TOOS, Pakistaan oo shaacisay in Iiraan iyo Mareykanka ay heshiis gaareen

Shehbaz Sharif, Ra’iisul Wasaaraha Pakistan oo ka shaqeynayay dhexdhexaadinta wada-hadallada, ayaa sheegay in heshiis u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan la gaaray.

Kooban

  • Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in heshiiska lagu soo afjarayo dagaalka Mareykanka iyo Iran uu qorsheynayo in la saxiixo Axadda, kaddib markii Iran ay shaki gelisay waqtiga.
  • Britain waxa ay taageertay dadaalka Trump uu ku doonayo in lagu soo afjaro colaadda Iran.
  • Heshiiska waxaa ka mid ahaa in dib loo furo marin biyoodka Hormuz iyo in sidoo kale la qaado xayiraadii uu Mareykanka saaray dekedaha Iran.
  • Dhanka kale Israa'iil waxay bartilmaameedsatay dhowr meelood oo ku yaalla koonfurta Lubnaan.

Tebin toos ah

  1. Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Iran oo sheegay in heshiiska nabadeed la saxiixi doono maalinta jimcaha

    Kazem Gharibabadi, ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, ayaa xaqiijiyay wareysi taleefan oo laga sii daayay telefishinka dowladda in heshiis lala gaaray Maraykanka, isla markaana saxiixa rasmiga ah uu ka dhici doono Switzerland Jimcaha.

    Wuxuu sheegay in:“Joojin degdeg ah oo joogto ah oo dagaalka iyo hawlgallada militari ee dhammaan jihooyinka, oo ay ku jirto Lubnaan, lagu dhawaaqi doono caawa.”

    Wuxuu sidoo kale intaas ku daray in go’doominta badda ee Ciidamada Badda ee Maraykanka ay ka saaran Iiraan sidoo kale la qaadi doono caawa.

  2. Ilaa hadda Iiraan weli si rasmi ah ugama hadlin heshiiska nabadeed ee la shaaciyay

    iran tv

    Xigashada Sawirka, IRINN

    Qoraalka sawirka, iran tv

    Telefishinka dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqay in heshiis la gaaray u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka, balse wuxuu warbixintaas ku saleeyay hadalkii ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha Shehbaz Sharif.

    Ku dhawaaqista telefishinka dowladda, weriyaha ayaa sheegay in Maraykanka “lagu khasbay inuu saxiixo heshiis lagu soo afjarayo dagaalka uu la galay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan iyo Jabhadda Iska-caabinta.”

    Telefishinka dowladda iyo qaar ka mid ah warbaahinta Iiraan ayaa heshiiskan u soo bandhigaya sidii guul u soo hoyatay Iiraan.

    Si kastaba ha ahaatee, ilaa hadda lama arkin mas’uul Iiraani ah oo si rasmi ah uga hadlay ama xaqiijiyay heshiiska la sheegay in la gaaray.

  3. Trump oo xaqiijiyay in heshiis ay la gaareen iran

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Trump

    Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa xaqiijiyay warbixintii Shehbaz Sharif ee ahayd in Maraykanka iyo Iiraan ay gaareen heshiis.

    Trump ayaa ku qoray bartiisa Truth Social:

    “Heshiiskii aan la galnay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan hadda waa la dhammeystiray.”

    Wuxuu intaas ku daray:“Waxaan si buuxda u oggolaaday in marinka badda ee Hormuz loo furo si xor ah oo aan wax lacag ah lagu soo rogin, isla markaana waxaan oggolaaday in si degdeg ah loo qaado go’doomintii badda ee ay saareen Ciidamada Badda ee Maraykanka.”

    Trump ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay:“Maraakiibta aduunkow matoorradiinna shida. Shidaalkana ha socoto!”

  4. Degdeg:Ra’iisal wasaaraha Pakistan: Heshiis nabadeed oo u dhexeeya Maraykanka iyo Iran ayaa la gaadhay

    Shehbaz Sharif,

    Xigashada Sawirka, RAHAT DAR/EPA-EFE/REX/Shutterstock

    Qoraalka sawirka, Shehbaz Sharif,

    Shehbaz Sharif, Ra’iisul Wasaaraha Pakistan oo ka shaqeynayay dhexdhexaadinta wada-hadallada, ayaa sheegay in heshiis u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan la gaaray.

