Dilal, silic iyo arxan-darro: Shan maamul oo taariikh dhiig badan ku reebay Afrika

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Abdou Aziz Diedhiou
- Role, BBC Africa News
- Published
- Waqtiga akhriska: 9 daqiiqo
Qaaradda Afrika, magacyadoodu waxay ku qoran yihiin bogagga taariikhda. Laga soo bilaabo Idi Amin, Mengistu Haile Mariam, Omar al-Bashir, Hissène Habré ilaa Charles Taylor, hoggaamiyayaashan waxay raad weyn ku reebeen xilliyadii ay talada hayeen, laga bilaabo sannadihii 1970-meeyadii ilaa bilowgii 2000-meeyadii.
Markii ay talada qabteen, intooda badan waxay ku xukumeen gacan bir ah, iyagoo hirgeliyey siyaasado cabburin ah oo ay ka mid ahaayeen dilal siyaasadeed, daldalid ama dilal si fagaare ah loo fuliyo, xadhigyo aan sharci ku salaysnayn, iyo adeegsiga jirdilka gudaha xarumaha lagu hayo maxaabiista.
Maqaalkan ay diyaarisay BBC News Africa wuxuu iftiiminayaa qaar ka mid ah hoggaamiyeyaashii xukunnadooda lala xiriiriyey heerar sare oo dhiig-daadin ah, sida ay sheegayaan warbixinno ay soo saareen ururrada xuquuqda aadanaha.
1. Idi Amin Dada (Uganda, 1971 ilaa 1979)

Xigashada Sawirka, Getty Images
Nolosha Idi Amin Dada ayaa lagu matalay filimka The Last King of Scotland, halkaas oo Forest Whitaker uu ku jilay doorka kaligii-taliyahaas reer Uganda.
Idi Amin wuxuu talada ku qabsaday afgambi milatari oo xilka ka tuuray Milton Obote 25-kii Janaayo 1971.
Markii uu awoodda la wareegay, wuxuu kala diray baarlamaanka, wuxuu hakiyey hawlihii xisbiyada siyaasadda, wuxuuna dhisay nidaam ku salaysan amarro madaxweyne. Ciidammada amniga waxaa la siiyey awoodo ballaaran oo ay dadka ku xiri karaan iyaga oo aan haysan amar maxkamadeed, islamarkaana ay muddo aan la cayimin ku hayn karaan xabsi, gaar ahaan kuwa lagu tuhunsanaa inay doonayaan inay xukunka afgambiyaan.
Inkasta oo markii hore talo-qabashadiisa ay rajo ku abuurtay qaar ka mid ah shacabka, xaaladdu si degdeg ah ayay isu beddeshay markii xukunkiisa lala xiriiriyey cabburin adag iyo xadgudubyo badan.
Sanadihii ugu horreeyey ee xukunkiisa waxaa la dilay saraakiil iyo mas'uuliyiin caan ah, oo uu ku jiray Benedicto Kiwanuka, oo ahaa Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Uganda. Waxaa la afduubay 21-kii Sebtembar 1972 isagoo ku sugan maxkamadda, kadibna waa la dilay sababo la xiriiray difaaciisii madaxbannaanida garsoorka.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Idi Amin wuxuu sidoo kale bilaabay dilal fagaare ah oo loo geysto dadka lagu eedeeyo inay doonayeen inay xilka ka qaadaan. Sida ay sheegtay Amnesty International, 9-kii Sebtembar 1977 waxaa si fagaare ah loo dilay 15 nin, waxaana jiray dhacdooyin badan oo la xiriiray dad la waayey ama la dilay oo ay fuliyeen ciidammada amniga.
Amnesty International waxay ku qortay mid ka mid ah warbixinnadeeda: "Laga soo bilaabo 1971, tiro aad u badan oo dad ah ayaa lagu waayey Uganda kadib markii ay qabteen ciidammada amniga."
Dadka la xiray waxaa loo gudbin jiray xarumo kala duwan oo amni, saldhigyo booliis iyo xeryo ciidan, kuwaas oo badankood loo beddelay goobo jirdil.
Warbixinnadu waxay sheegayaan in xeryaha milatariga ee magaalooyinka Uganda ay ka dhaceen dilal loo geystay askar iyo saraakiil booliis, gaar ahaan kuwa ka soo jeeday qowmiyadaha Acholi iyo Langi sannadihii 1971, 1972, 1973 iyo 1977. Qowmiyado kale sida Lugbara iyo Teso ayaa iyaguna la kulmay dhibaatooyin la mid ah.
