Wasiir aan Muslim aheyn oo dalbanaya in xajka la geeyo iyo cabsi uu wajahayo

Xigashada Sawirka, ANI
Axaddii, isagoo khudbad ka jeedinayay kulan ka dhacay gobolka Karnataka ee bartamaha Hindiya, Basavaraj Roy Reddy, oo ah Wasiirka Waxbarashada Sare, ayaa amaanay Islaamka, isaga oo ku tilmaamay "diin wanaagsan". Hadalkaas ayaa dhaliyay muran siyaasadeed.
Xisbiga mucaaradka ah ee BJP ee ayaa dowladda ka dalbaday inay wasiirka xilka ka qaaddo ama uu raalli-gelin ka bixiyo hadalka uu jeediyay, gaar ahaan bulshada Hinduuga.
Reddy ayaa markii dambe caddeeyay hadalkiisa, isaga oo yiri: "Maxaa ka qaldan arrintaas? Waxaan kaliya sheegay in diinta Islaamka ay leedahay fikrado wanaagsan oo sarreeya. Marnaba ma aanan oran diimaha kale way ka liitaan."
Si kastaba ha ahaatee, hoggaamiyaha BJP, R Ashok, ayaa dalbaday in Roy Reddy uu hadalkiisa ka laabto, isla markaana uu raalli-gelin aan shuruud lahayn uu ka siiyo dadka Hinduuga ah, maadaama uu sheegay in hadalku dhaawacay dareenkooda diimeed.

Xigashada Sawirka, ANI
Hadalka Basavaraj Roy Reddy iyo sharraxaaddiisa
Isagoo khudbad ka jeedinayay kulan ka dhacay magaalada Kokanor ee degmada Koppal, Roy Reddy ayaa yiri: "Waxaan rabaa inaan sheego in Islaamku yahay diin ka wanaagsan diimaha oo dhan. Waxay ku dhisan tahay bini'aadantinimo."
Isaga oo iska hadlayay, ayuu yiri: "Ma aado macbudyo ama goobo cibaado, laakiin waxaan jeclaan lahaa inaan helo fursad aan ugu yaraan hal mar nolosheyda ku soo guto Xajka."
Xitaa kadib markii hadalkiisa uu dhaliyay muran siyaasadeed, wuxuu u muuqday inuu weli ku adkeysanayo mowqifkiisa.
Isagoo bayaan uu ku sharraxayo hadalkiisa soo saaray, ayuu yiri: "Haddii aan Islaamka ugu yeeray diin wanaagsan, maxaa ka qaldan arrintaas?"
"Raalli-gelin aan shuruud lahayn sii dadka Hinduuga ah"
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sida lagu sheegay warbixin uu qoray wargeyska maalinlaha ah ee The Deccan Chronicle, Ashok wuxuu sheegay in haddii Roy Reddy uu diido inuu raalli-gelin bixiyo, markaas madaxa gobolka, DK Shivakumar, uu wasiirka ka saaro golaha wasiirrada.
Ashok wuxuu sheegay in dalka uu hadda arkayo wejiga dhabta ah ee siyaasadda Xisbiga Congress-ka iyo siyaasaddiisa".
Wuxuu sheegay in BJP aysan oggolaan doonin wax tanaasul ah oo ku saabsan karaamada iyo ixtiraamka dadka Hinduuga ah, iyadoo loo eegayo siyaasadda cod-raadinta ku saleysan.
Isagoo ka jawaabaya hadalkaas, guddoomiyaha BJP ee gobolka ahna xildhibaan BY Vijender ayaa yiri: "Hadalkaasi mustaqbalka wuxuu dhibaato u keeni doonaa Roy Reddy laftiisa."
Vijender ayaa si jees-jees ah u yiri, haddii tani ay tahay rabitaanka Roy Reddy, waa inuu "Islaamka qaataa oo uu Maka u guuraa."
Hoggaamiyaha BJP Mahesh Tanjankai, oo la hadlay ANI, ayaa yiri: "Runtii waa wax laga xishoodo in qof ku dhex nool diinta Hinduuga uu hadallo noocaas ah yiraahdo."
Wuxuu intaas ku daray: "Waxa uu sheegay gabi ahaanba waa khalad. Xisbiga Bharatiya Janata Party wuu cambaareynayaa hadalkan, Roy Reddy-na waa inuu dib uga fiirsadaa mowqifkiisa."
Wuxuu sii raaciyay: "Haddii aad sidaas u jeceshahay Islaamka, markaas ka tag. Tegitaankaagu waxyeello uma geysan doono Hinduuga."
Waa kuma Basavaraj Roy Reddy?
Roy Reddy waa wasiir ka tirsan Xisbiga Congress-ka, kana soo jeeda deegaanka Yelabuga ee degmada Koppal. Lix jeer ayaa loo doortay xildhibaan.
Wuxuu hore u ahaa Wasiirka Waxbarashada Sare iyo Wasiirka Guriyeynta. Wuxuu ka tirsan yahay bulshada Lingayat, wuxuuna taageeraa in Lingayatism loo aqoonsado diin gaar ah oo ka duwan Hinduuga.












