya, waxaana loogaga hortagay iska caabin xooggan oo ay hormuud ka ahaayeen Al-shabaab iyo xulafadooda, oo ay ku jireen kooxo kala jabay oo loo yaqaanay Muqaawama, kuwaas oo isku bahaystay in ay la dagaallamaan Itoobiyaanka. Waqtigaas Yuusuf wuxuu ku noolaa degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho.

Yuusuf wuxuu ahaa agoon. Aabihiis wuxuu ku geeriyooday isagoo hal sano jir ah dagaalkii dhexmaray ciidamada Mareykanka iyo Soomaalida. Dagaalkii lala galay Itoobiyaanka ayaa nolosha Yuusuf wax badan ka baddelay.

Boqolaal u soo qaxay Ceelasha Biyaha

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Inta badan habeenkii waxaan maqli jiray guux. Dugsi sare ayaan ku jiray, mana fahimin. Balse guuxaas wuxuu ahaa diyaarado sahminayay xaafadaheena" ayuu yiri Yuusuf.

"Mid ka mid ah habeenadaas, waxaa madaafiic lagu duqeeyay xaafadeena, qaar waxay ku dhaceen dariskeena. Gurigeena wuu ruxmay, waxaana darfeemay in dhulka dhaqaaqayo, kaddib waxaan maqlay qeylo", ayuu yiri Yuusuf.

Dariska ayaa u soo gurmaday si ay dadka uga soo hoos saaraan burburka, markaas ayuu Yuusuf arkay qof meyd ah.

"Qof ayaa toosh ku ifiyay, waxaan arkay dhiig iyo mayd. Waxay ahayd gabar yar oo u muuqatay in ay da' ahaan ila egtahay, balse ma dhaqaaqayn. Geeri waan arkay, laakiin habeenkaas ma fileyn taas."

Qoyska waxay u qaxeen Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho halkaas oo deegaan u noqotay boqolaal kun oo guryahooda ka soo qaxay.

Balse dhallinyaro badan waxay doonayeen in ay ku noqdaan magaalada si ay ula dagaallamaan Itoobiyaanka.

Yuusuf oo markaas 16 jir noqday wuxuu isaga iyo dhalinyaro kale ku noqdeen Muqdisho iyagoo ku biiray dagaalka. Ma jirin wax mushaar ah. Cuntada waxay la cuni jireen askarta kale.

Hubka si fudud ayaad uga iibsan kartaa Muqdisho

Xigashada Sawirka, MCT/Getty Images

Waxaa loo tababaray in uu la dagaallamo ciidamada dowladda KMG kuwaas oo Itoobiyaan ka dhinac dagaallamayay.

"Waddo kasta, daaqad kasta iyo albaab kasta, waxaa looga soo ridayay rasaas askarta Itoobiya iyo Soomaalida la socotay," ayuu yiri.

"Mararka qaar rasaas ayaan ridayay… Marka aan la kulmo askari Soomaaliyeed oo meyd ah oo ila eg, waan hakanayay, dagaalka aad ayuu u cuslaa. In lay dilo ama aan wax dilo ayey aheyd ujeedkeyga".

Yuusuf wuxuu sheegay in askarta Soomaalida ee la socotay Itoobiyaanka loo arkayay khaa'inul wadan.

Laga soo bilaabo sanadihii 2007 ilaa iyo 2009-kii, magaalada Muqdisho dhulka ayaa lala simay. Itoobiyaanka waxaa taageerayay Mareykanka oo cadaadis caalami ah la saaray.

Yuusuf wuxuu galay xaalad ah laba daran mid dooro ah, isagoo isweydiinayay maxay ahaayeen wixii aanu dagaallamay.

"Waxay hooyaday, walaalahay iyo adeerkey ila doonayeen nolol wanaagsan. Adeerkey wuxuu qoyskeyga kula taliyay in aan aado Koonfur Afrika oo aan halkaas kula noolaado"

Sanadkii 2009-kii ayuu Yuusuf safar dhulka ah ku aaday Johannesburg halkaas oo uu kula nolaa adeerkiis muddo shan sano. Wuxuu ka shaqeynayay dukaankiisa.

Balse weeraradii ajnabi naceylka ee Koonfur Afrika kuwaas oo lagu beegsanayay shisheeyaha ayaa ku soo celiyay Muqdisho.

Wuxuu ku soo laabtay magaallo dib u dhismeysa, garoon diyaaradeed oo shaqeynaya iyo wadooyin nalal iyo maqaayado ku taxan yihiin.

Al-shabaab waxay noqdeen kuwa mayal adag oo maamul dhul balaaran oo ku yaal bannaanka Muqdisho halkaas oo qeynuuno adag ay ku soo rogeen.

Waxay magaalada ku dhex sameysteen shabakad basaasiin ah oo bartilmaameed ka dhigta shaqaalaha dowladda iyo bulshada caalamka ee taageerta dowladda.

"Qofna qof kale ma aamini jirin. Qofna si fagaare ah ugama hadli jirin siyaasadda. Xitaa deriskaaga ayaa laga yaabaa in ay ku basaasaan adigoon ogeyn."

Yuusuf wuxuu dareemay in uu qayb ka ahaa dhibaatada soo gaartay bulshada. "Waxaan u dagaallannay difaaca dalkeenna, dadkeenna iyo diinteenna, laakiin waa uga sii darnay xaalada".

Yuusuf aabihiis wuxuu ku dhintay dagaalkii Black Hawk

Xigashada Sawirka, Scott Peterson / Getty Images

Yuusuf waa aabe leh wiil afar jir ah, weli maskaxdiisa kama bixin dagaalladii la soo maray.

"Weli waan xusuustaa guryihii aan rasaasta ku riday, waxaan isweydiiyaa hadii dadka hadda deggan ay ogyihiin dhiigii ku daatay guryahaas" Weligiis ma helin talo maskaxeed ama kaalmo kale oo la xiriirta wixii uu soo maray.

"Soomaaliya, kama hadalno dhibaatooyinkeena," ayuu yiri.

"Waxaan xasilooni ka raadiyaa salaadda. Waa tukunaa, wax walba qalbiga ayaan ku haysanaa. Waa dhaqanka halkan ka jira, waana sababta dad badan aysan u ogeyn in dhawac uu soo gaaray".

Ilyaas Aadan, oo ah la-taliye sharciyeed oo xuquuqda aadanaha ah, kana tirsan Isbahaysiga Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed, ayaa sheegay in murugada noocan ahi ay aad ugu baahsan tahay dhallinyarada Soomaaliyeed.

"Marka welwelka nafsiyeed caadi laga dhigto, dadku badanaa ma oga in ay gargaar u baahan yihiin. Caqabado dhaqanka ayaa sabab u ah arrintaan, maadama caafimaadka maskaxda aan toos looga hadal".

Nolosha Muqdisho

Xigashada Sawirka, Mohamed Gabobe

Degmada Huruwaa oo Yuusuf ku nool yahay ma lahan adeegyo dowladeed. Mas'uuiyiinta dowladda iyo shaqaalaha ururada caalamiga inta badan ma yimaadaan dhulkaas. Waxay yimaadaan iyagoo ammaankood aad loo adkeeyay. Dowladdu Soomaaliya waxay weli la dagaal kula jirtaa Al-Shabaab.