Iiraan oo qaadday weerarro dheeraad ah kaddib markii qaraxyo laga soo sheegay koonfurta Iiraan.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay "inuusan ogeyn in Iiraan ay u qalanto in lala heshiiyo", malin kadib markii uu shaaciyay inay wadahadalladu "dhamaadeen"

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Gantaallada Iiraan ku weerartay gobolka oo la sheegay in ay aaney dhibaato gaysan

    Sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Difaaca Maraykanka ayaa sheegay in tobanaan gantaal iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo ay Iran soo ridday aysan geysan wax khasaare weyn ah ama dhaawacyo, sida ay baahisay wakaaladda wararka AFP.

    Sarkaalkaas, oo codsaday inaan magaciisa la shaacin, ayaa sheegay in weerarradaasi "gantaalladaas dhexda laga qabtay, ama aysan geysan wax burbur weyn ah," wuxuuna intaas ku daray in "aysan jirin wax dhaawac ah oo soo gaaray ciidamada Maraykanka."

  2. War deg deg ah, Degdeg: Israa'iil oo ku dhawaaqday in ay weerar ku qaadayso Iiraan

    Israa'iil

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Wasiirka Difaaca Israa’iil, Israel Katz, ayaa sheegay in ciidamada dalkiisu ay “heegan ku jiraan isla markaana diyaar u yihiin dib u billaabista ololaha milatari” ee ka dhanka ah Iran.

    Waxa uu intaa ku daray in haddii loo baahdo Israa’iil ay mar saddexaad weerari karto Iran. Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay inuu hadalkan ka jeediyay munaasabad ay ku qalin jabinayeen duuliyayaal cusub.

    Israa’iil ayaa tan iyo bilowgii dagaalka ku lug lahayd hawlgallada ka dhanka ah Iran, iyadoo 28-kii Febraayo weerarro wadajir ah la fulisay Mareykanka.

  3. War deg deg ah, Degdeg: Sawirro la baahiyay oo muujinaya dekad gubanaysa iyo faahfaahin ka soo baxaysa

    .

    Xigashada Sawirka, Mehr News Agency

    Iyadoo ay soo baxayeen warar sheegaya in la weeraray xarunta tamarta nukliyeerka ee Bushehr, ayaa muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada si khaldan loogu sheegay inuu muujinayo burburkii ka dhashay weerarka la sheegay.

    Xaqiiqdu waxay tahay in muuqaalku uu muujinayo qiiq ka kacaya dekedda kalluumaysiga ee Banood, oo qiyaastii kiiloomitir koonfur-bari kaga beegan xarunta nukliyeerka ee Bushehr. Muuqaalka waxaa markii ugu horreysay goobta saxda ah ku baahisay Wakaaladda Wararka Mehr ee Iran.

    BBC Verify ayaa xaqiijisay in muuqaalku uu yahay dekedda Banood, ee uusan ahayn xarunta nukliyeerka, kaddib markii ay isbarbardhigtay qaabka xeebta iyo hab-dhiska waddooyinka iyadoo adeegsanaysa sawirrada dayax-gacmeedka.

    Guddoomiyaha degmada Asaluyeh, oo ah magaalada ugu dhow Banood, ayaa sheegay in laba madfac ay ku dhaceen dekedda kalluumaysiga saacadda 09:10 subaxnimo waqtiga maxalliga ah ee saaka. Waxa kale oo uu sheegay in 10 doomood oo kalluumaysi uu dab qabsaday.

    Sawirro laga qaaday dekedda, oo la xaqiijiyay iyadoo lala barbardhigay sawirro dadweynuhu hore uga qaadeen goobta, ayaa muujinaya dad baaraya burburka gaaray doomaha ku xirtay dekedda, iyo qiiq weyn oo la jaanqaadaya muuqaalkii ay baahisay Wakaaladda Wararka Mehr.

    .