    Isagoo ku qoraya barta X, ayuu yiri:“Kaddib wada-hadallo adag oo muddo socday, waxaan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqno in heshiiska nabadeed ee u dhexeeya Maraykanka iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan LA GAARAY.”

    Wuxuu intaas ku daray:“Labada dhinac waxay ku dhawaaqeen joojinta degdegga ah iyo tan joogtada ah ee dhammaan hawlgallada militari ee dhammaan jihooyinka, oo ay ku jirto Lubnaan.”

    Sharif ayaa sidoo kale sheegay in munaasabadda rasmi ah ee lagu saxiixayo heshiiska lagu qaban doono 19-ka Juun gudaha Switzerland.

    Ilaa hadda, mas’uuliyiinta Iiraan iyo Maraykanka weli kama aysan hadlin ama xaqiijin ku dhawaaqistan.

  5. Iran oo sheegtay in Maraykanku uu si toos ah u qaadayo mas'uuliyadda 'dembiyada' Israa'iil

    Burbur

    Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock

    Qoraalka sawirka, Burbur

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa sheegtay in Mareykanku uu qaadayo “mas’uuliyad toos ah” oo ku saabsan “dambiyada” ay Israa’iil gashay, kadib weerarkii ay Israa’iil horay uga fulisay Beirut.

    Bayaan ay soo saartay wasaaraddu ayay ku sheegtay inay “si adag u cambaareynayso” weerarkaasi, iyadoo ku tilmaantay “xadgudub cad oo ka dhan ah madaxbannaanida qaran ee Lubnaan.”

    Waxay intaas ku dartay in weerarku yahay “jebin weyn” oo lagu sameeyay heshiiska xabbad-joojinta ee u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sidoo kale sheegtay in Maraykanku uu leeyahay mas’uuliyad toos ah oo ku saabsan “jebinta xabbad-joojinta” ee Israa’iil, waxayna mar kale xaqiijisay go’aanka Iiraan ee ah inay qaadi doonto “dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah” si ay u adeegsato xuquuqdeeda dabiiciga ah ee is-difaaca sharciyeysan.

    Dhanka kale, Israel ayaa sheegtay in weerarkaasi lagu bartilmaameedsaday xarun talis oo ay leedahay Xisbullah oo ku taalla caasimadda Lubnaan.

  6. Heshiiska Maraykanka iyo Iran oo jar ka laalaada ka dib markii Israa’iil ay weerar ku qaaday Beirut

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Trump

    Maalinta waxaa hareeyay hubanti la’aan ku saabsan heshiiska u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan, kaas oo Donald Trump uu hore u sheegay in la saxiixi doono Axadda, kaddib weerar ay Israa’iil maanta ku qaaday caasimadda Lebanon ee Beirut.

    Sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Lubnaan, saddex qof ayaa ku dhintay halka 15 kalena ay ku dhaawacmeen weerarka ka dhacay Dahiyeh.

    Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay inay duqeeyeen xarun talis oo ay leedahay Xisbullah, taas oo ay ku sheegeen jawaab ay ka bixiyeen gantaallo ay kooxdaasi ku ridday waqooyiga Israa’iil horaantii Axadda.

    Madaxa wada-xaajoodka Iiraan ayaa ka digay in weerarku muujinayo in Maraykanku aanu fulinayn ballanqaadyadiisii, isla markaana ay “wax faa’iido ah lahayn” in laga hadlo sii wadista “jidkan.”

    Trump ayaa markii dambe sheegay in weerarku “ay ahayd inuusan dhicin,” gaar ahaan “maalin gaar ah oo aan aad ugu dhow nahay heshiis nabadeed oo lala gaaro Iiraan.”

    Wareysi uu siiyay Fox News, Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay inuu weli filayo in heshiiska la saxiixo “labada ilaa saddexda saacadood ee soo socda.”

