Asal ahaan dalka uu ka soo jeedo ninka shilka argagaxa leh ka gaystay Talyaaniga

Xigashada Sawirka, EPA
Nin ayaa baabuurkiisa jiirsiiyey dad lugeynayay hareeraha wadada magaalada Modena ee waqooyiga Talyaaniga, isagoo dhaawacay siddeed qof, afar kamid ahna dhaawacoodu aad ayuu u culus yahay, sida ay sheegeen masuuliyiintu.
Dadka dhaawacmay waxaa kamid ah haweeney la sheegay in labada lugood burrbureen..
Kadib markii gaarigu ku istaagay daaqadda dukaan, darawalkii ayaa kasoo degay isagoo sita mindi, wuxuuna dhaawacay qof waddada marayay oo isku dayay inuu cayrsado, kahor inta aan tuhmanaha la qaban oo la xakamayn.
Tuhmanaha oo 31 jir ah ayaa masuuliyiintu ku sheegeen inuu yahay muwaadin Talyaani ah oo asal ahaan kasoo jeeda Morocco.
Ra’iisul Wasaaraha Giorgia Meloni ayaa dhacdadan ku tilmaantay “mid aad u daran.”
Dhacdadan ayaa dhacday abaaro 16:30 (14:30 GMT), markii gaariga oo ku socday xawaaraha sare uu dadka lugaynayay ku jiiray jidka Via Emilia oo ku dhow kaniisadda caanka ah ee Modena, oo dhanka koonfur-bari ka xigta magaalada Milan.
"Waxaan arnayn gaariga oo soo dhowaanaya, wuxuuna ku socday dhanka cidhifka wadada," ayuu yiri qof goobjooge ah.
"Si kedis ah ayuu xawaaraha u kordhiyay, wuxuu ku socday ugu yaraan 100km Saacadii)."
"Waxaan arnayn dad hawada u duulaya," ayuu goobjoogei u sheegay warbaahinta Talyaaniga.
Duqa magaalada Modena, Massimo Mezzetti, ayaa sheegay inay u muuqato in darwalku "uu si ula kac ah gaariga u mariyay dhabaddii dadka lugaynayay, isagoo jiiray dhowr qof, ka dibna ku dhacay daaqadda dukaan."
"Ka dib wuxuu ka soo degay gaarigiisii, wuxuuna la soo baxay mindi," ayuu yiri Mezzetti.

