Madaxweynihii Koonfurta Kuuriya oo si rasmi ah looga mamnuucay xafiiska

Boqolaal dadweyne ah ayaaa waxay isugu yimaadeen banaanka hore ee dhismaha baarlamaanka dalkaas halkaas oo ay mar kale ka bilaabantay codka xilka looga qaadayo madaxweyne Yoon Suk Yeol

Tebin toos ah

  1. Nidaamka milatariga ee Niger oo barnaamijyada BBC da ka mamnuucay dalkooda

    .

    Xigashada Sawirka, AFP

    Dowladda militarigu hugaaamiyaan ee Niger ayaa shaqada ka joojisay BBC-da gudaha dalkeeda muddo seddex bilood ah, iyadoo ku eedeysay inay faafisay warar been abuur ah oo khalkhal gelin kara nabadda bulshada iyo niyad jabinta ciidamada dagaalka kula jira kooxaha jihaad doonka ah.

    Wasiirka Isgaarsiinta ee Niger Raliou Sidi Mohamed ayaa ku dhawaaqay in go’aankan uu si degdeg ah u dhaqan gali doono.

    Barnaamijyada BBC, oo ay ku jiraan Hausa, oo ah luqadda ugu badan ee Niger looga hadlo, iyo luuqadda Faransiiska, ayaa laga sii daayaa waddanka oo dhan iyada oo la sii marayo raadiyayaal maxallia ah, waxaana barnaamijyadaas ay gaaraan ilaa 2.4 milyan oo qof oo waddanka ku nool sannadkii - qiyaastii 17% dadka dhagaysta ayaa ah kuwa qaangaarka ah.

    Inkastoo barnaamijyada idaacadaha BBC-da la hakiyay, haddana mareegaha lama xannibin, raadiyahana weli waa la geli karaa mowjadaha gaagaaban.

    Dowladda Niger ma aysan sheegin baahin gaar ah oo sababtay hakinta barnaamijyada BBC da, balse waxay daba socotaa warbixino BBC-da baahisay kuwaas oo ku saabsanaa weeraro kooxaha jihaadiyiintu ay qaadeen oo Talaadadii ka dhacay gobolka Tillaberi, oo la sheegay in lagu dilay 91 askari iyo ku dhawaad ​​50 qof oo rayid ah.

  2. War deg deg ah, Madaxweyihii Koonfurta Kuuriya oo xilka laga xayuubiyay

    Baaralamaanka Koonfurta Kuuriya ayaa waxay u codeeyeen in xilka laga xayubiyo madaxweyne Yoon Suk Yeol, waxaana u codeysay 204 xubnood.

    Arrintaan ayaa waxaa micnaheedu yahay in Yoon sida ugu dhaqsiyaha badan looga mamnuuci doono xafiiska, ra'iisul wasaaraha dalkaas ayaana noqon doono sii hayaha xilka madaxweynaha.

  3. Natiiijada codka oo la sugayo saacad gudaheed - warbaahinta gudaha

    Xildhibaanada baarlamaanka ayaa dhiibtay codkooda ku aadan mooshinka xilka qaadista ah, waxaana ay haatan warbaahinta gudaha dalkaas tabineysaa in la rajeynayo in natiijada cod bixxinta lagu ogaado saacad gudaheed, xilligaas oo ku aadan gudaha dalkaas, 17:30, kuna beegan 11:30 waqtiga geeska Africa.

    Mooshinka ay keeneen mucaaradku ayaa waxa uu u baahan yahay oo kaliya sideed cod oo ay ka helaan dhanka xisbiga talada haya ee PPP si uu u dhaqan galo.

  4. Baarlamaanka Koonfurta Kuuriya oo cod u qaadaya mooshin xilka looga qaadayo madaxweynaha dalkaas

    .

    Kadib markii ay soo galeen xubnaha xisbiga PPP, ayaa guddoonka baarlamaanku waxa uu ku dhawaaqay in uu bilowday kalfadhiga baarlamaanku.

    "Waxaan rajeynayaa in qof walba oo idin ka mid ah uu codkiisa dhiibto," ayuu yiri Woo Won-shik. afhayeenka golahu.

    XIldhibaano ka kala tirsan ilaa lix xisbi oo mucaarad ah ayaa waxay goor sii horeysay sii galeen xarunta golaha.

    Madaxweyne Yoon iyo xulafadiisa ayaa waxaa ku socda baaritaan, iyada oo lagu eedeynayo kacdoon abuuris, waxaana xayiraad safar la saaray qaar ka mid ah saaxiibadiis.

    Todobaadkii hore ayuu ka badbaaday xilka xayuubin baarlamaanku ku samayn rabay, waxa uuna xilligaas kadib ku dhawaaqay in uu dalka galiyay xaalad degdeg ah.