Maxaad ka taqaannaa Mahad Karate, hoggaamiyaha awoodda badan ee Mareykanku raadinayo?
Waa uu magacyo badan yahay, laakiin kan rasmiga ah waa Cabdiraxmaan Maxamed Warsame. Waxa uu caan ku yahay magaca Mahad Karate. Sida ay shaacisay dowladda Mareykanka, waxaa la rumeysan yahay in uu ku dhashay magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug.
Waxa uu dhashay intii u dhaxeysay sanadihii 1957 1962-dii. Waa ku xigeenka hoggaanka ururka Al-shabaab, waxaa na la sheegay inay hoos tagaan qeybta awoodda badan ee sirdoonka kooxdan ee Amniyaadka loo yaqaanno iyo xitaa qeyb ka mid ah maamulka dhaqaalaha ee kooxdan. Mareykanku waxay sheegeen in uu ku hadlo afafka Soomaali, Carabi iyo Sawaaxili.
Kahor Al-Shabaab iyo burburkii doaladdii Soomaaliya, waxa uu Mahad ka tirsanaan jiray sirdoonkii Soomaaliya ee dowladdii kacaanka, sida dad kala duwan oo aqoon u leh Mahad u sheegeen BBC.
Ma ahan isaga oo keliya, laakiin rag kale oo badan oo ka tirsanaan jiray ciidamadii dowladdii Kacaanka ayaa ka hor burburka iyo ka dib ba ku biiray ururrada Islaamiga ee hubeysan ee Soomaaliya.
Kuwoodda ugu magaca dheer waxaa ka mid ah Xasan Daahir Aweys, oo ahaa hoggaamiye sare oo ka tirsanaa ururkii Itixaad oo mar ahaa kan ugu ballaaran, ugu na awoodda weyn ururrada islaamiga ah ee Soomaaliya. Waxaa la rumeysan yahay in uu Mahad ka mid yahay aas-aaseyaasha kooxda Al-Shabaab, laakiin ma ahan nin magaciisa iyo muuqiisu ba ay aad u shaac baxeen billowgii kooxda.