Saraakiil badan oo heer sare ah, gaar ahaan kuwa Acholi iyo Langi, ayaa muddadaas la dilay. Waxaa sidoo kale la beegsaday hoggaamiyeyaal diimeed, oo uu ku jiray Janani Luwum, oo ahaa Archbishop-ka Uganda.
Bilihii Oktoobar iyo Noofambar 1977, qiyaastii 400 oo Masiixiyiin ah oo ku noolaa gobolka Masaka, badankoodna Katoolik ahaa, oo ay ku jireen 37 macallimiin diimeed, ayaa la dilay ama si sharci-darro ah loo xiray.
State Research Bureau, oo ahayd hay'addii sirdoonka ee si toos ah uga amar qaadan jirtay madaxweynaha, ayaa si weyn loogu eedeeyey dilalkaas.
Warbixinnadu waxay sidoo kale xuseen jiritaanka jirdil nidaamsan iyo dilal degdeg ah oo laga fulin jiray goobo fog-fog iyo guryo gaar loo leeyahay oo loo adeegsan jiray hawlahaas.
Sida ay sheegtay Amnesty International, dadka ay qabtaan saraakiishaasi waxay halis ugu jireen in la dilo iyaga oo aan maxkamad la horgeyn, ha noqoto rasaas ama habab kale oo arxan-darro ah.
Waxaa la soo sheegay habab aad u naxdin badan oo dilal ah, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen in maxaabiista lagu khasbo inay dilaan maxaabiis kale iyagoo loogu hanjabayo qori, ama in saf loo geliyo kadibna si isdaba joog ah loo dilo.
Muddo sanado ah, waxaa jiray warbixino badan oo sheegaya in la helay meydad ay madaxyadoodu burbursan yihiin.
Qiyaasaha tirada dadka lagu dilay xukunkii Idi Amin way kala duwan yihiin. Qiyaasaha ugu hooseeya waxay sheegaan in la dilay ku dhowaad 50,000 qof, halka qiyaaso kale ay tilmaamayaan in ka badan 300,000 qof la dilay ama ay ku dhinteen xadgudubyadii xukuumaddiisa.
Kadib markii xilka laga tuuray 1979, Idi Amin wuxuu u qaxay Sacuudi Carabiya, halkaas oo uu ku noolaa masaafuris ilaa uu geeriyooday 16-kii Agoosto 2003. Wuxuu dhintay isaga oo aan waligiis maxkamad la horgeyn si uu uga jawaabo eedeymihii dambiyada loo haystay.
2. Mengistu Haile Mariam (Itoobiya, 1977 ilaa 1991)

Xigashada Sawirka, (Photo by Françoise De Mulder/Roger Viollet via Getty Images)
Sannadkii 2008, maxkamad ku taalla Itoobiya ayaa Mengistu Haile Mariam ku heshay dambi ah xasuuq iyo dembiyo ka dhan ah bani'aadannimada, waxaana lagu xukumay dil toogasho ah (in la daldalo).
Dambiyadaas waxay la xiriireen olole cabburin ah oo loo yaqaan Red Terror, kaas oo dhacay intii u dhaxaysay 1977 ilaa 1978.
Sida ay sheegtay maxkamaddu, in ka badan 2,000 qof ayaa la dilay, oo ay ku jireen saraakiil sare oo dowladeed, wasiirro iyo xubno ka tirsan qoysaskii boqortooyada. Qiyaastii 2,400 qof ayaa la jirdilay.
Kumannaan qof oo lagu tuhmay inay mucaarad yihiin ayaa la xiray, la jirdilay ama la dilay. Meydadka qaar ayaa lagu tuuri jiray waddooyinka si shacabka loogu cabsi geliyo.
Ururrada xuquuqda aadanaha waxay sheegeen in xiritaan aan sharci ahayn, jirdil, dad la waayey iyo dilal ay ahaayeen wax caadi ka noqday muddadaas.
"Intii lagu jiray 17-kii sano ee la soo dhaafay, kumannaan qof oo lagu tuhmay inay mucaarad yihiin ayaa muddo dheer loo haystay xabsi iyaga oo aan wax dacwad ah la soo oogin ama maxkamad la horgeyn," ayay qortay Amnesty International.