    Xigashada Sawirka, Telegram

  4. War deg deg ah, Iiraan oo ku dhawaaqday in ay qaadayso tallaabooyin cusub

    Caraqji

    Xigashada Sawirka, Reuters

    War-saxaafadeed uu soo saaray, Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran Cabbaas Caraqji ayaa "si adag u cambaareeyay" duqeymaha Mareykanka ee ka dhacay guud ahaan Iran.

    Wuxuu sheegay in weerarradu ay jebinayaan heshiiska, oo ahaa heshiis is-afgarad oo ka kooban 14 qodob, kaas oo ay labada dal kala saxiixdeen bishii hore.

    Caraqjii ayaa la sheegay inuu u sheegay Taliyaha Ciidanka Pakistan Field Marshal Asim Munir, oo door muhiim ah ka qaatay wadahadallada dhexdhexaadinta, in Iran ay diyaar u tahay inay isdifaacdo haddii ay dhacaan weerarro kale oo Mareykanku ku soo qaado.

  5. War deg deg ah, Masar oo ka cabatay garsoorayaasha Koobka Adduunka

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    FIFA waxay difaacday go’aannada garsoorayaasha ciyaaraha Koobka Adduunka kadib markii Masar ay ka cabatay eex ay sheegtay inay ka dhacday guuldarradii ay kala kulmeen Argentina wareegga 16-ka.

    Masar waxay 2-0 ku hoggaamineysay kooxda difaacanaysa horyaalka, ka hor inta aysan Argentina dhalin saddex gool oo degdeg ah dhammaadkii ciyaarta, taasoo u suuragelisay inay sameyso soo laabasho layaab leh.

    Xiriirka Kubadda Cagta Masar wuxuu sheegay inuusan aamusi karin eedeymaha uu u jeediyay khaladaad garsoor oo cad oo aan caddaalad ahayn.

    Laakiin madaxa garsoorayaasha FIFA, Pierluigi Collina, ayaa si buuxda u taageeray garsoorayaasha, isagoo sheegay in go’aannadii ciyaarta ay sax ahaayeen.

  6. War deg deg ah, Hoggaamiyihii Iiraan Cali Khamenei oo maanta la aasayo

    Iiraan

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Dadweyne aad u tiro badan ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Mashhad, halkaas oo hoggaamiyihii sare ee hore ee Iran Ali Khamenei lagu aasayo maanta, taas oo ah gunaanadka toddobaad ay socdeen xafladaha aaska iyo isu-soo-baxyada.

    Mashhad waa halka uu Khamenei ku dhashay, sidoo kalena waa goobta uu ku yaallo mid ka mid ah goobaha ugu barakaysan ee Shiicada Islaamka.

    Weeraradii Maraykanka ayaa xalay hakad geliyay khadka tareenka ee isku xira Tehran iyo Mashhad.

    Si kastaba ha ahaatee, saraakiisha Iran waxay sheegeen in arrintaasi aysan saameyn ku yeelan jadwalka socodka aaska iyo xafladda duugista.

    Khamenei waxaa la sheegay in lagu dilay saacadihii ugu horreeyay ee dagaalka ay Maraykanka iyo Israa’iil ka bilaabeen Iran 28-ka Febraayo.

  7. War deg deg ah, Xilli weerarro dhacayaan iyo aaska hoggaamiyihii Iiraan oo lagu gudo jiro

    Iiraan

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Iyadoo la soo sheegayo weerarro ka dhacay Iiraan iyo Urdun, ayaa socodkii ugu dambeeyay ee aaska hoggaamiyihii hore ee Sare ee Iiraan, Cali Khamenei, uu marayay waddooyinka magaalada Mashhad ee waqooyi-bari Iiraan.

    Waxaa horey u dhacay lix maalmood oo munaasabadaha aaska ah ka hor inta aan la aasin, kuwaas oo ay ku jireen socod lagu maray waddo dhererkeedu yahay 10 kiiloomitir kaas oo Isniintii lagu soo maray Fagaaraha Enghelab ee caasimadda Tehraan.

