Bishmo oranji ah iyo waji madoow: Daanyeerka cusub ee laga helay Afrika ee aan wali horey loo arag

Xigashada Sawirka, Junior Amboko
Daanyeer leh waji madow iyo bushimo midabkoodu yahay casaan-liin-guduud ah ayaa ku nool kaymaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo. Saynisyahannadu waxay xaqiijiyeen inuu ka tirsan yahay nooc aan hore loo aqoon.
Daanyeerkan ayaa la arkay iyadoo la sawiray isagoo ku dhuumanaya meelaha sare ee geedaha dhexdooda, gudaha kaymaha cufan ee kulaylaha ah ee Beerta Qaranka ee Lomame, oo ku taal bartamaha iyo bariga dalka.
Dadka u dooda ilaalinta duurjoogta ayaa markii ugu horreysay soo sheegay inay arkeen xayawaankan aan caadiga ahayn sannadkii 2008-dii, balse xilligaas waxay awoodeen oo kaliya inay ka qaadaan hal sawir oo aan si fiican u caddayn.
Ka dib markii mar kale la arkay toban sano ka dib, koox caalami ah ayaa bilowday inay raadiyaan oo ay daraasad ku sameeyaan, waxayna ogaadeen inuu yahay nooc cusub oo aan hore loogu aqoon cilmiga.
Kani waa nooc ka mid ah daanyeerada Afrika oo noqonaya kii shanaad ee la helo muddo toddobaatan iyo shan sano gudahood ah.
Junior Ambuco, oo ah arday dhigta heerka doctorate-ka ee Jaamacadda Florida Atlantic, ayaa door muhiim ah ka qaatay hawsha cilmi-baarista, taas oo ay ku jirtay duubista codadka daanyeerka iyo samaynta daraasado qoto-dheer oo ku saabsan hidde-sidayaashiisa (genetics).
Natiijooyinka daraasadda waxaa lagu daabacay joornaalka sayniska ee "PLOS ONE".
Ambuko ayaa u sheegay BBC News in eegista wajiga xayawaanka ay jiritaankiisa ogyihiin dad aad u tiro yar ay ahayd "dareen cajiib ah".
Xayawaan xishood badan oo ku nool qarsoodi
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Daahfurka" noocaan ah macneheedu maaha in daanyeerku aan hore loo aqoon, laakiin waxay saynisyahannadu si rasmi ah u diiwaan geliyeen jiritaankiisa oo ay xaqiijiyeen in uu ka duwan yahay noocyada kale ee dabiiciga ah taas oo ka dhalatay dariiq horumarineed oo madaxbannaan.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa ka warqabay jiritaankiisa waxayna u bixiyeen "Likweli".
Laakiin Ambuko ayaa sheegay in daanyeerkani yahay mid "xoogaa xishooda" oo inta badan ku dhuunta meel sare oo geedaha ah.
Wuxuu intaas ku daray: "Iyadoo qayb ka ah geeddi-socodka cilmi-baarista, waxaan wareysiyo la yeelannay dadka deggan 52 tuulo oo u dhow deegaannada uu daanyeerkani ku nool yahay, dadka deggan siddeed ka mid ah tuulooyinkaasna weligood ma arkin."
Kooxda cilmi-baarista, oo ay ku jiraan saynisyahano ka socda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, Mareykanka iyo Jarmalka, ayaa noocyada u bixiyay magaca sayniska Latin Colobus congoensis, iyada oo la tixraacayo kala duwanaanta dabiiciga ah ee lagu garto waddanka.
Daanyeerku waxa uu ka tirsan yahay koox ballaaran oo loo yaqaan daanyeerka kolobus.
Professor Kate Detweiler oo ka tirsan jaamacadda Florida Atlantic University ayaa tiri: "Waa daanyeero Afrikaan ah oo aad muhiim u ah, mid ka mid ah astaamaha ay caanka ku yihiin waa inaysan lahayn suul."

Xigashada Sawirka, Junior Amboko
Professor Detweiler ayaa yiri: "Daanyeeradan waxay quutaan dhirta waxayna ku nool yihiin qaybaha sare ee kaynta, iyagoo door muhiim ah ka ciyaara nidaamka deegaanka. Waxaan aaminsanahay inay si weyn uga qaybqaataan faafinta iyo biqilka miraha."
Detweiler wuxuu soo jeedinayaa in calaamadaha dhalaalaya ee aan caadiga ahayn ee wajiyadooda ay noqon karaan hab ay kula xiriiraan xayawaanka kale, laga yaabee inay ka caawiyaan soo jiidashada lamaane ama kala soocidda midba midka kale.
Daanyeeradan waxay sidoo kale leeyihiin dhawaaq gaar ah oo u eg guux. "Badanaa waad maqli kartaa codkooda adigoon awoodin inaad aragto," ayuu yiri Ambuko.
Cilmi-baarayaashu waxay aaminsan yihiin in tiradoodu ay yar tahay, joogitaankooduna uu ku kooban yahay qayb gaar ah oo ka mid ah kaynta halkaas oo ay ka heli karaan cunto iyo deegaan ku habboon.
Daanyeeradan waxaa loo ugaarsadaa hilibkooda awgiis, sidaas darteed cilmi-baarayaashu waxay rajeynayaan in u aqoonsiga *Colobus congoensis* yahay nooc gaar ah oo madax-bannaan oo ay suurtogal ka dhigi doonto in si rasmi ah loo ilaaliyo.
Kooxdu waxay sheegtay inay weli jiraan su'aalo badan oo ku saabsan noocan cusub ee la sharraxay ee ay adag tahay in la arko. Cilmi-baarayaashu waxay qorsheynayaan inay sameeyaan baaritaan faahfaahsan si ay u qiyaasaan tiradooda una daraaseeyaan dhaqankooda.













