Digniin macluul oo laga soo saaray xaaladda abaarta Soomaaliya

Somalia

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Sawir hore: Nin xoolaha ay kaga le'deen abaaraha
Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Degmo ka tirsan gobolka koonfureed ee Soomaaliya ayaa halis weyn ugu jirta macluul ay sabab u tahay abaar iyo sicir‑barar degdeg ah oo ku yimid qiimaha cuntada, sida lagu sheegay warbixin ay taageertay Qaramada Midoobay.

Qiyaasta Heerarka Sugnaanta Cuntada (IPC) ayaa ka digaysa in dalka uu wajahayo qalalaasihii gaajada ee ugu xumaa tan iyo 2022, markaas oo macluul ay dishay qiyaastii 250,000 qof.

Soomaaliya waa mid ka mid ah dalalka ugu nugul cunno‑yaraanta adduunka, taas oo ay sababaan abaaraha, colaadaha iyo saboolnimada.

Qeybo badan oo Soomaaliya ka mid ah ayaa wajahaya cunno‑yaraan daran.

Warbixinta IPC waxay qiyaasaysaa in 1.9 milyan oo qof ay la ildaran yihiin nafaqo‑darro aad u sarreysa, xitaa dhimasho ka dhalan karta gaajo.

Bulshooyinka miyiga iyo qoysaska saboolka ah ayaa ah kuwa ugu daran ee ay dhibaatadu saameysay, sida lagu sheegay warbixinta ay taageerto Qaramada Midoobay — qeyb ahaan waxaa sabab u ah kororka qiimaha cuntada ee la xiriira dagaalka u dhexeeya Maraykanka iyo Israa'iil ee Iran.

Gobolka ugu daran waa degmada Buurhakaba ee koonfurta dalka, halkaas oo ay warbixintu sheegtay in ugu yaraan saddexdii carruur ah mid uu la kulmi doono nafaqo‑darro ba'an, isla markaana carruur badan ay u dhiman karaan cudurro laga hortagi karo oo ka dhasha dhibaatooyinka nafaqo‑darro.

Dhimista gargaarka caalamiga ah ayaa si weyn u wiiqday dadaallada lagula tacaalayo abaarta ee Soomaaliya, taas oo miisaaniyaddeeda federaalka si weyn ugu tiirsan tahay kaalmo bini'aadantinnimo.

Abaaraha

Xigashada Sawirka, MSF

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Shalayna ururka Dhaqaatiirta aan Xudduudda lahayn ee MSF ayaa sheegay in Soomaaliya iyo gobolka Soomaalida ee dalka Itoobiya ay qarka u saaran yihiin xasarad dhanka cimilada ah.

Ururka ayaa sheegay in In ka badan 6.5 milyan oo qof, qiyaastii 1 ka mid ah 4 qof oo Soomaali ah, ay hadda wajahayaan heerar sare oo haqab-beelka cunnada oo degdeg ah. In ka badan 2 milyan oo qof ayaa khatar ku jira, sida uu ururku sheegay.

In ka badan 1.8 milyan oo carruur ah oo ka yar 5 sano dalka gudihiisa ayaa la filayaa inay la kulmaan nafaqo-darro degdeg ah sannadka 2026.

"Ururka Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Lahayn (MSF) ee Soomaaliya waxay ka jawaabayaan dhibaatadan sii kordheysa ee bini'aadannimo iyo isbeddelka cimilada, balse baahiyaha jira ayaa aad uga badan kheyraadka la heli karo,".

"Qiyaastii 3.3 milyan oo qof ayaa ku barakacay gudaha Soomaaliya, abaarta iyo colaadaha awgood, halka in ka badan 50,000 qof ay u gudbeen Itoobiya si ay u raadsadaan biyo iyo gargaar, sida ay sheegtay Hay'adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay."

Goobaha barakaca ee ku yaalla hareeraha Baydhabo iyo Gaalkacyo ayaa si degdeg ah u buuxsamaya, qiimaha biyahana wuu kordhay si ka baxsan awoodda inta badan qoysaska.