    Si kastaba ha ahaatee, Iiraan ayaa horey shaki uga muujisay in heshiis la gaaro Axadda, xitaa ka hor weerarkii ugu dambeeyay ee Beirut.

    Heshiiskii lagu tilmaamay inuu aad ugu dhowaa in la gaaro ayaa hadda mar kale wajahaya khatar ah inuu burburo ama dib u dhaco, sida uu qoray weriyaha BBC ee Bariga Dhexe.

    Warar dheeraad ah:

  7. Maxaa ka mid ah qodobada ku jira heshiiska suurtagalka ah ee Iran iyo Mareykanka?

    Abbas Araghchi, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan

    Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock

    Qoraalka sawirka, Abbas Araghchi, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan

    Abbas Araghchi, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, ayaa laba maalmood ka hor ka soo muuqday telefishinka dowladda si uu u sharaxo waxa ku jira heshiiska is-afgaradka ee suurtagalka ah ee u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka.

    Waxyaabihii uu sheegay waxaa ka mid ahaa dhowr qodob oo muhiim ah. Araghchi wuxuu sheegay in heshiiska uu ka kooban yahay joojinta colaadaha “dhammaan jihooyinka, oo ay ku jirto Lubnaan.”

    Wuxuu sidoo kale sheegay in arrinta marinka badda ee Hormuz ay sidoo kale ku jirto heshiiska.

    Sida uu sheegay, Iiraan iyo Cuman waxay isku diyaarinayeen inay ku dhawaaqaan hannaan cusub oo lagu maamulo maraakiibta iyo isu-socodka badda ee marinkan istaraatiijiga ah.

    Araghchi ayaa sidoo kale sheegay in qaab-dhismeedka sharciyeed iyo nidaamka mustaqbalka ee maamulka marinkaas la go’aamin doono muddada 60-ka maalmood ah ee wada-xaajoodyada.

    Wuxuu intaas ku daray in arrimo qaar, sida qaadista cunaqabataynta iyo barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan, dib loogu dhigay wejiga xiga ee wada-hadallada.

    Warbaahinta Iiraan waxaa ka jiray hadal-heyn iyo mala-awaal ku saabsan heshiiska iyo waxa ku jira, balse Araghchi wuxuu laba maalmood ka hor ku qoray barta X:

    “Warbaahintu waa inay ka fogaataa mala-awaalka ku saabsan waxa heshiisku ka kooban yahay.”

    Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa dib ula wadaagay hadalka Araghchi ee barta X isagoo ku baahiyay bartiisa Truth Social.

    Warar dheeraad ah:

  8. Ugu yaraan lix Falastiiniyiin ah oo lagu dilay weerarro ay Israa’iil ka geysatay

    Ugu yaraan lix Falastiiniyiin ah ayaa maanta lagu dilay duqeymo cirka ah iyo rasaas ay fureen ciidamada Israa’iil ee Marinka Gaza.

    Ugu yaraan afar ka mid ah dadkaasi ayaa lagu dilay weerar ka dhacay meel u dhow Isbitaalka Al-Yaman Al-Saeed ee ku yaalla xerada qaxootiga ee Jabalia.

    Laba kale ayaa lagu dilay laba weerar oo kala duwan oo ka dhacay Khan Yunis oo ku taalla koonfurta Gaza iyo Magaalada Gaza.

    Weerarradan ayaa dhacay xilli dhexdhexaadiyeyaasha kala ah Masar, Qatar iyo Turkiga ay soo gabagabeeyeen wada-hadallo toddobaad qaatay oo ay la yeesheen Hamas iyo kooxo kale oo Falastiini ah, kuwaas oo ku saabsanaa hirgelinta wajiga labaad ee qorshaha Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ee Gaza.

    Qorshahan waxaa ka mid ah in Xamas laga dhigo mid hubka dhigta iyo in ciidamada Israa’iil ay ka baxaan Marinka Gaza.

