Laftagareen oo sheegay in ciidamadiisa duleedka Baydhabo jooga aaney kaligood ahayn

Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa shegay in ciidamada isaga taabacsan ee jooga duleedka magaalada Baydhabo ay la socdaan wasiirro, agaasimayaal iyo guddoomiyaal horey uga tirsanaa maamulkiisii.
Wuxuu sheegay in ay duurka ku shaqeeyaan isla markaana ay qabtaan howlahoodii caadiga ahaa.
Qodobkaan ayaa madaxweyne hore Lafta gareen ku sheegay waraysi uu siiyay BBCSomali, isagoo intaa ku daray in ciidamadiisu aaney ka dheereyn magaalada.
Dhanka kale, Golaha wasiirrada maamulka Koonfur Galbeed ayaa maalmo ka hor mar kale ku eedeyay madaxweynihii hore ee maamulkaasi Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen in ciidamada isaga taabacsan ay ku biireen al-Shabaab oo ay isku deegaanno joogaan isla markaana khal-khal amni ku hayaan deegaannada Koonfur Galbeed.
War laga soo saaray shir golaha wasiiradu maanta yeesheen ayaa lagu sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay ciidamada madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed iyo kuwa al-Shabaab ay si isku mid ah ula dhaqmi doonaan.
Warkaan ayaa ku soo aadaya iyadoo dhawaan uu beeniyay madaxweynihii hore ee maamulkaasi Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagreen in wax xiriir ah uu ka dhaxeeyo al-Shabaab iyo ciidamada isaga taabacsan ee ku sugan duleedka magaalada Baydhabo.
Wuxuu sheegay in ujeedka ciidamadiisa ay tahay in ay dadka reer Koonfur Galbeed ka dul-qaadaan wax uu ku tilmaamay dulmi iyo tacaddi lagu hayo.
