TOOS, Dowladda Iiraan oo ogolaatay wada-hadal lala galo dowladaha waaweyn ee Bariga dhexe

Xoghayaha amniga qaranka Iiraan ayaa sheegay kadib kulan ay la yeesheeyn madax oo ka socotay Pakistan, Turkiga iyo Sacuudiga in ay ku heshiiyeen "in amniga gobolka uu noqdo mid gudaha gobolka laga maamulo, iyada oo aanay jirin faragelin dibadeed".

Kooban

Tebin toos ah

  1. Madaxa hore ee FBI-da Maraykanka oo markii saddexaad wajahaya dacwado heer federaal ah

    Madaxa hore ee FBI-da Maraykanka oo markii saddexaad wajahaya dacwado heer federaal ah

    Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa dacwado cusub ku soo oogtay James Comey, oo ahaa agaasimihii hore ee Hay’adda Baarista Federaalka Mareykanka (FBI), iyada oo ku eedeysay inuu toban sano ka hor xog la xiriirta amniga qaranka uu u dusiyay wariye.

    Tani waa markii saddexaad muddo sannad ka badan gudaheed ee maamulka Madaxweyne Donald Trump uu isku dayayo inuu dacwad ku soo oogo Comey oo Trump xilka ka qaaday sannadkii 2017-kii.

    Comey ayaa ka jawaabay eedeymaha isaga oo sheegay inuu weli yahay qof aan sameyn waxa lagu soo eedeeyey, kana madax bannaan yahay, isla markaana aanu weli cabsi qabin.

    Waxa uu si cad u dhaliili jiray madaxweynaha. Qareennadiisa ayaa hore maamulka ugu eedeeyay inuu dacwadda u adeegsanayo dano siyaasadeed.

  2. Hindiya oo su’aalo ka keentay adeegsiga awoodda Codka diidmada qayaxan ee Qaramada Midoobay

    Hindiya oo su’aalo ka keentay adeegsiga awoodda Codka diidmada qayaxan ee Qaramada Midoobay

    Wakiilka Joogtada ah ee Hindiya u fadhiya Qaramada Midoobay, Parvathaneni Harish, ayaa soo bandhigay mowqifka dalkiisa ee ku saabsan adeegsiga awoodda diidmada qayaxan intii lagu guda jiray kalfadhiga guud ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

    Waxa uu sheegay in awoodda diidmada qayaxan ay hadda leeyihiin oo keliya shanta dal ee xubnaha joogtada ah ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Waxa uu xusay in awooddaasi ay sidoo kale tahay mas’uuliyad, loona baahan yahay in si taxaddar iyo xakameyn leh loo adeegsado, gaar ahaan arrimaha la xiriira ilaalinta nabadda iyo amniga caalamka.

    Waxa uu intaas ku daray in awoodda diidmada qayaxan aan loo adeegsan danaha siyaasadeed ee gaarka ah.

    Harish ayaa sheegay in diiwaanka adeegsiga awooddan uu cad yahay, isaga oo xusay in intii ay jirtay Qaramada Midoobay, awoodda diidmada qayaxan la adeegsaday 331 jeer, lagana hor yimid ku dhowaad 200 oo qaraar.

    Waxa uu sidoo kale tilmaamay in laba ka mid ah shanta dal ee xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka ee kala ah; Shiinaha, Ruushka, Maraykanka Faransiiska iyo Ingiriiska aanay awooddan adeegsan muddo ka badan 35 sano, halka inta badan adeegsigeeda ama hanjabaadaha la xiriira ay ka yimaadeen saddex ka mid ah dalalkaas.

    Wakiilka Hindiya ayaa sheegay in hindisihii awoodda diidmada qayaxan ee la bilaabay 2022 uu rajo ka muujiyay isbeddel, maadaama uu dhigayo in mar kasta oo awooddan la adeegsado, arrinta looga doodo Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, si loo xaqiijiyo isla xisaabtan.

    Arrinta awoodda diidmada qayaxan ayaa ka mid ah shanta qodob ee ugu waaweyn ee dib-u-habaynta Golaha Ammaanka, kuwaas oo ay dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay kaga wada hadlayaan wadaxaajoodyada dowladaha dhexdooda.

  3. Sacuudi Carabiya oo ka hadashay shirkii afarta dhinac ee Tehran

    Sacuudi Carabiya oo ka hadashay shirkii afarta dhinac ee Tehran:

    Saacad ka dib markii mas’uuliyiin sare oo ka kala socday Pakistan, Turkiga iyo Sacuudi Carabiya ay gaareen Tehran si ay uga qayb galaan shir afar geesood ahaa, ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga waxay soo saartay bayaan ay ku sheegtay in ka qaybgalka Wasiirka Gaashaandhigga Sacuudiga, Amiir Khalid bin Salman, uu qayb ka yahay dadaallada Riyadh ay ku dooneyso in lagu xallinayo xiisadda gobolka, iyadoo la adeegsanayo dalalka xubnaha ka ah Heshiiska Maka, oo kala ah Pakistan iyo Turkiga.

    Bayaanka ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudigu soo saartay habeenkii Isniinta ayaa u qornaa sidan:

    “Iyada oo la sii ambaqaadayo doorka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee xoojinta wada-hadalka iyo nabadda heer gobol iyo heer caalami, ayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaasi caddeyneysaa in booqashada Amiir Khalid bin Salman bin Abdulaziz Al Saud, Wasiirka Gaashaandhigga Boqortooyada Sacuudi Carabiya, oo ay weheliyaan wakiillo ka socda dalalka xubnaha ka ah Heshiiska Difaaca Wadajirka ah ee Maka, ay ku tageen Tehran, halkaas oo ay kula kulmeen mas’uuliyiin sare oo Iiraaniyiin ah.

    Booqashadu waxay qayb ka tahay dadaallada joogtada ah ee dalalka xubnaha ka ah heshiiskan ay ku doonayaan inay ku yareeyaan xiisadaha u dhexeeya dhinacyada ku lugta leh xiisadda taagan, ku dhiirrigeliyaan wada-hadalka iyo xalalka diblomaasiyadeed, isla markaana taageeraan dadaallada dhexdhexaadinta ee Dowladda Qatar iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan.”

    Marka laga soo tago Wasiirka Gaashaandhigga Sacuudiga, waxaa sidoo kale shirkii afarta dhinac ee Isniintii ka dhacay Tehran ka qayb galay Marshal Asim Munir, taliyaha ciidanka Pakistan, iyo Ibrahim Kalin, madaxa sirdoonka Turkiga.

  4. AROORYO SUUBAN

    Kusoo dhawaada tebinteenna tooska ah maalinimo