Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Johg Un oo tallaabo cusub qaaday

    Kuuriyada Waqooyi oo isbeddelo ka dhaceen dhanka Militariga ah

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Kuuriyada Waqooyi oo isbeddelo ka dhaceen dhanka Militariga ah

    Warbaahinta dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa ku warantay in hoggaamiye Kim Jong Un uu shaqada ka eryay wasiirka difaaca isla markaana uu beddelay dhowr sarkaal oo sare oo militariga ah taasoo qayb ka ah isbadal ballaaran oo lagu sameeyay taliska militariga.

    Wakaaladda rasmiga ah ee wararka Kuuriyada Waqooyi (KCNA) ayaa Axadda ku dhawaaqday in go'aannadan lagu gaaray kulan Sabtidii dhacay oo uu guddoominayay Kim Jong Un, isla markaana qayb ka ahaa "qorshayaasha dib-u-habaynta qaab-dhismeedka" ciidamada qalabka sida.

    Sida lagu sheegay warbixinta, Noh Kwang-chul ayaa laga qaaday xilkii Wasiirka Difaaca, waxaana sidoo kale darajadiisa hoos loo dhigay oo loo magacaabay ku-xigeenka koowaad ee madaxa hay’adda warshadaha hubka iyo rasaasta ee ku dhex taal qaab-dhismeedka hoggaanka xisbiga talada haya.

    Kim Song-gi, oo ah madaxa Waaxda Siyaasadda ee Ciidamada Kuuriya, ayaa loo magacaabay wasiirka cusub ee gaashaandhigga.

    Sida ay sheegayaan wararkani, Pak Jong-chun, oo ah lataliyaha gaashaandhigga ee Kim Jong-un, ayaa sidoo kale loo magacaabay guddoomiye-xigeenka Guddiga Dhexe ee Militariga, wuxuuna noqday xubin ka tirsan Guddiga Siyaasadda ee Xisbiga Shaqaalaha Kuuriya.

    Warbaahinta dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaan sharraxaad ka bixin sababta ka dambeysa isbeddeladan. Hase yeeshee, tallaabooyinkan ayaa ku soo beegmay xilli Pyongyang ay bilihii u dambeeyay xoogga saaraysay horumarinta awooddeeda milatari iyo iskaashiga dhanka difaaca ee ay la leedahay Ruushka, iyadoo ay weli taagan tahay xiisad sare oo ka jirta Jasiiradda Kuuriya.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  2. Wararkii ugu dembeeyey ee Nepal iyo Tibet iyo khasaaraha dhimashada oo kordhay

    Dadaallada samatabbixinta ayaa galay maalintii shanaad ee Nepal iyo Tibet

    Xigashada Sawirka, Nepalese government

    Qoraalka sawirka, Dadaallada samatabbixinta ayaa galay maalintii shanaad ee Nepal iyo Tibet

    Dadaallada samatabbixinta ayaa galay maalintii shanaad ee Nepal iyo Tibet ka dib markii daadad xooggan ay baabi'iyeen dhul xuduudeed Arbacadii.

    Hay'adda Sahanka Juqraafiga ee Mareykanka iyo mas'uuliyiinta maxalliga ah ayaa aaminsan in daadadkii xoogganaa, dhoobadii iyo dhagxaantii ay wadeeen ay sababeen baraf burburay oo dabadeed masiibada dhaliyey.

    Nepal, ugu yaraan 675 qof ayaa ku dhintay, sida laga soo xigtay hay'adda ka jawaabista masiibooyinka ee dalka.

    Waxay intaa raacisay in in ka badan 2,400 oo qof la la'yahay, in ka badan 18,700 oo samatabbixiye ahna la geeyay agaagaas.

    Tibet, tirada rasmiga ah ee dhimashada waa toddobo, iyadoo 554 la sheegay in la la'yahay, sida laga soo xigtay warbaahinta dowladda Shiinaha.

  3. Muxuu Mareykanku u go'aansaday inuu joojiyo gargaarka milatari ee uu siiyo ciidamada Kurdiyiinta?

    USA

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Ra'iisul wasaaraha Ciraaq Ali al-Zaidi oo la kulmay madaxweyne Trump

    Maamulka Donald Trump ayaa isku diyaarinayo inuu joojiyo gargaarka milatari ee uu siiyo ciidamada Peshmerga, oo ah saaxibkooda ugu weyn Bariga Dhexe isla markaana gacan ka geysanayay sidii loo jabin lahaa Dawladda Islaamiga ah (IS). Sdia ay BBcda u sheegeen afar ilo wareed oo ku dhow arrintan.

    Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa ku dhawaaqday wadahadallo ay dhawaan la yeelatay hoggaamiyeyaasha Ismaamulka Kurdistan ee Ciraaq inaysan qorsheyneynin inay cusbooneysiiyaan heshiiska gargaarka ay siiyaan ciidamada amniga Kurdishka (Peshmerga).

    Heshiiskan ayaa waqtigiisu uu dhawaan dhamaan doonaa .

    BBC-du waxay la hadashay laba mas'uul oo ku lug lahaa iyo laba il oo kale oo si toos ah ula socday wadahadallada qarsoodiga ah.

    Ilo-wareedyadan ayaa codsaday inaan la magacaabin sababtoo ah wadahadallada si rasmi ah horey looguma shaacin.

    Hogaamiyayaasha Kurdiyiinta ayaa ka cabsi qaba in dhimista gargaarka ay abuuri doonto marnaan awoodeed oo gobolka ah isla markaana ay dhiiri gelin doonto Iiraan.

    Tan iyo markii Madaxweyne Donald Trump uu dagaal la galay Tehran, Iiraan waxay boqolaal gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku ridaysay Kurdistan-ta Ciraaq.

    Dadka falanqeeya ayaa sheegaya in joojinta gargaarka milatari ee la siinayo ciidamada Peshmerga ay wiiqayso iskaashiga muddada dheer lala lahaa Mareykanka, isla markaana ay dirayso farriin ah in Mareykanka aan lagu kalsoonaan karin inuu caawiyo xulafadiisa.

  4. Tirada dhimashada Nepal oo sare u kacday

    Nepal
    Qoraalka sawirka, Saraakiisha booliiska oo fadhiya saldhigga ciidanka iyagoo haysta liisaska

    Tirada dadka ku dhintay Nepal ayaa gaartay 675, sida laga soo xigtay warbixintii ugu dambeysay ee ay soo saartay Hay'adda Qaranka ee Yaraynta Khatarta iyo Maareynta Masiibooyinka (NDRRMA) ee Nepal.

    Saraakiishu waxa ay sheegeen in ugu yaraan 2,498 qof la badbaadiyay halka 219 qofna ay ku dhaawacmeen masiibada.

    NDRRMA waxay sheegtay in in ka badan 18,700 oo samatabbixiyeyaal ah la geeyay si ay uga caawiyaan hawlgalka raadinta.

  5. In ka badan 250 qof oo ajaanib ah oo lasoo badbaadiyay dalka Nepal iyo dalalka ay u dhasheen

    Nepal

    Guddiga Dalxiiska Nepal ayaa sheegay in 261 qof oo ajnabi ah la badbaadiyay halka 320 kalena aan weli la helin meel ay ku sugan yihiin.

    Warbixintii ugu dambeysay ee ay soo saarteen guddiga dalxiiska, waxay ku sheegeen tirada dadka laga soo badbaadiyay waddan kasta:

    Belgium - 1

    Bulgaria - 1

    Shiinaha - 40

    Jarmalka - 4

    Hindiya - 167

    Talyaaniga - 2

    Malta - 4

    Cumaan - 1

    Bortuqiis - 1

    Ruushka - 2

    Spain - 2

    Switzerland - 2

    Turkey -2

    Ukraine - 8

    Mareykanka - 3

    Lama aqoonsan - 21

  6. Trump oo bogaadiyay heshiis taariikhi ah oo Mareykanka uu ku maamulayo 65 bilyan oo fuusto oo saliidda Venezuela ah

    USA

    Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

    Trump oo bogaadiyay heshiis taariikhi ah oo Mareykanka uu ku xakameynayo 65 bilyan oo fuusto oo saliidda Venezuela ah

    Mareykanka ayaa heshiis la galay Venezuela si uu u xakameeyo in ka badan 65 bilyan oo fuusto oo ah kaydka saliidda ee la xaqiijiyay, sida uu ku dhawaaqay Donald Trump.

