War deg deg ah, Kylian Mbappe oo taariikh cajiib ah caawa dhigtay ciyaartii Faransiiska iyo Ciraaq u dhexeysay
- Author, Abdishukri Haybe
- Role, BBC, Somali

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kylian Mbappe ayaa dhaliyay labo gool si uu ula wadaago kaalinta labaad ee liiska ciyaartoyda ugu goolasha badan taariikhda Koobka Adduunka, iyadoo Faransiisku si fudud uga adkaaday Ciraaq kulan cimilo darteed dib u dhacay oo ka dhacay Philadelphia.
Mbappe ayaa goolal dhaliyay bilowgii labada qayboodba, taasoo ka dhigtay in tirada goolashiisa Koobka Adduunka ay gaadho 16 gool 16 kulan gudahood, isagoo laba gool oo keliya ka dambeeya Lionel Messi, kaas oo saacado ka hor jebiyay diiwaankii u xidhnaa Miroslav Klose.
Kulanka Faransiiska iyo Ciraaq ayaa noqday kii ugu horreeyay ee Koobkan Adduunka lagu hakiyo cimilo daran awgeed, iyadoo qaybta labaad la bilaabay wax ka badan laba saacadood kaddib dhammaadkii qaybtii hore sababo la xiriira jac ka dhacday aaggaas.
Roob xooggan oo maalintaas hore da’ay ayaa dib u dhigay gelitaanka taageerayaasha garoonka Philadelphia, inkastoo ciyaartu ay ku bilaabatay waqtigeedii.
Faransiiska ayaa si xooggan ku bilowday ciyaarta, waxaana cadaadiskoodii hore miro-dhal noqday daqiiqaddii 14-aad markii Mbappe uu kubbad lugta bidix ah si xooggan uga toogtay bannaanka diilinta ganaaxa, kuna hubsaday geeska fog ee goolka.




