Halista cudurrada biyaha ku faafa ayaa sidoo kale sii kordhaysa sababo la xiriira tirada badan ee dadka isticmaalaya isla ilaha biyaha ee xaddidan—mararka qaarna aan ammaan ahayn, ayuu ururku intaa raaciyay.

Kadib afar xilli roobaad oo is daba joog ah oo baaqday, dowladda Soomaaliya ayaa bishii November ee sanadkii hore ku dhawaaqday xaalad abaareed oo degdeg ah.

Sida uu sheegay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isku-dubbaridka Arrimaha Bani'aadannimada (OCHA), Puntland, oo ay Gaalkacyo ku taallo, qiyaastii 170 ceel-biyood iyo ceelal qodmo fudud ah ayaa shaqayn waayey ilaa Diseembar 2025, taasoo si weyn u xaddidaysa helitaanka biyo nadiif ah ee bulshooyinka cadaadiska ba'an ku jira.

Soomaaliy

Xigashada Sawirka, Getty Images

"Xarunta MSF ee Baydhabo ayaa la daalaa dhacaysa culays dhaafsiisan awooddeeda, iyadoo daaweynaysa bukaano ka badan intii ay qaadi lahayd, waxaana horey loo diiwaangelinayaa tiro naxdin leh oo carruur si daran u nafaqo-darran ah. Kordhinta degdegga ah ee bilowga xilliga abaarta ayaa muujinaysa in xaaladdu ka sii dari doonto bilaha soo socda," ayay tiri MSF.

Saameynta roob la'aanta isdaba joogga ah waxay ka gudubtay xuduudaha Soomaaliya.

Koonfurta gobolka Soomaalida Itoobiya, gaar ahaan dhulka hoose ee qalalan ee u dhow xadka Soomaaliya sida gobollada Afder iyo Shabeelle, roob yarida ayaa sababtay dhimashada xoolaha, biyo yari daran, iyo kororka amni darrada cuntada.

Bulshooyinka xoolo-dhaqatada ayaa waayay ilahoodii nololeed, tartanka ka dhashay kheyraadka biyaha oo yaraanayana wuu sii kordhay.

Qiimeyn ay sameeyeen Xafiiska Caafimaadka ee Gobolka Soomaalida Itoobiya oo ay la kaashadeen MSF ee gobollada Afdheer iyo Shabeelle ayaa muujisay baahiyo degdeg ah oo dhinacyada biyaha iyo nafaqada ah, iyadoo awoodda caafimaad ee maxalliga ah ay culays ku tahay.

"Xaaladdan waxaa sii xumeynaya iyadoo hay'ado badan oo caafimaad iyo gargaar ay dib uga baxayaan sababo la xiriira dhaqaale yari, halka qiimaha shidaalka ee kordhay oo la xiriira xiisadda Bariga Dhexe iyo caqabadaha sahayda ay sii adkeynayaan jawaabta.

Hase yeeshee, iyadoo baahiyaha sii kordhayaan, taageerada maalgelinta caalamiga ah ayaa hoos u dhacday. Qorshaha Baahiyaha iyo Jawaabta Bani'aadannimo ee Soomaaliya 2026 ayaa helay kaliya 10.9% maalgelin, sida ay sheegtay OCHA. Barnaamijka Cunnada Adduunka ayaa yareeyay gargaarka cuntada degdegga ah ee ka badan 2 milyan oo qof ilaa wax ka yar 600,000, taasoo ka dhigan in 1 ka mid ah 7 qof oo Soomaali ah oo u baahan gargaar cunno ay hadda helaan. In ka badan 300,000 qof ayaa sidoo kale luminay helitaanka biyo nadiif ah sababo toos ah oo la xiriira maalgelin la'aanta, in ka badan 70 xarumood oo caafimaad ahna waa la xiray Puntland." Ayaa lagu yiri warbixinta MSF.

Iyadoo afar xilli roobaad oo isdaba joog ah ay fashilmeen oo ay malaayiin qof ku riixayaan cirifka badbaadada Soomaaliya iyo gobolka Soomaalida Itoobiya, MSF waxay ugu baaqaysaa deeq-bixiyeyaasha inay si degdeg ah dib u soo celiyaan oo u kordhiyaan maalgelinta jawaabta bini'aadannimo.