    Warar dheeraad ah:

  9. Madaxwaynaha Israa'iil oo muujiyay sida uu ugu farxay in dadka Somaliland ay u soo dhaweeyeen xiriirka

    Madaxwaynaha Israa'iil Isaac Herzog

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Madaxwaynaha Israa'iil Isaac Herzog

    Madaxwaynaha Israa'iil oo maanta soo dhaweeyay madaxwaynaha Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan xiriirkooda.

    Madaxwaynaha Israa'iil Isaac Herzog oo ka hadlayay shir jaraa'id oo ay wada qabteen madaxwayne Cirro ayaa yiri" sawirada quruxda badan ee dadka Somaliland oo ruxaya calanka Israa'iil iyaga oo u dabaaldaga xiriirkan cusub ayaa qalbigeena diiriyay".

    "Maanta mudane madaxwayne waxaan ku faraxsanahay in calanka Somaliland uu ka babanayo madaxtooyada iyo dhamaan qudus" ayuu intaa ku daray.

    Warar dheeraad ah:

  10. Xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran oo ka jawaabaya weerarkii Israa'iil ee Lubnaan: Jawaabta Iran ayaa soo socota.

    Maxaammad Baqer Zolqadr, Xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka ee Iiraan, ayaa muujiyay sida ay uga careysan yihiin weerarada Israa'iil ee Lubnaan.:

    “Lubnaan waa qayb muhiim ah oo nolosheenna ka mid ah, mana aqbali doonno in lagu xadgudbo khadadka cas ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah.” ayuu yiri.

    Sida uu baahiyay telefishinka dowladda Iiraan, Zolqadr wuxuu sidoo kale yiri:“Jawaabta dagaalyahannada Islaamka way soo socotaa.”

    Hadalladiisan waxay yimaadeen wax yar kaddib markii Israa’iil ay weerartay bartilmaameed ku yaalla koonfurta Beirut.

    Sidoo kale, Mohammad Jafar Asadi, ku-xigeenka kormeeraha Xarunta Dhexe ee Khatam al-Anbiya, ayaa sheegay in:“Shaki la’aan, weerarkan jawaab la’aan lagama gudbi doono.”

    Warar dheeraad ah:

  11. Trump si cad ayuu uga xanaaqay Benjamin Netanyahu

    Netanyahu IYO Trump

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Netanyahu IYO Trump

    Donald Trump laga yaabee inuusan si toos ah u sheegin, laakiin waxaa muuqata inuu aad uga caraysan yahay Benjamin Netanyahu.

    Qoraalkii Trump ee baraha bulshada ayaa si dadban u muujiyay in uu u arkay weerarkii Israa’iil ku qaaday Beirut inuu ahaa jawaab aad uga badan weerarkii uu ku tilmaamay “mid aad u yar oo aan macno lahayn” ee ay Hezbollah fulisay, kaas oo carqaladeeyay geeddi-socodkii nabadda “maalin gaar ah.”

    Inkastoo Donald Trump uusan si cad u sheegin waxa maalintaas ka dhigaya “maalin gaar ah,” haddana waxaa suurtagal ahayd in heshiis nabadeed oo lala galo Iiraan lagu saxiixo maalinta dhalashadiisa.

    Rajadaas hadda waxay u muuqataa mid aad u sii yaraanaysa. Waxaase arrintan sii adkaynaya in Trump marar badan uu tilmaamay heerka saamaynta uu ku leeyahay xiriirka uu la leeyahay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu.

    “Haddii aan Netanyahu wax ku idhaahdo ha sameeyo, wuu sameeyaa,” ayuu Trump u sheegay BBC toddobaadkii hore.

    Hadda, xaqiiqda ah in xulafadiisu ay go’aansatay inay weerar qaaddo iyadoo og saamaynta ay duqeymahaasi ku yeelan karaan, isla maalintii uu madaxweynuhu saadaaliyay in heshiis la gaadhi doono, waxay sii kordhin kartaa xiisadda horeba uga dhex jirtay labada hoggaamiye.

