TOOS, Maraykanka oo weeraro cusub ku qaaday Iiraan

Halkaan si toos ah ugala soco tabinta tooska ah ee wararka dunida

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Waa kuwee magaalooyinka iyo goobaha laga soo wariyay qaraxyo iyo weerarro ka dhacay Iiraan ilaa hadda?

    Kadib markii ciidamada Maraykanku ay saaka Khamiista bilaabeen duqeymaha cirka ah, kuwaas oo yimid afar maalmood oo hakad ah kadib, isla markaana jawaab u ahaa weerarradii gantaallada ee Ciidanka Ilaalada Kacaanka ee Iiraan (IRGC) ay subaxnimadii Arbacada ku qaadeen fariisimaha Maraykanka ee Urdun, waxaa magaalooyin iyo deegaanno kala duwan oo Iiraan ah laga soo sheegay qaraxyo iyo duqeymo cirka ah.

    Qeshm: Ku-xigeenka arrimaha siyaasadda, amniga iyo bulshada ee gobolka Hormozgan ayaa sheegay in jasiiradda Qeshm lagu qaaday weerar cirka ah abaare 4:00 aroornimo ee Khamiista. Hal saac kadib weerarka, Ahmad Nafisi ayaa sheegay in gantaallo cadow ay ku dhaceen guri ku yaalla deegaanka Chah Tango ee magaalada Qeshm.

    Khuzestan: Ku-xigeenka guddoomiyaha gobolka Khuzestan ayaa xaqiijiyay in weerarro ka dhaceen duleedka magaalada Abadan, hase yeeshee weli lama shaacin khasaaraha ka dhashay. Dhanka kale, weriye ka tirsan warbaahinta dowladda Iiraan ee gobolka Khuzestan ayaa sheegay in qaraxyo laga maqlay ugu yaraan afar magaalo oo gobolka ka tirsan, kuwaas oo kala ah Shadegan, Arvandkenar iyo Abadan, halka toddoba qarax laga maqlay magaalada Ahvaz.

    Waxaa sidoo kale la soo wariyay in qaraxyo laga maqlay jasiiradaha Abu Muusa iyo Kish, iyo weliba aagga badda ee ku dhow jasiiradda Qeshm iyo marin-biyoodka Hormuz.

    Gobolka Fars: Subaxnimadii Khamiista waxaa la soo sheegay qaraxyo laga maqlay magaalada Noorabad Mamasani.

    Qiyaastii saacad kadibna, warar la xiriira duqeymo ay ciidamada Maraykanku fuliyeen ayaa laga helay magaalada Kazerun oo iyaduna ka tirsan gobolka Fars.

    Wararka ilaa hadda soo baxay ayaa muujinaya in weerarradu ay ku fideen dhowr gobol iyo jasiirado istiraatiiji ah oo ku yaalla koonfurta Iiraan, inkasta oo aan weli si rasmi ah loo shaacin baaxadda khasaaraha ka dhashay duqeymahan.

  2. War deg deg ah, CENTCOM oo xaqiijisay duqeymo cusub oo ka dhan ah Iiraan

    Maraykanka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka (CENTCOM) ayaa ku dhawaaqay in ciidamada Maraykanku ay bilaabeen weerarradooda ka dhanka ah Iiraan qiyaastii 8:00 fiidnimo ee Arbacadii, waqtiga Bariga Maraykanka (Eastern Time), taas oo ku beegnayd qiyaastii 3:00 aroornimo waqtiga Iiraan.

    Sida lagu sheegay bayaanka CENTCOM, weerarradan waxaa lagu fuliyey jawaab adag oo laga bixiyey isku daygii Iiraan ee shalay ay ku weerartay ciidamada Maraykanka ee ku sugan gobolka.

    CENTCOM ma aysan shaacin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan bartilmaameedyada la weeraray, goobaha ay hawlgalladu ka dhaceen ama baaxadda khasaaraha ka dhashay.

    Tallaabadan ayaa timid kadib markii Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan uu shalay ku dhawaaqay inuu gantaallo ku weeraray saldhigyo Maraykan ah oo ku yaalla Urdun.

    Xalay, CENTCOM ayaa sidoo kale, iyada oo kaashanaysa Sacuudi Carabiya, weerartay fariisimo ay leeyihiin maleeshiyaad Shiico ah oo ay Iiraan taageerto kuwaas oo ku kala yaalla dhowr gobol oo Ciraaq ah.

    CENTCOM waxay sheegtay in weerarkaas uu jawaab u ahaa weerarro loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn (drone) oo lagu qaaday xarumaha shidaalka ee Sacuudi Carabiya, kuwaas oo Riyaad ay ku andacootay inay ka soo bilaabmeen dhulka Ciraaq.

  3. War deg deg ah, Ciiwaannada wakaalada wararka Iiraan ee Tasnim ee afafka Faarisiga, Ingiriisiga, Carabiga iyo Cibraaniga ee X oo hakiyey

    Kadib markii Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan uu Arbacadii ku dhawaaqay in la hakiyey kanaalkiisii xiriirka dadweynaha ee Telegram-ka isla markaana uu arrintaas ka cabtay, waxaa sidoo kale la hakiyey akoonkii wakaaladda wararka Tasnim, oo xiriir dhow la leh Ciidanka Ilaalada Kacaanka, ee shabakadda X (Twitter).

    Fiidnimadii Arbacada, dadka isticmaala X ayaa arkay farriinta "Akoonkan waa la hakiyey" markii ay isku dayeen inay galaan akoonnada Tasnim ee ku baxa afafka Faarisiga, Ingiriisiga, Carabiga iyo Cibraaniga.

    Maraykanka, Midowga Yurub iyo dalal kale oo dhowr ah ayaa Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan ku daray liiska ururrada argagixisada.

    Sidaas darteed, marka laga soo tago cunaqabataynta milatari iyo dhaqaale ee tooska ah, waxay sidoo kale xayiraado saareen hay'adaha iyo ururrada lala xiriiriyo ciidankaas.

  4. War deg deg ah, Qaraxyo laga maqlayo gudaha Iiraan

    Iiraan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Xilli ay soo baxayeen warar sheegaya in Maraykanku uu subaxnimadan Khamiista bilaabay duqeymo cirka ah oo ka dhan ah Iiraan, dadka deggan Nuurabaad ee degmada Mamasaani ayaa sheegay inay maqleen jugooyin isdaba joog ah oo ka dhacay agagaarka magaalada ee gobolka Faars. Waxay sidoo kale fariin ku saabsan dhacdadaas u direen kanaalka Telegram-ka ee Vahid Online.

    Qiyaastii saacad ka hor, dadka deggan magaalada Yazd ayaa iyaguna sheegay inay maqleen diyaarado dagaal oo dulmaraya hawada magaalada ama ay suuragal tahay in gantaallo lagu ridayay hawada sare ee magaalada.

    Hay'adaha wararka ee ku dhow ilaha milatariga ee Iiraan ayaa sidoo kale sheegay inuu qarax ka dhacay Riyaad, caasimadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya. Hase yeeshee, wararkaas weli ma xaqiijin ilo lagu kalsoon yahay oo madax-bannaan.