    Kumanaan calamo iyo boorar ah ayaa sidoo kale la soo bandhigay, qaar ka mid ah waxay wateen sawirrada Khamenei, halka kuwo kalena ay ku baaqayeen in la dilo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

    Iiraan

    Xigashada Sawirka, Reuters

    iIRAAN

    Xigashada Sawirka, Reuters

  8. War deg deg ah, Iiraan oo bilowday waji cusub oo weerarro ah iyo Ciraaq oo qaraxyo laga soo sheegayo

    Iiraan

    Wakaaladda wararka ee Mehr ee Iiraan ayaa sheegtay in Iiraan ay billowday waji cusub oo weerarro ah oo lagu bartilmaameedsanayo goobo uu Maraykanku leeyahay, taasoo ay ku sheegtay in ay jawaab u tahay weerarradii uu Maraykanku xalay ku qaaday deegaanno ku yaalla koonfurta Iiraan.

    Warbaahintan, oo xiriir la leh dowladda Iiraan, ayaa sheegtay in goobo ku yaalla Kuwait lagu weeraray gantaallo ay soo rideen Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan.

    Waxay sidoo kale sheegtay in saldhigyo uu Maraykanku ku leeyahay Urdun lagu qaaday weerarro gantaallo ah. Sida aan hore u soo tabinnay, warbaahinta dowladda Urdun ayaa sheegtay in ciidamada dalkaasi ay hawada ku soo rideen siddeed gantaal oo galay hawadooda.

    Waxaa intaas dheer, Mehr waxay sheegtay in qaraxyo laga soo sheegay Saldhigga Victory Base ee magaalada Baqdaad, dalka Ciraaq.

  9. War deg deg ah, Degdeg: Iiraan oo ku dhawaaqday in ay la wareegtay gacan ku haynta Marinka Hormuz

    Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan ayaa sheegay in ciidamada Iiraan ay la wareegeen gacan ku haynta Marinka Hormuz.

    War-saxaafadeed ay daabacday wakaaladda wararka ee Tasnim, oo xiriir la leh IRGC, ayaa lagu sheegay in Iiraan ay "sugayso ammaanka marinka" isla markaana ay bilowday "dib-u-furistiisa si tartiib tartiib ah" labadii toddobaad ee la soo dhaafay.

    War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale sheegay in isu socodka maraakiibta ee marinka uu gaaray qiyaastii 50% heerkii uu ahaa ka hor dagaalka, isla markaana uu weli sii kordhayo maraakiibta hesha oggolaanshaha Iiraan.

    "Waxaan mar kale caddeynaynaa in quwadaha shisheeye aysan wax xuquuq ah ku lahayn dhulkan ama Marinka Hormuz," ayaa lagu yiri bayaanka.

    Waxay sidoo kale ka digeen in faragelin kasta ay la kulmi doonto "jawaab burburin ah."

    Dhanka kale, BBC Verify ayaa falanqaysay xogta ku saabsan isu socodka maraakiibta ee Marinka Hormuz, taas oo muujinaysa in 23 markab oo xamuul iyo shidaal qaada ay ka gudbeen marinka 8-dii Luulyo.

  10. War deg deg ah, Degdeg: Iiraan oo hadashay iyo weerarrada oo sii xoogaysanaya

    Iiraan

    Xigashada Sawirka, EPA

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa si kulul u cambaaraysay weerarrada uu Maraykanku ku qaaday dhowr goobood oo ku yaalla gobollada koonfureed ee dalka iyo laba buundo oo tareen oo ku yaalla gobollada bari, iyadoo ku tilmaantay dambi dagaal.

    War-saxaafadeed ay wasaaraddu soo saartay Khamiista maanta ah ayaa lagu sheegay in weerarrada Maraykanku, oo lagu sababeeyay dhacdooyinkii ka dhacay Marinka Hormuz, ay jebinayaan Axdiga Qaramada Midoobay iyo waajibaadka ku xusan Qoraalka Is-afgaradka ee Lagu Soo Afjarayo Dagaalka .

