Maxaa ka jira inay wax ka khaldanaayeen dukumentiyada uu sitay Cumar Cartan?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hore waxaan tebinnay in sarkaal ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee Nairobi,uu BBC-da u sheegay, in Cartan uu sitay baasaboorka diblomaasiyadeed, taas oo looga gol lahaa in la fududeeyo safaradiisa, ka dib markii ay hore u wajahay caqabado ama dhibaatooyin la xiriira arrimaha fiisaha.
Isagoo la hadlayay BBC World Service, Andrew Giuliani, oo ah madaxa Guddiga Hawl-galka Aqalka Cad ee Koobka Adduunka, ayaa yiri: "In kasta oo aanan geli karin [macluumaadka gudaha ah] waxaan sheegi karaa inay ahayd go'aankii saxda ahaa ee ay gaareen kastamka iyo ilaalada xuduudaha, waana taageersanahay go'aankaas."
Dhanka kale, sarkaal ka tirsan Hay'adda Kastamka iyo Ilaalinta Xuduudaha Maraykanka (CBP) oo u warramay warbaahinta CNN ayaa sheegay in Cumar Cartan loo arkay "inuu uusan u qalmin gelitaanka USA" kadib baadhitaan amni, balse ma aysan faahfaahin sababta rasmiga ah ee go'aankaasi.
Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya (SFF) ayaa si degdeg ah ula xiriiray FIFA si ay u weydiistaan faahfaahin dheeri ah iyo jawaab degdeh ah.
Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa seegaya ka qaybgalka Koobka Adduunka ee sanadkan kadib markii loo diiday gelitaanka Maraykanka, sida ay xaqiijisay FIFA.
Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:




