TOOS, Maraykanka iyo Iiraan oo gaadhay heshiis hordhac ah

Dhexdhexaadiyayaasha Maraykanka iyo Iiraan ayaa isku raacay qaab-dhismeedka heshiis lagu kordhinayo xabbad-joojinta muddo 60 maalmood ah, isla markaana lagu bilaabayo wada-xaajoodyo ku saabsan mustaqbalka barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan.

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Heshiisku ma qaadi doonaa xannibaadaha saaran Marinka Hormus?

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, BBC, Somali
    Haweeneey

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Maraykanka iyo Iiraan ayaa Khamiistii gaadhay heshiis lagu kordhinayo xabbad-joojinta laguna qaadayayo xannibaadaha maraakiibta ee marinka Hormus, sida ay ilo xog-ogaal ah u sheegeen wakaalada wararka Reuters, inkasta oo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump aanu weli ansixin, warbaahinta dowladda Iiraan-na ay sheegtay in aan weli la dhammeystirin.

    Sida ay sheegeen afar ilo oo arrintan xog-ogaal u ah, heshiiskan ayaa kordhinaya xabbad-joojinta 60 maalmood oo kale, isla markaana u oggolaanaya isu-socodka maraakiibta marinka biyaha istiraatiijiga ah, iyadoo wada-xaajoodyo lagu xallinayo arrimo adag sida barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan ay sii socdaan. Haddii ay ansixiyaan hoggaanka Washington iyo Tehran, tani waxay noqon doontaa tallaabadii ugu weyneyd ee loo qaaday dhanka nabadda tan iyo markii colaaddu bilaabatay 28-kii Febraayo.

    Wararka ku saabsan heshiiskan suurtagalka ah ayaa yimid kadib is-weydaarsi weerarro ah oo ay labada dal is-dhaafsadeen, taas oo ah dhacdadii ugu dambeysay tan iyo markii xabbad-joojintu dhaqan gashay horraantii Abriil.

    Siday qortay Reuters Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in Trump aanu weli ansixin heshiiska. Aqalka Cad ayaa diiday inuu faallo bixiyo, halka Iiraan ay sidoo kale aanay weli ka hadlin wararka ku saabsan heshiiska la soo jeediyay, kaas oo markii ugu horreysay ay baahisay Axios.

  2. War deg deg ah, Iiraan iyo Maraykanka oo gaadhay heshiis hordhac ah

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, BBC, Somali
    Iraan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ilo Maraykan ah ayaa BBC-da u sheegay in heshiiska cusub ee xabbad-joojinta aanu weli ansixin hoggaanka labada dal midna.

    Heshiiskan ayaa imanaya iyadoo weerarro cusub ay ka socdaan gobolka, kadib markii Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ay sheegeen inay bartilmaameedsadeen saldhig ciidan oo Maraykan leeyahay oo ku yaalla gobolka, kaddib duqeymo cusub oo Maraykanku habeenkii ka fuliyay koonfurta Iiraan.

    Labada dal ee Iiraan iyo Maraykanka ayaa maalmihii u dambeeyay midba midka kale ku eedeeyay inuu jebiyay xabbad-joojinta jilicsan.

    Arbacadii, warbaahinta dowladda Iiraan ayaa baahisay qaybo ka mid ah waxa ay ku tilmaantay qabyo-qoraal aan rasmi ahayn oo ka kooban heshiis is-afgarad ah oo leh 14 qodob.

    Warbixinta ayaa waxaa ku jiray qaadista xannibaadda badeed ee Washington ku haysay dekedaha Iiraan, bixitaanka ciidamada Maraykanka ee “agagaarka Iiraan”, iyo dib u soo celinta isu-socodka maraakiibta aan milatariga ahayn ee marinka Hormuz, iyadoo maamulka iyo hagidda maraakiibta ay gacanta ku hayaan Iiraan iyo Cumaan.

    Aqalka Cad ayaa soo saaray war kooban oo uu ku sheegay in qabyo-qoraalka heshiiska la sheegay uu yahay “been-abuur buuxa.”

    Labada dhinac ayaa muujiyay in horumar laga sameeyay heshiiska dabayaaqadii toddobaadkii hore, taas oo dhalisay mala-awaal sheegaya in dhawaan lagu dhawaaqi karo heshiis.

    Tan iyo markii xabbad-joojintii ugu horreysay ee u dhexeysay Maraykanka iyo Iiraan ay dhaqan gashay 8-dii Abriil, Trump ayaa marar badan sheegay in labada dhinac ay ku dhow yihiin heshiis isla markaana wada-xaajoodyadu ay horumarayaan, balse rajadii laga qabay in colaadda lagu soo afjaro wada-hadal ayaa mar kasta burburtay.

    Warbaahinta Axios, oo markii ugu horreysay Khamiistii soo tebisay heshiiska hordhaca ah, ayaa sheegtay in Trump lagu wargeliyay soo jeedinta, balse uusan isla markiiba oggolaan, isla markaana uu qaadan doono dhowr maalmood si uu uga fiirsado.

    Xaqiijinta ay ilo Maraykan ahi ka bixiyeen warbixinta Axios ee aan la shaacin ilaha laga helay ee ku saabsan qaab-dhismeedka heshiiska ayaa ah mid naadir ah, taas oo muujinaysa in labada dhinac ay laga yaabo inay ka dhow yihiin heshiis sidii ay ahaayeen marxalad kasta oo hore oo ka mid ah xabbad-joojinta socotay in ka badan lix toddobaad.