    Maraykanku hore ayuu ugu eedeeyay Iiraan inay "si cad u jebisay xabbad-joojinta", isagoo sidoo kale ku andacooday in Iiraan ay bartilmaameedsatay saddex markab oo ganacsi oo marayay Marinka Hormuz. Iiraan, dhankeeda, ma aysan sheegan mas’uuliyadda weerarradaas.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa sidoo kale cambaaraysay hadalladallo uu Trump ka sheegay Iiraan ay ku tilmaantay "kuwa adag oo aflagaado ah" kaas oo Arbacadii uu ku tilmaamay hoggaamiyeyaasha Iiraan inay yihiin " kuwo edeb daran" oo "xanuunsan."

  11. War deg deg ah, Dowladda Urdun oo ciidamadeeda heegan galisay kadib weerar Iiraan ku qaadday

    Afhayeen u hadlay dowladda Urdun ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee dowladda, Petra News Agency, in qalabka digniinta la shiday kaddib markii gantaallo ay Iiraan soo ridday galabta ay galeen hawada Urdun.

    Afhayeenku wuxuu sheegay in gantaalladaas la soo riday, isla markaana ciidamada qalabka sida ee Urdun ay ku jiraan heegan sare si ay uga hortagaan khatar kasta oo kale oo iman karta.

    Gelinkii hore ee maanta wariye ka tirsan wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegay inuu maqlay codadka digniinta oo ka yeeraya Urdun.

    Urdun waxaa ku sugan ciidamo Maraykan ah iyo saldhigyo milatari oo uu Maraykanku leeyahay.

  12. War deg deg ah, Safaaradda Mareykanka ee Urdun oo muwaadiniinteeda ugu baaqday in ay raadsadaan gabaad

    .

    Xigashada Sawirka, AP

    Safaaradda Maraykanka ee Urdun ayaa uga baaqday muwaadiniinteeda inay si degdeg ah u raadsadaan meel ay gabaad ka galaan, iyadoo sheegtay in "wararku muujinayaan in gantaallo, diyaarado aan duuliye lahayn, ama gantaallo nooca dheereeya ah ah ay ku jiraan hawada Urdun."

    Safaaraddu waxay intaas ku dartay inay sii wadi doonto qiimeynta xaaladda, isla markaana ay bixin doonto warar iyo tilmaamo dheeraad ah marka loo baahdo.

  13. War deg deg ah, Degdeg: Warshadda Nukliyeerka Iiraan oo la beegsaday

    Warbaahinta xiriirka la leh dowladda Iiraan ayaa sheegaysa in gordhow la bartilmaameedsaday warshadda tamarta nukliyeerka ee Bushehr.

    Qoraal laga soo xigtay ku-xigeenka guddoomiyaha gobolka Bushehr, oo ay baahiyeen warbaahinta dowladda xiriirka la leh, ayaa lagu sheegay in aagga ku hareeraysan warshadda ay ku dhaceen gantaallo uu Maraykanku soo riday.

    Ilaa hadda, Maraykanku wax faallo ah kama bixin weerarradan ugu dambeeyay.

    Sida aan hore u soo tabinaynay, saacadihii la soo dhaafay waxaa hawada dalka Urdun lagu soo riday tiro gantaallo ah oo ay Iiraan soo ridday.

  14. War deg deg ah, Degdeg: Qaraxyo ka dhacay magaalada muhiimka ah ee Koonfurta Iiraan

    Dadka ku nool Bushehr, oo ah magaalada dekedda leh ee koonfurta Iiraan, ayaa soo sheegay inay maqleen dhawaaqa laba qarax, sida ay baahiyeen warbaahinta dowladda ee Fars iyo Mehr.

    Ilaa hadda ma cadda waxa sababay qaraxyadan. Faahfaahin dheeraad ah ayaan idiin soo gudbin doonnaa marka aan helno wararka ku saabsan qaraxyadaas.