    Madaxweynaha Mareykanka ayaa qoray in heshiisku uu ka badan doono labanlaab kaydka saliidda Mareykanka iyo "in uu si weyn hoos ugu dhigi doono Qiimaha Gaaska dhammaan dadka Mareykanka ah".

    Madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Venezuela Delcy Rodríguez ayaa heshiiska ku amaantay mid ka caawin doona soo nooleynta dhaqaalaha qarankeeda.

    Laakiin falanqeeyayaasha qaar ayaa shaki ka muujiyay, taas oo ay ku jiraan in ay su'aal gelinaya in heshiisku uu wax ka qaban doono caqabadaha muddada dheer socday ee hor istaagay maalgashiga warshadaha saliidda ee Venezuela.

    Trump ayaa dhawaanahan uu cadaadis ku saarnaa gudaha dalka si uu u yareeyo qiimaha shidaalka, kaas oo kor u kacay dagaalkii Iiraan awgiis.

    Wuxuu ballan qaaday inuu ka faa'iidaysan doono kaydka shidaalka ee Venezuela, oo ah kan ugu weyn adduunka, ka dib markii Mareykanku uu qabtay madaxweynihii xilligaas Nicolás Maduro bishii Janaayo, isagoo u muuqda inuu maxkamad la tiigsan doono dacwado daroogo oo ka dhacay New York.

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa heshiiska saliidda ku tilmaamay "guul weyn oo u soo hoyatay dadka Mareykanka iyo Venezuela labadaba". Faahfaahin yar ayaa laga bixiyay heshiiska.

    "Dadka Venezuela, heshiiskani wuxuu keeni doonaa ku dhawaad ​​$100 bilyan (£74 bilyan) oo maalgashi gaar ah, wuxuu taageeri doonaa kumanaan shaqo oo mushahar badan qaata

  7. Boqorkii ugu da'da yaraa dunida, oo geeriyooday isagoo 34 jir ahaa.

  8. War deg deg ah, Degdeg: Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday in ay xoog ku soo furatay markab u afduubnaa burcad-badeed Soomaali ah

    Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ciidanka Badda Turkiga iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliya oo iskaashanaya ay xoog ku soo furteen markabka MV LATUF, "oo burcad-badeeddu 17-kii Agoosto 2026 ka afduubteen aagga xeebta Jifle ee degmada Eyl, ee gobolka Nugaal.

    Howlgalka lagu soo furtay markabka waxaa uu socday muddo toban maalmood ah sida warbixinta lagu sheegay isla markaana waxaa lagu burburiyay ilaa afar doomood oo ay burcaddu adeegsaneysay.

    Dowladda Soomaaliya waxaa ay sheegtay in ay badbaadisay markabka iyo shaqaalihii saarnaaba.

    Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya

    Xigashada Sawirka, Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya

  9. War deg deg ah, Nin lagu helay inuu xasuuq ka qayb qaatay oo xukun lagu riday

    .

    Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

    Maxkamad ku taalla dalka Netherlands ayaa xabsi daa’in ku xukuntay Eugene N, oo ah nin haysta dhalashada dalka Holland oo asal ahaan ka soo jeeda Rwanda, kadib markii lagu helay inuu door ku lahaa xasuuqii Rwanda ee 1994-kii.

    Ninkan oo 66 jir ah ayaa lagu helay dambiyo dagaal, waxaana maxkamaddu sheegtay inuu adeegsaday awooddiisa iyo saamayntiisa bulshada si uu uga qeyb qaato dilka dadka Tutsi iyo Hutu.

    Maxkamaddu waxay sheegtay in falalkiisa uu u geystay dadka Tutsi ay qeyb ka ahaayeen isku day xasuuq. Eugene N ayaa diiday dhammaan eedeymaha loo soo jeediyay.

  10. War deg deg ah, Boqollaal maraakiib ah oo xaniban iyo qoylo-dhaan ka soo yeertay xaaladda Marinka Hormuz

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    xeebaha, sababo la xiriira dagaalka Iran, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan howlaha maraakiibta.

    Jimcihii, Ururka Caalamiga ah ee Badaha ee IMO, ayaa sheegay in 400 oo ah maraakiib shidaal sidda iyo 6,000 oo shaqaale maraakiib ah ay ku xanniban yihiin meelaha xeebaha ka baxsan tan iyo markii uu bilowday dagaalka Bariga Dhexe.

