Mad-madow soo kala dhex galay Pakistan iyo Mareykanka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in Pakistan ay door "aad u wanaagsan" ka qaadatay dhexdhexaadinta dagaalka u dhexeeya Iran iyo Iraq, isla markaana aanu qorshaynayn in dib loo eego doorka dhexdhexaadinta ee Pakistan.
Hadalkan Madaxweyne Trump ayaa yimid kadib warbixin ay baahisay CBS News, taas oo sheegaysay in Pakistan ay diyaaradaha Iran ku daadgureysay saldhigyada cirka ee dalkaasi si looga ilaaliyo weerarro suurtagal ah oo uga yimaada Maraykanka. Pakistan ayaa warbixintaas ku tilmaantay "mid aan sal iyo raad lahayn" isla markaana "buunbuunin iyo kicin warbaahineed" ah.
Suxufiyiinta ayaa Madaxweyne Trump weydiiyay su'aalo dhowr ah ka hor safar muhiim ah oo uu ugu baxay Shiinaha . Mid kamid ah su'aalaha la weydiiyay ayaa ku saabsaned doorka Pakistan ee dhexdhexaadinta.
Wariye ayaa Madaxweyne Trump weydiiyay inuu ka fikirayo dib u eegis lagu sameeyo doorka Pakistan ee dhexdhexaadinta.
Madaxweyne Trump ayaa ku jawaabay:
"Maya, waxaan u maleynayaa inay shaqo aad u wanaagsan qabanayaan. Waxaan aaminsanahay in Pakistan ay qabatay shaqo weyn. LabadA nin ee taliyaha ciidamada Marshal iyo Ra'iisul Wasaaraha Pakistan waxay qabteen shaqo aad u wanaagsan."
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sidoo kale sheegay inuu wada-hadal dheer la yeelan doono Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping inta lagu jiro booqashadiisa Shiinaha, gaar ahaan arrinta Iran. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu caddeeyay in Maraykanku aanu u baahnayn caawinta Shiinaha ee ku saabsan arrinta Iran.
Hadalkan muhiimka ah ee Trump ayaa yimid kadib dhageysi muhiim ah oo ka dhacay Kongareeska Maraykanka Talaadadii 12-ka May.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Intii lagu guda jiray dhageysiga Kongareeska, Senator-ka Maraykanka Lindsey Graham, oo caan ku ah hadalladiisa muranka dhaliya, ayaa weydiiyay Xoghayaha Difaaca Maraykanka Pete Hegseth iyo Taliyaha Golaha Sare ee Ciidamada Maraykanka General Dan Kaine inay ka war hayaan warar sheegaya in Pakistan ay siisay diyaaradaha Iran meel ay dhigtaan si looga ilaaliyo weerarro suurtagal ah oo uga yimaada Maraykanka intii lagu jiray xabbad-joojintii dhowaan dhexmartay Iran iyo Maraykanka.
Senator Lindsey Graham ayaa weydiiyay in warbixinnadan ay sax yihiin, iyo haddii falalkan ay la jaanqaadayaan doorka dhexdhexaadiyaha.
General Dan Kaine ayaa diiday inuu ka jawaabo su'aasha, taas oo keentay in Senator Graham uu isla su'aashii u weydiiyo Xoghayaha Difaaca Maraykanka Pete Hegseth.
Xoghayaha Difaaca Maraykanka ayaa isna si toos ah uga jawaabay, isagoo sheegay inuusan rabin inuu farageliyo wada-hadallada socda.
Senator Graham ayaa si cad u muujiyay caro iyo niyad-jab, wuxuuna sheegay inuusan ku kalsoonayn Pakistan, isagoo intaa ku daray in haddii ay run tahay in Pakistan ay ka caawisay ilaalinta diyaaradaha Iran leedahay, ay tahay in la raadiyo dhexdhexaadiye kale.
Wuxuu sidoo kale yiri:
"Ma aha wax lala yaabo in arrintani aan weli xal loo helin."

Xigashada Sawirka, Getty Images
Talaadadii shalay, Pakistan ayaa si adag u beenisay war ay baahisay CBS News, oo ku tilmaantay mid "aan sal lahayn, buunbuunin ah, isla markaana marin-habaabin ah," kaas oo sheegayay in Pakistan ay magan-gelisay diyaarado Iran leedahay si looga ilaaliyo weerarro suurtagal ah oo uga iman kara Maraykanka kadib xabbad-joojintii dhowaan dhexmartay Iran iyo Maraykanka.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan ayaa lagu sheegay in "wararka noocan oo kale ah ay u muuqdaan kuwo lagu wiiqayo dadaallada socda ee lagu xoojinayo xasilloonida iyo nabadda gobolka."