  15. Shan arrimood oo sahlan oo aad ku yarayn karto baruurta caloosha

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Dad badan ayaa gymka aada si ay u yareeyaan baruurta caloosha, laakiin qaarkood dhab ahaantii dheg uma dhigaan waxa loo baahan yahay in la sameeyo.

    Dufanka caloosha ayaa ah walaac ku badan dhalinyarada ka welwelsan muuqaalkooda iyo caafimaadkooda.

    Dufanka ku uruuray calooshooda awgiis ma xiran karaan dhar raaxo leh oo iyaga ku habboon.

    Dhibaatadani kaliya maaha xirashada dharka aad jeceshahay. Waxa la caddeeyey in dufanka calooshu uu khatar caafimaad keeni karo.

    Xayrtaasi waxay sababi kartaa dhibaatooyin caafimaad oo badan oo halis ah, oo ay ku jiraan dhiig karka, sonkorta dhiigga oo kacda, iyo dhibaatooyinka kolestaroolka.

    Cuduradani waxay ka yimaadaan baruurta ku taal aagga caloosha.

    Waxa kale oo ay kordhisaa halista nooca 2-aad ee sonkorowga iyo cudurrada wadnaha.

    Cilmi-baaris ay daabacday jaamacadda Harvard ayaa muujisay in nooca borotiinka ee loo yaqaan 'cytokine' la soo saaro tiro aad u badan marka dufanku ku ururo aagga caloosha. Barootiinkani waxa uu keenaa caabuqa jirka.

    Dufanka caloosha ayaa sidoo kale soo saara borotiin kale oo loo yaqaan angiotensin. Barootiinkani waxa uu keeni karaa in xididdada dhiigga ay yaraadaan iyo dhiig karka.

    Sidaa awgeed, halista waallida, neefta, iyo noocyada kansarka qaarkood ayaa kordha.

    Sida laga soo xigtay Dr. Shiv Kumar Choudhry, dhakhtarka sare ee wadnaha ee Isbitaalka Fortis Escorts ee Delhi, dufanka caloosha ayaa ka khatar badan dufanka ku kaydsama qaybaha kale ee jirka.

  16. Musiibo ku soo socota dal Afrika ah oo laga digay

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Madaxa Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa ka digaya in musiibo weyn ay ku soo fool leedahay magaalada Al-Ubeyd ee dalka Suudaan, iyadoo uu weli socdo dagaalkii sokeeye ee saddexda sano jirsaday ee u dhexeeya ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF) iyo ciidamada dowladda.

    Magaaladan oo ay ku nool yihiin ku dhowaad nus milyan qof ayaa ah xarun istiraatiiji ah oo muhiim u ah isku xirka caasimadda iyo gobollada galbeedka dalka.

    Bishii u dambeysay waxaa si weyn u kordhay weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay magaalada ku beegsanayaan ciidamada RSF.

    Khubaro ayaa ka digaya in weerar dhulka ah uu si dhow u soo wajahan yahay magaalada, iyadoo ay durba la daalaa dhacayso burburka baaxadda leh ee gaaray kaabeyaasha muhiimka.

    Dagaallada ka socda magaalada El-Obeid ee Suudaan ayaa hakiyay gaarsiinta gargaarka bani’aadantinimo, iyadoo qoysas badan ay halis ugu jiraan gaajo.

    Golaha Qaxootiga Norway ayaa sheegay in shaqaalaha gurmadku ay naftooda halis gelinayaan si ay gargaar u gaarsiiyaan dadka.

    Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in la ilaaliyo rayidka, la joojiyo weerarrada, isla markaana dib loo furo waddooyinka gargaarka.

    Sidoo kale akhri

  17. Iiraan oo shaacisay tirada dadka looga dilay weerararadii ugu dambeeyay ee Iiraan

    Iiraan oo shaacisay tirada dadka looga dilay weerararadii ugu dambeeyay ee Iiraan

    Madaxa xiriirka dadweynaha ee Wasaaradda Caafimaadka iyo culuumta Caafimaadka ayaa ku dhawaaqay in "14 qof" ay ku dhinteen weeraradii ugu dambeeyay oo labadii maalmood ee la soo dhaafay uu Mareykanka ku qaaday dalkiisa.

