War deg deg ah, Iiraan oo xoojisay weerarrada xulufada Mareykanka iyo gantaaladeeda oo la qabtay
Wakaaladda wararka ee Petra ee Urdun, oo soo xiganaysa ciidamada qalabka sida ee dalkaas, ayaa sheegtay in siddeed gantaal oo Iiraan ay ku ridday Urdun la qabtay lana burburiyey.
Wakaaladdu waxay soo xigatay ilo ka tirsan militariga oo sheegay in qabashada gantaalladaasi aysan sababin wax dhimasho ah ama khasaare hantiyeed.
Horey, militariga Iiraan ayaa sheegay inay adeegsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si ay u beegsadaan nidaamyada isgaarsiinta, xarun raadaar oo joogto ah, iyo bakhaarro shidaal oo ay leeyihiin ciidamada Mareykanka oo ku yaalla saldhigga cirka ee Al-Azraq ee dalka Urdun.