    Warar dheeraad ah:

  12. Fox News:Trump weli wuxuu filayaa in heshiis lala gaaro Iiraan laba ilaa saddexda saacadood ee soo socda

    Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa u sheegay Fox News inuu aaminsan yahay in heshiis lala galo Iiraan la saxiixi doono "labada ama saddexda saacadood ee soo socda."

    Wuxuu hadalkan ku sheegay wareysi kooban oo uu siiyay weriyaha shabakadda, Trey Yingst, kaas oo mar kale ku celiyay hadalladaas isagoo si toos ah uga waramaya Tel Aviv.

    Trump ayaa sidoo kale u sheegay shabakadda inuu telefoon kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, kaddib weerarradii maanta ka dhacay koonfurta Beirut.

    Sida warbixintu sheegtay, Donald Trump wuxuu adeegsaday ereyo adag isagoo Netanyahu weydiinaya waxa uu samaynayo, isla markaana muujinaya niyad-jabkiisa iyo sida uusan ugu faraxsanayn weerarradii maanta ka dhacay Beirut.

    Weriyaha Fox News ayaa yiri:"Wuxuu Benjamin Netanyahu u sheegay inuusan fulin weerarro kale oo ka dhan ah Hezbollah, si aysan taasi u saameyn horumarka heshiiskan."

    Warar dheeraad ah:

  13. Maxay noqon kartaa faa'iidada Somaliland ugu jirta aqoonsiga Israa'iil

    Booqashada Israa'iil ee Ciro

    Xigashada Sawirka, Xafiiska Madaxtooyada Somaliland

    Qoraalka sawirka, Booqashada Israa'iil ee Ciro

    Madaxweynaha Somaliland Cabadiraxmaan Cirro ayaa booqashadii ugu horeysay ee rasmi ah ku tagay Israa'iil sida uu ku daabacay barahiisa bulshada.

    Madaxweynaha Israa'iil, Isaac Herzog, oo qaabilay Cabdiraxmaan Cirro, ayaa ku tilmaamay boqashadiisa "mid taariikhi ah".

    Maxay noqon kartaa faa'iidada Somaliland .

    Ku dhufo lifaaqa hoose faahfaahinta

  14. Madaxwaynaha Somaliland oo booqday goobo muhim ah Israa'iil

    Madaxwaynaha Somaliland oo ubax dhigaya

    Xigashada Sawirka, Madaxtooyada JSL

    Qoraalka sawirka, Madaxwaynaha Somaliland oo ubax dhigaya

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda ikeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland abdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo weftigii ayaa waxa ay boqasho uga bilaabatay Israa'iil.

    Bayaan dhawaan lagu daabacay barta facebook ee madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in madaxwaynaha uu maanta booqday dhowr goob oo muhiim ah.

    Madaxweynaha ayaa booqday goobta taariikhiga ah ee MOUNT HERZL, halkaasi oo uu dhigay ubax ah.

    "Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa booqasho rasmi ah ku tegay Xarunta Taariikhiga ah ee YAD VASHEM (World Holocaust Rememberence Center) ee magaalada Jerusalem, oo ah goobta ugu weyn ee lagu xuso laguna kaydiyo xusuusta dhibbanayaashii Holocaust-ka,". ayaa lagu yiri bayaan ak soo baxay madaxtooyada.

    Madaxwaynaha ayaa sidoo akle boqday goobta lagu magacaabo Groves of Nations.

    "Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa booqasho ku tagay Goobta Taariikhiga ah ee Groves of Nations, halkaasi oo uu ku beeray Geed Astaan Qaran ah oo ka tarjumaya saaxiibtinimo, wada-shaqayn iyo xidhiidh waara oo u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Israa’iil." ayuu intaa ku daray bayaanka madaxtooyada.

    Warar dheeraad ah:

  15. Madaxwayne Cirro oo Farriin u diray Shacabka Somaliland

    .

    Xigashada Sawirka, X

    Qoraalka sawirka, .

    Madaxweynaha Somaliland Cabadiraxmaan Cirro ayaa booqashadii ugu horeysay ee rasmi ah ku tagay Israa'iil sida uu ku daabacay barahiisa bulshada.