    “Inkasta oo maraakiib iyo shaqaalahooduba ay awoodaan inay ka gudbaan xuduudda xeebaha, 400 oo markab iyo 6,000 oo shaqaale ah ayaan dhaqaaqin tan iyo markii dagaalku bilowday, sababo la xiriira walaacyo amni,” ayuu yiri Arsenio Dominguez, madaxa fulinta ee hay’adda.

    Waxa uu xaaladda ka taagan Marinka Hormuz ku tilmaamay arrin “aan weli xal loo helin”.

    Hay’addu waxay sheegtay in tan iyo markii dagaalku bilowday la weeraray in ka badan 70 markab oo marayay marinka, iyadoo ay ku dhinteen 19 shaqaale maraakiib ah.

    Dominguez ayaa sheegay in hakadka ku yimaada gaadiidka caalamiga ah ee shidaalka uu yeelan karo “saameyn weyn”.

    Waxa uu ku baaqay in la sameeyo “isku-duwid siyaasadeed oo cusub” si dib loogu soo celiyo dhaq-dhaqaaqa maraakiibta.

    Mareykanka iyo Iran ayaa bishii Oktoobar ee sanadkii hore saxiixay heshiis, waxayna bilaabeen wada-hadallo.

  11. War deg deg ah, Burcad lo' dhacday oo weerar lagu qaaday iyo faahfaahin ka soo baxaysa

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ciidanka Milatariga Nigeria ayaa sheegay in askartooda oo qeyb ka ah howlgallada Operation FANSAN YAMMA ay dileen laba maleeshiyaad ah, ayna gacanta ku dhigeen saddex qori iyo mootooyin, kadib howlgal ka dhacay degmada Rabah ee gobolka Sokoto.

    Sida ay ciidamadu sheegeen, howlgalka ayaa yimid kadib markii shalay ay heleen xog lagu kalsoonaan karo oo ah in koox burcad ah ay boqolaal neef oo lo’ ah oo la dhacay ay sii marinayeen deegaanka Maikujera.

    Askartu si degdeg ah ayay u dhaqaaqeen si ay u joojiyaan kooxdaas.

    Intii ay ciidamada ku sii jeedeen goobta, ayay kooxaha hubeysan weerar gaadmo ah ku qaadeen.

    Hase yeeshee, ciidamada ayaa rasaas culus kaga jawaabay, waxayna dileen laba ka mid ah weeraryahannada, halka kuwii kale ay u baxsadeen dhanka dhulka kaymaha ah.

    Ciidamadu waxay sheegeen in lo’dii la dhacay ay inta uu dagaalku socday ku kala firirtay kaymaha, balse ay weli wadaan dadaallo ay iska kaashanayaan dadka deegaanka si loo helo lo’daas.

  12. War deg deg ah, Wararkii ugu dambeyay musiibada ka dhacday dalka Nepal

    Dalka Nepal

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Hawlgalka baadigoobka iyo samatabbixinta dadka ka badbaaday fatahaadaha Nepal ayaa galay maalintii afraad, kadib fatahaado ba’an oo Arbacadii ka dhacay xadka u dhexeeya Nepal iyo Tibet.

    Tirada dadka ku dhintay Nepal ayaa gaartay 626 qof, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalka, halka 2,426 qofna la la’yahay.

    Gobolka Tibet, tirada dhimashada ee si rasmi ah loo xaqiijiyay ayaa gaartay 7 qof, halka 554 qof la la’yahay, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Shiinaha.

    Helitaanka xogta Tibet ayaa ahaa mid adag, balse Shiinaha ayaa hadda soo bandhigay sawirro muujinaya xaaladda ka dhalatay musiibada.

    Nepal gudaheeda, ugu yaraan 517 ajaanib ah ayaa la sheegay inay maqan yihiin, kuwaas oo ay ku jiraan dalxiisayaal buuraha ku dalxiisayay.

    Wasiirka Maaliyadda Nepal ayaa sheegay in qiyaas ahaan uu dalka u baahan doono $4 ilaa $5 bilyan oo doollar si dib loogu dhiso, kadib burburka baaxadda leh ee ay fatahaaduhu geysteen.

