Banaanbax lagu taageerayo ciidanka Kenya

Published
Mudaaharaadka Kismaayo.

Xigashada Sawirka,

Qoraalka sawirka, Mudaaharaadka Kismaayo.

Magaalada Kismaayo, waxaa ka dhacay maanta banaanbaxyo lagu taageerayo joogista ciidamada Kenya ee ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika.

Dadkii banaanbaxayay waxaa la hadlay saraakiil ka tirsan maamul goboleedka Jubba.

Wariyaha BBC Maxamed Ibraahim Macalimmo, ayaa banaanbaxa ka waraystay Khalid Maxamed Xasan, oo ka mid ah dadkii soo qabanqaabiyay banaanbaxyada.