    Madaxweynaha Israa'iil, Isaac Herzog, oo qaabilay Cabdiraxmaan Cirro, ayaa ku tilmaamay boqashadiisa "mid taariikhi ah".

    Madaxwayne Cirro ayaa Israa'iil uga mahadcliyay soo dhaweynta ay u sameeyeen.

    Madaxweyne Cirro, ayaa sheegay in tani u tahay tallaabo wayn oo ku timid halgan dheer oo ay galeen dadka reer Somaliland, kaa oo ku aadanaa raadinta aqoonsiga.

    Isaga oo farriin u diryay shacabka Somaliland ayuu yiri: "Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay joogaan, waxaan leeyahay: waxaan sidaa rejadiinna, himilooyinkiinna iyo hammigiinna qaran. Jiilal badan ayaa halgamay, naf iyo maalna u huray sidii aynu u gaadhi lahayn maalintan taariikhiga ah".

    Dhanka kale, madaxweynaha Isrraa'iil Isaac Herzog, ayaa qoraalkiisa X ku sheegay in safarka madaxweyne CIrro ku yimid Israa'iil uu yahay mid astaan u ah "kartida wayn" ee iskaashiga cusub ee u dhaxeeya "labada dal", sida uu hadalka u dhigay.

    Booqashadaan ayaa hadalhayn badan ka dhalisay baraha bulshada tan iyo markii ay soo shaac baxday.

    Warar dheeraad ah:

  16. Xoghayaha Difaaca Mareykanka: Waxaan ku taaganahay dhabihii aan heshiis kula saxiixan lahayn Iran

    Wasiirka gaashaandhiga Mareykanka Pete Hegseth ayaa sheegay in Maraykanku uu “ku socdo waddadii” lagu saxiixi lahaa heshiis lala galo Iiraan, isla markaana ay tahay arrin waqti uun ku xiran.

    “Waxaan ognahay in Xisbulah ay gantaallo ku ridday waqooyiga Israa’iil, waana inay joojiyaan,” ayuu xoghayaha difaaca Maraykanka u sheegay CBS, oo bah-wadaag la ah BBC.

    “Iiraan waa inay si adag oo go’aan leh ugu qancisaa Xisbullah inay joojiyaan arrintan,” ayuu intaa ku daray.

    Maanta, kaddib markii Israa’iil ay weerartay xaafad ku taalla koonfurta Beirut, Iiraan waxay ku hanjabtay inay joojin doonto wada-hadallada ay la leedahay Maraykanka. Sidoo kale, ku-xigeenka madaxa Xarunta Dhexe ee Khatam al-Anbiya ayaa sheegay in weerarkan aan laga aargoosan la’aan laga gudbi doonin.

    Intaas kaddib, Donald Trump ayaa baraha bulshada ku qoray in weerarkaas ay ahayd inuusan.

    Madaxweynaha Maraykanka ayaa ku baaqay “is-xakamayn” .

    wuxuuna yiri: “Waa inaysan jirin weerarro kale oo ay Israa’iil ka fuliso meel kasta oo Lubnaan ka mid ah, isla markaana waa inaysan jirin weerarro lagu qaado Israa’iil oo ka yimaada dhinac kasta oo kale, oo ay ku jirto Hezbollah.”

    Warar dheeraad ah:

  17. Trump oo wali rajeynaya in uu heshiis la galo Iiraan 'labo ilaa saddexda saacadood ee socoto gudahood

    USA

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa aaminsan in heshiis wali lala saxiixan doono Iiraan "labada ilaa saddexda saacadood ee soo socota", sdia uu u sheegay Fox News.

    Wuxuu faallooyinkan ku sheegay wareysi kooban oo uu la yeeshay Trey Yingst oo ka tirsan shabakadda.

    Trump ayaa Yingst u sheegay inuu taleefanka kula hadlay Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ka dib weerarradii maanta ka dhacay Beirut. Trump ayaa u muuqday inuu muujiyay niyad jabkiisa, isagoo adeegsanaya erayo uu ku weerarayo Netanyahu waxa uu sameynayo.

