Iiraan oo carruurta iskuullada ku tababaraysa isticmaalka hubka, ka dibna lambar siinaysa mid kasta

    • Author, Masood Azhar
    • Role, Weriye BBC
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 9 daqiiqo

Sawirro iyo warbixino laga helay gudaha dugsiyada Iiraan ayaa muujinaya arday lagu barayo sida hubka loo adeegsado. Waxaa intaas dheer codsiyo loo diray ardayda oo lagu weydiisanayo inay sameystaan lambarro aqoonsi iyo mashaariic cusub sida 'Dhalinyarada Dagaalyahanka ah' iyo 'No+Maydaan' oo la hirgeliyay, kuwaas oo dib u abuuray su'aalo ku saabsan faragelinta sii kordheysa ee hay'adaha militariga iyo amniga ee dugsiyada dhexdooda.

Taargooyinka aqoonsiga ayaa loo sameeyey, ciidamada ayaana qoorta u sura si loogu garto.

Sida ay sheegayaan mas'uuliyiinta Iiraan, barnaamijyadan ujeedkoodu waa in ardayda tababar difaac la siiyo iyo in lagu barbaariyo fikirka kacaanka. Balse dhaliilayaashu waxay qabaan in tallaabooyinkani ay dugsiyada ku dhex faafinayaan dhaqdhaqaaqyo militari.

Heshiisyada la saxiixay sannadihii la soo dhaafay iyo mashaariicda la hirgeliyay ayaa muujinaya in doorka hay'adaha militariga iyo amniga ee dugsiyada Iiraan uusan ku koobneyn oo keliya ururka ardayda ee Basiij.

Basiij waa urur iskaa-wax-u-qabso ah oo ciidan madani ah, kana tirsan Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Masoud Pezeshkian ayaa iyaduna bilowday barnaamijyo cusub, kuwaas oo lagu eedeynayo inay sii xoojinayaan faragelinta hay'adaha militariga iyo amniga ee dugsiyada.

Dabayaaqadii labadii kun iyo bilowgii tobankii, ururka Basiij wuxuu dugsiyada dhexdooda ka hirgeliyay mashruuc lagu magacaabo 'Xalqahaa-ye Saalixiin' ama 'Shajarah Tayyibah Saalixiin'.

Mashruucan asalkiisii wuxuu ka soo bilaabmay masaajidda iyo xarumaha Basiij, iyadoo ujeedkiisu ahaa in dhalinyarada loo baro diinta laguna tarbiyadeeyo, balse muddo ka dib dugsiyadii ayaa si tartiib ah qayb uga noqday howlihiisa. Waxaana kamid ahaa ujeeddooyinkiisa in ardayda lagu soo jiito howlaha Basiij.

Dhaliilayaashu waxay qabaan in qodobbada ku jira heshiiskan ay albaabka u furi karaan joogitaan aad u ballaaran oo ay booliiska iyo hay'adaha amnigu ku yeeshaan dugsiyada dhexdiisa.

Dagaalkii 40-ka maalmood ee u dhexeeyay Iiraan iyo Israa'iil ayaa isna abuuray jawi ku habboon in qaar kamid ah barnaamijyadan ay si fudud ku faafaan.

Bishii Febraayo ee sannadkii hore, waxaa la kala saxiixday heshiis is afgarad ah oo u dhexeeya taliska booliiska Iiraan iyo Wasaaradda Waxbarashada.

Heshiiskaas ka hor, Wasaaradda Waxbarashadu waxay ballan qaadday inay la shaqeyn doonto qeybo kala duwan oo ka tirsan booliiska gaarka ah, sida booliiska internet-ka, booliiska la dagaalanka maandooriyaha, booliiska taraafikada, booliiska ka hortagga dembiyada iyo booliiska baarista, taasoo la xiriirta barnaamijyada shaqaalaheeda, ardayda iyo waalidkooda.

'Dhalinyarada Dagaalyahanka ah'

Ururka Basiij ee ardayda wuxuu si rasmi ah uga howlgalaa dugsiyada tan iyo 1990-kii, hase yeeshee warbaahinta Iiraan ayaa 1-dii April 2026 soo tabisay in la qabtay kulankii ugu horreeyay ee xarunta qaranka ee 'dhalinyarada dagaalyahanka ah'.

Kulankan waxaa kasoo qayb galay wakiillo matalayay Jabhadda Kacaanka Dhaqanka ee Islaamka iyo ururrada ardayda, oo uu ku jiro ururka Basiij ee ardayda.

