Milatariga dalka Maraykanka ayaa ku dhawaaqay in ciidammadoodu ay ka hortageen dhowr gantaal oo nooca balastikada ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay Iiraan u gantay dhanka Marinka Hormuz iyo waddamada dariska ah ee Gacanka Beershiya.
Taliska Dhexe ee Ciidanka Maraykanka ayaa barta X ku qoray in Iran ay toddoba gantaal oo balastiko ah ku riday dhanka Kuwayt iyo Baxrayn, saacado yar ka dib markii ciidammada Maraykanku ay soo rideen afar diyaaradood oo nooca is-qarxiya ah oo loo soo ganay dhanka Marinka Hormuz.
Sida uu sheegay CENTCOM, weerarradan ayaa yimid kaddib markii ciidammada Maraykanku ay beegsadeen fadhiisimaha raadaarka ee ilaalinta xeebaha Iiraan ee ku yaalla Goruk iyo Jasiiradda Qeshm, si ay uga hortagaan wax ay ku tilmaameen “Khatar soo fool leh oo ku wajahan isu-socodka badda.”
CENTCOM ayaa ku dhawaaqay in qiimayntii ugu horraysay ay muujinayso in lix ka mid ah gantaaladii la riday laga hortagay, halka gantaalkii toddobaadna aanu gaadhin bartilmaameedkii loogu talagalay.
Milatariga Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay in aanay jirin wax warar ah oo sheegaya waxyeelo soo gaadhay ciidammada Maraykanka, islamarkaana sheegashada Iran ee ku aaddan waxyeello loo gaystay xarunta Taliska Guutada Shanaad ee Maraykanka ee Baxrayn ay tahay "mid khaldan."
Dhinaca kale, dalka Kuwayt ayaa ku dhawaaqay in uu hawlgaliyay nidaamkiisa difaaca cirka, halka Baxraynna ay sheegtay in ay dardargeliyeen siidhiga digniinta.