CBS News, oo ah warbaahin bah-wadaag la ah BBC oo Maraykanka laga leeyahay, ayaa warbixin ay daabacday 11-kii May ku sheegtay, iyadoo soo xiganaysa saraakiil Maraykan ah, in dhowr diyaaradood oo Iran leedahay, oo ay ku jirto RC-130, loo wareejiyay saldhigga cirka ee Nur Khan ee Rawalpindi horraantii Abriil.
Warbixintu waxay sheegtay in "Pakistan, iyadoo isku muujinaysa dhexdhexaadiye diblomaasiyadeed oo u dhexeeya Tehran iyo Washington, ay si qarsoodi ah u oggolaatay in diyaaradaha militari ee Iran la dhigo garoomadeeda, taas oo suurtagal ka dhigi karta in laga ilaaliyo duqeymo Maraykan ah."
Sidoo kale, CBS News ayaa ku andacootay, iyadoo soo xiganaysa saraakiil Maraykan ah oo aan magacyadooda la shaacin, in Tehran ay dhowr diyaaradood u dirtay saldhigga Ciidanka Cirka Pakistan ee Nur Khan Air Base maalmo kadib markii Madaxweyne Donald Trump uu ku dhawaaqay xabbad-joojin Iran lala galay horraantii Abriil.
Warbixintu waxay intaas ku dartay in qalabka militari ee la sheegay ay ka mid ahayd diyaaradda RC-130 ee Ciidanka Cirka Iran, taas oo ah nooc gaar ah oo ka mid ah diyaaradda Lockheed C-130 Hercules, isla markaana loo adeegsado sahamin iyo ururinta xogaha sirdoonka.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan ayaa sidoo kale xaqiijisay in diyaarad ay tagtay Pakistan, balse waxay sheegtay in si ka duwan waxa warbixintu tilmaamayso, diyaaraddu ay timid xilligii xabbad-joojinta, isla markaana aysan wax xiriir ah la lahayn wax heshiis milatari ama amni ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Pakistan ayaa sidoo kale sheegtay in markii wareegii koowaad ee wadahadallada lagu qabtay Islamabad kadib xabbad-joojintii u dhexeysay Maraykanka iyo Iran, ay Pakistan yimaadeen diyaarado ka kala yimid Iran iyo Maraykanka, si loo fududeeyo dhaqdhaqaaqa shaqaalaha diblomaasiyadeed, maamulka, iyo sidoo kale shaqaalaha amniga.
Pakistan waxay sheegtay in diyaaradahaas iyo qaar ka mid ah shaqaalahoodii ay si ku-meel-gaar ah ugu sugnaayeen dalka, iyagoo sugayay wareegyo kale oo wadahadal ah.
"Inkasta oo aan weli si rasmi ah loo bilaabin wada-xaajoodyadii, haddana is-weydaarsiyo diblomaasiyadeed oo heer sare ah ayaa sii socday. Xaaladdan intii lagu jiray, booqashooyinkii Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran ee Islamabad waxaa loo fududeeyay iyadoo la adeegsanayo habab hore u jiray oo maamulka iyo saadka ah."
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan ayaa sidoo kale sheegtay in diyaaradda Iran ee hadda ku sugan Pakistan ay timid xilligii xabbad-joojinta, isla markaana aysan wax xiriir ah la lahayn hawlo milatari ama amni, iyadoo ku tilmaantay sheegasho kasta oo taas ka duwan mid "mala-awaal ah oo marin-habaabin ah."

Xigashada Sawirka, AFP
Pakistan waxay intaa ku dartay in ay si joogto ah u ciyaartay door dhex-dhexaadin ah oo dhexdhexaad ah oo mas'uuliyad leh, si loo dhiirrigeliyo wadahadalka loona yareeyo xiisadaha. Waxay sheegtay in doorkaas awgiis ay bixisay taageero saadka iyo maamulka ah marka loo baahdo, isla markaana ay si joogto ah ula xiriirtay dhammaan dhinacyada ay khusayso iyadoo hufnaan buuxda la raacayo.
Sida laga soo xigtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Pakistan waxay weli ka go'an inay taageerto dhammaan dadaallada dhabta ah ee lagu dhiirrigelinayo wada-hadalka, lagu yareynayo xiisadaha, isla markaana lagu horumarinayo nabadda, xasilloonida iyo amniga gobolka iyo caalamkaba.
Warbixintii CBS News ayaa sidoo kale soo xigatay sarkaal sare oo Pakistani ah oo diiday sheegashada ku saabsan diyaaradaha Iran ee ku sugan Nur Khan Air Base, isagoo yiri: "Saldhiga Nur Khan Base wuxuu ku yaallaa bartamaha magaalada, suuragal-na maaha in joogitaanka tiro badan oo diyaarado ah ay qarsoonaato oo aanay dadku arkin."