    Hossein Kermanpour oo farriin qoraal ah ku daabacay barta X, ayaa sheegay in Maraykanku uu 7-dii iyo 8-dii Luulyo beegsaday shan gobol, weerarradaas oo illaa hadda sababay dhimashada 14 qof iyo dhaawaca 78 kale.

    Sida uu sheegay, "47 ka mid ah dadka dhaawacmay" ayaa la dhigay isbitaalka si loo dabiibo.

    Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa xaqiijiyay in ay xalay fuliyeen weerarro ay ku sheegeen aargoosi, kuwaas oo lagu beegsaday saldhigyo ciidan oo Maraykanku ku leeyahay Kuwait iyo Baxrayn.

    Ciidanka ayaa sheegay inay weeraro ku qaadeen kaabeyaal muhiim ah iyo xarumo ku yaalla saldhigyadaas Mareykanku leeyahay.

    Sidoo kale akhri

  18. Fannaan loo xiray hees aan weli la siideyn oo “Qaza ku saabsan”

    .

    Xigashada Sawirka, Facebook

    Qoraalka sawirka, .

    Wararka ka imanaya jamhuriyadda gooni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland ayaa shegayaa inuu halkaas ku xiran yahay fannaanka caanka ah, Khaalid Kaamil.

    Fannaankan ayaa waxaa lagu heystaa hees uu weli qaadin oo uu u qareemay Falastiin.

    Xisbiga mucaaradka ee jamhuuriyadda gooni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland ayaa cambaareeyay xarig la sheegay in loo geystay fannaanka Khalid Kaamil.

    “Xariga fannaaniinta, suxufiyiinta iyo muwaadiniinta lagu beegsado caburinta aragtidooda iyo hal-abuurkooda, wuxuu dhaawacayaa xoriyadaha aasaasiga ah ee uu dammaanad qaaday dastuurkuu”, ayaa lagu yiri war-saxaafadeed uu goor dhow soo saaray ururku .

    Xisbiga ayaa dhanka kale ugu baaqay xukumadda Somaliland inay si de deg ah u sii deyso fannaanka, isla markaana ay joojiso tallaabo kasta oo u muuqata mid cabsi lagu gelinayo bulshada hal-abuurka leh, waa sida ay iyagu hadalka u dhigeenee.

    “Habdhaqanka dal dimuqraadi ah waa mid ku dhisan ilaalinta sharciga, iyo ixtiraamka xoriyadda hadalka, waana mid ka fog xarig iyo caburin”, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

  19. Dagaal cusub oo laga cabsi qabo inuu qarxo xilli la aasayo hoggaamiyihii sare

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Maanta waa maalintii ugu dambaysay ee xafladda baroordiiqa oo si weyn loo soo agaasimay, taas oo socotay muddo lix maalmood ah, kana dhacday shan magaalo oo ku yaalla Iran iyo sidoo kale dalka deriska ah ee Ciraaq.

    Waxay ahayd dadaal ay hoggaamiyeyaasha cusub ee Iran ku doonayeen inay ku muujiyaan midnimo iyo awood, isla markaana ay ku caddeeyaan in hoggaamiyahoodii sare, oo la dilay saacadihii ugu horreeyay ee dagaalkii qarxay horaanti sanadkan, uusan muhiim u ahayn oo keliya Iran balse uu sidoo kale muhiim u yahay bulshada ballaaran ee Muslimiinta Shiicada ah.

    Ha yeeshee munaasabadda aaska waxaa gaabiyay dadweyne aad u tiro badan oo murugo iyo dareen xooggan muujinayay — waxaana maanta sidaas ka dhacday magaalada ugu barakaysan Iran ee Mashhad, oo sidoo kale ah halka uu ku dhashay Ayatollah Khamenei.