Madaxa ururka Basiij ee ardayda ahna taliyaha xarunta 'dhalinyarada dagaalyahanka ah' Siavash Moslemi ayaa yiri: 'Dhalinyaradeennu waxay noqon karaan xoogga ugu muhiimsan ee waddooyinka uga jira difaaca kacaanka'.

Sida uu sheegay, waxaa kamid ah ujeeddooyinka xaruntan 'tababarka weerarrada gardarrada ah ee dhanka internet-ka, tababarka la socodka iyo aruurinta xogta dadweynaha si loogu garto waxyaabaha ku dhex milmay xaafadaha, ka qaybgalka firfircoon ee dhalinyarada ee isu-soo-baxyada iyo tababarka adeegsiga hubka'.

Bishii la soo dhaafay, ayaa Siavash Moslemi isagoo ka hadlaya guulihii ay gaareen 'goobaha dhalinyarada dagaalyahanka ah' xilligii dagaalku socday, wuxuu ku dhawaaqay bilowga mashruuc kale oo lagu magacaabo 'Horyaalka Ardayda ee No+Maydaan', kaas oo uu ku tilmaamay 'hawlgalkii labaad ee wadajirka ahaa'.

Mashruucan waxaa la hirgeliyay iyadoo lala kaashanayo ururka Basiij ee ardayda, waaxda tarbiyada iyo dhaqanka ee Wasaaradda Waxbarashada iyo hay'ado kale oo farabadan, hadafkiisa la shaaciyayna waa 'in la aqoonsado awoodaha ardayda ee dhinacyada gargaarka, faafinta iyo warbaahinta, lana xoojiyo oo la siiyo fursad'.

Barnaamijkan wuxuu quseeyaa ardayda dugsiyada hoose, dhexe iyo sare. Qayb kamid ah mashruuca 'No+Maydaan' ayaa si gaar ah loogu talagalay tababarka militari ee ardayda.

Muddo dhow oo aan fogeyn, warbaahinta oo ay ku jirto wakaaladda wararka ardayda ee 'PANA', waxay baahisay sawirro muujinaya arday lagu tababarayo adeegsiga hubka.

Afhayeenka Wasaaradda Waxbarashada ayaa 23-kii Oktoobar si adag u beeniyay wararka sheegaya in ardayda loo sameynayo taargooyin aqoonsi oo loogu talagalay dagaalka.

Laga soo bilaabo beeninta 'taargada dagaalka' ilaa walaaca waalidka

Marka laga yimaado mashaariicda iyo heshiisyada cusub, waxbarashada difaacu waxay muddo tobanaan sano ah qayb ka ahayd nidaamka waxbarasho ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

Tan iyo 1986-kii, waxbarashada difaacu waxay si rasmi ah qayb uga noqotay manhajka dugsiga sare.

Maaddadani waxay ka kooban tahay 12 dhibcood oo dhanka aragtida ah iyo 8 dhibcood oo dhanka tababarka ficilka ah, waxaana qayb ka mid ah tababarkeeda ficilka ah lagu qabtaa iyadoo lala kaashanayo xarumaha waxbarashada ee Basiij iyo cutubyada Basiij ee ardayda.

Hordhaca buugga lagu magacaabo 'Amaadagi Defa'i' waxaa ku qoran in maaddadani ay 'ka mid tahay maaddooyinka qasabka ah'.

Waxyaabaha ku jira waxaa ka mid ah, marka laga soo tago difaaca rayidka iyo difaaca aan hubka lahayn, mowduucyo la xiriira nidaamka militari, qaababka dagaalka shaqsiga ah iyo waxa loogu yeero 'dagaalka jilicsan'.

Hase yeeshee, bilihii la soo dhaafay, muranka waxaa dhaliyay wax ka badan waxa ku jira buugaagta manhajka.

Baraha bulshada ayaa lagu faafiyay sawirro iyo warbixino ku saabsan joogitaanka shaqaale militari oo ka dhex muuqday dugsiyada qaarkood, gaar ahaan heerarka waxbarasho ee ay dhigtaan ardayda da'da yar, taas oo dhalisay walaac ku aaddan ku faafidda tababarka ciidanimo ee gudaha deegaanka waxbarashada.

Ka dib markii la faafiyay sawirro muujinaya carruur hub kala furfuraysa oo dib isugu xiraysa gudaha dugsiyada iyo goobaha dadweynaha, waxaa sidoo kale soo baxay warbixino sheegaya in dugsiyada qaarkood ay waalidiinta ka codsadeen in ay u sameeyaan 'taargooyin aqoonsi' ardayda.

Arrintan ayaa dhalisay falcelin xooggan oo si weyn uga dhex muuqatay baraha bulshada.

Magaalooyin kala duwan sida Bandar Abbas, Kermanshah, Mashhad, Urmia iyo Karaj, waxaa ku sugan waalidiin sheegaya in dugsiyadu ka dalbadeen in ay carruurtooda u sameeyaan taargooyin aqoonsi, ama dugsiyadu laftoodu ay soo diyaariyeen taargooyinkaas.

Arrimahan ayaa si gaar ah loo hadal hayay ka dib markii uu soo baxay muuqaal muujinaya nin dab demiska ka shaqeeya oo booqasho la xiriirta amniga ku tagay dugsi ay dhigtaan gabdho.

Muuqaalkaas, dab demiska ayaa sheegay, isagoo soo xiganaya masuul ka tirsan dugsiga, in ardayda laga dalbaday taargooyin ay ku qoran yihiin xogtooda gaarka ah.

Markii wax laga weydiiyay isku ekaanshaha taargooyinkaas iyo kuwa aqoonsiga militariga, shaqaalaha dugsiga ayaa ku jawaabay: 'Amarka kor ayuu ka yimid'.

Hase yeeshee, weli ma cadda hay'adda loola jeedo 'amarka kor ka yimid' iyo in amar noocaas ah si rasmi ah dugsiyada loo gaarsiiyay iyo in kale.

Afhayeenka Wasaaradda Waxbarashada ayaa 23-kii Oktoobar si adag u beeniyay wararka sheegaya in ardayda loo sameynayo taargooyin aqoonsi oo loogu talagalay dagaalka, wuxuuna yiri: 'Maamulayaasha dugsiyadu xaq uma laha in ay soo gudbiyaan arrimo ama mowduucyo walaac ku abuura qoysaska dhexdooda'.

Ka hor intaas, waaxda waxbarashada ee gobolka Hormozgan ayaa iyaduna beenisay wararka sheegaya in ardayda laga codsaday taargooyin aqoonsi.

Iyadoo ay sii kordheyso xiisadda ka taagan gobolka iyo cabsi laga qabo dagaal cusub oo dhici kara, wararkan ayaa keenaya su'aasha ah sababta waxyaabaha iyo howlaha la xiriira dagaalka loogu soo bandhigayo dugsiyada.

Is af-garanwaa muddo dheer soo jiray

Muujinta doorka carruurta iyo dhalinyarada ee sheekooyinka rasmiga ah ee la xiriira dhaqanka dagaalka iyo naf hurnimada ee Iiraan, waa arrin da' weyn sida taariikhda Jamhuuriyadda Islaamiga ah lafteeda oo kale.

Tusaalaha ugu caansan ee arrintan laga yaabo waa sheekada Mohammad Hossein Fahmideh. Waa wiil 13 jir ah oo uu Ruhollah Khomeini ku tilmaamay 'hoggaamiyahayagii'.

Iyadoo aan loo eegin khilaafyada ka jira sheekada rasmiga ah ee geeridiisa, Mohammad Hossein Fahmideh wuxuu tobanaankii sano ee la soo dhaafay noqday mid ka mid ah calaamadaha ugu muhiimsan ee dhaqanka naf hurnimada iyo shahaadada ee sheekada rasmiga ah ee Iiraan.

Sawirkiisu wuxuu sanado badan ku daabacnaa lacagta dalka, sheekadiisuna waxay noqotay qayb ka mid ah buugaagta manhajka.

Dagaalkii u dhexeeyay Iiraan iyo Ciraaq ka dib, sanado badan mowduuca adeegsiga carruurta iyo dhalinyarada ee howlaha militariga wax yar ayaa looga hadlay warbaahinta.

Mowduuca ku lug lahaanshaha carruurta iyo dhalinyarada ee howlaha militariga iyo amniga ayaa sanado badan ahaa muran ka dhex taagnaa mas'uuliyiinta Jamhuuriyadda Islaamiga ah iyo hay'adaha xuquuqda aadanaha.

Iiraan waxay xubin ka ahayd heshiiska xuquuqda carruurta tan iyo 1993-kii.

Qodobka 38-aad ee heshiiskan, dowladuhu waxay ku qasban yihiin in ay qaadaan dhammaan tallaabooyinka suurtagalka ah si looga hortago ka qaybgalka tooska ah ee dadka ka yar 15 sano ee colaadaha hubeysan iyo in aysan u qorin dadka ka yar da'daas ciidamadooda hubeysan.