    "Wuxuu u sheegay ra'iisul wasaaraha inuusan sameynin weerarro dheeraad ah oo ka dhan ah Hezbollah, sidaa darteed ma saameynayso heshiiskan inuu horay u socdo," ayuu yiri Yingst.

    Warar dheeraad ah:

  18. Iiraan oo sheegtay in weerarrada Israa'iil ee Beirut ay muujinayaan in Washington aysan fulin ballanqaadkeeda

    Iran

    Xigashada Sawirka, EPA

    Madaxa wadahadallada nabadda Iiran ee wadahadallad Mareykanka ayaa sheegaya in weerarrada cusub ee Israa'iil ay ka geysatay Beirut ay muujinayaan in Washington aysan fulin ballanqaadyadeekeed oo aysan lahayn doonista ama awood ay sidaas ku sameyso.

    Mohammad-Bagher Ghalibaf ayaa sheegay inaysan jirin "wax faa'iido ah" oo laga leeyahay ka hadalka sii socoshada "wadadan." Iiraan waxay muddo dheer ku adkeysaneysay in Lubnaan ay ku jirto heshiis kasta oo ay la gasho Washington.

    Weerarrada Israa'iil waxay yimaadeen maalintii Donald Trump uu ku adkeystay in heshiis la saxiixi doono, inkastoo Tehran aysan wali xaqiijin tan.

    Waxay bartilmaameedsadeen waxa Israa'iil ay sheegtay inay ahayd xarun talis oo Hezbollah ah, iyagoo dilay ugu yaraan saddex qof.

    Horraantii, Hezbollah waxaa lagu eedeeyay inay weerarro ku qaadday waqooyiga Israa'iil. Lama soo sheegin wax khasaare ah ama waxyeello ah.

    Warar dheeraad ah:

  19. FIFA oo bixin doonta mushaar buuxa oo koobka adduunka ee garsoore Cumar Cartan

    Somalia

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Cumar Cartan wuxuu ahaa garsoore FIFA ah tan iyo 2018.

    Garsoore Cumar Cartan oo loo diiday inuu galo Mareykanka si uu u dhex dhexaadiyo Koobka Adduunka, ayaa weli heli doona lacagtiisa oo dhan ee tartanka.

    Ilo wareedyo ayaa u sheegay BBC Sport in inkastoo Cumar Cartan uusan ka qayb qaadan doonin Koobka Adduunka, haddana Fifa waxay ballanqaaday inay bixin doonto mushaharkiisa.

    Garsoorayaashu ma oga lacagta dhabta ah ee ay heli doonaan marka ay garsoore ka noqdaan Koobka Adduunka, taasoo la bixiyo marka tartanku dhammaado.

    Warar dheeraad ah:

  20. Madaxweynaha Somaliland oo boqasho rasmi ah ku tugay Israa'iil

    Cirro iyo Isac

    Xigashada Sawirka, X

    Qoraal uu soo dhigay bartiisa X, ayuu madaxweynaha Israa'iil, Isaac Herzog ku sheegay in booqashada madaxweynaha Somaliland Cabadiraxmaan Cirro ay tahay 'mid taariikhi ah'.

    "Ku soo dhawow Israel, Madaxaynaha Somaliland", ayuu ku bilaabay qoraalkiisa.

    Cabdiraxmaan Cirro ayaa ugu mahadceliyay madaxweynaha ISraa'iil iyo shacabkaba soo dhawaynta.

    "Maanta waxay ka dhigan tahay tallaabo cusub oo furaysa bog cusub oo ku dhisan saaxiibtinimo, is kaashi iyo is ixtiraam ka dhaxeeya Somaliland iyo Israa'iil", ayuu ku daabacay madaxweyne Cirro boggiisa Facebook.

    Dhammaadkii bishii December e 2025 ayay ahayd markii ra'iisul wasaaraha Israa'iil uu ku dhawaaqay in uu Somaliland u aqoonsaday dal madaxbanaan, tallaabadaasi oo ka caraysiisay dowladda federaalka Soomaaliya.

    Warar dheeraad ah: