TOOS, Bin Salmaan oo ku boorriyay Mareykanka inuu mudnaanta siiyo wadahadalka halkii uu dagaal dooran lahaa

Wakaaladda wararka Sacuudiga ayaa xaqiijisay in Dhaxalsugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu wada hadal dhanka taleefoonka ah la yeeshay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaasi oo madaxda ay ka wadahadleen xaaladda amni iyo is bedeladii ugu dambeeyay ee Bariga Dhexe.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Shan qof oo ku dhintay doon dab ka kacay dalka Indonesia

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Shan qof ayaa dhintay, 41 kalena waa la la'yahay ka dib markii doon rakaab oo siday in ka badan 250 qof uu dab qabsaday iyadoo ku socota badda dalka Indonesia.

    Sida ay sheegeen mas'uuliyiinta gurmadka, kabtanka markabka ayaa soo sheegay dabka xilli ay marayeen meel u dhow jasiiradda Madura, iyagoo ka soo ambabaxay magaalada Surabaya ee gobolka East Java kuna sii jeeday Makassar oo ku taal Koonfurta Sulawesi.

    Sawirro ay baahiyeen warbaahinta Indonesia ayaa muujinayay rakaab badan oo xiran jaakadaha badbaadada (life jackets) kuwaas oo ku sugnaa doonyaha badbaadada iyagoo sugaya caawimaad.

    Muuqaallo kale ayaa muujinayay dad ka degaya markabka, iyadoo la arkayay olol xooggan iyo qiiq cufan oo ka baxaya qaybta sare ee markabka.

    Hay'adda Qaranka ee Gurmadka Indonesia (Basarnas) ayaa sheegtay in dabku uu billowday inta u dhaxaysay saacadaha 12:00 iyo 1:00-kii habeenimo (waqtiga GMT).

    Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in qayb weyn oo ka mid ah markabka uu dabku qabsaday, iyadoo rakaab qaarkood ay ku sugnaayeen qaybta hore ee markabka iyagoo sugaya in la badbaadiyo.

    Sababta keentay dabka weli lama oga, iyadoo hawlgalka lagu raadinayo dadka la la'yahay uu weli socdo.

    Warar dheeraad ah:

  2. Bin Salmaan oo ku boorriyay Mareykanka inuu mudnaanta siiyo wadahadalka halkii uu dagaal dooran lahaa

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Wakaaladda wararka Sacuudiga ayaa xaqiijisay in Dhaxalsugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu wada hadal dhanka taleefoonka ah la yeeshay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaasi oo madaxda ay ka wadahadleen xaaladda amni iyo is bedeladii ugu dambeeyay ee Bariga Dhexe.

    Sida lagu sheegay bayaanka, Bin Salmaan waxa uu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in mudnaanta la siiyo dariiqa wadahadalka iyo diblomaasiyadda si loo yareeyo xiisadaha sii kordhaya ee gobolka.

    Amiirka ayaa sidoo kale ku baaqay in la sameeyo dadaal kasta oo lagu soo celinayo xasilloonida, isagoo sheegay in xaaladdu ay dhabaha u xaari karto xal diblomaasiyadeed iyadoo la ilaalinayo ammaanka iyo xasilloonida gobolka.

    Intaa waxaa dheer, wuxuu ka digay khatarta fiditaanka dagaal kaas oo saameyn ku yeelan kara Bariga Dhexe oo keliya laakiin sidoo kale amniga iyo xasilloonida caalamiga ah.

    Madaxweyne Trump ayaa goor dambe oo sabti ah sheegay in weerar militari oo weyn oo ka dhan ah Iran la qorsheeyay, balse markii dambe wuxuu ku dhawaaqay in Mareykanka iyo Israa’iil ay si ku meel gaar ah u joojinayaan tallaabadaas ka dib markii ay Iiraan iyo qaar ka mid ah dalalka Bariga Dhexe ka codsadeen in ay bannaanka u dhigaan wadahadalka.

    Warar dheeraad ah:

  3. Muwaaduniinta Maraykanka oo lagula taliyay in ay u diyaar garoobaan inay isagaa baxaan Bariga Dhexe

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Dowladda Mareykanka ayaa tallaabo qaadday, waxayna uga digtay muwaadiniinteeda ku sugan Bariga Dhexe inay taxaddaraan oo ay u diyaar garoobaan inay ka baxaan gobolka haddii xaaladda amniga ay sii xumaato.

    Digniintan ayaa timid iyadoo ay jiraan warar sheegaya in Madaxweyne Donald Trump laga yaabo inuu qorsheynayo weerarro cusub oo aad u xooggan oo lagu qaado Iran inta lagu guda jiro dhammaadka toddobaadkan.

    Warsaxaafadeed ay soo saartay, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in xarumaha diblomaasiyadeed ee Mareykanka, oo ay ku jiraan kuwa ka baxsan Bariga Dhexe, horey loo bartilmaameedsaday.

    Waxay sidoo kale uga digtay in Iran iyo kooxaha taageera ay bartilmaameedsan karaan danaha Mareykanka ama goobaha ay ku sugan yihiin muwaadiniinta Mareykanka ee daafaha dunida.

    Iran ayaa horey ugu eedaysay Mareykanka inuu sii hurinayo xiisadda gobolka, iyadoo ka digtay in waddan kasta oo la shaqeeya Washington laga yaabo inuu "ku milmo dagaalka".

    Si kastaba ha ahaatee, Trump ayaa markii dambe hakiyay qorshihii lagu qaadi lahaa weerarro ka dhan ah Iran, shuruudna uga dhigay in heshiis "degdeg ah" laga gaaro arrintaas labada dhinac dhexdooda.

    Isagoo farriin ku soo qoray baraha bulshada ee Truth Social, Trump wuxuu sheegay inuu go'aansaday inuu "joojiyo weerarka, haddii heshiis degdeg ah la gaari karo," kaas oo ay ku jiraan furitaanka degdegga ah ee Marinka Hormuz iyo soo afjaridda waxa uu ugu yeeray "halista nukliyeerka Iran."

    Warar dheeraad ah:

  4. Maamulka Tehran oo sheegay in sababta aan loo baahin karin codka Mojtaba Khamenei ay tahay walaac laga qabo "basaasnimo."

    Wargeyska Hamshahri, oo ah hay'ad ka tirsan maamulka magaalada Tehran, ayaa muuqaal ku faaqiday sababta aan loo soo bandhigin xitaa hal cajalad cod ah oo uu leeyahay Mojtaba Khamenei, oo ah hoggaamiyaha cusub ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah; waxaynku sheegeen in sababtu ay tahay "arrimo la xiriira amniga iyo raadadka basaasnimada."

    Qeyb ka mid ah falanqaynta Hamshahri oo cinwaankeedu yahay "Acoustics-ka Deegaanka iyo Qaab-dhismeedka Qolka," ayaa lagu xusay: "Meel kasta oo xiran waxay leedahay astaamo dhawaaq oo u gaar ah. Iyadoo la xisaabinayo waqtiga ay qaadanayso in awoodda dhawaaqa ay hoos ugu dhacdo 60 decibel ka dib marka la joojiyo isha dhawaaqa, ayaa lagu qiyaasaa baaxadda qolka."

    Arrin kale oo ay Hamshahri soo qaadday waa "falanqaynta soo-noqnoqoshada (shabakadda korontada."

    Falanqayntani waxay tilmaamaysaa in inkastoo soo-noqnoqoshada shabakadda korontadu ay tahay mid joogto ah, haddana ay jiraan isbeddello yar-yar oo ku yimaada kuwaas oo ay ka faa'iidaysan karaan hay'adaha sirdoonku: "Iyagoo isbarbar-dhigaya isbeddelladaas iyo xog-ururin (database) waqtiga dhabta ah la cusbooneysiiyo, hay'adaha sirdoonku waxay raadraaci karaan waddanka, taariikhda iyo waqtiga saxda ah, iyo xitaa qaybta gaarka ah ee shabakadda korontada halkaas oo duubistu ka dhacday."

    Warar dheeraad ah:

  5. Weerar daroon ah oo lagu qaaday magaalada Sulaymaniyah ee dalka Ciraaq

    .

    Xigashada Sawirka, RUDAWA News

    Sida ay sheegeen warbaahinta Ciraaq, dab baaxad leh ayaa ka kacay qayb ka mid ah magaalada Sulaymaniyah ee gobolka Kurdistan ee dalka Ciraaq, kadib markii halkaas lagu qaaday weerar diyaarad aan duuliye lahayn ah.

    Sida ay sheegayaan wararka weerarka ayaa lala beegsaday xarunta ciidamada Kurdiyiinta ee Peshmerga ‘Guutada 70-aad’, balse diyaarada aan duuliyaha lahayn ee weerarka qaaday ayaa la qabtay.

    Si kastaba ha ahaatee, sida ay saraakiishu sheegeen burburka diyaarada Drone-ka ah ee la burburiyay ayaa ku dhacday agagaarka xarunta, waxaana ka dhashay dab xooggan. Sida laga soo xigtay BBC Persian, muuqaallo lagu daabacay khadka, oo ay baahisay shabakadda wararka ee Kurdiyiinta ee Rudaw, ayaa muujinaya holac xooggan oo ka kacay goobta uu shilku ka dhacay.

    Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

    Si kastaba ha ahaatee, Shabakadda wararka ee Al-Mayadeen ee dalka Lubnaan ayaa sheegtay in weerarkaasi ay fuliyeen kooxo taabacsan dowladda Iiraan ee ku sugan gudaha dalka Ciraaq, halka wakaaladda wararka ee Fars ay sheegtay in goobta weerarku ka dhacay ay xarun u tahay kooxaha ka soo horjeeda dowladda Islaamiga ah ee Iiraan.

    Warar dheeraad ah:

  6. Beerka xoolaha oo la cuno ma daweyn karaa cudurada beerka ee ku dhaca bini'aadamka?

    Inta badan dadka waxay maqlaan talo ah: "cun beer si dhiiggaagu u fiicnaado," waxaana si gaar ah loogu sheegaa haweenka uurka leh ama dadka daciifka ah.

    Taasi waa sababta ay dad badani u jecel yihiin cunista beerka ari ama digaag, balse su'aashu waxay tahay: ma run baa arrintaas? Ma caawin kartaa cunista beerka digaag ama ari in ay yarayso dhaawaca ee bini'aadamka?

    Arrintan la xiriirta, Machadka Qaranka ee Caafimaadka ee Maraykanka (NIH) wuxuu sheegay in fitamiinno, bir (iron), borotiin iyo nafaqooyin kale oo badan laga helo beerka digaagga iyo ariga, sidoo kale waxaa laga helaa beerka lo'da iyo doofaarka.

    Dhanka kale, fitamiin A badan looma tixgeliyo mid u wanaagsan haweenka uurka leh.

    Hay'adda Caafimaadka Qaranka ee UK (NHS) ayaa sheegtay in haweenka uurka leh ay ka fogaadaan cunista beer badan, sababtoo ah heerarka sare ee fitamiin A ee ku jira waxay waxyeello u geysan karaan uurjiifka.

  7. OPEC+ oo laga yaabo inay kordhiso xaddiga wax-soo-saarka shidaalka bisha Sebtembar

    Sacuudi Carabiya, Ruushka iyo shan xubnood oo kale oo ka tirsan OPEC+ ayaa la filayaa inay Axadda yeeshaan kulan dhanka internetka ah, kaas oo ay ku go'aamin doonaan kordhinta wax-soo-saarka shidaalka bisha Sebtembar, xilli dagaalka Bariga Dhexe uu weli carqaladeynayo sahayda tamarta ee caalamka.

    Jorge Leon, oo ah falanqeeye ka tirsan Rystad Energy, ayaa saadaaliyay in kooxdu ay kordhin doonto wax-soo-saarka 188,000 foosto maalintii, isagoo sheegay inay u badan tahay inay tani noqoto tallaabadii ugu dambeysay ee taxanaha hadda socda ee dib loogu soo celinayo wax-soo-saarkii hore loo dhimay.

    OPEC+ waxay guud ahaan wax-soo-saarka saliidda u dhintay ku dhowaad lix milyan oo foosto maalintii, saddex marxaladood oo kala duwan intii u dhexeysay dabayaaqadii 2022 iyo 2023, si ay uga jawaabto hoos u dhaca ku yimid qiimaha saliidda. Laga bilaabo 2025, qaar ka mid ah dalalka xubnaha ka ah ayaa si tartiib tartiib ah u bilaabay inay kordhiyaan wax-soo-saarkooda.

    Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyayaashu waxay sheegayaan in xubno badan oo ka tirsan OPEC+ aysan awoodin inay gaaraan heerka rasmiga ah ee loo oggolaaday, sababo la xiriira hoos u dhac ku yimid awooddooda wax-soo-saar. Sidaa darteed, kordhinta qoondada wax-soo-saarka waxay leedahay saameyn xaddidan marka loo eego xaaladda dhabta ah.

    Dhanka kale, dalalka Khaliijka ayaa sidoo kale la kulmay dhibaatooyin ku saabsan kordhinta dhoofinta saliidda, iyadoo ay sabab u yihiin carqalado ballaaran oo ku yimid isu socodka maraakiibta ee Marinka Hormuz, oo ah marin muhiim u ah ganacsiga tamarta adduunka.

    Warar dheeraad ah:

  8. Sidee ayay Mossad hawlgallada uga fulisaa gudaha Iiraan?

    Maalmahii u dambeeyay, wararka warbaahinta Iiraan ee ku saabsan 'xidhiidhka tooska ah' ee u dhexeeya saraakiisha hay'adda sirdoonka Israa'iil ee Mossad iyo madaxda Iiraan ayaa noqday kuwo ka muuqda sii kordheysa oo ka badan tii hore.

    Saraakiil sare oo ka tirsan dhinacyada sirdoonka, amniga, iyo siyaasadda Iiraan ayaa dhowr jeer muujiyay walaac ku saabsan baaxadda saamaynta Mossad ay ku leedahay dalka.

    Si kastaba ha ahaatee, kaddib dagaalkii 12-ka maalmood socday ee bishii Juun ee sannadkii hore, doodaha bannaanyaalka ah ee ku saabsan 'Dayaca amni darro' ee gudaha Iiraan ayaa si daran u kordhay.

    Ereyga 'Sanki Amni' waxaa loo adeegsadaa in lagu tilmaamo xaalad ay xog muhiim ah ka baxin karta heerarka ugu sarreeya ee go'aan qaadashada dawladeed, taas oo muujinaysa goldaloollo ama tabar-darro amni.

    Ka sakow, dagaalkii 12-ka maalmood kaddib, dhinac kale oo la xidhiidha hawlgallada Mossad ayaa soo ifbaxay. Siyaasiyiin iyo saraakiil amni oo badan ayaa sheegay in dad isku sheegay in ay yihiin saraakiil Mossad ay taleefan kula soo xidhiidheen isla markaana u gaysteen hanjabaado.

  9. Rubio: Beddelidda nidaamka Iiraan waxay ka dhigan tahay in la beddelo dabeecadda iyo hab-dhaqanka dowladda

    Mareykanka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa sheegay in hadalka ku saabsan "isbeddelka nidaamka" ee Iiraan aanu khasab ahaan ula jeedin in dowladda si buuxda loo rido, balse uu ula jeedo in la beddelo hab-dhaqanka iyo dabeecadda nidaamka.

    Wareysi uu siiyay Fox News, ayuu ku yiri: "Waxaa dhici karta inaanan arkin isbeddel nidaam oo macnihiisu yahay in dowladda gebi ahaanba la afgambiyo, balse dabeecadda nidaamka laftiisa waa inay is beddeshaa."

    Rubio wuxuu intaas ku daray: "Dabeecadda nidaamka Iiraan mar walba waxay ahayd mid faragelin iyo ballaarin ku saleysan. Kuma eka inay Iiraan maamulaan oo keliya, balse waxay doonayaan inay gobolka oo dhan saameyn ku yeeshaan. Arrintaas waa inay is beddeshaa, waxaana lagu beddeli karaa oo keliya iyadoo lagu soo rogo kharash aysan awoodi karin inay sii bixiyaan."

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay inuu jiro farqi u dhexeeya "isbeddelka nidaamka" iyo "beddelidda hab-dhaqanka nidaamka", maaddaama, sida uu sheegay, in dowladda lagu qasbo inay beddesho dhaqankeeda aanay lahayn meel cad oo ay ku dhammaato.

    Wuxuu intaas ku daray in heshiis nukliyeer la saxiixi karo, isla markaana la xaqiijin karo fulintiisa, balse ku qasbidda dowlad inay ka tanaasusho istaraatiijiyaddeeda gobolka ay tahay geeddi-socod joogto ah, sidaas darteedna cadaadiska lagu hayo uusan yeelan doonin dhammaad dabiici ah oo cad.

  10. Saddex qof oo ku dhintay qarax ka dhacay maqaaxi ku taalla Moscow

    Moscow

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay, halka 21 kalena ay ku dhaawacmeen, kadib markii walax qarax oo gacanta lagu sameeyay lagu qarxiyay maqaaxi Talyaani ah oo ku taalla magaalada Moscow, sida ay warbaahinta dowladda Ruushka kasoo xigatay saraakiisha amniga.

    Qaraxa ayaa dhacay abbaare 8:00 fiidnimo waqtiga Moscow (17:00 GMT), wuxuuna ka dhacay Fagaaraha Kudrinskaya, oo u dhow bartamaha magaalada.

    Guddiga Qaranka ee La-dagaallanka Argagixisada ee Ruushka (NAK) ayaa sheegay in haweeney sidatay walxaha qarxa ay isku dayday inay gasho maqaayadda, balse uu hor istaagay ilaalo amni. Intaas kaddib ayuu walxihii qarxay, waxaana ku dhintay haweeneydii, waardiyihii amniga, iyo qof marti ku sugnaa maqaayadda.

    Maqaayadda, oo ku taalla mid ka mid ah dhismayaasha dhaadheer ee caanka ah ee xilligii Stalin, ayaa xilligaas martigelinaysay munaasabad gaar ah.

    Mas'uuliyiintu wali ma shaacin cidda ka qeybgalaysay munaasabadda, mana aysan sheegin cidda ay rumeysan yihiin inay ahayd bartilmaameedka weerarka.

    Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen dad dhaawac culus qaba oo dhiig qariyay laga soo saarayo goobta qaraxa.

    Wararkii ugu horreeyay ayaa sheegayay in qaraxu ka dhacay jikada maqaayadda, hase yeeshee maamulka maqaayadda ayaa markii dambe soo saaray war ay ku sheegeen in "dhibaatadu ay ka dhacday bannaanka maqaayadda."

    Waddooyinka ku hareeraysan Fagaaraha Kudrinskaya ayaa si ku-meel-gaar ah loo xiray. Tobannaan qof oo baaskiillo wata oo qorsheynayay inay fiidkii ku maraan magaalada ayaa isugu yimid agagaarka goobta, balse munaasabaddii waa la baajiyay.

    Warar dheeraad ah:

  11. War deg deg ah, Trump oo ku dhawaaqay go'aan ku saabsan Iiraan

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanka iyo Israa'iil ay xilligan ka baaqsanayaan inay weeraraan Iiraan, kadib codsi uga yimid dowladda Tehran iyo dalal ku yaalla Bariga Dhexe.

    Hore, warbaahinta Axios ayaa sheegtay in Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed bin Salmaan, uu Donald Trump ku boorriyay inuu yareeyo xiisadda isla markaana uu ka baaqsado weerar ballaaran oo lagu qaado Iiraan.

    Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Caraqchi, oo xiriir la sameeyay mas'uuliyiin ka tirsan dhowr dal oo gobolka ah, ayaa ka digay in weerar kasta oo ay Mareykanka ama Israa'iil ku qaadaan Iiraan ay Tehran kaga jawaabi doonto "jawaab adag oo go'aan leh."

    Warar dheeraad ah:

  12. Sacuudiga oo Mareykanka ugu baaqay inuusan weerar ballaaran ku qaadin Iiraan

    Mareykanka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Weriyaha warbaahinta Axios, Barack Ravid, ayaa sheegay, isaga oo soo xiganaya laba sarkaal oo Mareykan ah iyo ilo kale oo xog-ogaal u ah arrinta, in Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed bin Salmaan, uu walaac ka muujiyay qorshe suurtagal ah oo Donald Trump uu ku qaadi karo weerarro cusub oo ballaaran oo ka dhan ah Iiraan. Walaacan ayuu ku sheegay intii lagu jiray wada-hadal taleefan oo ay yeesheen Sabtidii.

    Sida uu sheegay mid ka mid ah saraakiisha Mareykanka, Sacuudiga ayaa codsaday in loo caddeeyo faahfaahinta qorshaha hawlgalka ee Mareykanka. Ilo kale ayaa sheegay in Dhaxal-suguhu uu Donald Trump ka codsaday inuu dejiyo xiisadda isla markaana uu ka baaqsado fulinta weerarrada la qorsheynayo.

    Warbixintu waxay sheegtay in Madaxweyne Trump uu si dhab ah uga fiirsanayo inuu maalmaha soo socda weerarro ku qaado xarumaha tamarta ee Iiraan, hase yeeshee aanu weli soo saarin amar kama dambeys ah. Aqalka Cad iyo Safaaradda Sacuudiga ee Washington labaduba way ka gaabsadeen inay faallo ka bixiyaan wada-hadalka taleefanka.

    Axios ayaa sidoo kale sheegtay in Qatar, Isutagga Imaaraadka Carabta, Turkiga, iyo Pakistan ay iyaguna wadaan dadaallo lagu dejinayo xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iiraan.

    Dhexdhexaadiyeyaasha Qatar ayaa Sabtidii si goonni-goonni ah ula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Caraqchi, Steve Whittaker, iyo saraakiil ka socday Cumaan, si ay uga wada hadlaan heshiis dib loogu furayo marin-biyoodka Hormuz.

    Ilo xog-ogaal u ah wada-hadallada ayaa sheegay in horumar kooban la gaaray, balse aan weli la hubin in horumarkaas uu ku filnaan doono ka hortagga in xiisaddu ay sii kororto.

    Warar dheeraad ah:

  13. Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Yurub ayaa codsaday markab dagaal oo dheeraad ah si loo difaaco Israel

    Washington Post, oo xiganaysa saraakiil Mareykan ah oo codsaday in aan magacyadooda la shaacin, ayaa sheegay in taliyaha ugu sarreeya ciidamada Mareykanka ee Yurub uu toddobaadkan warqad sir ah u diray wasaaradda difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka, isagoo u sheegay in aysan haysan awood ku filan oo dhinaca ciidamada badda ah si ay u sii wadaan in ay Israel ka sii difaacaan gantaallada ridada dheer ee lagu weerarayo dalkaas.

    Sida uu sheegay wargeyska oo xiganaya saraakiishaas, Jeneraal Alexus Grynkewich, oo ah taliyaha taliska Yurub ee ciidamada Mareykanka, ayaa warqaddiisa ku sheegay in haddii aan loo qoondayn markab kale oo dagaal, uu ku qasbanaan doono in uu kala hormariyo difaaca Mareykanka iyo kan Israel.

    Sarkaal ka tirsan wasaaradda difaaca Mareykanka ayaa sheegay in digniinta uu bixiyay Jeneraal Grynkewich ay waafaqsan tahay habraaca caadiga ah ee taliyeyaasha sare ee militariga.

    "Waxay Pentagon-ka u diraan digniinno noocan oo kale ah marka ay arkaan khataro u baahan in Washington ay go'aan ka gaarto," ayuu yiri sarkaalka.

    Sarkaalku wuxuu intaas ku daray in xaaladahan ay inta badan dhacaan marka taliyeyaasha ciidamada ay doonayaan agab ciidan.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  14. Mareykanka ayaa digniin amni u diray muwaadiniintiisa ku sugan Bariga Dhexe

    Safaaradda Mareykanka ee Baqdaad iyo qunsuliyadda Erbil ayaa soo saaray digniin dhanka ammaanka ah oo ay ugu sheegayaan mawaadiinta Mareykanka ee ku sugan Bariga Dhexe in ay u diyaar garoobaan in ay ka baxaan gobolka.

    Qoraal lagu daabacay barta X ee safaaradda ayaa sidan lagu yiri, “iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha ka taagan Bariga Dhexe, xaaladda amni weli waa mid adag, waxaana suuragal ah in si lama filaan ah ay uga sii darto.”

    Muwaadiniinta Mareykanka ee hadda ku sugan Bariga Dhexe ayaa ku jira taxadar dheeri ah, waxayna u diyaargaroobeen in duullimaadyada istaagaan oo hawada la xiro ama safarekooda carqalad ku timaada.