Sida ku cad qaanuunka Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada, qorista ama adeegsiga carruurta ka yar 15 sano si ay si firfircoon uga qayb qaataan colaadaha hubeysan waxaa loo tixgelin karaa dambi dagaal.

Mas'uuliyiinta Jamhuuriyadda Islaamiga ah ma dafiraan joogitaanka dhalinyarada ee dagaalkii Iiraan iyo Ciraaq, balse waxay ku tilmaamaan tallaabo iskaa wax u qabso ah oo lagu difaacayo dalka.

Mararka qaar waxay dhaliilaha loo jeediyo ka qaybgalkaas u arkaan in ay la mid tahay diidmada difaaca ka dhanka ah duulaanka cadowga iyo dhiirrigelinta is dhiibista.

Warbixintii ugu dambeysay ee Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ee ku saabsan ka tahriibinta dadka, Iiraan waxaa lagu eedeeyay in ay carruurta u adeegsatay qaar ka mid ah howlaha militariga iyo amniga.

Warbixintan waxaa sidoo kale lagu xusay howlaha Basiij, qorista dhalinyarada iyo qaar kamid ah barnaamijyada la xiriira tababarka iyo abaabulka ciidamada dhalinyarada.

Qayb kale oo ka mid ah warbixinta Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa lagu eegay howlaha Basiij ee gudaha Iiraan.

Sida laga soo xigtay, intii lagu jiray mudaaharaadyo iyo rabshado qaar, ciidamada Basiij waxay u adeegsadeen dad ka yar 18 sano dhanka amniga, kuwaas oo warbixinta loogu yeeray 'askari carruur ah'.

Mas'uuliyiinta Jamhuuriyadda Islaamiga ah way diidaan eedeymahan, waxayna u arkaan warbixinnada noocaas ah kuwo siyaasadeysan oo eex ah.

Hase yeeshee dadka dhaliila arrintan waxay soo bandhigayaan bayaan rasmi ah oo muujinaya in ololayaasha qaar ee la xiriira Sepah ama Basiij ay aqbalayaan iskaa wax u qabso laga bilaabo da'da 12 jirka.

Saameynta jiilka dambe

Doodda ku saabsan in deegaanka dugsiyadu uu aad ugu ekaaday mid militari ayaa soo ifbaxday sanadihii u dambeeyay, iyadoo ay weheliso dhaleeceynta sii kordheysa ee la xiriirta ballaarinta barnaamijyada diiniga ah ee Wasaaradda Waxbarashada.

Faylasuufka iyo khabiirka cilmiga diinta ee Mohammad Mojtahed Shabestari ayaa warqad uu u diray Masoud Pezeshkian wuxuu kaga digay in dugsiyadu isu beddelayaan 'xeryo lagu tukanayo salaadda jamaacada ee qasabka ah'.

Wuxuu madaxweynaha ka codsaday: 'Ha u oggolaan Wasiirka Waxbarashada inuu dugsiyada ka dhigo xeryo diimeed.'

Wuxuu intaa ku daray in tobanaan kun oo arday oo dalka ah ay salaadahaas u gutaan 'iyagoo aan rabin in ay Ilaah caabudaan, balse iyagoo murugeysan oo lagu qasbay'.

Iyadoo mas'uuliyiinta Iiraan ay barnaamijyadan u arkaan qayb ka mid ah diyaarinta jiil adag oo kacaankiisa daacad u ah isla markaana u diyaarsan difaaca dalka, ayaa dadka dhaliila waxay sheegayaan in faafitaanka barnaamijyadan ay sii qasayaan soohdinta u dhaxaysa waxbarashada rayidka ah, tababarka difaaca iyo abaabulka siyaasadeed ama amni ee ardayda.

Xilli Iiraan ay soo martay laba dagaal, isla markaana ay weli taagan tahay doodda ku saabsan suurtagalnimada isku dhac cusub oo militari, tababarka difaaca iyo u diyaarinta ardayda si ay ula tacaalaan xaaladaha dagaalka iyo xaaladaha degdegga ah ayaa laga yaabaa in uu leeyahay muhiimad weyn.

Hase yeeshee maadaama dagaalladii ugu dambeeyay ay u badnaayeen weerarro cirka ah iyo gantaallo oo aysan jirin wax dagaal dhulka ah, waxaa la is weydiinayaa inta uu tababarka hubka ee ardayda la jaanqaadayo baahiyaha difaac ee ka dhashay dagaalladan, iyo halkee bay ku jirtaa soohdinta u dhaxaysa waxbarashada difaaca iyo ku lug lahaanshaha carruurta iyo dhalinyarada ee howlaha militariga iyo amniga?