Ururkaas wuxuu sheegay in mucaaradka taliska, gaar ahaan kuwa ka soo jeeday qowmiyadaha Tigray, Eritrea iyo Oromo, ay la kulmeen xarig aan sharci ahayn, jirdil, khasab lagu waayey iyo dilal.
Jirdilka ayaa ahaa mid si joogto ah loo adeegsado inta lagu jiray su'aalo weydiin iyo baaritaanno, kuwaas oo lagu hayay maxaabiista siyaasadeed iyo kuwa caadiga ah. Sida ay sheegtay Amnesty International, kumannaan maxbuus siyaasadeed ayaa si qarsoodi ah looga waayey xarumihii lagu hayay, waxaana la rumeysan yahay in si qarsoodi ah loo dilay.
Marqaatiyaal ayaa maxkamadda u sheegay in qoysaska u tegayay inay qaataan meydadka ehelladooda lagu qasbay inay bixiyaan lacagta rasaasta lagu dilay dadkaas.
End of Pia unaweza kusoma:
Marqaati uu bixiyey Gizaw Tefera ayaa sheegay in askar dishay aabbihiis ay madaxiisa ka jareen kadibna ay suuqa u geeyeen si loo xaraasho. Wuxuu yiri: "Qofna diyaar uma ahayn inuu iibsado madaxa aabbahay," isagoo hadalkan ka sheegay sannadkii 2000 intii lagu jiray dhageysiga maxkamadda.
Khabiir ku takhasusay baaritaanka meydadka oo ka socday Mercedes Doreth (Argentina) ayaa sheegay intii maxkamaddu socotay in qaar ka mid ah haraaga meydad laga soo saaray xabaalo wadareed ay muujinayeen in dadka la dilay lagu ceejiyey xadhig.
"Waxaan helnay xarigyo nayloon cagaaran oo si adag qoorta loogu xiray," ayay tiri Doreth sannadkii 2002.
Caddeymaha maxkamadda la hor keenay waxaa ka mid ahaa amarro dil ah oo saxiixan iyo fiidiyowyo muujinaya jirdil.
Mengistu Haile Mariam, oo aan joogin maxkamadda, ayaa ka baxsaday Itoobiya bishii May 1991 kadib markii uu u qaxay Zimbabwe, waligiisna looma soo celin Itoobiya si uu uga jawaabo dacwadaha loo haystay.
3. Omar al Bashir (Sudan, 1989 ilaa 2019)

Xigashada Sawirka, SEYLLOU/AFP via Getty Images
Omar al-Bashir xukunkiisa waxaa lala xiriiriyey dagaalladii sokeeye iyo xiisaddii Darfur, halkaas oo tobnaan kun oo qof lagu dilay intii u dhaxaysay 2003 ilaa 2008.
Wuxuu talada ku qabsaday afgambi milatari sannadkii 1989, wuxuuna Suudaan xukumayey ku dhowaad 30 sano.
Omar al-Bashir waxaa lagu eedeeyaa xasuuq ka dhan ah qowmiyadaha Fur, Masalit iyo Zaghawa. Waxa kale oo lagu tuhunsan yahay dambiyo ka dhan ah bani'aadannimada, oo ay ka mid yihiin dil, kufsi, jirdil iyo barakicin khasab ah.
Kadib markii xukunka laga tuuray 2019, waxaa lagu xiray gudaha Suudaan isaga oo wajahaya amarro qabasho oo badan oo ay soo saartay maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada (ICC), kuwaas oo la xiriira dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bani'aadannimada.
4. Charles Taylor (Liberia, 1997 ilaa 2003)

Xigashada Sawirka, (Photo by Patrick ROBERT/Sygma via Getty Images)
Charles Taylor wuxuu caan ku noqday mid ka mid ah hoggaamiyeyaashii fallaagada ee ugu awoodda badnaa kadib markii uu bilaabay dagaalkii sokeeye ee Liberia sannadkii 1989.
Intii u dhaxaysay 1989 ilaa 1997, Charles Taylor wuxuu hoggaaminayey kooxdii fallaagada ee National Patriotic Front of Liberia, taas oo ka dagaallamaysay in xilka laga tuuro madaxweynihii waqtigaas, Samuel Doe.