    "Qaar ka mid ah shirkadaha diyaaradaha ee gobolka ayaa dib u dhigay dib u bilaabista duullimaadyadii hore loo qorsheeyay, halka kuwo kalena ay gabi ahaanba joojiyeen qaar ka mid ah duullimaadyada."

    Sidoo kale, safaaradda Mareykanka ee Urdun iyo Safaaradda Mareykanka ee Qudus ayaa iyaguna soo saaray digniino la mid ah.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  15. Doonn laga leeyahay Iran oo ku luntay badda Cumaan

    Wakaaladda wararka ee IRNA ayaa sheegtay in tan iyo 7-dii May, maalmihii ugu horreeyay ee xabbad joojinta Iran iyo Mareykanka, la waayay doon kalluumeysi oo ay la socdeen toddoba iyo toban shaqaale ah.

    Sida warbixinta lagu sheegay, ma jiro wax war ah oo ku saabsan doontaan kalluumeysiga ah tan iyo markii diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Mareykanka ay rasaas ku fureen maraakiibta badda Cumaan xilligaasi, iyagoo doonayay inay kala eryaan maraakiibta.

    IRNA ayaa ku warantay in magaca doonida lagu magacaabo Shahin 2, dadka la socdana ay yihiin kalluumaysato kasoo jeeda deegaanka Konarak ee gobolka Hormozgan.

    Sida laga soo xigtay warbixintan, xiriirkii ugu dambeeyay ee doontaan wuxuu ahaa daqiiqo subaxnimadii May 7, oo ay 70 mayl u jirtay xeebta Cumaan.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  16. Sarkaal Israa'iil u dhashay oo ku dhawaacmay dagaal dhexmaray ciidamada Xisbullah iyo Israas'iil

    Ciidamada Israa'iil ayaa shaaciyay in mid ka mid ah askartooda uu ku dhaawacmay xalay intii lagu guda jiray "isku-dhac fool-ka-fool ah" oo dhexmaray iyaga iyo xoogagga Xisbullah ee koonfurta Lubnaan, inkastoo uu jiro heshiis xabbad-joojin ah.

    Ciidamada Israa'iil ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in askariga dhaawacmay uu ahaa sarkaal ciidan.

    Wakaaladda wararka ee AFP oo ku sugan Beirut ayaa sheegtay inay la xiriirtay Xisbullah si ay u hesho jawaabtooda ku aaddan warkaas, balse kooxdu kama aysan hadlin arrintaas.

    Xisbullah ayaan wax mas'uuliyad ah ka sheegan wax weerarro ah muddo ku dhow hal bil iyo bar.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  17. Mareykanku wuxuu gobolka ku riixaya dagaal baahsan, sida uu sheegay taliye Irani ah.

    .

    Xigashada Sawirka, EPA

    Ali Abdullahi, oo ah taliyaha Xarunta Taliska Khatam al-Anbiya — oo ah hay'adda masuulka ka ah maamulka dagaalka Iran — ayaa bayaan laga sii daayay telefishinka qaranka ku sheegay in "Mareykanku uu si xawli ah ugu sii socdo dagaal heer gobol ah, sababo la xiriira istiraatiijiyad khatar ah oo ujeeddadeedu tahay ballaarinta iyo helitaanka awood-sheegasho sharci-darro ah oo ka jirta guud ahaan gobolka."

    Ali Abdullahi ayaa intaas ku daray in Mareykanku uu dagaalkiisii ​​ugu dambeeyay ee ka dhanka ahaa Iran ku caddeeyay inuusan "ka waabanayn inuu waxyeelleeyo ama xitaa burburiyo danaha iyo kheyraadka Muslimiinta si uu u gaaro ujeeddooyinkiisa gurracan."

    Sida ay sheegtay BBC-da Carabiga, Taliye Ali Abdullahi ayaa uga digay waddamada gobolka inay la shaqeeyaan Washington inta lagu guda jiro khilaafka, isagoo yiri: "Waddan kasta oo Mareykanka u adeegsada gaashaan difaac ah, waxaa gubi doona dabka dagaalka."