  13. Diyaaradaha daroonka Turkiga oo faltanka cirka kaga yaabsaday kuwa Maraykanka ee F-16

    .

    Xigashada Sawirka, ذریعہBAYKARTECH

    Muuqaal fidiyoow ah oo la soo dhigay barta X ayaa lagu arkayay shan ka mid ah diyaaradaha F-16 ee Turkiga iyo daroonka Kizilma.

    Intii ay socotay tijaabada, diyaarada daroonka ma aysan soo qaban halka ay joogto diyaarada F-16 ee sidoo kale waxay ku xirtay beegsiga duqeynta.

    Qeybta ugu muhiimsan ee tijaabada waxay ahyed isgaarsiinta fiican ee ka dhexeysay diyaarada, raadaarka iyo gantaalka.

  14. War deg deg ah, Masar oo ka falcelisay tallaabo Mareykanku qaaday oo saameyn ku yeelatay

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Baanka dalka Masar, oo ka mid ah bangiyada ugu waaweyn dalkaas, ayaa sheegay inuu tallaabo ka qaadi doono go’aanka Waaxda Maaliyadda Mareykanka ee lagu xannibay laamaha bangiga ee ku yaalla Imaaraadka Carabta inay galaan nidaamka maaliyadeed ee Mareykanka.

    Bangigu wuxuu war-saxaafadeed ku sheegay in laantiisa Imaaraadka ay weli macaamiisha u sii adeegayso, iyadoo adeegyada bangiga loo fulinayo si waafaqsan sharciyada iyo habraacyada khuseeya.

    Tallaabada Mareykanka ee ka dhanka ah Bangiga Masar ayaa ka mid ahayd tallaabooyinkii ugu horreeyay ee Washington si cad u qaaday, iyadoo ujeeddadu tahay in la go'doomiyo dhaqaalaha Iran. Tallaabada ayaa loo qorsheeyay inay dhaqan gasho 30 maalmood gudahood.

    Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa sheegtay inay laamaha Bangiga Masar ee ku yaalla Imaaraadka ka jari doonto nidaamka maaliyadeed ee Mareykanka, iyadoo sabab uga dhigtay macaamilado maaliyadeed oo ay la sameeyeen Iran iyo taageerada ay siiyeen dowladda Iran.

    Bangiga Masar ayaa hadda sheegay inuu qaadi doono tallaabooyinka sharci iyo kuwa nidaam-raaca ee lagama maarmaanka ah, isla markaana uu la xiriiri doono Waaxda Maaliyadda Mareykanka muddada loo qabtay inta lagu jiro.

    Bangiga Dhexe ee Masar ayaa Jimcihii sheegay in cunaqabateynta Mareykanka ee la xiriirta Iran ee lagu soo rogay Bangiga Masar ay saameynayso oo keliya laamaha bangiga ee ku yaalla Imaaraadka Carabta, ayna khusayn bangiyada kale ee Masar.

  15. War deg deg ah, Iran oo shaacisay in ay haysto shidaal ku filan kadib tallaabooyinka Trump

    Iran ayaa sheegtay inay haysato shidaal ku filan oo ay iibiso si ay ugu maalgeliso miisaaniyadda dalka, inkastoo Mareykanku xannibay marinnada biyaha ee Iran, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee rasmiga ah ee Fars.

    Fars ayaa sheegtay in Wasaaradda Shidaalka Iran ay sheegtay in dakhliga shidaalka afartii bilood ee ugu horreeyay sanadkan uu gaaray 99% heerkii miisaaniyadda loogu talagalay muddadaas.

    Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay inay $7.5 bilyan oo ka mid ah dakhliga iibka shidaalka ku wareejisay Bangiga Dhexe ee Iran afartii bilood ee ugu horreeyay sanadkan. Lacagtaas ayaa la filayaa inay ka caawiso dowladda daboolidda baahideeda lacagaha qalaad laga bilaabo Abriil ilaa Janaayo.

  16. Tuugo maalin cad Matxaf ka dhacay katiinad qiimuheedu dhanyahay afar milyan oo doollar

  17. War deg deg ah, Madaxweynaha Ruushka Putin oo la kulmaya dhigiisa Iiran

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, ayaa Isniinta u safri doona magaalada Bishkek ee caasimadda Kyrgyzstan, si uu uga qayb galo shir madaxeedka labada maalmood soconaya ee Ururka Iskaashiga Shanghai. Shirka waxaa sidoo kale ka qayb geli doona Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi iyo Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif.