    Iran waxaa laga yaabaa inay rajaynaysay in heshiis ku-meel-gaar ah oo ay bishii hore la saxiixdeen Maraykanka, kaas oo ahaa is-afgarad uu hubin lahaa in munaasabadahan aysan dagaal carqaladayn.

    Iran iyo gobolka intiisa kale waxay u muuqdaan inay geli doonaan xaalad “nabad iyo dagaal” — iyadoo ay dhici karaan iska horimaadyo mararka qaar, isla markaana ay socdaan dadaallo lagu sii wado wada-hadallada arrimaha ugu waaweyn, oo ay ka mid yihiin cidda maamuleysa marin-biyoodka Hormuz iyo barnaamijka nukliyeerka Iran.

    Sida uu Donald Trump sheegay, xabbad-joojin ka dhacda Bariga Dhexe way ka duwan tahay xabbad-joojin ka dhacda meelo kale oo adduunka ah.

    Sidoo kale akhri

  20. Soomaaliya iyo Kenya oo la sheegay inay taageeraan koox fallaago ah

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, .

    Maamulayaasha dalka Koongada Dimuqaraadiga ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Kenya ay ciidamo u direen falaagada M23 ee ka dagaallanta gobolka Sud Kivu ee bariga dalkaas si ay uga dhinac dagaallamaan fallaagada M23 ee, sida ay ku soo warrameyso qaybta warqabadka BBC-da ee (BBC monitoring).

    Maamulaha dhulka la yiraahdo Fizi ee Sud Kivuu ayaa 5tii Bishan sheegay in askar Soomaali iyo Kenyan ah ay ka dhinac dagaallamayeen falagada M23 ee gobolka Hauts-Plateaux.

    "Samy Kalonji Badibanga ayaa sheegay, in askartan ay taageerayeen ciidamada Rwanda, maleeshiyaadka Twirwaneho, kuwa Red Tabara ee Burundi, iyo M23 si ay ula dagaallamaan ciidamada dowladda.", sida lagu yiri warbixinta.

    "Waxay geysanayaan dhimasho, waxayna sababayeen barakac ballaaran oo dadweyne oo ka dhacaya gobolka," ayuu yiri.

    Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, ayaa horay Kenya ugu eedeysay inay taageerto M23 iyo xulafadeeda, balse tani waa markii ugu horreysay ee eedeyntan loo jeediyo Soomaaliya.

    Ha yeeshee ilaa hadda uma suurta galin BBC Somali inay si madax banaan u xaqiijiso eedeymahan.

    Labada dal weli wax jawaab ah kama aysan bixin hadalladan, hase yeeshee Kenya ayaa horay u beenisay inay ku lug leedahay colaadda.

    Arrintan waxay ku soo beegmaysaa iyadoo ciidanka dowladda iyo xulafadooda ay dhawaan horumar ka sameeyeen dagaalka ka dhanka ah M23 ee gobollada waqooyi iyo koonfureed ee Kivu.

    Lixdii bishii Luulyo, ciidanka dowladda iyo maleeshiyaadka Wazalendo ee xulafada la ah, ayaa sheegay inay dib ula wareegeen saddex deegaan oo kale oo ku dhow magaalada Minembwe ee Kivu-ga Koonfureed.

    M23 waa koox hubeysan oo ka go'ay ciidamada Congo ku dhowaad 20 sano, kuwaasoo sheegta inay difaacayaan bulshada Tutsi oo muddo ka cabanaysay dilal iyo takoor.

    Khubarrada QM ayaa sheegay, in kooxda ay taageero ka heysato dalka deriska la ah Congo ee Rwanda, taas oo dowladda Rwanda ay in badan beenisay.

    Rwanda ayaa hore u sheegtay in dowladda DR Congo ay la shaqeyneysay qaar ka mid ah kuwa mas'uulka ka ah xasuuqii Rwanda ka dhacay 1994 ee ka dhanka ahaa qowmiyadda Tutsi iyo Huutuuga.

    Sidoo kale akhri