Sida ay sheegeen warbixinno ay soo saareen ururrada aan dowliga ahayn, dagaalyahannada kooxdiisa ayaa lagu eedeeyey xadgudubyo ba'an oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, oo ay ka mid yihiin dilal degdeg ah oo aan maxkamad lahayn, xasuuq, kufsi nidaamsan, jarista xubnaha jirka, jirdil, khasab qorista dadka lagu daro ciidanka fallaagada, iyo isticmaalka carruur ahaan askar.
Charles Taylor wuxuu si weyn ugu caan baxay xadgudubyadii ay sameeyeen ciidamadiisu intii lagu jiray dagaalkii dalka deriska ah ee Sierra Leone.
Intii uu socday dagaalkii sokeeye ee Sierra Leone (1991–2002), wuxuu taageeray kooxda fallaagada ee Revolutionary United Front ee uu hoggaaminayey Foday Sankoh.
Xilligaas, fallaagada RUF waxaa lagu eedeeyey dilal rayid, falal arxan-darro ah oo aad u daran, jarista xubnaha jirka dadka, afduub, iyo adeegsiga carruur askar ahaan. Arrimahan ayaa dagaalkaas ka dhigay mid ka mid ah kuwii ugu naxdinta badnaa ee taariikhda Galbeedka Afrika.
Qaar ka mid ah dhibbanayaasha waxaa lagu qasbay inay doortaan in gacanta ama lugta laga jaro.
Charles Taylor ayaa markii dambe lagu qabtay Nigeria, kadibna waxaa loo wareejiyey maxkamad ku taalla Netherlands.
Sannadkii 2012, waxaa lagu xukumay 50 sano oo xabsi ah kadib markii lagu helay dambi ah dagaal dembiyeed iyo dambiyo ka dhan ah bani'aadannimada.
5. Hissène Habré (Chad, 1982 ilaa 1990)

Xigashada Sawirka, (Photo by SEYLLOU/AFP via Getty Images)
Hissène Habré wuxuu ku dhintay xabsi ku yaalla magaalada Dakar ee Senegal sannadkii 2021.
Sannadkii 2016, maxkamad gaar ah oo Afrikaan ah ayaa ku heshay dambi ah dambiyo ka dhan ah bani'aadannimada, dambiyo dagaal, jirdil, kufsi iyo falal kale oo xadgudubyo galmo ah.
Xukunkiisa waxaa si weyn u maamulayey hay'adda sirdoonka ee loo yaqaan Direction de la Documentation et de la Sécurité, taas oo lala xiriiriyo cabburin xooggan oo ka dhan ah mucaaradka dowladda.
Warbixin ay soo saartay Human Rights Watch ayaa lagu sheegay in kumannaan qof si sharci-darro ah loo xiray, la dilay ama la jirdilay intii uu xukunka hayay.
Hababka jirdilka ee la sheegay waxaa ka mid ahaa "arbatachar", oo ah in gacmaha iyo lugaha maxbuuska lagu xiro dhabarka si uu dhiiggu u istaago oo keena naafo joogto ah.
"Qaar ka mid ah maxaabiista waxaa madaxa looga xirey saxan bir ah oo si xoog ah loo cadaadiyey, qaarna waxaa lagu garaacay koronto ama lagu jirdilay iyaga oo biyo lagu hafinayo," ayaa lagu qoray warbixinta.
Guddigii baaritaanka ee laga sameeyey Chad kadib markii Hissène Habré uu u qaxay Senegal 1990, ayaa qiyaasay in ku dhowaad 40,000 qof loo dilay sababo siyaasadeed, halka ku dhowaad 200,000 xaalado jirdil ah la diiwaangeliyey intii uu xukunka hayay oo socday ku dhowaad 8 sano.
Kadib markii xukunka laga tuuray 1990, wuxuu ku noolaa masaafuris gudaha Senegal muddo dheer, ilaa markii dambena maxkamad la soo taagay laguna xukumay 2016 dambiyo ka dhan ah bani'aadannimada, dambiyo dagaal iyo jirdil.
Kiiskiisa ayaa loo arkaa mid muhiim ah oo tusaale u noqday dadaallada lagula xisaabtamayo hoggaamiyeyaashii hore ee Afrika ee lagu eedeeyo xadgudubyo waaweyn oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.