    Kremlin-ka ayaa sheegay in Putin uu kulan gaar ah la yeelan doono Pezeshkian iyo Xi Jinping inta uu shirku socdo.

    Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Iran uu galay bishii lixaad, halka dagaalka Ruushka iyo Ukraine uu socday in ka badan afar sano iyo bar.

    Ruushka iyo Iran ayaa sannadihii u dambeeyay si weyn u xoojiyay xiriirkooda milatari iyo dhaqaale, gaar ahaan intii uu socday dagaalka Ukraine.

  18. Laftagareen oo sheegay in ciidamadiisa duleedka Baydhabo jooga aaney kaligood ahayn

    .

    Xigashada Sawirka, Rex Features

    Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa shegay in ciidamada isaga taabacsan ee jooga duleedka magaalada Baydhabo ay la socdaan wasiirro, agaasimayaal iyo guddoomiyaal horey uga tirsanaa maamulkiisii.

    Wuxuu sheegay in ay duurka ku shaqeeyaan isla markaana ay qabtaan howlahoodii caadiga ahaa.

    Qodobkaan ayaa madaxweyne hore Lafta gareen ku sheegay waraysi uu siiyay BBCSomali, isagoo intaa ku daray in ciidamadiisu aaney ka dheereyn magaalada.

  19. War deg deg ah, Ruushka oo weerar culus oo dhaliyay khasaare xooggan ku qaaday Ukraine

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    27 qof ayaa ku dhintay, ku dhowaad 400 qofna waa la daadgureeyay, kadib markii weerar Ruushku ka fuliyay bakhaar ku yaalla meel u dhow Kyiv uu sababay dab xooggan iyo qaraxyo is xigay.

    Guddoomiyaha gobolka, Tymur Tkachenko, ayaa sheegay in 42 qof oo ay ku jiraan afar carruur ah ay ku dhaawacmeen weerarka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka ka fuliyay degmada Bucha.

    Baaritaan ayaa la bilaabay si loo ogaado in goobta lagu kaydinayay rasaas ama walxo qarxa. Hawlgallada baadigoobka iyo samatabbixinta ayaa weli ka socday goobta.

    Dhanka kale, Tkachenko ayaa sheegay in 14 jir uu ku dhintay weerar kale oo ka dhacay degmada Boryspil, xilli Madaxweyne Volodymyr Zelensky uu sheegay in weerarro habeenkii dhacay ay saameeyeen dhowr gobol oo Ukraine ah.

    Ruushka gudaha, saraakiisha maxalliga ah ayaa sheegay in laba qof ay dhinteen, 21 kalena ay dhaawacmeen kadib weerarro ka dhacay gobollada Belgorod iyo Rostov 24-kii saac ee la soo dhaafay.

  20. War deg deg ah, War cusub oo ku saabsan xaaladda Marinka Hormuz iyo hanjabaadaha hawada la isku marinayo

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran ayaa diiday hadalkii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ahaa in Marinka Hormuz uu furan yahay, iyagoo sheegay:

    “Markabna looma oggolaan doono inuu maro Marinka Hormuz haddii uusan la xiriirin Iran oo uusan ka helin oggolaansho.”

    Ilaalada Kacaanka ayaa hadallada saraakiisha Mareykanka ee ku saabsan furitaanka Marinka Hormuz ku tilmaamay “been cad.” Sida ay ciidamadu sheegeen, “Mareykanku hadalladan wuxuu u adeegsanayaa inuu ku xakameeyo qiimaha shidaalka, isla markaana uu qariyo guuldarrooyinkiisa.”

    Ilaalada Ciidamada Ilaalada Kacaanka ayaa sidoo kale sheegay in “gacanta Iran ee ku aaddan Marinka Hormuz ay weli tahay mid buuxda,” xaaladdu sidaas ayay ahaan doontaa ilaa uu dhammaanayo hannaanka milatari ee Mareykanka uu ka wado Iran, isla markaana la buuxiyo shuruudaha ay Iran dejisay.