    Wuxuu ku boorriyay waddamada Islaamka inay dib u eegis ku sameeyaan xiriirka ay la leeyihiin Mareykanka, wuxuuna sheegay inay tahay inay garwaaqsadaan in Washington ay ka faa'iidaysanayso raasamaalkooda, hantidooda, kaabayaasha muhiimka ah iyo kheyraadka istiraatiijiga ah, isla markaana ay u adeegsanayso "gaashaan difaac u ah ciidankeeda, iyadoo isla markaasna xoojinaysa amniga 'dawladda sahyuuniga '."

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  18. Waxaan burburinnay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee cadowga: Ciidamada Kuwait ayaa sidaas sheegay.

    Ciidamada milatariga Kuwait ayaa Sabtidii ku dhawaaqay inay ogaadeen oo ay burburiyeen "diyaarado aan duuliye lahayn oo cadawga leeyahay" kuwaas oo soo galay hawada dalka tan iyo subaxnimadii maanta.

    Sida ay sheegeen ciidamada Kuwait, 'weerar ay Iiraan qaadday' ayaa sidoo kale lagu beegsaday goobo muhiim ah oo dalka ku yaalla.

    Milatarigu waxay sheegeen in la beegsaday xarun dowladeed oo ku taal waqooyiga Kuwait iyo goobo rayid ah oo xiriir la leh shirkad ka hawlgasha jasiiradda Bubiyan.

    Sida lagu sheegay bayaanka, burbur ayaa ka dhashay haraadiga iyo qaybo ka mid ah walxaha weerarka loo adeegsaday oo soo dhacay, balse lama soo sheegin wax khasaare nafeed ah.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  19. Qatar oo sheegtay inaysan waxba ka ogeyn saddex duuliye oo u dhashay Iran: Afhayeenka ciidamada Iran.

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Afhayeenka ciidamada Iran, Amir Mohammad Akramian, ayaa sheegay in "Qatar ay sheeganayso inaysan waxba ka ogeyn saddexdii duuliye ee Iran u dhashay ee la waayay ka dib markii ay soo rideen nidaamyada difaaca cirka ee Qatar bishii Maarso ee sanadkan."

    Isagoo ka hadlayay barnaamij laga baahiyay telefishinka dowladda, ayuu Amir Mohammad Akramian yiri, "Baaritaankeenii weli wuu socdaa, balse Qatar waxay sheeganaysaa inay waxba ka ogeyn saddexdan duuliye," sida ay ku warrantay BBC Persian.

    Sida ay sheegeen warbaahinta Iran, 11-kii Maarso 2026, laba diyaaradood oo dagaal oo noocoodu yahay Sukhoi-24 kana tirsan Ciidanka Cirka ee Iran ayaa weeraray saldhigga cirka ee Al-Udeid ee dalka Qatar, balse waxaa soo riday nidaamyada difaaca cirka ee Qatar xilli ay ku soo laabanayeen dhanka Gacanka Carabta (Persian Gulf).

    Sida ay wararku sheegayaan, meydka Major Majid Kazemi, oo ahaa duuliyihii mid ka mid ah diyaaradahaas, ayaa dhawaan dib loogu celiyay Iran, iyadoo aan weli la helin wax xog ah oo la hubo oo ku saabsan saddexda duuliye ee kale ee Iran u dhashay.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  20. Ciidamada Israa'iil oo gudaha u galay magaalada Asira al-Shamaliyah oo dhacda waqooyiga Nablus

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka Falastiin ee Wafa, ciidamada Israa'iil waxay weerareen tobanaan guri oo ku yaal magaalada Asira al-Shamalia, oo ku taal waqooyiga magaalada Nablus ee Daanta Galbeed ee la haysto, subaxnimadii hore ee Sabtida.

    Iyada oo soo xiganaysa ilo amni, Wafa ayaa tiri, "Ciidanka Israa'iil waxay galeen meelo kala duwan oo magaalada ah waxayna baareen dhowr guri."

    Sida laga soo xigtay warbixinta, saraakiisha Israa'iil waxay guri ku ururiyeen dhowr muwaadin oo Falastiiniyiin ah waxayna ka dhigeen xarun su'aalo weydiin oo ku meel gaar ah, halkaas oo lagu wareystay.

    Warbixinta Wafa isla markiiba ma soo sheegin wax xarig ah ama khasaare ah.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto: